Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW CMC Oo Munaasabada Ciidul Fidriga Hambalyo Tahniyad ah Udiray Muslimiinta Caalamka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 14ka June 2018. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada  farxada ciidul Fidriga hanbalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  itoobiya  gaar ahaan DDSI.

Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo  khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri iyo xasanaadna  kala kulmiyo soonkii bishii barakaysneed ay  soomanaayeen. 

Madaxwaynaha DDSi  ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida  farxada lala  wadaago dadka danyarta lana  caawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu ka warhayo walaala muslimiinta danyarta ah ee  dariskiisa la ah.

Ugu danbayana madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan shacabka deegaanka meel kasta oo ay dacalada dunida ka joogaan u rajeeyay farxad, wanaag iyo midnimo isagoona ilaahay ka baryay in sanadkan sanadkiisa uu ilaahay ku gaadhsiiyo unasii adkeeyo horumarka, nabadgalyad,caafimaadka, barwaaqada iyo fikirkooda midnimo ee ay ku rabaan inay kagabaxaan saboolnimadka oo ah cadawga 1aad ee shacabka deegaanka.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles