Jigjiga(cakaaranews)Axad, 17ka June 2018. Waxaa hoolka shirarka ee SMCX kaqabsoomay Munaasabad qalinjabin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kuqalinjabinayeen dufcadii 13aad ee ardayda kuliyada caafimaadka ee JHSC oo tiradoodu dhnatahay 454. Iyadoo munaasabadan ay kasoo qaybgaleen Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, golaha wasiirada, odayaal-dhaqameedka Deegaanka, waalidiinta qalinjabiyayaasha iyo waliba dhamaan ardayda qalinjabiyayaasha ah ee waxkabaranaysay kuliyada caafimaadaka ee jigjiga.
Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uguhorayn halkaasi hanbalyo usoo jeediyay qalinjabiyaaysha. Wuxuun madaxwaynuhuu kahadlay faa’iidada xirfadahan kaladuwan ee cafimaadka ee ay kuqalinjabiyeen ardaydu isagoo madaxwaynuhuu carabka ku adkeeyay in dhamaan xirfadahan caafimaadka ay barteen qalinjbiyaayshu ay yihiin kuwo qaali ah aadna loogu baahan yahay. Wuxuuna xusay in xirfadan aybarteen qalinjabiyayaashu ay qayb wayn katahay fulinta qorshaheena kobaca iyo isbadalka dhaqalaha (GPT2).sidookale madaxwaynaha ayaa tilmaamay islamarkaana tusaale usooqaaatay faaiidad iyo waxqabadka xirfadlayaasha caafiaamadka deegaanka sidii ay qayb libaax uga qaateen badbaadinta shacabka xiliigii xanuunkii shuban biyoodka ee abaartii kalhore.
Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay qalinjabinyayaasha in ay qalinjabiyaayshu xirfadan ay barteen ay ugu adegaan bulshadooda si daacad ah oo xilkasnimo ah. Wuxuun uga u duceeyay in xirfadan ay barteen uu ilahay kadhigo mid ay ku’anfaacaan naftooda iyo dadkoodaba.
Sidookale, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta ‘TVET’ Mudane Badri Yuusuf oo isna kahadlay xafladan ayaa ugu horayn usoo jeediyay hanbalyo dhamaan qalinjabiyayaasha kuliyada caafimaadka ee JHSC. Wuxuuna qalinjabiyaaysha ku booriyay in xirfadoodan qaliga ah ee ay barteen ay kor usii qaadaan islamarkaana ay noqdaan kuwo bulshadooda si daacad u ah ugu adeega.
Dhankakale, Maareeyaha Kuliyada Caafimaadka ee JHSC mudane Kaamil Cabdulaahi Haybe oo Isna dhankiisa kahadlay ayaa halkaas kasoojeediyay sooyaalkii taariikheed ee kuliayada caafimaadka. Waxauuna xusay in ilaa iyo markii laaasaasy kuliyadan ay kaqalinjabyeen Arday cadaddkoodu dhan tahay 4256 arday oo aysan kujirin kuwan maanta qalinjabinaya Oo ah dufcadii 13aad islamarkaan ay ardayda maanta qalinjabinaysa ay tiradoodu dhan tahay 454 arday kuwaasoo 215 ay yihiin rag meesha 239 ay yihiin dumar. Wuxuuna xusay in ardaydani ay mudo sadexsano baranayeen culuumta kaladuwan ee caafiamadka islamarkaan ay yihiin arday laga soo kalaxulay 11 gobol 93 degmo iyo 6 maamul magaalo ee deegaanka.
Iskusoowadaduuboo, gabagabadiii munaasabadan ayaa madaxwaynaha iyo masuuliyiinta kuliyada caafimaadku ay abaal marin ku gudoonsiiyeen ardaydii kaalma hore ka gashay waxbarashada kuliyada caafiamadka ee jigjiga.