Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 7da June 2018. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga ujeedadiisuna ahaa sidii loogu diyaargaroobi lahaa munaasabada ciida ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka sayid maxamed cabdule xasan.
Hadaba kulan oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiinta MMJ oo uu ugu horeeyo maayarka mmj mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak iyo madaxa arrimaha xisbiga MMJ mudane Cabdulaahi Bukhaari ayaa ugu horayn sheegay in kulankan ujeedadiisu yahay sidii loogu diyaargaroobi lahaa munaasbada ciida islamarkaana loosii xoojinlahaa horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid qaybaha kaladuwan ee ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga oo sheegay inay udiyaargaroobeen soo dhawaynta munaasbada ciida islamarkaana ay sii adkaynayaan horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada, waxayna intaa ku dareen inay ka shaqaynayaan nabadgalyada maamulka magaalada jigjiga.