Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Balaadhan Iyo Dhalinyarada Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Khamiis, 17ka May, 2018. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan dhalinyarta maalmulka magaalada qabridahar oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyo wasiirka kuxgeenka xafiiska tababarada,xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta mudane Kifaax Macalin, maareeyaha kuliyada caafimaadka mudane Kaamil Cabdulaahi Haybe, Gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Cabdicasiis Axmed, maayarka magaalada Qabridahar mudane Yuusuf Xasan ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulan oo lagaga wadahadlayay sidii loosii xoojinlahaa horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada ayaa waxaa ugu horyn ka hadlay wasiir kuxgeenka xafiiska tababaar, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Badri Yuusuf oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu xoojinayo horumarka, nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada islamarkaana loobahan yahay in la ilaashado oo wax walba iskudaya inuu horumarkaas mudada gaaban lagu gaadhay burburiya si wadajir ah iskaga qabano, wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in maanta guud ahaanba deegaanka ka hanaqaaday horumar baaxad leh gaar ahaan waxaa magaalada qabridahar laga fuliyay mashaariico waawayn oo mug leh sida jaamacada qabridahar, garoonka caalimaga ah diyaaradaha, kuliyadahaha, guriyaynta iyo dhamaanba adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay mas’uuliyiintii kale oo sheegay inuu deegaanka maanta gaadhay horumar lagu faani karo oo dhinacyo badane ah islamarkaana uu horumarkaas cadaw badan leeyahay loona baahanyahay in cadawgaas gacan bir lagu qabto. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in dhalinta qabadahar looga baahanyahay inay sii xoojiyaan horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee ay XDSHSI iyo xukuumada mudada yar gudaheed ku hirgaliyeen, kana hortagaan shaqsiyaadka arragtida cidhiidhyoon ee raba inay horumarka deegaanka dib uceliyaan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay dhalinyarta maamulka magaalada qabridahar oo sheegay inay marwalba garabtaagan yihiin horumraka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanaqaaday deegaanka, waxayna dhalintu wacad ku mareen inay gacan bir ah ku qabanayaan shaqsiyaadka aragtida cidhiidhyoon ee raba inay caqabad ku noqdaan horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka hanaqaaday DDSI. Dhalinta ayaana carabka ku adkeeyay inay gacan bir ah ku qabanayaan shaqsiyaadka nabadiidka iyo hrumardiidka ah ee raba taako udhigaan horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>