Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Safaarada Dalka Maraykanka Oo Tababar Aqoon Koradhsi Ah Uqabatay Bahda Saxaafada Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 19ka June 2018. Safaarada dalka maraykana ee dalkeena itoobiya ee uu fadhigeedu yahay addis-ababa ayaa tababar aqoon koradhsi ah uqabatay qaarkamid ah shaqaalaha bahda warbaahinta deegaanka iyo bahwadaagtooda.

Hadaba tababarkan aqoon koradhsiga ah oo ay kasoo qaybgaleen wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha dawlada DDSI mudane Idiriis Ismaaciil, maareeyaha wakaalada warbaahinta DDSI mudane Farxaan Maxamuud Axmed, qaar kamid ah wariyeyaasha ESTV iyo waliba qaarkamid ah shaqaalaha saxaafada bahwadaagta la ah warbaahinta deegaanka ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha dawlada DDSI mudane Idiriis Ismaaciil oo ugu horayn sheegay inuu tababarkan yahay mid aqoon iswaydaarsi ah islamarkaana kor uqaadaya garaadka aqooneed bahda warbaahinta deegaanka, wuxuuna wasiirku intaa ku daray in maadaama oo ay jiraan qodobo tastuurka kamid ah oo qeexaya in shacabku xaq uleeyihiin inay helaan warar sugan oo ku salaysan xaqiiqda.iyadoo uu wasiirku xusay in tababarkan oo ay bixinayaan khubura ka socda safaarada maraykanka ee dalkeena itoobiya uu socon doono mudo 2 maalmood ah.

Ugu danbayna wasiirka ayaa tababar qaatayaasha kula dardaarmay inay si fiican uqaataan cashirka mudada uu tababarku socdo maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana xidhiidh la leh mustaqbalkiina shaqo, isagoo carabka ku adkeeyay in tababarkani yahay mid ay ku tartamayaan dhamaan dawlada deegaanada dalka islamarkaana deegaanka ku guulaystaa uu gacansiin fiican heli doono.   

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>