Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kusaabsan La qabsiga Saadaasha Hawada Ee Isbadalka Cimilada Oo Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaranews)Jumce, 22ka June, 2018. Tababar ay siwadajir ah usoo agaasimeen waasarada beeraha ee JDFI iyo xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI oo loo qabtay qaar kamid ah bulshada xoolodhaqato beeralayda ah ee ku dhaqan degmada tuliguuleed iyo maamulka magaalada wajaale ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen 40 xubnood oo xoolo dhaqato beeralay ah oo kakala socdey degmada tuliguuleed, MMW iyo waliba qaarkamid ah shaqaalaha xafiiska ayaa waxaa ugu horayn furay Agaasinka Waaxda Khayraadka Dabiiciga Ee Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah Mudane Badal Keenadiid oo sheegay in uu tababarkan ujeedadiisu tahay sidii bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah loo barilahaa laqabsiga  saamaynta isbadalka cimilada ay ku leedahay bulshada xoolo dhaqato beeralayda ah. Wuxuuna agaasinku xusay in loo baahan yahay in bulshada xoolodhaqato beeralaydu bartaan siday warbixin uga heli lahaayeen xarumaha saadaasha hawada xiliyada roobka iyo xiliyada kalaba.

Ugudanbayn, tababarkan oo socon doono mudo labo maalmood ah ayaa la filyaa inuu noqdo mid wax wayn kabadala qaab usocdka bulshada xoolodhaqato beeralayda ah ee ku dhaqan degmada tuli guuleed iyo MMW.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>