Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

እንኳን ደስላቹ እንኳን ደሳለን የኢፌደሪ ጠቅላይ ሚንስትር ዶ/ር አብይ አህመድ አዳዲስ የፈዴራል የስራ ሃላፊዎች ሹመት ሠጡ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሀሙስ፤ግንቦት 2 ቀን 2010.የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስትና የክልሉ መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ ከፈተኛ አመራር አካላት የኢሶክመ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅን ጨምሮ በዛሬ እለት የኢፌደሪ ጠቅላይ ሚንትር ዶ/ር አብይአህመድ በፈዴራል መንግስት መዋቅር ለሾሙት የኢሶህዴፓ አባላት የእንኳን ደስላቹ እንኳን ደሳለን መልዕክታቸው አስተላልፈዋል።በዚህም በዛሬ እለት የኢፌደሪ ጠቅላይ ሚንትር ዶ/ር አብይ አህመድ ለፈዴራል  የስራ ሃላፊዎች ከሾሙት መካከል ወ/ሮ ሰሀርላ አብዱላሂ የኢፌዴሪ የህዝብተወካዮች ም/ቤት አባልና በጤና ዘርፉ ከፍተኛ እውቀትና ልምድ ያላት ሲትሆን የኢፈዴሪ ጤና ጥበቃ ሚንስተር ዴታ ተደርጋ ተሾመዋል።በተጨማሪም ጠቅላይ ሚንስትር ሚንስቴር የሚዲያና ኮሙኒኬሽን ዘርፍ ሚንስተር ዴታ የነበችው ወ/ሮ ፈርሂያ መሀመድ የኢፈዴሪ ወጣቶችና ስፖርት ሚንስቴሪ ሚንስተር ዴታ የተደረገች ሲሆን ወ/ሮ ኢፍራህ አሊ ሙሳ በነበረችው የሳይንስና ቴክኖለጂ ሚንስተር ዴታ በድጋሜ ተሾመዋል።

 በሌላ በኩል የክልሉ መንግስት ለተሾሙት አዳዲስ ሚንስቴር ዴታዎች በገሀሪቱ አመራርነት ከፍተኛ ለውጥ እንዲያስገኙ ዘንድ የተመኘ ሲሆን የኢ.ሶ.ክ.መ.መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ ለኢህአዴግ ማዕካለዊ ጽ/ቤትና ለኢፈዴሪ ጠቅላይ ሚንስትር ጽ/ቤት ስም ዝርዝራቸው መላኩን ይታወሳል።

 በመጨራሻም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስትና የክልሉ መሪ ድርጅት ኢሶህዴፓ አመራር አካላት የኢሶክመ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመርን ጨምሮ ለኢህአዴግና ለኢፌደሪ ጠቅላይ ሚንትር ዶ/ር አብይ አህመድ የኢሶህዴፓ ጥያቀ በአግባቡ በመመለሳቸውን የላቀ ምስገና ያቀርበዋል።

 

ለተሾሙት አዳዲስ ሚንስቴር ዴታዎችን የክልሉ መሪ ድርጅት ለኢሶህዴፓ ከፍ ያለ ምስገና ያቀርበዋል።  


MW CMC Iyo Wafti uu Hogaaminyo Oo Si Heer Sare Ah Loogusoo Dhaweeyay Awbare

$
0
0

Awbare(Cakaaranews) Jumce, 11ka May, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dhanka xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhanka magaalada awbare ee gobolka faafan oo maalinta bari ah uu ka furmi doono shirwaynihii 12aad ee xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha.

Hadaba Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayay ayaa inta ay dhexda sii socdeen lagusoo dhawaynayay tuulooyinka wadada ku teedsan ee udhexeeya magaalada jigjiga iyo degmada awnbare, Iyagoo madaxwaynaha iyo waftigu kulamo xog iswaydaarsi ah la qaadanayay bulshada ku dhaqan tuulooyinka wadada ku teedsan ee udhaxeeya caasimada jigjiga iyo degmada awbare. Sida Geelboob, Lafaciise, Gogley Iyo Sheydheer, wuxuuna madaxwaynaha oo shacabkaas lahadlaya ku tilmaamay in shacabka deegaanka awbare ay waligood ahaayeen dad ilbax ah islamarkaana ahaayeen hadana yihiin dad aqoon yahano ah oo ay soomaalinimadu ka bilaabatay.

Dhankooda waxaa iyana ka hadlay shacabka ay madaxwaynaha iyo waftigiisu kulamada la qaadanayeen ayaa sheegay inay garabtaagnyihiin horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ay xukuumada XDSHSI muadada yar gudaheed ku hirgaliyeen, waxayna shacabka madaxwaynaha ka codsadeen in loo sameeyo biyo xidheeno waawayn oo ay uga faaiidaystaan waxsoosaarka beeraha, Sidoo kale waxaa shacabka ku dhaqan senterka lafociise ayaa madaxwaynaha iyo waftigiisa kusoo dhaweeyay calaamo qoyan iyo cagaf-cagafyada ay caanka ku yihiin oo aad utiro badan..

Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigu uu hogaaminyayay ayaa soo gaadhay degmada awbare ee gobolka faafan, halkaas oo ay soo dhawayn aan loo kala hadhin iyo caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen shacabka degmada awbare.

Mas’uuliyiin Uu Horkacayo MW Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xaf-Caafimaadka DDSI Oo Soo Kormeeray Hospitaalka Siti Ee Deg-Gota-Biki

$
0
0

Gota-Biki(cakaaranews)Jumce, 11ka, May 2018. Mas’uuliyiin uu horkacayo Madaxwayne Kuxigeenka  Ahna Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Uu Waheliyo Wasiirka Xafiiska Adeega-Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI ayaa kormeer indho-indhayn ah kutagay hospitaalka wayn ee Siti Hospitaal ee kuyaala degmada Gota-Biki. kaasoo  ay mas’uuliyiintu soo indho-indheeyeen nidaamka adeeg bixinta ee hospitaalka.

Hadaba, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xamdi Aadan Cabdi oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in maanta ay kormeer indho-indhayn ah  kutageen hospitaalka siti ee kuyaala degmada Gota-biki ee katirsan gobolka siti islamarkaana ay waraysiyo kala duwan layeesheen maareeyaha Hopitaalka, dhakhaatiirta, xirfadlayaasha iyo waliba shacbka kafaaiidaysanayay hospitalka. Wuxuuna xusay masuulku in bulshada iyo shaqaalaha hopitaalkuba aad ugu riyaaqeen dhanka adeegbixinta iyo qalabaynta hospitaalka iyo waliba sida wanaagsan  ee ay xirfadlayaasha iyo dhakhaatiirta hospitaalku ugu adeegaan bukaanka.

 MW kuxigeenka oo Hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in hospitaalkan uu madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar uu xadhiga kajaray 2 sano kahor islamarkaana uu yahay hospitaal loo dhamaystiray dhamaan adeegyadii uu yeelan lahaa hospitaal.

Dhankakale, maareeyaha siti hospital mudane, faysal cumar oo isna kahadlay adegbixinta hospitaalka ayaa sheegay in hopitaalku yahay mid standard ah islamarkaana uu bixiyo dhamaan adeegyadii looga baahnaa hopitaalka. Kuwaasoo ay kamid yihiin adeega bukaan jiifka (in patient), bukaan socodka, out-patiant, labrotory, qaliinka , qaybta caruurta iyo waliba qaybta hooyoooyinka

Sidookale, xirfadlayaasha iyo dhakhaatiirta oo iyana dhankooda kahadlay ayaa sheegay in hospitaalku uu bulshada u adeego 24 saac islamarkaana ay bixyaan adeeg tayo leh bulshaduna si fiican uga faaiidaysato.

Iskusoowada duuboo, kormeerkan ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kuxaqiijinayaan nidaamka adeeg-bixinta hospitaalka iyo waliba qanaca bulshada kafaaiidaysata

Shirwaynihii 12aad Ee wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Awbare

$
0
0

Awbare(Cakaaranews) Sabti 12ka May 2018. Shirwaynihii 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI  iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 3000 oo ergooyin kakala socday 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93da degmo ee ka koobanyahay deegaanku islamarkaana lagaga wada hadlayay horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ayaa si rasmi ah uga  furmay degmada awbare ee gobolka faafan.

Haddaba shirwaynaha 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo sucaad Axmed Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan, wasiirada, wasiir kuxigeenada, 3000 oo ergooyin kasocdey gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, culimo owdiinka, qurbojoogta deegaanka udhalatay oo ka kala yimid deegaanka oo uu kamid yahay gudoomiyaha guud ee jaaluiyada DDSI ee waqooyiga america mudane badri yuusuf iyo masuuliyiin kale oo wahelinaysay, kooxa fanka ee deegaanka iyo marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii shirwaynaha 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha ugu horayn lagu furay aayado quraanka kariimaka ah waxaana ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo ugu horayn salaan guud salaamay shirwaynaha islamarkaana si faahfaahsan usoojeediyay sooyaalkii taariikheed ee uu deegaanku soomaray oo ay ugu horaysay nabadgalyo daradii iyo horumar la’aantii ka jirtay guud ahaanba deegaanka. Madaxwaynaha ayaana xusay in nabadglyadii daradii ay nabadiidiku ugaysateen deegaanka iyo maamul xumadii ka jirtay deegaanka ay hagardaamooyin badan ugaysteen islamarkaana sida aynu kagasoo baxnay wada ogsoonahay, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in mudada uu shirwaynuhu socdo lagaga wada hadli doono, horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada, iyadoo lasoo dhigo doono baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira maamul magaalooyinka iyo guud ahaanba degmooyinka deegaanka

Dhankooda waxaa iyana heeso ka turjumaya  horumarka, nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada soo bandhigay kooxaha fanka ee deegaanka heesahaas oo run ahaantii gundhig u ah nidaamka dibucurashada iyo maaulka suuban .

Ugu danbayna shirwaynaha 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha oo socon doono mudo 2 maalmood ah ayaa la isku xog wadarsan doonaa horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada iyo waliba sidii loosii adkayn lahaa horumarka dhincayo badanaha ah ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka.

12ኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብና መንግስት ምክክር መድረክ በአውበሬ ከተማ በይፋ ተጀመረ

$
0
0

አውበሬ (Cakaaranews) ቅዳሜ፤ግንቦት 04/2010..12ኛውየኢትዮጵያሶማሌ  ክልል ህዝብና መንግስት የልማት፣ የሰላም፣ የመልካም አስተዳድርና የህዳሴ ትራንስፎርሜሽን ጉባኤ በፋፈን ዞን በአውበሬ ወረዳ መዲና በሆነችው በአውበሬከተማ በይፋ ተጀመረ።በምክክሩ ላይም  ከክልሉ 11 ዞኖች፣ከ6ቱ የከተማ መስተዳደሮችና ከ93 ወረዳዎች የመጡ የማህበሰብ ክፍሎች እንደ ወጣቶች፤አገር ሽማግሌዎች፤እምነት አባቶች፤ሴቶችና ከሌሎች የህብረተሰብ ክፍሎች የተወጣጡና  ከ4000 በላይ የሚሆኑ ታዳሚዎች በማሳተፍ ላይ እንደሚገኙ ተገለጸ፡፡ 

 በተጨማሪም በ12ኛውየኢትዮጵያሶማሌመንግስትናህዝብምክክር መድረክ ላይ የኢ.ሶ.ክ.መ.እና የኢሶህዴፓ ከፍተኛ አመራር አካለት የኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት ክቡር አብዲ መሀሙድ ኡመር፣ የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤና የኢሶህዴፓ ድርጅት ጉዳዮች ዘርፍ ኃላፊ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅ፣ የክልሉ ም/ፕሬዝዳንትና የግብርናና ተፈጥሮ ሀብት ቢሮ ኃላፊ  ክብርት ወ/ሮ ሱኣድ አህመድ ፋረህ፣ የክልሉ  ም/ፕሬዝዳንትና የጤና ቢሮ  ኃላፊ  አቶ ሀምዲ አደን ሀምዲ፣ የክልሉ መንግስት ቢሮ ሀላፊዎች፣ ምክትል ቢሮ ሀላፊዎች እና ከመላው የክልሉ ዞኖች፣የከተማ መስተዳደሮችና ከክልሉ ወረዳዎች የተወጣጡ ከ3000 በላይ የሚሆኑ የማህበሰብ ክፍሎች እንደ ሀገር ሸማግሌዎች፣ የሃይማኖት አባቶች፣ የክልሉ ዲያስፖራ አባላት፣ የክልሉ ባህል ባንድ ቡድኖች እና ሌሎች ጥሪ የተደረገላቸው እንግዶችም ተካፍለዋል፡፡

 በሌላ በኩል በጉባኤው መክፈቻ ላይ የ2010ዓ.ም የ9 ወራት የሥራ አፈጻጸም ሪፖርትና ክልሉ መንግስት  ቀደም ብሎ ክልሉ ያሳለፈበት የሰላምና ልማት እጦት አስመልክቶ ወሳኝ ታሪካዊ  ሪፖርት ያቀረቡት የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር  በክልሉ የነበረው የሰላም፤የልማትና የመልካም አሰተዳደር እንግልቶች በሰፊው ትንታኔ ሰጥቶበታል።አያይዞም የቀድሞ ብልሹ አመራር አካላት ያስከተሉት በርካታ የሰላም፤የልማትና የመልካም አስተዳደር ችግሮች በክልሉ ጠንካራና አስታዋይ ህዝብ ያለፍነበት መሆኑን በመግለፅና በቀጣይ ቀናት በመድረኩ በአጠቃላይ በክልሉ መንግስት የተከናወኑት የሰላም፤የልማት፤የመልካም አስተዳደር፤የክልሉ ህዳሴ ትራንስፎርሜሽን እንደሁም በክልሉ ከተሞች የሚታዩ የመስረተ ልማት እንቅፋቶች ከህዝቡ ጋር እንደሚወያይበት ክቡር ፕሬዝዳንቱ ገልጿል ።

 

በመጨረሻም መድረኩ በክልሉና በአውበሬ ከተማ ባህል ባንዶች በክልሉ መሪ ፓርቲ በኢሶህዴፓና በክልሉ መንግስት በጥቅት አመታት ውስጥ በክልሉ ሰላም፤ልማት፤መልካም አስተዳደር እንዲሁም በዴሞክራሲ ሥርዓት ግንባታና በሀገሪቱ ህዳሴ ትራንስፎርማሽን ተግባራት ዙሪያ ያዘጋጁት ደማቅ ሙዝቃዎች ታጅቦ እንደነበረም የክልሉ ሚዲያ አውተራት ገልጿል።

Degmada Bookh Iyo Adeegii Daawaynta Iyo Qaliinka Oo Si Fiican Uga Socda

$
0
0

Bookh(cakaaranews)Sabti, 12ka May 2018. Adeega gaarka u’ah bulshada deegaanka soomaalida itoobiya ee daawaynta iyo qaliinka indhaha islamarkaana ah adeeg ay bulshadu aad ugu diirsatay ayaa si wanaagsan uga sii socda degmada bookh ee gobolka doolo iyadoo  adeegana ay fulinayaan kooxda wareegta ee daawaynta iyo qaliinka indhaha DDSI.

Aadeegan dawaynta iyo qaliinka indhaha ee kasocda degmada bookh ayaa waxaa kafaaiidaysanaya bulshada kudhaqan degmada book iyo nawaaxigeeda iyadoo bulshadan kafaaiidaysanayaa ay isugujiraan qaar qalitaan indhaha loogu sameeyay islamarkaana aragoodii dib ugusoonoqday, iyo qaarka kale oo daawayn loo sameeyay iyo waliba qaar lasiiyay muraayadaha indhaha

Hadaba, bulshada kudhaqan degmada bookh ee kafaaiidaysanaysa adeegan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin adeegan islamarkaana ay heleen aragoodii qaarbadan oo kalena dawooyin iyo muraayadaha indhaha lasiiyay.

Iskusoowada duuboo, adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha oo ah mid si bilaasha bulshad looga faaiideeyo ayaa bulshada deegaanku aaad ugu riyaaqday kadib markii kumanaan bulshada kamid ah  oo indho la’aan ahaan jiray indhoohii loo fiiqay kadibna uu argoodii usoo laabtay.

Mas’uuliyiin Heer-deegaan Ah Oo Kormeer Hawleed Kusoomaray Ee Deg-Yoocaale

$
0
0

Yoocaale(cakaaranews)Sabti, 12ka May 2018. Mas’uuliyiin isugujira wasiirro iyo xildhibaano islamarkaana uu hogaaminayo wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka DDSI ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoomaray goobta laga hirgalinayo qorshaha BBC ee dajinta loogu samaynayo bulshada danyarta ah ee degmada yoocaale .

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka  Iyo Dhismaha DDSI Mudane Jamaal Faarax Warmooge oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay soo indhoindheeyeen goobta laga fulinayo qorshaha BBC , islamarkaana dajinta loogu samaynayo bulshada danyart ah ee kudhaqan degmada yoocaale. Wuxuuna intaas kudaray in ay soo indhoindheeyeen beeraha, guryaynta iyo  goobaha naaxinta xoolaha ee loogu talagalay in lagu wareejiyo 60 qoys oo danyar ah oo kudhaqan degmada yoocaale.

Sidookale, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo kamdi ahaa masuuliyiintan kormeerka samayanayay oo isna dhankiis akahadlay ayaa sheegay in kormeekan ay kormeerkoodan ay kumareen degmooyin kaladuwan oogobolka jaraar ah islamarkaana ay hada kusugunyihiin degmada yoocaale iyagoo soo kormeeray goobaha laga fulinayo qorshaha BBC ee ay xukuumadu qaadatay sanadkan 2010. Wuxuuna xusay in dhankiiisa ka xafiiska waxbarasho ahaan uu soodarsay dhanka fulinta doorka kaga aadan qorshaha BBC ee ah qaybta hirgalinta cilmiga ama waxbarshada si bulshada ladajiyay yar iyo waynba uhelaan waxabarsho dhamaystiran.

Dhankakale, Gudoomiyaha Degmada Yoocaale Mudane Cabdiqaadir Xasan oo isna kawarbxiyay fulinta qorshahan ayaa sheegay in ay dhimaystireen dhamaan adeegyadii bulshada lasiinayay sida xoolihiiiyo beerihii iyo guryihii ladajinayay bulshada danayarta ah kuwaasoo tiradoodu dhantahay 60 qoys. Wuxuuna intaas kudaray inay diyaariyeen dhismayaashii ama goobihii naaxinta xoolaha islamarkaana qoyskasta lasiinayo xoolo isugujira adhi iyo lo’o. iyo waliba beertii oo beeran oo dhan 2 hichtor.

Iskusoowada duuboo, mas’uuliyiintan iskudhafka ah ayaa maalmahanba kusugnaa gobolka jarar iyagoo u kuur galayay islamarkaana indho indhaynayay mashaariicaha horumarineed iyo waliba adeegyada aasaaiga ah ee bulshada kudhaqan Gobolka Jarar.

Shirwaynihii 12aad Ee wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Maalintii 2aad Galay

$
0
0

Awbare(Cakaaranews) Axad, 13ka May 2018. Shirwaynihii 12aad Shirwaynihii ee wadatashiga xukuumada DDSI  iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 3000 oo ergooyin kakala socday 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93da degmo islamarkaana lagaga wada hadlayay horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka socdey degmada awbare ee gobolka faafan ayaa Maalintii 2dii Galay.

Haddaba shirwaynaha 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo sucaad Axmed Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan, wasiirada, wasiir kuxigeenada, 3000 oo ergooyin kasocdey gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, culimo owdiinka, qurbojoogta deegaanka ee ka kala yimid daafaha caalamka, kooxa fanka ee deegaanka iyo marti sharaf kale oo ka socdey somaliland.

Waxaana kulankan si kooban uga hadlay  mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo sucaad Axmed Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan oo sheegay in ka sakow guulaha dhanka horumarka ee uu deegaankani gaadhay ay xukuumadu soo hoyisay guulo waawayn oo dhanka haykalka siyaasadeed ee dalka taasoo maanta meel meeqaam sare leh uu maanta ka gaadhay iyadoo arrintaasi ay ku timid midnimada wada shaqaynta iyo wadatashiga xukuumada shacabka.

Dhanka kale kulankan oo looga wada hadalay kadib markii ay kasoo doodeen ergooyinka gobolada, degmooyinka iyo MM xaaladii xumayd ee dhanka, nabadgalyo la’aantii iyo horumar la’aantii jirtay ee uu deegaanku soomaray iyo Xaalada uu maanta deegaanku ku suganyahay iyo waliba qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka la hiigsanayo ee ku salaysan in bulshadeena laga saaro cadawgeena 1aad oo ah saboolnimada.

Sidoo kale waxay ergooyinka gobolada iyo MM ay soo jeediyeen waxqabadka aas-aasiga ah ee wax ka badalay nolosha bulshada oo ay XDSHSI iyo xukuumadu ka hirgaliyeen guud ahaanba deegaanka, waxayna intaa ku dareen inay sii xoojinayaaan nidaamka dawladnimo ee lagu gaadhay horumarka ka hanaqaaday deegaanka oo ay dibucurashadu kow katahay, waxayna ergooyinku si buuxda iskula qaateen islamarkaana hoosta ka xariiqeen inaysan marnaba yeelaynin cid walba oo rabta in horumarka deegaanka taako udhigta oo ay gacan bir ah ku qabanayaan islamarkaana fashilinyaan fikirada nabadiidnimo ay wataan.

Ugu danbayn kulan waynahan 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha ayaa lagu wadaa inuu maalinta bari lasoo gaba-gabeeyo.

 


Degmada Yoocaale Iyo Mashaariicda Guryo Wadareedka Oo Lagu Wareejiyay Qoysaskii

$
0
0

Yoocaale(cakaaranews)13ka May 2018. Barnaamijka guryaynta ama dhisida guryo wadareedka ee loogu talagalay bulshada danyarta ah ayaa qayb ka ah qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu qaadatay islamarkaana ay dhismahoodu kasocdaan dhamaan degmooyinka iyo maamul maagalooyinka deegaanka. Iyadoo  Maamulka degmada yoocaale ay si habsamileh udhamaystireen guryo wadareedkii sanadkan 2010 T.I  ee loogu talagalay qoysaska danyarta ah islamarkaanaa ay si bakhtiyaa nasiib ah ugu wareejiyeen.

Hadaba, Gudoomiyaha Degmada Yoocaale Mudane Cabdiqaadir Maxamed Iyo Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqalaha deg-yoocaale Marwo Hodan Geedi oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in guryahani ay ka kooban yihiin 3 gibi iyo sagaal guri islamarkaana ay qoysaskii loogu talagalay kuwareejiyeen kadib markii si bakhtiyaanasiib ah ay ugu qabteen qoysaskaas. Waxayna tilmaameen in guryahani ay yihiin kuwo sitayo leh loodhisay islamarkaana ay qaybkaqadana horumarka iyo bilicda magaalada yoocaale ee gobolka jarar.

 

Ugudanbayna, qoysaskii lagu wareejiyay guryahan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin guryo wadareedkan lagu wareejiyay. Waxayna tilmaameen in guryahan si cadaalad ah oo bakhtiyaa nasiib ah u qaateen islamarkaana ay aad ugu mahad celinayaan xukuumada DDSI iyo maamulka degmada yoocaale.

 

 

 

 

 

የኢ.ሶ.ህ.መ.ተንቀሳቃሽ የአይን ሃኪሞች ቡድን ለቦኽ ወረዳ ማህበረሰብ የአይን ቀዶ ጥገና አገልግሎት እየሰጡ መሆኑን ተገለጸ

$
0
0

ቦኽ(cakaaranews)እሁድ፤ግንቦት 05/2010ዓ.ም.በመቶዎች ለሚቆጠሩ አይነ ብርሃናቸው የአይኖ ሞራ የተጋረዱ ዜጎች ተጠቃሚ የሚያደርገው ተንቀሳቃሽ ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሃኪሞች ቡዱን በዶሎ ዞን ቦህ ወረዳ ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት መስጠት ጀመሩ።

በተያያዜም በቦህ ወረዳ አከባቢዎች የሚኖሩና አይነ-ብርሃናቸው በተንቀሳቃሽ የአይን ቀዶ ጥገና ሃኪሞች የተመለሰላቸውን ነዋሪዎች ፖሮግራሙ  በከፍተኛ ደረጃ ተጠቃሚ ያደረጋቸው ከመሆኑ በሻገር የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ነጻና ተንቀሳቃሽ  የአይን ቀዶ ጥገና ሃኪሞች መድቦ በነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት መስጠታቸውን አመስግኗል።በተጨማሪም ተንቀሳቃሽ  የአይን ቀዶ ጥገና ሃኪሞች ቡዱኑ በዶሎ ዞን ቦኽ ወረዳ ለአንድ ሳምንት ያህል እንደምቆዩና ለማህበረሰቡ አገልግሎት እንደሚሰጡም ገልጸዋል።

በተያያዜም በቦኽ ወረዳ አከባቢዎች የሚኖሩና አይነብርሃናቸው በተንቀሳቃሽ የአይን ቀዶ ጥገና ህኪሞች የተመለሰላቸውን ነዋሪዎች ፖሮግራሙ  በከፍተኛ ደረጃ ተጠቃሚ ያደረጋቸው ከመሆኑ በሻገር የኢ.ሶ.ክ.መ. ተንቀሳቃሽ  የአይን ቀዶ ጥገና ህኪሞች መድቦ በነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት መስጠቱን አመስግኗል።በተጨማሪም ተንቀሳቃሽ  የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና ቡዱኑ በቦኽ ወረዳ ለአንድ ሳምንት ያህል እንደምቆዩ አብራርተዋ።

ተንቀሳቃሽ ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና ፖሮግራሙ  በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የሚሰራ ልዩና ብቸኛ ፖሮግራም ሲሆን በአይነ-ብርሃናቸው የአይን ሞራና ሌሎች በሽታዎች ተጋርዶ የነበሩ በርካታ የክልሉ ህዝብ አይንብርሃናቸው ያስመለሰላቸውና ተጠቃሚ ያደረገ የጤና አገልግሎት  ሰጭ ፖሮግራም ነው።

 

 

 

 

Wasiirka Xidhiidhka Arrimaha Dawlada JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 14ka May 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal ee magaalada jigjiga si diiran loogu soo dhaweeyay Wasiirka Xidhiidhka Arimaha Dawlada Ee JDFI Mudane Axmed Shide. waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo isugujira wasiiro, wasiir kuxigeeno iyo mas’uuliyiin kale.

Hadaba, Wasiirka Xidhiidhka Arrimaha Dawlada JDFI Mudane Axmed Shide ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulan Xog Iswaydaarsi Ah Oo Kaqabsoomay Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 14ka May 2018. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI kaqabsoomay kulan xog iswaydaarsi ah islamarkaana ay kasoooqayb galeen khabiiro sare oo kasocda wasaarada waxbarashada JDFI, qaarkamid ah agaasimayasha xafiiska waxbarashada, xubno kakala socday kuleejyada, macalimiinta dugsiyada MMJ, ardayda dusgsiyada iyo waliba gudiga waalidiinta waxbarashada magaalada jigjiga.

kulankan ayaa ujeedadisu ahayd xog iswadaarsi kusaabsan nidaamka maamulka suuban ee ku’aadan dhanka bahda waxbarashada heer-dugsi ilaa heer-wasaaradeed islamarkaana lagu gorfayanayay sidii loosii xoojin lahaa kudhaqanka aaladaha maamulka suuban si  waxbarashadu u noqoto mid tayaysan.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Gadhwadeenka Geedisocodka Horumarinta Dugsiyada Ee Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Xuseen Maxamud Daahir oo sheegay in kulankani yahay mid lagu falanqaynayo hirgalka nidaamyada maamulka suuban islamarkaana lagu soo bandhigayay fulinta qorshayaasha waxbarashada iyadoo loo fulinayo si waafaqsan nidaamka iyo sifooyinka  maamulka suuban ee ay kamidkayihiin cadcadaanta, islaxisaabtanka, dabagalka,saraynta sharciga cadaalada iyo sinaanta. Wuxuuna intaas kudaray in kulankan lagu lafaguray tayada waxbarashada iyo sidii kor looguqaadilahaa. Waxayna khabiirada wasaarda waxbarashada federaalku sheegeen  in heerka waxbarasho ee deegaanku uu sanadkii u danbeeyay kor ukacay islamarkaana loo baahan yahay in halkaas laga sii wado laguna dhaqmo aaladaha maamulka suuban.

Iskusoowda duuboo, kulankan oo ahaa mid ay khabiirada wasaarada waxbarashada iyo kaqaybgalaayshuba kusoo bandhigeen xogo muhiim ah oo kusaabsan hirgalka nidaamka maamulka suuban ee bahda waxbarashada iyo waliba arrimha ubaahan in qorshaha lagu darsado sanadada soosocda ayaa  jawi wanaagsan kusoodhamaaday.

Shirwaynihii 12aad Ee wadatashiga Xukuumada Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

$
0
0

Awbare(Cakaaranews) Isniin, 14ka, May 2018. Shirwaynihii 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI  iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 3000 oo ergooyin kakala socday 11ka gobol, 6da maamul magaalo iyo 93da degmo islamarkaana lagaga wada hadlayay horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada oo maalmihii ugu danbeeyayba ka  socdey degmada awbare ee gobolka faafan ayaa si heer sare ah lasoo gabagabeeyay.

Haddaba shirwaynaha 12aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashid Isaaq, Madaxwayne Kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga marwo sucaad Axmed Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan, wasiirada, wasiir kuxigeenada, 3000 oo ergooyin kasocdey gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, culimo owdiinka, qurbojoogta deegaanka ee ka kala yimid daafaha caalamka, kooxa fanka ee deegaanka iyo marti sharaf kale oo ka socdey somaliland.

Waxayna ergooyinka soo jeedinayeen fikiro saliim ah oo kusalaysan sidii loosii xoojinlahaa korna loogu qaadilahaa horumarka, nabadgalayada maamulka suuban iyo nidaamka dibucurashada oo gun dhig u ah isbadalka horumarineed ee ay shacabka DDSI ku naaloonayaan maanta. Waxayna ergooyinku carabka ku adkeeyeen inay ruux walba cadaw ku ah horumarka deegaanka ay gacan bir ah ku qabanayaan ugana horeynayaan xukuumada. Sidoo kale ergooyinka ka socday 11ka gobol, 6da MM iyo 93da degmo ee uu ka koobanyahay deegaanku ay umahad celiyeen sida quruxda badan ee ay shacabka awbare usoo dhaweeyeen una qaabileen ergooyinkan tirade badan ee ka socdey guud ahaanba deegaanka mudadii uu shirwaynuhu socdey.

Dhanka kale odayaasha, dhalinyarta, Waxgaradka culimo owdiinka ka socdey gobolka faafan gaar ahaan demooyinka qabribayax, araarso iyo mula ayaa suldaanimo u caleema saaray inuu suldaan unoqdo beesha abaskuul Suldaan Cabdikariin Qalinle.

Ugu danbayna odayaal dhaqameedka degmada awbare ayaa waxay Book hadiyad qaali ah oo katurjumayay tacliinta iyo aqoonta ay caanka ku yihiin bulshada ku dhaqan degmada awbare iyo xarumaha hoosyimaada ee ay xarunta utahay degmada awbare  gudoonsiyeen Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Isagoo madaxwaynuhu ka gudoomay Hadiyada qaaliga ah ee ay gudoonsiiyeen odayaal dhaqameedka awbare islamarkaana ku amaanay shacabka awbare inay waligood caan ku ahaayeen aqoonyahanimo. Waxaa kale uu madaxwaynuhu uga mahadceliyay shacabka awbare sida sharafta leh ee ay uqaabileen islamarkaana ugu adeegeen ergooyinka shirwaynaha ee ka socdey guud ahaanba deegaanka mudadii ay martida u ahaayeen.

የኢትዮጵያ ሶማሊ ህዝብ የተገኘውን ሰላም እና ልማት ውጤቶች አጠናክሮ እንዲቀጥል ጥሪ ቀረበ

$
0
0

አውበሬ(cakaaranews)ማክሰኞ፤ግንቦት 7 ቀን፤2010ዓ.ም.በአውበሬ ወረዳ በተዘጋጀው 12ኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል የሠላም ፣ የልማት እና የመልካም አስተዳደር  የህዝብ እና የመንግሥት የጋራ ምክክር መድረክ ላይ የተገኙ ተሳታፊዎች የተገኘውን ሠላም እና ልማት ውጤቶች አጠናክሮ እንዲቀጥል ጥሪ ቀርቧል። በዚህ የህዝብ እና የመንግሥት የጋራ ምክክር መድረክ ከክልሉ 11 ዞኖች፤ከ93ቱ ወረዳዎችና ከ6 የከተማ አስተዳደሮች የተገኙ የማህበረሰብ ክፍሎች የሃገር ሽማግሌዎች ፣ የጎሳ መሪዎች፤ የእምነት አባቶች፤ሴቶች ወጣቶች፤የዲያስፖራ አባላት፤ከፍተኛ የመንግሥት የስራ ሃላፊዎች እና ጥሪ የተደረገላቸው የክልሉ ተወላጆች የተገኙ ሲሆን ባለፉት 8 ዓመታት የተገኙት የልማት ድሎችን ለማስቀጠል ከመንግሥት ጋር አብረው እንደሚሠሩም ቃል የገቡበት ታላቅ ጉባኤ ነበር።

በተለይም ከክልሉ ሚዲያ  ጋር ቆይታ ያደረጉት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር በዚህ የጋራ መድረክ መንግሥት የህዝቡን ተጠቃሚነት ለማረጋገጥ በወሰዳቸው ቁርጠኛ ተግባራት ባለፉት 8 ዓመታት የተገኙ ለውጦችና ዕድገቶች አበረታች መሆናቸው የገለፁ ሲሆን ይሄን የተገኘውን ሁለንተናዊ እድገት አጠናክሮ ለማስቀጠል እንደዚህ ዓይነት ታላቅ የመንግሥት እና ህዝብ የጋራ መድረክ አስፈላጊነቱን  አብራርቷ።

በተጠማሪም የክልሉን ሠላም እና ልማት የማይወዱ አካላት ባለፈው ሳምንት ፀብ ለማጫር እና ለማደፍረስ በማሰብ የተቃጣውን አፍራሽ ተልዕኮ የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብ በተለያዩ ዞኖች፤ ከተማ አስተዳደሮች እና ወረዳዎች በነቂስ በመውጣት  ከመንግሥት ጋር መቆሙን ያሳየበት ታላቅ የድጋፍ ሠልፍ ህዝቡ ከመንግሥት ጋር መቆሙን የሚያሳይ መሆኑንም ክቡር ፕረዝዳንቱ አስገንዝቧል።

በ12ኛው ታላቅ የህዝብ እና መንግሥት ጉባኤ ላይ በክልሉ መንግስት በ2010ዓ.ም ባጄት አመት የ9 ወራት የሥራ እቅድ አፈፃፀም ሪፖርት የቀረበ ከመሆኑ በዘለለ ክልሉ በሠላም ፣ በልማት እና በመልካም አስተዳደር እንዲሁም በዴሞክራሲ ስርዓት ግንባታና በህዳሴ ትራንስፎርሜሽን  የታዩ ከፍተኛ ለውጦችን አጠናክሮ እንዲቀጥሉ ክቡር ፕሬዝዳንቱ ጥሪ አቅርበዋል።

Degmada Dhanaan Iyo Wafti Balaadhan Oo Soo Kormeeray Barnaamijka BBC

$
0
0

Dhanaan(cakaaranews)Talaado, 15ka May 2018. Wafti balaadhan oo isugu jira heer deegaan, heer-gobol iyo heer-degmo islamrkaana uu hogaaminayay wasiirka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan ayaa kormeer indho indhayn ah kutagay goobaha laga hirgaliyay qorshaha Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo caafimaad (BBC) ee degmada dhanaan gaar ahaan qabalaha Kali.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka Mudane Suldaan Maxamed Xasan Iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Maxamed Cabdi Barre oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in kormeerkoodan ay kusoomareen goobaha laga hirgaliyay barnaamijka BBC ee degmada dhanaan. Waxayna intaas kudareen in ay soo indho idheeyeen  beeraha ay tabceen maamulka degmada dhanaan oo ah beero si tayo leh lootabcay hadan kudhaw inla gooyo. Waxayna intaas kudareen in beerahani ay yihiin 20 Hiktor islamarkaana lagu wareejiyay qoysaskii danyarta ahaa. Waxayna xuseen in qorshayaashii BBC ee degmada dhanaan ay siduu ahaa u hirgaliyeen haday tahay bulshadii ladajinayay oo ladajiyay iyo haday tahay adeegyadii looga faaiidaynayay bulshada oo si fiican looga faaiideeyay.

Dhankakale, bulshada dajinta loo sameeyay ee qabalaha Kali oo iyana dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in si wanaagsan loo dajiyay. Iyadoo qoys walba lagu saiiyay guryihii oodhisan, Beerihii calafka xoolaha ahaa, raashinkii ay cuni lahaayeen mudo 6 bilood ah oo isugujira bariis baasto bur iyo sonkor. Waxayna tilmaameen in loodiyaariyay adeeggyadii kale ee aas aasiga ahaa ee sida biyihii nadiifta ahaa caafimaadkii iyo waxbaarshadii.

Iskusoowada duuboo, qorshaha Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad oo Loosoo Gaabiyo ‘’BBC’’ yaa ah qorshe ay xukuumadu qadatay sanadkan 2010 islamarkaana kasocda guud ahaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka. Iyadoo qorshahanina uu yahaymid kamid ah  xeeladaha lagaga qalin jabinayo saboolnimada.


MW CMC Oo Guud Ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Muslimiinta Itoobiya Ugu Bishaareeyay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Arbaco, 16ka May 2018. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya ugu bishaareeyay bisha barakaysan ee Ramadaanka oo dhamaan dalka Itoobiya iyo caalamkaba barito laga soomayo.

Madaxwaynaha ayaa faray dhamaan muslimiinta walaalaha in ay kafaaiidaystaan khayraadka iyo barakada bisha Ramadaanka isaga oo ugu dar daarmay in la iscaawiyo oo dariska iyo masaakiinta dhaqaalahoodu liito lacaawiyo, islamarkaana labadiyo Alle kacabsiga, isjeclaanshaha, iyo khayraadka badan ee bishu leedahay.

Ugudanbayna, Madaxwaynaha ayaa Ilaahay uga baryay dhamaan muslimiinta in Ilaahay ka dhigo kuwa kafaaidaysata bishan barakaysan ee Ramadaanka khayrkeeda oo dhan. Sidoo kale waxaa uu Allaah uga baryay in bishan bisheeda ku gaadhsiiyo barwaaqo,  Alle kacabsi, iyo cimri dheerar. sidookale, waxaakale, oo uu madaxwaynuhu bulshada deegaanka ugu duceeyay in ilaahay deegaanka usii siyaadiyo barwaaqada, horumarka, nabadgalayda iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday deegaanka soomaalida itoobiya.

Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Sheegay Wakhtiga Imtaxaanaadka Fasalada 12aad,10aad Iyo 8aad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 16ka May 2018. Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in imtaxaanka heer qaran ee ardayda imtaxaanka fasalka 10aad uu bilaami doono 22ka bisha 9aad 2010 T.I  Sidookalana, fasalka 12aad uu bilaami doono 27ka bisha 9aad 2010 T.I.meesha imtaxaanka heer deegaan ee fasalka 8aad uu bilaami doono 11ka, bisha 10aad 2010 T.I. wuxuuna xusay in imtaxaan kastaa uu socon doono 3 maalmood marka laga reebo imtaxaanka fasalka 12aad oo socon doono 4 cisho.

Hadaba, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kawarbixiyay tirada ardayda imtaxaanka ufadhiisanaysa sanadan 2010 T.I . wuxuuna tilmaamay in tirada ardayda imtaxaanka u fadhiisanaysa fasalka 12aad ay tiradoodu dhan tahay 10,008 arday (toban kun iyo sideed arday) meesha tirada ardayda imtaxaanka u fadhiisanaysa fasalka 10aad ay yihiin 9452 arday.  Sidookale wasiirka ayaa sheegay in imtaxaanka heer deegaan ee fasalka 8aad ay sanadkan 2010 T.I ay imtaxaanka u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 33,713 arday.

Ugudanbayna, wasiirka ayaa kula dardaarmay dhamaan ardayda DDSI ee imtaxaanka u fadhiisanaysa ee fasalada 8aad, 10aaad iyo 12aad ay si fiican ugu diyaar garoobaan imtaxaanaadka. Wuxuuna carabka kudhuftay in dhamaan ardayda uu u rajaynayo natiijo wanaagsan oo waxku’ool ah.

 

የኢ.ሶ.ክ.መ ፕሬዝዳንት ክቡር አብዲ መሀሙድ ለመላው የእስልምና እምነት ተከታዮች ለተቀደሰው የረመዳን ጾም የእንኳን አደረሳችሁ መልዕክታቸውን አስተላልፏል

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ዕሮብ፤ግንቦት 8 ቀን፤2010ዓ.ም የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሥት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር ለመላው የሃገራችን እስልምና እምነት ተከታዮች በሙሉ የእንኳን አደረሳችሁ መልዕክታቸውን ሲያስተላልፉ የረመዳን ወር ጾም የተቸገሩ ወንድሞቻችንን በመተዛዘን እና በመረዳዳት መሆን እንዳለበት በመግለፅም ጭምር ነው ።

በተጨማሪም የረመዳን ወር ጾም የመረዳዳት ፣ የእዝነት ፣ የፍቅር ፣ የሰላም ፣ የደስታ እና የአብሮነት ወር በመሆኑ ህዝበ ሙስሊሙ አቅመ አናሳ ወንድም እና እህቶቹን በመደገፍ እና የአቅሙን በማድረግ ጾሙን በመተጋገዝ በራህመት ፣ በበረከት እና በኢባዳ እንዲጾሙ አሳስቧል ፕረዝዳንቱ።

በመጨረሻም ክቡር ፕሬዝዳንቱ የሃገራችንም ሆነ የክልላችን ህዝበ ሙስሊም የረመዳንን ጾም የሰላም የልማት እና የብልጽግና እንዲሆን ዘንድ በኢባዳ እና በጸሎት እንድናሳልፍ ረመዳን ከሪም በማለት መልካም ምኞታቸውን በመግለፅ ቀጣዩ የረመዳን ጾምም በሠላም፤በልማት ፤በብልጽግና  እና በጤና እንዲያደርሰንም ተመኝተዋል።

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 17ka May 2018. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal ee magaalada jigjiga si diiran loogu soo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane maxamed axmeddiin xuseen. Iyadoo halkaasina ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu horkacayo wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane ibraahim aadan mahad.

Hadaba, soo dhawayn iyo nasasho yar kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wasiirka Xafiiska Waxabarshada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in maanta ay soodhaweeyeen wasiiru-dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane maxamed axmed diin xuseen islamarkaana ay ujeedada socdaalkiisu tahay booqasho uu ku indho indhaynayo geedisocodka baris barasho ee deegaanka. Wuxuuna intaas kudaray in wasiirudawluhu uu booqonayo xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana ay kawada hadli doonaan sii xoojinta taageeraha laga helo heer federal ee lagu xoojinayo geedisocdka waxbarasho ee deegaanka, sidookale wasirka ayaa tilmaamay in wasiiru dawluhu uu booqan doono qaarkamid ah dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare ee magaalada jigjiga iyo qaarka mid ah dugsiyo kabaxsan magaalada oo ay kamid yihiin dugsiyada degmada baabili.

Sidookale, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada JDFI Mudane Maxamed Axmed-diin Xuseen oo isna kahadlay ujeedada socdalkiisa ayaa sheegay in booqashadiisan uu jigjiga kuyimid ay tahay mid uu ku indho indhaynayo geedisocdka waxbarashada maadaama oo ay tahay xili uu sanad dugsiyeedka 2010 T.I uu gabogabo yahay islamarkaana ay fooda inagu soo hayaan imtaxaanaadkii heer qaran iyo kii heer deegaanba. Wuxuuna intaas kudaray in deegaanada dalka laga wado kormeer ku’aadan waxbarashada kaas oo ah mid lasmeeeyo dhamaadka sanadwalba. Wuxuuna carabka kudhuftay masuulku in deegaanka soomaalidu uu yahay deegaanada isbadlka horumarineed kamuujiyay geedisocodka waxbarasho iyo waliba dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Dhankakale, nasasho yar kadib ayaa wasiirudalaha oo ay waheliyaan wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI iyo qaarkamid ah agaasimayaasha xafiiska waxbarashada ay booqdeen dugsiga sare MMJ isagoo si gaar ah u indho indheeyay qalabyada casriga ah ee wax lagu barto sida plasmaha, qololka  data-base ka ee lagu kaydiyo natiijada ardayada, qololka Zip ka ee lagu kaydiyo documentiyada dugsiga. Sidookale, wuxuu booqday Dugsiga hoose-dhexe ee wiil waal isagoo si gaar ah ugu kuurgalay guud ahaan adeegbixinta  dugisiga gaar ahaan fasalada barbaarinta caruurta ee looyaqaano ‘KG’.

Iskusoowada duuboo, wasiirka ayaa booqan doono dugsiyo ka baxsan magaalada jigjiga oo ay kamid yihiin dugsiyada degmada baabili.

 

 

Kulan Balaadhan Iyo Dhalinyarada Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Khamiis, 17ka May, 2018. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan dhalinyarta maalmulka magaalada qabridahar oo ay hogaaminayeen mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyo wasiirka kuxgeenka xafiiska tababarada,xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Badri Yuusuf, maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta mudane Kifaax Macalin, maareeyaha kuliyada caafimaadka mudane Kaamil Cabdulaahi Haybe, Gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Cabdicasiis Axmed, maayarka magaalada Qabridahar mudane Yuusuf Xasan ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulan oo lagaga wadahadlayay sidii loosii xoojinlahaa horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibu curashada ayaa waxaa ugu horyn ka hadlay wasiir kuxgeenka xafiiska tababaar, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Badri Yuusuf oo sheegay inuu kulankan yahay mid lagu xoojinayo horumarka, nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada islamarkaana loobahan yahay in la ilaashado oo wax walba iskudaya inuu horumarkaas mudada gaaban lagu gaadhay burburiya si wadajir ah iskaga qabano, wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in maanta guud ahaanba deegaanka ka hanaqaaday horumar baaxad leh gaar ahaan waxaa magaalada qabridahar laga fuliyay mashaariico waawayn oo mug leh sida jaamacada qabridahar, garoonka caalimaga ah diyaaradaha, kuliyadahaha, guriyaynta iyo dhamaanba adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay mas’uuliyiintii kale oo sheegay inuu deegaanka maanta gaadhay horumar lagu faani karo oo dhinacyo badane ah islamarkaana uu horumarkaas cadaw badan leeyahay loona baahanyahay in cadawgaas gacan bir lagu qabto. Waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen in dhalinta qabadahar looga baahanyahay inay sii xoojiyaan horumarka nabadgalyada nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ee ay XDSHSI iyo xukuumada mudada yar gudaheed ku hirgaliyeen, kana hortagaan shaqsiyaadka arragtida cidhiidhyoon ee raba inay horumarka deegaanka dib uceliyaan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay dhalinyarta maamulka magaalada qabridahar oo sheegay inay marwalba garabtaagan yihiin horumraka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada ka hanaqaaday deegaanka, waxayna dhalintu wacad ku mareen inay gacan bir ah ku qabanayaan shaqsiyaadka aragtida cidhiidhyoon ee raba inay caqabad ku noqdaan horumarka dhinacyo badanaha ah ee ka hanaqaaday DDSI. Dhalinta ayaana carabka ku adkeeyay inay gacan bir ah ku qabanayaan shaqsiyaadka nabadiidka iyo hrumardiidka ah ee raba taako udhigaan horumarka, nabadgalyada, nidaamka maamulka suuban iyo dibucurashada.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>