Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Marwo Azeb Mesfin Oo Mar Labaad Loo Doortay Gudoomiyaha Meles Foundation

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Talaado, 3da January 2017. Waxaa mar labaad marwo Azeb Mesfin dib loogu doortay gudoomiyaha gudiga Meles Foundation meesha kuxigeenkana loo doortay mudane Shiferaw Shigute oo ah madaxa xarunta dhexe ee EPRDF Kadib qiimayn lagu sameeyay qorshayaashii waxqabadka xarunta tababarada iyo cilmi baadhista ee meles foundation uu hirgaliyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Gudigan xarunta tababarada iyo cilmi-baadhista ee meles zenawi foundation ayaa ah gudi kakooban 14 xubnood oo 4 kamid ah ay yihiin qoyska ama ehelka meles zenewi waa sida uu bayaanka lagu aas-aasay xaruntani dhigayee meesha 9ka kalana kasoo jeedaan deegaanada kale ee dalka maadaama uu mudane meles ahaa mas’uul itoobiya oo dhan udhexeeya. Waxaana madaxdii 4tii sano ee lasoo dhaafay ee foundationkan kamid ahaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba shirwaynaha foundationkan oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha gudiga foundationka marwo Azeb Mesfin iyo kuxigeenkii hore ee foundationka mudane Kassa Teklebirhan ayaa 4 sano kadib waxaa galinkii hore ee maalintii shalay isugu yimid 300 oo qof iyadoo kulankana lagu falanqeeyay laguna qiimeeyay qorshayaashii waxqabadka ururkan islamarkaana dood dheer kadib lagu ansixiyay waxqabadyadii kaladuwanaa ee uu qabtay ururku oo ay kamid ahayeen dhismayaal waawayn oo si cajiib ah loo dhisay oo 80% dhamaaday, Libreeriyo iyo meelo lagu kaydiyay masxafyadii iyo qoraaladii waxqabadkii mudane meles zenewi-raisal wasaarihii hore ee dalka oo bilow ilaa dhamaad mudo 40 sano ah waxqabadkiisii laga tixraaci karo.

Kadibna waxaa laqiimeeyay boardigii hore ee foundationka oo kakoobnaa xubno mas’uuliyiin sare ah oo kasoo jeeda deegaanada dalka oo inta badan goob-joog ahaa marka laga reebo madaxwaynihii hore ee deegaanka binishangul gumuz mudane Axmednaasir oo isagu geeriyooday-Allah ha unaxariistee .

Iskusoo wada duuboo, waxaa 13kii xubnood ee hore ee dib loo soo doortay kamid ah marwo Azeb Mesfin, mawro sabahat meles, mudane shiferaw shigute, mudane tewodros, madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kale iyadoo dhamaan xubnahan dib loo soo doortay ay muujiyeen karti, fir-fircooni iyo dadaal dheeri ah islamarkaana ay shaqooyinkii loo idmaday uguteen si daacadnimo iyo xilkasnimo kudheehan tahay.

 


Tababar Loo Qabtay Macalimiinta Dhiga Madooyinka Sceince iyo English

$
0
0

 Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 4ta Janaury 2017. Tababar usoo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI waaxdiisa horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta dhiga maadooyinka Sceince iyo Englishka ee gobolada Faafan, Jarar,Siti iyo Erar, ayaa ka qabsoomay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka cakaaranews ooga waramay agaasinka horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada xafiiska waxbarashada DDSI mudane Faxaan Cabdi Makhtal oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka aqooneed ee barayaasha dhiga maadooyinka Sceince iyo English oo tiradoodu dhantahay 120 barayaal oo kala yimid degmooyinka gobolada faafan, jarar, Siti iyo Erar. Sidoo kale wuxuu agaasinku sheegay inuu xafiiska waxbarashada heer deegaan uu  dadaal dheer ugu jirto siduu kor oogu qaadi lahaa tayada macalimiinta deegaanka islamarkaana uu macalimiinta deegaanka uqabto tababaro lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee bars barasho.

Dhanka kale wuxuu agaasinku xusay inuu tababarku socon doono mudo 5 cisho ah yahayna mid muhiim ah islamarkaana ay baraayaashu waxbadan ka faaiidi doonaan, Ugu danbayna wuxuu masuulku kula dardaarmay tababar qaatayaasha inay ka faaiidaystaan cashirka mudada uu tababarku socdo, Sidoo kalana wuxuu usheegay inay markay tababarka qaataan ay ka dhaqan galiyaan schoolada ay barayaasha ka yihiin.

Shir Ay Yeesheen Xubno Ka Socday Heer Federal Iyo Xubno Heer Deegaan Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 5ta January 2017. Shir ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada JDFI, xildhibaano heer federal ah, Xubno ka socday xafiiska maamulka DDSI, xubno xarunta dhexe ee DDSI ah iyo agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI ayaa ka qabsoomay xafiiska wasiirka  waxbarashada DDSI.

Hadaba Kulankan oo uu hogaaminayay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane maxamuud axmednuur ayaa sheegay inuu kulankani yahay mid lagu ogaanayo la iskuna waydiinayo geedisocodka baris barasho ay arkeen xubnuhu mudada ay ku sugnaayeen xarunta deegaanka, maadaama oo ay xubnuhu kormeer kusoo mareen qaabka ay socoto nidaamka barisbarasho ee schoolada magaalada, iyagoo xubnuhu meela kaladuwan ka eegayay qaabka ay usocoto waxabarashada deegaanka, Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay xubnuhu aad oogu bogeen nidaamka baris barasho ee deegaanka.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah xubnihii ka socday heer federal oo si fiican u amaanay geedisocodka nidaamka barisbarasho ee ay ku arkeen goobaha waxbarasho ee deegaanka mudada ay kormeerka ku jireen, Sidoo kalana waxay xubnuhu aad u amaaneen xukuumada iyo XDSHSI oo dadaal dheer ugalay  kor uqaadida tayada waxbarasho iyo geedisocodka nidaamka barisbarasho ee ka hanaqaaday deegaanka.

Mashruuc Dhinaca Adeega Caafimaadka Ah Oo La Daah-furay maanta.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 5ta, January, 2017. Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo hay’adaha ay bah-wadagta yihiin ayaa maanta  hoolka shirarka ee  huteelka xamda ee caasimada DDSI ku qabtay  Xaflad  lagu daah-furayay mashuuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka wajigii 2aad ,  waana mashuuc ay siwada jir ah u hirgalinayaan  xafiiska caafimaadka DDSI iyo shan hay’adood oo ka mid ah hay’adaha  ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI

xafladii lagu daah-furayay mashruuca cusub dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  wajigiisa 2aad ayaa  waxaa ka soo qaybgalay masuuliyinta xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil, masuuliyiin ka socotay wasaarada caafimaadka JDFI iyo masuuliyiinta ugu saraysa  hay’adahan fulinaya mashruucan  

waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii xafladaa  wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI dadaal xoogan ugu jiro sidii bulshada DDSI loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh mashuucanna  qayb ka yahay dadaaladaasi . Wasiirka ayaa intaa ku daray in mashruucan maanta la daah-furayaa wax-wayn  ku soo kordhin-doono dadaalada loogu jiro gaadhsiinta adeeg caafimaad oo tayaysan bulshada Reer-guuraaga ah ee DDSI gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhalaanka.

Dhankiisa maareeyaha  mashruuca Dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee xafiiska caafimaadka  DDSI mudane Shaafici Daahir Muuse oo warbaahinta warbixin dheeriya ka siiyay shaqooyinka mashruucan uu qaban-doono  ayaa sheegay  in uu kaalin libaax ka qaadan doono ka  midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska caafimaadka DDSI gaar ahaan kor u qaadida adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. Maareeyaha ayaa codsi u diray maamulada heer gobol iyo heer degmo codsi gaasi oo ahaa in ay gacan siiyaan, dabagalaan lana xisaabtamaan fuliyayaasha mashruuca si bulshada  loo gaadhsiiyo adeegyada loogu  talagalay in looga  faa’iideeyo.

 

mashruucan cusub ee maanta la daah-furay ayaa waxa uu  oo socon doona muddo 2 sano ah  wuxuuna  daba socdaa xoojina u yahay mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka  qaybtiisii 1aad  (RIF) ee  uu xafiiska caafimaadka DDSI uu hirgaliyay,  mashruucan cusub ayaa ka hawlgalidoona 76 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 5 maamul magaalo.

Xaflad Lagu Soo Xidhay Tababar U Socday Saraakiisha Ciidamada Difaaca Qaranka Oo Ka Dhacday jijiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaanews), khamiis, 5ta , January, 2017. Taliyaha guud ee ciidamda difaaca qaranka JDFI general Samoore Yoonis oo ay wehelinayaan masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tababar in mudo ah u socday saraakiisha ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari itoobiya ugu soo xidhay  xarunta tababarada ciidamada difaaca qaranka Garabcase ee caasimada DDSI.

Haddaba soo xidhitaankii tababarkaasi ka dib ayaa loo  qaybtay saraakiishan ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya xaflad lagu soo xidhayay tababarkaasi oo ka dhacday madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan taasi oo ay  ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo saraakiisha ciimada qaranka qaybta koonfurbari itoobiya oo uu ka mid yahay taliyaha guud ee ciidamada difaaca  qaranka qaybta koonfur bari itoobiya. General Abraham Wolde Mariam.

 

Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa heeso wadaniya, dhaantooyin iyo madadaalooyin kale ku soo bandhigayay kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo kooxda fanka iyo suugaanta ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya.

Gaadiid Sida Calafka Xoolaha Oo U Anbabaxay Degmooyinka Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews) jumce 6da, January, 2017.  Xukuumada DDSI ayaa dadaal dhinaca kasta leh ugu jirta sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ay keentay cimilada  isbadashay waxayna deeqo aan kala go’lahayn oo iskugu jira raashino iyo calafka xoolaha gaadhsiisaa goobaha ay abaaruhu saameeyeen si dadka iyo duunyada looga samata  bixiyo  cunna la aanta  ka iman kara  abaarahaas.

 

Haddaba, waxaa magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  ka anbabaxay 56 baabuur oo ay saaran yihiin calafka xoolaha oo ay xukuumada DDSI ku deeqday bulshada ku dhaqan degmooyinka  abaaraha ay keentay cimilada isbadashay saameeyeen.

Wasiirka xoolaha iyo horumarinta Reer-guuraaga DDSI marwo Faaduma Cabdilaahi Takhal  ayaa warbaahinta deegaanka sharax dheerka siisay  gawaadhidan sida calafka xoolaha. Waxayna sheegtay  in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii bulshada deegaanka looga xakamayn lahaa waxna looga qaban lahaa abaaraha  ay keentay cimilada isbadashay. Wasiirada oo hadalkeeeda sii wadata ayaa sheegay in 56 gaadhi sida calafka xooluhu u anbabaxayaan degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen.  Waxayna wasiiradu intaa kudartay in gargaarkani  ayna ahayn markii ugu horaysay ee xukuumadu gaadhsiiso bulshadeeda abaaruhu saameeyeen. ee ay jiraan deeqo kala duwan oo la gaadhsiiyay goobaha ay abaaruhu saameeyeen.

Isku soo wada xooriyoo  maalmo yar ka hor ayay ahayd markii  72 gaadhi oo sida deeqo iskugu jira  raashin iyo calafka xoolaha loo diray degmooyinka ay abaaruhu saameeyen iyada oo dhinaca kalena dhawaan ahayd markii  kabineetka Deegaanku ansixiyeen 45 Milyan Oo birr oo loogu talagalay  in lagaga gaashaanto abaaraha ay keentay  isbadalka cimilada ee saamayn ku keeni kara  bulshada deegaanka.

 

 

Tababar Loo Hayay Macalimiinta Dhiga Sayniska Iyo Xisaabta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Jumce 6da January 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI waaxdiisa horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI oo loo qabtay macalimiinta dhiga maadooyinka Sayniska iyo Xisaabta ee dugsiyada hoose dhexe ee gobolada Faafan, Jarar,Siti iyo Erar, ayaa lagusoo gabagabeeyay  kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Mahad oo sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu ahaa mid kor loogu qaadayo  garaadka aqooneed ee barayaasha dhiga maadooyinka Sayniska iyo xisaabta ee dugsiyada hoose dhexe oo ka kala yimid degmooyinka gobolada faafan, jarar, Siti iyo Erar. Sidoo kale wuxuuna wasiirku kula dardaarmay barayaasha inay aqoonta ay ka faaiideen tababarka ay ka dhaqangaliyaan schoolada ay barayaasha ka yihiin, Isagoo wasiirku xusay  inuu xafiiska waxbarashada heer deegaan uu  dadaal dheer ugu jirto siduu kor oogu qaadi lahaa tayada macalimiinta deegaanka islamarkaana uu macalimiinta deegaanka uqabto tababaro lagu kobcinayo garaadkooda aqooneed ee barayaasha.

Dhanka kale waxaa isana xidhitaankii tababarka ka hadlay agaasinka horumarinta macalimiinta iyo waxbarashada DDSI mudane Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in tababarkan oo socday mudo 5 cisho ah lasoo gabgabeeyay islamarkaana barayaasha looga baahan yahay ficilkii iyo inay usii gudbiyaan goobaha ay ka howlgalaan islamarkaana ku dadaalaan sidii ay usoo saari lahaayeen arday tayo leh. Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah barayaasha tababarka qaadanayay oo sheegay inay wax badan ka faaiideen tababarka islamarkaana ay ka dhaqan galin doonaan schoolada ay ka howlgalaan.

Websiteka Tigrai Online Oo MW CMC Udoortay Hormuudka Sanadka 2016GC

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce,6da January 2017. Websiteka Tigrai Online oo ah wesite caan ka ah dunida islamarkaana kuhadla ama turjuma siyaasada xisbiga TPLF ee deegaanka Tigray kana mid ah websiteyada ugu horeeya dalka ayaa MW CMC udoortay inuu yahay hormuudka sanadka 2016ka Kadib go’aankii geesinimada iyo wadaniyada lahaa ee uu fikirkiisa kuqaatay kagana hor-yimid ururadii nabadiidka iyo naftanyaaga ahaa ee Onag iyo Ginboot7 ee iskudayay inay khal-khalgaliyaan nidaamka federalismka ah, Kudhaqanka dastuurka dalka, Nabadgalyada, Xasiloonida iyo horumarka ay haystaan dhamaan qawmiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku iyadoo waliba ahayd xili ay aad u adkayd in go’aanka noocan ah laqaato islamarkaana uu go’aankiisii noqday mid midho tayaysan dhalay.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu kamid noqday 5tii xubnood ee dib looga soo doortay 13kii xubnood ee horey uhogaaminayay hay’ada Meles Foundation islamarkaana uu kamid yahay xubnaha mar labaad loo soo doortay inay hogaamiyaan hay’adan 4ta sano ee soo socota.

Hadaba xagan hoose ka akhriso qoraalka uu websiteka Tigrai Online ugu doortay mw cmc hormuudka sanadka 2016ka oo isagoo English ah aan kasoo xiganay websiteka Tigraionline:

Tigrai Online chose Abdi Mohamud Omar as person of the year 2016

 After careful consideration of a few selected Ethiopian men and women who worked tirelessly for the betterment of the Ethiopian people we chose Ethiopian Somali regional State President Abdi Mohamud Omar as our person of the year for 2016.

 

President Abdi Mohamud Omar came to public attention in the summer of 2016 when the shameful crisis in Gonder was on its lowest point. Ginbot -7 armed hooligans and anti peace elements in the Amhara regional state motivated thousands of people to go out and destroy the city’s businesses, infrastructure, and residential houses.

 

The armed gangs killed many innocent civilians, burned their houses, businesses and deported over ten thousand women and children from many areas of the Amhara region just because they were Tigraians. While they declaring their solidarity with Oromos, they were deporting Tigraians to Sudan. The aim was to create ethnic conflict and bloodshed and destroy the federal system in Ethiopia.

 

While the federal and Amhara state governments did absolutely nothing, The people of the Ethiopian Somali regional State roar in full force defending the federal system in Ethiopia and standing strong with their brothers and sisters in Tigrai. A massive demonstration was held in Jigjiga city in Somali State. The demonstrators demanded an immidaite stop to the madness in Gonder, Bahirdar, Metema Yohannes and other places in Amhara region.

 

The Eritrean Satellite Television ESAT TV, VOA Amharic, and other extremist media supporting the backward and shameful action in Gonder tried to portray the demonstrations in Somali State as pressured by TPLF to show support for the government.

 

The Somali State people worldwide from Norway to the United States came out in the thousands telling the primitive extremists if it wasn’t for the sacrifice of the Tigrai youth to remove the fascist Dergi regime all the miraculous transformation in Ethiopia would not have been possible.

 

Abdi Mohamud Omar the Somali State’s president went on the media campaign explaining in an amazing eloquence and clarity what was taking place in Gonder. He said all the destruction has nothing to do with freedom, democracy or TPLF domination, it was about demolishing the federal system in Ethiopia and bringing back one ethnic domination to Ethiopia.

 

At the end the best friend of Gonder/G7 the OLF told them we have nothing in common with you, we are working to disintegrate Ethiopia and establish the Islamic Republic of Oromia on its grave. We hope the backward primitive racist extremists learned a lesson from their greedy and destructive action in 2016.

 

Abdi Mohamud Omar and the brave people of Somali state, Afar state, and the Harare people stood on the side of justice, on the side of federalism and on the side of the people of Tigrai when it was critical. We the people of Tigrai will remember this for generations to come

 

The Somali Ethiopians are not afraid to express their anger at the backward extremists inside Ethiopia and in the Diaspora. In the past few days the Ethiopian Somli community in London, Norway, and the United States went out in the thousands to show support to the Ethiopian Federal System and express their outrage at bandits of Issais Afwerki and mercenaries of Egypt.

 

So far the people of Tigrai are patiently waiting to see what the Ethiopian Federal Government is going to do about the criminal acts committed in many Amhara areas against innocent Tigraians.

 

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

 


Fiiltu iyo Tababar Loogu Qabtay Macalimiinta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Fiiltu(cakaaranews)Jumce 6da January 2017.  Xafiiska waxbrashada DDSI oo maalmahanba tababaro kaladuwan u waday macalimiinta degmooyinka deegaanka gaar ahaan barayaasha Luuqada Ingiriiska iyo maadooyinka sayniska Islamarkaana lagu tababarayay qaar kamid ah macalimiinta degmooyinka Gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta gobolka liibaan ee magaalada Fiiltu.

Hadaba, Khabiir katirsan Xafiiska Waxbarashada DDSI ahna Madaxa Kooxda Tababarka bixinaysay Mudane Maxamed Cumar (Timocade) oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid macalimiinta aqoontooda kor loogu qaadayo. wuxuuna intaa kudaray in tababarkan macalimiinta lagu barayay casharo laxidhiidha maadooyinka takhasuskooda ah sida koruqaadida nidaamka barisbarasho ee luuqada ingiriiska iyo waliba maadooyinka sayniska ah islamarkaana ay casharada bixinayeen macalimiin u xeeldheer maadooyinkaas. Iyadoo habka tababarkuna uu ahaa casharbixin caadi ah,  dood wadaag iyo laylisyo lasiinayay macalimiinta kadibna ay soojeedinayeen.

Sidookale,  macalimiintii tababarka qaadanaysay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan loo fidyay ee loogu qabtay xarunta gobolka liibaan ee magaalada fiiltu iyagoo carabka kudhuftay in casharo faaiido u leh ay kaheleen tababarkan.

Ugudanbayna waxay xuseen in xafiiska  waxbarashada DDSI uu wado dadaalo aan kalago’lahayn islamarkaana ay ka codsanayaan xafiiska in uu sii wado tababarada gaagaaban ee noocan ah ee lagu kobcinayo aqoonta macalimiinta.

 

Tababar Ku Saabsan Maaraynta Xogaha Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranew),sabti, 7da January, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta  iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saabsan  maaraynta iyo tayaynta xogaha caafimaadka  oo ku salaysan   adeegsiga  aaladaha casriga ah.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo  muddo 6 maal-mood ah socday ayaa waxaa loo hayay 82 xubnood oo ka kala socday xarumaha caafimaadka iyo xafiisyada caafimaadka ee degmooyinka gobolada Faafan, Nogob, Erer, Siti iyo maamulada magaalooyinka Wajaale, iyo Qabribayax.

Waxaana, soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay gadhwadeenka geedi socodka qarshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarku wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI gaar ahaan  xafiiska caafimaadka DDSI dadaal aan kala go’lahayn ugu jiro sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeegyo caafimaad  oo tayaysan islamarkaana deg degsiimo leh. Gadhaweenka ayaa sheegay in tababarkan uu ahaa mid ahmiyad balaadhan u leh adeegyada caafimaadka ee xarumaha caafimaadka gaar ahaan dhinaca maaraynta xogaha caafimaadka .  isaga oo ku booriyay tababartayaasha qaatay tababarkan in ay marka ay ku noqdaan goobahoodii  shaqo ay ka midho dhaliyaan cashiradii ay ku barteen tababarka.

Waxaa kale oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarka iskuduwaha dabagalka xogaha caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Wali Axmed Nuur oo sharaxaad  dheer ka bixiyay ujeedooyinka laga lahaa tababarka. Wuxuuna sheegay in uu ahaa tababar lagu xoojinayay hirgalinta nidaamka maaraynta xogaha caafimaadka  iyo  helitaanka xogaha caafimaad ee deg dega ah  gaar ahaan xogaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. Isaga oo intaa ku daray in nidaamka  maaraynta xogaha caafimaadka ee la hirgalinayaa yahay mid lagu salaynayo aaladaha  moobilka oo xogaha caafimaadka laga helidoona lays kuguna  gudbindoono aalada  moobilka taasi oo wax wayn ka qaban doonta ayuu yidhi dadaalada loogu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha caafimaadka iyo gaadhsiinta bulshada deegaanka adeeg caafimaad oo tayadiisu sarayso.   

Kulan Wada Tashi Ah Oo Ka Qabsoomay Kuliyada Tababarada Macalimiinta Ee Dr Cabdulmajiid Xuseen

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 7da January 2017. Kulan wada tashi oo ay yeesheen hormuudka kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdulmajiid hussen oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyinta kuliyada oo uu ugu horeeyo maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta dr cabdulmajiid hussen mudane Kifaax Maxamed Macalin , maareeye kuxiineeda, Agaasimayaasha, macalimiinta, Ardayda iyo heer kala duwan ee shaqaalaha ka howlgala kuliyada ayaa ka qabsoomay hoolka shiirarka ee isla kuliyada.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee dr cabdul majiid mudane Kifaax Maxamed Macalin  oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu dardargalinayo geedisocodka waxbarasho iyo mida shaqo ee kuliyada, Wuxuuna maareeyuhu intaa kudaray in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nadaafada kuliyada iyo adeegyada kala duwan ee ubaahan in lasii xoojiyo, Sidoo kalana wuxuu maereeyuhu xusay in qof walba uu kasoo baxo kaalinta shaqo ee ku aadan islamarkaana qofwalba lagu baran doono shaqadiisa haday xuntahay iyo haday fiicantahayba.

Dhanka kale waxaa iyana fikirkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulanka oo sheegay inay kulankani yahay mid muhiim ah islamarkaana xusay inay kasoo bixi doonaan kaalintooda shaqo ee ku aadan, Iyagoo intaa kudaray inay awaamiirta lagu kala qaatay kulanka ay ubadali doonaan ficil.

Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Komishinka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Sabti,7da, January, 2017.  Komishineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI  mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta DDSI  ayaa ka warbixiyay waxqabadkii komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI ee 6dii  bilood ee ugu danbeeyay sanadka 2009TI.

Komishineerka ayaa sheegay dadaalada  balaadhan ee ay xukuumada DDSI  sanadihii ugu danbeeyay ugu jirtay  abuurida bulsho ku baraarugsan waxyeelada iyo cawaaqib xumada musuqa, haddaba, si looga midho dhaliyo qorshayaasha iyo istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ayaa waxa uu yidhi  komishineerka  waxa uu  komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa  taabo galiyay tababaro iyo wacyi galin la xidhiidha anshaxa la dagaalanka musuqa, taasi oo uu komishinku suurta galiyay hirgalinta  hab raacyada anshaxa ee mas’uulinta iyo shaqaalaha dawlada looga baahan yahay in ay raacaan jihooyinka lagu cidhibtirayo musuqa  islamarkaana dabagal lagu sameeyo dhaqan galintooda.

Komishineerku  mar uu ka waramayay waxqabadka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI ee 6dii bilood ee ugu danbeeyay  ayaa sheegay  in komishinka oo  Kaashanaya Xafiisyada iyo hay’adaha DDSI ee ay bah-wadaagta yihiin ay  baadhitaan iyo sixitaan ku sameeyeen  hab dhaqanka iyo nidaamyada shaqo ee xafiisyada dawlada iyo hay’adaha horumarinta dawliga ah ee u nugul musuqa  iyada oo  sidoo kale   marka ay soo gaadho xog ama uu ka war helo in dambiyo  ka dhan ah musuqa ay ka dhaceen ama looga shakiyo in ay ka dhaceen xafiisyada dawlada ama hay’adaha horumarinta ee dawliga ah islamarkaana ka qaataa talaabada ku haboon isaga oo sheegay in kiisaskii soo galay 6dii bilood laga gaadhay go’aan sharciga waafaqsan.

Gabagabadii komishineerka ayaa dar-daaran dheer ka bixiyay siyaabaha looga foojignaado aafooyinka iyo cawaaqib xukumada musuqa isaga oo  digniin kama danbays ah u diray cidkasta oo isku dayda in  ay musuq gasho, wuxuuna intaasi ku daray  in komishinku tooshka ku hayo shaqsi kasta oo isku daya in uu musuq galo lana hor keenidoona sharciga si looga qaado talaabada ku haboon.

 

 

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubucii 2aad Ee Degmooyinka Gobolka Afdheer Oo Furmay.

$
0
0

Raaso,(cakaaranews), axad, 8da January, 2017. Waxaa ka  furmay madasha shirarka ee degmada Raaso  shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 2aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee  degmooyinka gobolka afdheer.

Shirkan   ayaa waxaa diirada lagu saarayaa fulinta qorshayaashii u dajisan maamulada degmooyinka gobolka afdheer  ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, gaar ahaan adeegyada horumarka ee ay ka mid yihiin waxbarashada biyaha iyada oo mudada uu socdo shirkan lagu  dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka afdheer

Haddaba shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka afdheer iyo masuuliyiinta maamulka gobolka afdheer ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Madoobe Macalin Ibraahin  wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta  mudada uu socdo xooga la saaridoona fulinta qorshayaashii u yaalay   degmooyinka gobolka afdheer  rubuca 2aad ee sanadkan taasi oo lagu xaqiijinayay guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta  qorshihii dajisanaa rubucan gaar ahaan waxqabadka dhinacyada adeegyada horumarka sida, waxbarashada.dhinaca biyo, caafimaadka iyo  adeegyada kale oo horumarka  Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo bixidoonaa  go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waayo aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.

waxaana furitaankii shirkan ka dib la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka degmooyinka gobolka afdheer kuwaasi oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigayay warbixinta waxqabadka loogana doodayay. Shirkan ayaa socon doona maalmaha soo socda.

 

 

 

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubacii 2aad Ee Gobolka Faafan Oo Furmay

$
0
0

Xarshin (Cakaaranews) Isniin 9ka January 2017.Waxaa maanta madasha shirarka degmada xarshin ka furmay shirkii qiimaynta Rubuca 2aad ee waxqabadaka degmooyinka Gobolka Faafan ee sanad miisaaniyeedka 2009TI.

Shirkan oo ay hogaaminayeen masuuliyiinta gobolka faafan oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane Cabdi Xuseen Cali, madaxa arrimaha xisbiga gobolka faafan, mudane Axmed Raabi, ayaa waxaa  ka soo qaybgalay  dhamaan masuuliyiinta maamulka degmooyinka gobolka faafan  waxaana furitaankii ka hadlay gudoomiyaha gobolka faafan mudane cabdi xuseen cali oo soo bandhigay ajandayaasha shirkan qiimayta ah iyo waxyaabaha diirada lagu saaridoona gaar ahaan gudoomiyaha ayaa sheegay in layskula xisaabtamidoono fulinta qorshayaashii u dajisnaa maamulada degmooyinka gobolka faafan Shirkan ayaa waxa uu socondoonaa mudo 3 maal-mood ah.

Wixii faahfaahin kalasoco bogaanaga www.cakaaranews.com

 

Degmada Hadhagaala iyo Kalfadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Hadhagaala (cakaaranews)Isniin 9ka January 2017. Waxaa hoolka shirarka ee golaha xildhibaanada degmada hadhagaala ee gobolka siti lagu soo gabagabeeyay kalfadhigii 8aad ee golaha xildhibaanada degmada islamarkaana lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka 6dii bilood ee u danbaysay.

Hadaba, kalfadhigan oo uu shirgudoominayay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Degmada Hadhagaale mudane Daahir Xasan Waabari oo furitaankii shirka ugu horayn u mahadceliyay dhamaan xildhibaanada degmada. Wuxuuna intaa kudaray in ay dhanyihiin xildhibaanadu islamarkaana ay muhiim tahay in sifiican loo dhagaysto waxqabadka 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009 T.I kadibna xildhibaanadu ay ka doodaan fikiradoodana ay kadhiibtaan.

Sidookale, Gudoomiyaha degmada Hadhagaala mudane Khadar Abiib Cismaan oo isna madasha lagu soo dhaweeyay ayaa halkaas kasoo jeediyay dhamaan waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009TI. isagoo mid mid u soo dhigay qorshihii qorshaysnaa miisaaniyada loogu talagalay iyo sida uu u ufulay, iyo haduusan fulin sababta uusan u filin. Kadibna golaha ayaa siwayn uga dooday islamarkaana fikiro badan kasoojeediyay kadibna cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay.

Ugudanbayna kalfadhiga ayaa jawi wanaagsan oo lab-xaadhni ah kusoo dhamaaday.

 


Shirkii Qiimaynta Warbixinta Waxqabadka 6da Bilood Ee Gobolka Siti Oo Furmay

$
0
0

Shiniile(Cakaaranews) Isniin 9ka January 2017. Waxaa si rasmi ah uga furmay degmada shiniile xarunta gobolka siti Shirkii qiimayta warbixinta waxqabadka 6da bilood ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay.

Hadaba shirkan oo ay hogaaminayeen masuuliyiinta gobolka siti oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed, madaxa arrimaha siyaasada gobolka siti mudane Cabdi Cumar ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha gobolka siti mudane Cabdiwali Maxamed oo sheegay inuu kulankani yahay Shirkii qiimayta warbixinta waxqabadka 6da bilood ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban waxa qabsoomay iyo waxaan qabsoomin iyo sababta ay uqabsoomi wayeen hadayna jirin qorsho loogu talagalay inuu fulo 6dii bilood ee lasoo dhaafay. Wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray inuu shirku inoo socon doono mudo 3 cisho ah islamarkaana degmo degmo loosoo jeedin doono warbixinada waxqabadka 6da bilood.

 

Golaha Kaabineega DDSI Oo Kulan Yeeshay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),Isniin, 9ka January, 2017. Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska madaxtooyada DDSI.

Haddaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa golaha kaabineega DDSI soo hordhigay ajendayaasha kulanka oo  ahaa qiimaynta warbixinada waxqabadka 6 bilood  ee sanad miisaaniyeedka 2009TI  ee xafiisyada heer deegaan, sidii loo xoojin lahaa hawlaha horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban,  dar-dargalinta mashaariicaha horumarineed ee waawayn   gaar ahaan  dhinaca mashaariicaha biyaha deegaanka  iyo in ay si toos ah u soo iibiso xukuumada DDSI 200 oo booyadaha biyaha ah oo lagaga jawaabayo baahida bulshada ee dhanka biyo la aanta  ee ay keenta abaarta ka dhalatay isbadalka cimilada  ee afka qalaad loo yaqaano (EL Nino effect).   

Masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka 6 bilood ee sanad miisaaniyeedka 2009TI warbixinadaasi  oo ku sar-gonayd  fulinta qorshayaashii u dajisnaa xukuumada DDSI gaar ahaan dhinacyada biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, jidadka iyo guud ahaan waxka qabadka adeegyada horumarka

Golaha kaabineega  ayaa si qoto-dheer u falanqeeyay qodobada kulankan ee kor kuxusan. Wuxuuna goluhu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan

Munaasabad Lagu Daah Furayay Wareega 1aad Eee Ol'olaha Talaalka ka Hortaga Cudurka Dabaysha Oo Ka Dhacday jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 10ka January,  2017. Waxaa guud ahaanba deegaanka ka bilaabmay  wareegii 1aad  ee ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha(Polio) ee sanadka 2017. Haddaba,  Munaasabada lagu daah-furayay wareegii 1aad ee ol-olaha talaalka ka horta  cudurka dabaysha  ayaa  ka dhacday barxada xafiiska caafimaadka DDSI. waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI oo ugu horeeyo wasiirka caafimaadka DDSI, masuuliyiinka socoday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI  iyo marti   sharaf kale. 

Waxaana  ka hadlay  furitaankii munaasabadan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu  leeyahay  talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano, wasiirka ayaa ka warbixiyay dadaalada  balaadhan ee xafiiska caafimaadku ugu jiro sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa ee ay ka mid tahay dabashay (polio) isaga oo sheegay in guud ahaanba uu maanta ka bilowday talaalkan ka hortaga cudurka dabayshu degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI. wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinta maamulada heerarkooda kala duwan iyo waalidiinta caruurtu in ay kaalin libaax ka qaatay hirgalinta ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha.    

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii xafladan  Gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaad ka hortaga cudurada iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed  oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI gaar ahaan  xafiiska caafimaadka DDSI  ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka  cudurka dabaysha(polio) wuxuuna sheegay in ol olaha talaalka ka hortaga iyo dabar goynta cudurka dabaysha in uu si rasmiya uga bilowday dhamaan degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI  Isaga oo si mug leh ugu booriyay waalidiinta in ay caruurta da-doodu ka yar tahay shan jir u diyaariyaan talaalka, sidoo kale waxa uu mamuulku kula dar-daarmay iyo xirfadlayaasha caafimaadka deegaanka ee  fulinaya ol-olahan in ay u fuliyaan sidii loogu talagalay gaadhsiinaayna goobkasta iyo gurikasta.

 

Gabagabadii xafladan ayaa waxay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali iyo   agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska caafimaadku  dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 1aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha ay ku tiixiyeen/dhib-ciyeen caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Gobolka Qoraxey

$
0
0

Qabridahare(cakaaranews)Talaado 10ka January  2017. Waxaa si heer sare ah u soo dhamaaday qiimayntii waxqabadka degmooyinka gobolka qoraxey oo maalmahanba kasocotay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka maamulka magaalada qabridahare.

Hadaba, qiimayntan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan maamulada degmooyinka gobolku ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiyaha Gobolka oraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in qiimayntani ay tahay mid la isku qiimaynayay waxqabadkii 6da bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2009TI. wuxuuna intaa kudaray in qiimaytu ay ku qatontay cadcadaan iyo cadaalad iyadoo masuuliyiinta degmooyinku ay soo jeedinayeen dhamaan waxqabadkoodii, qorshahoodii iyo siduu ufulay.

Sidookale, waxaa iyana qiimayntan kahadlay Madaxa Arrimaha Siyaasada Gobolka qoraxey mudane Axmed Yaasiin iyo waliba hogaanka Nabadgalayada Gobolka qoraxey mudane Cabdi Xasan Xaaji oo iyana tilmaamay in qiimayntani tahay mid jawi wanaagsan kusoodhamaatay kadib markii si qodo dheer laisagu qiimeeyay waxqabdkii 6da bilood ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Ugudanbayna qiimaynta ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan.

Kooxaha Fanka Iyo Suugaanta DDSI Oo Nidaamka Bakhtiyaa Nasiibka ah Loogu Wareejiyay Guryo.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 10ka January, 2017. Waxaa maanta si rasmiya  oo ah nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejiyay kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI furayaasha   64 gibi oo ah guryo wadareed (Real Estate) oo ay u dhistay xukuumada DDSI kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI ee soo galay halgan faneedkii qaybta ka ahaa hirgalinta hawlaha horumarka  taasi oo ay dhismayaasha guryahan oo ah kuwo  casriya ay  ka hirgalisay  wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI xaafada dulqabow ee maamulka magaalada jigjiga.

Haddaba, munaasabadii nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah loogu wareejiyay guryahan ayaa  waxaa ka soo qaybgalay  masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ay  ka mid yihiin  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in xukuumada DDSI in dadaal xoogan ugu jirto balaadhinta nidaamka guriyaynta DDSI. Madaxwaynaha ayaa  tilmaamay in guryahan maanta nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah  loogu  wareejinayo kooxaha fanka iyo suugaanta ee soo galay halgan faneedkii qaybta ka ahaa hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hirgalay DDSI ay qayb ka yihiin dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto  balaadhinta nidaamka guriyaynta.

Dhankooda qaarka mid ah kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ee lagu wareejiyay furayaasha guryahan ayaa sheegay in aad iyo aad ugu faraxsan yihiin guryahan casiriga ah ee ay xukuumada DDSI ku wareejisay , iyaga oo u mahad naqay xukuumada DDSI  ee ku wareejisay maanta guryaha waxayna sheegeen in ay maanta xukuumada DDSI dabooshay baahidii ka haysatay dhinaca guryahay.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>