Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qurba Joog Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews),arbaca, 11ka January, 2017 Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Ee  garaad wiil waal international Airport ee  Magaalada Jigjiga Siweyn Loogu Soo Dahweeyay Wafdi Qurbajoog Uu Hogaamin Mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdullaahi oo ah muwaadin qurba joog ah islamarkaana    ay wehlinayaan maalqabeyno Ajaanib Ah

Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin ka tirsan xukuumada DDSI oo  ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdiwali Maxamed, wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, maareeyaha wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf Omas, wasiir ku xigeenka xidhiidhka arimaha dawlada DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale.

Qurba joogtan maanta la soo dhaweeyay oo ka timiday wadanka Sweden ayaa  la hadlay warbaahinta DDSI waxayna  sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sida meeqaamka sare ee ay xukuumada DDSI  u soo dhawaysay iyaga oo ka warbixiyay  ujeedada socdaalkooda oo ah sidii ay deegaanka u maalgalin lahaayeen maadaamo oo  deegaanku yahay meel ku fiican dhinaca maalgashiga, waxaana loo soo galbiyay xarunta deegaanka ee jigjiga iyaga oo  la kulmi doona  masuuliyiinta xukuumada DDSI si ay u soo bandhigaan qorshayaasha maalgashi ee ay wadaan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>