Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MW Kuxigeenka Oo Xadhiga Kajaray Dhismayaasha Bangiga Kaydka Dhiiga Iyo Farmasi Si Casri Ah Loo Dhisay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 8da June 2018. madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ayaa xadhiga kajaray mashruuca bangiga kaydka dhiiga kaasoo laga dhisay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyo waliba farmasi si casri ah loo dhisay oo laga dhisay gudaha Cusbitaalka kaaramardha. iyadoo xadhig kajarka dhismayaashana ay MW-kuxigeenka ku wahelinayeen wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI iyo waliba wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka DDSI.

Hadaba, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xamdi Aadan oo warbaahinta uga warbixyay dhismayaashan ayaa sheegay in ay maanta farxad wayn utahay In ay xadhiga kajaaran maharuuca bangiga kaydka dhiiga iyo waliba dhismaha farmasi casri ah oo laga dhisay gudaha husbitaalka Karamardha. Wuxuuna intaa kudaray in mashruuca dhismaha bangiga kaydka dhiiga uu yahay guri balaadhan oo dabaqa kaasoo kakooban  G+2. Wuxuuna intaas kudaray in dhismahani uu yahay kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyo deegaanka. Sidookale  MW kuxigeenka ayaa xusay in mashaariicahcani ay faaiido balaadhan u yeelanayaan deegaanka islamarkaana ay yihiin mashaariic  aad  loogu baahnaa isagoo kula dardaarmay shaqaalaha bangiga dhiiga in ay sifiican oo daacad ah ayu ugu adeegaan bulshada maadaama oo ay hayaan shaqo aad muhiim u ah.

Sidookale, Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Mudane Axmed Koore oo isna kahadlay mashaariicdan maanta ay xadhiga kajareen ayaa sheegay in dhismaha bangiga dhiiga iyo waliba dhismaha farmasiguba ay yihiin kuwo aad muhiim ah islamarkaana si qurxbadan oo tayo leh loo dhisay. Wuxuuna intaas kudaray in ay yihiin mashaariic qayb wayn ka qaata daboolida baahida caafimaadka deegaanka.

Dhankakae, Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Caydaruus Axmed oo isna kahadlay mashaariicdan ayaa sheegay in  mashruucan bangiga kaydka dhiigu uu yahay mid si casri ah loo dhisay islamarkaana ay ujeedadiisu tahay in guul laga gaadho islamarkana loo badbaadiyo hooyada iyo bukaanka ubaahan dhiiga. Wuxuuna xusay in hooyada iyo bukaanka ubaahan dhiiga lasiiyo adeeg hufan oo degdeg ah.

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in sidookale mashruuca bangiga kaydka dhiiga laga dhisay gobolada afdheer iyo shabeele kaasoo laga kala dhisay Degmada Hargeele ee xarunta gobolka afdheer iyo waliba magaalada Godey ee xarunta gobolka shabeele islamarkaana dhawaan xadhiga laga jari doono.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>