Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 19ka June, 2018. Waxaa xarunta deegaanka kaqabsoomay kulan balaadhan oo lagu daahfurayay mashruuca taakulaynta hab-nololeedka qoysaska ay saameeyeen abaarihii kal hore islamarkaana ay fulintiisa iska kaashadeen xukuumada DDSI, hay’adaha UNDP IYO FAO. Iyadoo mashruucana maalgalintiisa laga helay dawlada Austria.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Kulankan daahfurka ah ayaa waxaa kasooqaybgalay wasiirka xafiiska Horumarinta Khayraadka biyaha mudane axmed cabdi maxamed, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahim aadan mahad, masuuliyiin kasocday wadanka austeria. Wasiiro heerdeegaan ah, maareyayaal, agaasimayaal iyo waliba khabiiro kakala socday xafiisyada bahwadaagta ah.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Hadaba, kulankan ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in kulankani ahaa mid lagu daahfurayay mashruuca hab-nololeedka qoysaska ay abaaruhu saameeyeen. Kaasoo ah mashruucu loogu talagalay kor uqaadista nolosha bulshada. Wuxuuna intaas kudaray wasiirku in mashruucan ay maalgalisay dawlada austeria islamarkaana ay mashruucan si wada jir ah u fulinayaan hay’adaha UNDP, FAO iyo hay’adaha dawliga ah ee deegaanka ee sida xafiisyada xoolaha, DPPP, beeraha, biyaha, caafimaadka iyo xafiiska maaliyada oo ah iskuxidhihii. Wuxuuna tilmaamay in mashruucani uu ka hawlgali doonaa degmada wardheer ee gobolka doolo iyo degmada qabridahar ee gobolka qoraxey. Sidookale wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in mashruucani uu yahay mid 2 sano ah islamarkaana uu kor uqaadi doono heerka nololeed ee qoysaska ay abaartii kalhore saamaysay islamarkaana uu kataageeri doono dhanka noloshaooda danbe isagoo siyaabo kaladuwan u taakulaynaya oo ay kamid tahay xoolo siin iyo waliba barashada kaafaa'iidaysiga ugu wanaagsan ee dhaqashada xoolaha iyo beerashadaba.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhanakale, masuuliyiinta kasocday wadanka Austria oo isna dhankooda kahadlay ayaa shegay in mashruucani uu qaybwayn kaqadanyo dadaalada lagu dhimayo saboolnimada islamrkaana lagu taakulaynayo bulshada ay abaartu saamaysay. Waxayna tilmaameen in mashruucu uu bulshada kataageerayo noloshooda islamarkaana uu usamaynayo dajin isagoo udiiyaarinaya xoolihii, beerihii iyo adeegyo kale.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Iskusoowada duuboo, mashruucan ayaa ah mid qayb ka ah ladagaalanka saboolnimada islamarkaana wax lagaga badalayo bulshada xoolodhaqatada ah ee ay abaartii kal hore saamasay. Wuuuna mashruucani ufaaiidayn doonaa qoysas tiradoodu kor udhaafayso 20,00 oo qoys.