Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Hay’adaha ka hawlgala Deegaanka Oo Lagusoo Gabagabeeyay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 21ka June 2018. Kulan balaadhan oo qiimayn iyo wadatashi isugujira oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta xafiisyda horumarinta  heer deegaan iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee ay bahwadaagta yihiin ee ka hawlgala deegaanka islamarkaana lagu qiimaynayay waxqabadka hay’adaha ka hawlgala deegaanka ayaa  lagusoo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan qiimaynta ah ee uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 20 hay’adood oo ah kuwa aan dawliga ahayn, deeqbixiyaaal iyo xafiisyada heer deegaan ee ay bah-wadaagta yihiin  ayaa waxaa kawarbixiyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Axmed Cabdi oo sheegay inuu kulankan yahay mid ahmiyad muhiim ah leh islamarkaana sanadkii labo jeer lagu qiimeeyo waxqabadka hay’adaha ka hawlgala deegaanka, wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kulankan qiimaynta ah  lagu qiimeeyo mashaariicaha kaladuwan ee ay hay’aduhu ka fuliyaan deegaanka, Isagoo wasiirku xusay in kulankan lagaga hadlay arrimo badan oo muhiim ah oo ay kamid tahay in ay hay’adaha deegaanka ka hawlgala ay  fursadaha shaqo abuurka siiyaan dhalinta deegaanka ee waxbartay iyo kuwa soo dhameeyay jaamacadaha. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in kulankan wadatashiga iyo qiimaynta isugu jira uu yahay mid sii xoojinaya wadashaqaynta hay’adaha iyo xafiisyada ay bah-wadaagta yihiin.

Ugu danbayn kulankan qiimaynta iyo wadatashiga isugujiiray  ee lagu qiimaynayay waxqabadka hay’adaha ka hawlgala deegaanka  oo maalmahanba ka socday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa  jawi fiican lagusoo gabagabeeyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>