Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Adhisababa Iyo Munaasabad Heersare Ah Oo Looqabtay MW Ereteria Oo Si Toos Ah Uga Socota

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews)Axad, 15ka July 2018. Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasooqaybgaleen RW dalka JDFI Dr Abiyi Ahmed madaxwaynaha Eretria mudane Esaias Afwerki Madaxwaynayaasha deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar, golaha wasiirada JDFI, culimada diimaha kala duwan ee dalka, kooxaha dhaqanka ee kaladuwan fanaaniin can ah oo uu kamid yahay Tedy Afro iyo waliba shacabwaynaha qaybihiisa kaladuwan ee kudhaqan magaalada adhisababa ayaa wakhti xaadirkan si toos ah uga socota hoolka miliniumka ee caasamiada adhisababa.

Hadaba, munaasabadan oo ah mid aad u heer saraysa ayaa waxaa lagu bilaabay ducooyin ay soojeediyeen culimada diimaha kaladuwan ee dalka, iyo waliba heeso hido iyo dhaqan ah oo katurjumaya nabada labada wadan ee walaalaha ah intaas kadibna waxaa maslaxa lagu soodhaweeyay RW JDFI Dr Abiyi Ahmed oo halkaas kasoojeediyay khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo walaaltinimda labada wadan ee erertria iyo itoobiya. Iyo xidhiidhka cusub ee walaalnimo ee ubilawday labada shacab ee walaalaha ah. Sidookale RW ayaa kahadlay sii xoojinta walaaltinimda qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalka itoobiya.

Khudbad dheer kadibna RW dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa maslaxa kusoodhaweeyay Madaxwaynaha dalka Eretria mudane esaias afwerki oo isna halkaasi kasoojeediyay khudbad muhiim ah isagoo kuhadlaya luuqada dalka ee afka amhaariga iyadoo hadalkiisana uu kamid ahaa ‘’nabada iyo xidhiidhka walaalnimo ee cusub waan sii wadaynaa waligano” “wuxuuna heshiiskan cusubi noqon doonaa mid waara’’ sidooka;le  madaxwaynaha ayaa aad ugu mahadceliyay shacabwaynaha dalka itoobiya sida quruxda badan ee laab-xaadhnida ah ee ay usoo dhaweeyeen.

Sidookale, waaxaa xusid mudan in munaasabadan  uu kasoo qaybgalay fanaanka caanka ah ee Tedy Afro oo isna halkaas kusoo bandhigayo heeso cajiib ah

iskusoowada duuboo,, muanaasabadan qaaliga ah oo ah mid loo dhan yahay laguna maamusayo walaaltinimada iyo heshiiska cusub ee labada wadan ee itoobiya iyo Eretria islamarkaana uu khilaafka iyo kala qoqobnaato  dhaxtaalay mudo kabadan 24sano ayaa wakhti-xaadirkan si toos ah uga socota hoolka wayn ee  milliniumka ee caasimada adhisababa iyadoo munaasabadana ay si habsamileh usii socoto islamarkaana ay socdaan heeso wadani ah oo katurjumaya dhaqanka iyo walaaltinimada labada wadan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>