Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Dhagaxmadaw Iyo Kulan Loo Qabtay Shaqaalaha Dawliga ah

$
0
0

Dhagaxmadaw(cakaaranews)Arbaco, 13ka June, 2018. Kulan balaadhan oo ay kasooqaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane muxumed xasan suufi, mas’uuliyiinta degmada dhagaxmadaw iyo waliba dhamaan shaqaalaha kashaqeeya xafiisyada kaladuwan ee degmada ayaa si habsami leh uga qabsoomay isla degmadaasi dhagaxmadaw ee katirsan gobolka jarar.

Hadaba, kulankan ayaa waxa augu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Jarar Mudane Muxumed Xasan Suufi oo sheegay in hjeedada kulankani yahay mid dhiiri galain ah islamarkaana lagu sii xoojinayo fulinta waajibaadyada shaqo. Wuxuuna intaas kudaray in shaqaale kasta oo dawli ah oo kashaqeeya xafiisyada kaladuwan ee degmada dhagaxmadaw uu saran yahay masuuliyad islamarkaana uu shaqsi kastaa su daacad ah oo wadaniyadi kudhaahan tahay uga soobaxo xilka waaajibaadkiisa.

Sidookale, Gudoomiayaha Degmada Dhagaxmadaw Mudane Axmed Ibraahim Xuseen oo isna shirkan kahadlay ayaa sheegay in kulankani kusaabsanyahay sii xoojinta hawlaha shaqo ee uyaala xafiisyada degmada. Wuxuuna intaas kudaray in shirkan lagu kalaqaadanayo jihooyin horumarineed  maadaama uu sanad miisaaniyadeedkii 2010 T.I uu meel gabagabo ah marayo islamarkaana la isu diyaarinayo fulinta qorshaha SM 2011 T.I .

Ugudanbayna, shaqaalihii kasooqaybgalay kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in kulankani ahaa mid lagaga wada hadlayo halwlaha shaqo ee xafiisyada islamarkaana lagu sii xoojinayo  shqooyinka uyaala xafiisyada degmada iyo walib sidii kor loogu qaadi lahaa adeeg bixinta xafiisyada. Waxaqyna shaqaaluhu balan qaadeen in ay dadaalkooda sii labo jibaarayaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>