Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shaqaalaysiinta Si Bakhtiyaanasiib Ah Iyo Xirfadlayaashii Kuliyada Caafimaadka Ka Qalin Jabiyay Hada Oo Gacantooda Si Iskood Ah Isugu Meeleeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 21ka, June, 2018. Barnaamijka bakhtiyaanasiibka ee gacantaada isku shaqaalaysii ayaa ah barnaamij 4 sano uun deegaanka kajira islamarkaana ah mid ay kudiirsadeen ardayda kasooqalinjabisa jaamacadaha iyo kuliyadaha dalka iyo deegaankaba. waxaana maanta gacantooda si bakhtiyaanasiib ah isugu meeleeyaay xirfadlayaal caafimaad oo tiradoodu dhanatahay 445 xirfadle islamarkaana 2 cisho kahor ka qalin jabiyay kuliyada caafimaadka ee jigjiga. Iyadoo nidaamkan nasiibka ah ee shaqaalaysiinta xirfadlayaasha caafimaadka uu kala soo qaybgalay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidaasi darteed, barnaamijkan gacantaada iskumeelee ee sida nasiibka ah xirfadlayaashu isugu meelaynayaan ayaa waxaa soo agaasimay islamarkaana isku soo duba riday  xafiiska caafimaadka DDSI.

Hadaba, waxaa goobtaas ugu horayn ka hadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn xirfadlayaasha iyo kaqaybgalyashaba uga warbixyay faa’iidada iyo cadaalada barnaamijka gacantaada isku meelee. Wuxuuna sharaxaad kabixiyay sida loo soo agaasimay barnaamijka islamarkaana loosoo diyaariyay tirada xirfadlayaasha caafimaadka, nooca xirfadooda iyo waliba degmooyinka u baahan. Wuxuuna tilmaamay in degmooyinka ubaahan xirfadaha caafimaadka ay kala dhaw yihiin, kala adeeg fiican yihiin, islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in maadaama xirfadlayaashu isku heer yihiin isku aqoona yihiin ay nasiib kuqaataan degmooyinkaas taasina ay cadalada tahay.

Sidookale, Madaxwaynaha oo hadal kiisa sii wata ayaa xirfadlayaasha ku booriyay faa’iidada sadaqada wuxuuna sheegay hadalka wanaagsan iyo shaqada fiicaniba ay tahay sadaqo. islamarkaana ay muhiim tahay in lagu dadaalo ficilada wanaagsan. wuxuuna madaxwaynuhu u soojeediyay xirfadlayaasha in sidaacad ah ay ugu adeegaan bulshadooda. Isagoo tilmaamay islamarkaana tusaale usoo qaatay xirfadlayaasha bartay umulasinimoda in ay daryeelan hooyada foolanaysa iyo ilmaha. Islamrkaana y ogaadaan Hadii dayacaad katimid xirfadlaha midwiveryga ah ay hooyadu wax u noqoto in isaga ama iyada ilaahay kala xisaabtami aakhiro sharciga dawlada kasakaw.

Dhankakale, Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Caydaruus Axmed oo isna warbaahinta uga waramay diyaarinta barnaamijkan gacantaada iskumeelee si bakhtiyaanasiib ah ayaa sheegay in xafiisku uu soodiyaariyay dhamaan baahiyaha dhanka xirfadlayaasha ah ee kajira xarumaha iyo hospitaalada deegaanka islamarkaana ladiyaariyay dhamaan  Listiga magacayada xirfadlayaasha kaqalinjabiyay kuliyada caafimadka ee jigjiga mudo 2 cisho ah kahor kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 445 islamarkaana bartay xirfadaha kala ah Labrotory, clinical- nurse,  pharmacy, HIMS iyo Midwifery.

Wuxuuna tilmaamay wasiir-kuxigeenku in si cadaalad ah loo fuliyay shaqadan islamarkaana uu u rajaynayo xirfadlayaasha in si cadaalad ah oo daacadnimo kudheehantahay ugu adeegaan bulshadooda

Ugudanbayna, xirfadlayaahsii gacantooda sida bakhtiyaa nasiibka ah isugu meeleeyay oo dareenkooda kahadlaya ayasheegay in maanta aysan farxadooda qiyaasi Karin islamarkaana ay kuqanacsanyihiin degmada usoobaxday si daacad ahna ugu soo adeegayaan bulshadooda. Waxayna u mahadceliyeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>