Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Khudbadii RW Dr. Abiyi Ahmed Ee Caawa

$
0
0

Hawasa(cakaarnews)Sabti, 14ka, July 2018.  Raisal wasaraha JDFI Dr Abiyi Ahmed ayaa khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay munaasabadii casho sharafta ee magaalada hawasa loogu qabtay madawaynaha dalka Eretria mudane esaias Afwerki. Wuxuuna Raisal wasaaruhu Khudbadaas kusooqaatay arrimo muhiim ah oo kahadlaya guud ahaan dalkeenan itoobiya isagoo si gaar ah ugu nuux nuuxsaday shaqsiyaadka lidka ku ah nabadgalyada wadanka.

Hadaba, RW Dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa hadlakiisa kubilaabay sidan:-  “hadafkeenu wuxuu inoo hirgali karaa oo kali ah marka aan isjecelahay ee aan nabadgalyo haysano. sidaas darted, shaqsiyaadka itoobiyaanka ah ee kusugan dalka gudihiisa gaar ahaan deegaanada ay khilaafku kajiraan ee aan fahansanayn qiimaha ay nabadgalyadu leedahay, fadlan bal maanta halkan qiimaha nabada kabarta ayaan idin odhan lahaa.”

“Waxaa jirta in wali ay si ceeb ah ama foolxun ay dad itoobiyaan ahi mar walba kudhimanayaan oo waliba ay muwaadiniinta qaarkood dhib wayn kunoqotay inay nabad kusoo hoydaan waana wax laga murugoodo. sidaasdarteed, fadlan dadka dhibkan wadaw inaad fagaaraha isjecaylka usoo leexataan ayaan fariintaydii ugu dambaysay idiinku soo dirayaa’’.

RW dalka Dr Abiyi Ahmed ayaa hadalkiisa kusoo gunaanday sidan:- “Itoobiya waxay kusugantahay xaalad rajo wanaagsan leh, sababtoo ah itoobiya waxay heshay walaasheedii ay kala lumeen, si markaasi xidhiidhkan walaalnimo ee labada wadan uu si farxadleh oo qurux badan uu qoys walba iyo muwaadin walba oo inaga mid ahi uga faa’iidaysto waa inaan lamarin habaabin. Marka shaqsiyada deegaanada qaarkood dhibaatooyinka kawada waxaan ugu baaqayaa fadlan isjacaylkeena iyo walaalnimadeena qaaliga ah haxumaynina oo faraha kalabaxa qaska aad wadaan laakiin haday sidan kusii socoto xaaladu, maadaama aan biniaadam nahay fadlan inaan talaabo idinka qaadno hanagu khasbina. Waad mahadsantihiin.”

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>