Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Deeqda Ganacsatada Deegaanka Oo Maraysa 13 Milyan

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews )Arbaco, 6dii April 2016. Kulanwayne ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka oo ujeedadiisu ahayd xageen kaga hadhaynaa ugurmashada masiibadii dabiiciga ahayd ee daadkii naf iyo maalba waxyeeleyay walaalahanagii danyarta ahaa ee deganaa agagaarka togga dhexmara magaalada jigjiga ayay deeqdoodu maraysaa 13 milyan iyadoo wali sii socota.

Kulankan ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay kulanka ganacsatada ayaa ugu horayn ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka kadamqashada dhibaatada masiibadii dabiiciga ahayd ee ay kuwaxyeeloobeen walaalahood isagoo xusay in shacabka deegaanku uu ku amaanan yahay is-caawinta xili walba. Tanina ay kamid tahay dabeecada diinteena islaamka iyo dhaqanka shacabkeena lagu yaqiinay iyadoo xukuumada deegaanka iyo ta federaalkuba ay kasoo baxeen kaalintoodii gurmadka deg-dega ah qorshaystayna xal-waara si aysan dhibaatadani mar danbe usoo noqonin oo ah in tog caadi ah laga sameeyo qabalaha qoor-dheere ilaa xabaalaha sheekh cali guure, buundooyin, biyo-xidheeno iyo moosas. Wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in gudi iskudhaf ah oo kakooban xubno ganacsatada kamid ah iyo xubno  dabagal ah oo maamula deeqda ganacsatada lasameeyo iyadoo account lagu ururinayo lacagta deeqda ah.

Kadibna mayorka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed oo kawarbixiyay waxyeelada masiibadaas ayaa sheegay in daadku saameeyay 9 xaafadood oo kamid ah magaalada isagoo dumiyay guryo, qaadayna hanti gaadiid iyo agab isugu jirtay keenayna dhaawac, dhimasho iyo barakac intaba. Wuxuuna mayorku xusay in ciidanka gaarka ah ee DDSI ay noqdeen xalkii masiibada dabiiciga ah xiligay dhacday. Wuxuuna ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka dadaalka deeqda ay ufidinayeen walaalahooda kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, dhimashada ay masiibadaasi keentay oo ahayd 23 xubnood oo 7 kamid ah lala’yahay ayaa waxaa ugu darnaa inta lahayo qoys kakoobnaa 9 xubnood: 6 caruur ah iyo 2 ehelka ah oo ay kajoogaan waalidkii oo kali ah, qoys kakoobnaa 4 xubnood oo aabihii oo kali ah kabadbaaday iyo qaar kale. Waxayna ganacsatadu go’aansatay in qoyska ugu daran lagu caawiyo 4.5 milyan birr oo kamid ah deeqda 13ka milyan ee wali socota meesha qoysaska kale ee soo raaca gudigu uqoondayn doonto.

Dhanka kalana, qaar kamid ah ganacsatada deegaanka oo kahadashay maadasha kulankaasi ayaa sheegay inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin eheladii iyo qaraabadii ay dadkooda waxyeelaysay masiibadii dabiiciga ahayd iyagoo waliba tacsi tiiraanyo leh udiray.


Dayactir Lagu Sameeyay Qaar kamida Ceelasha Dhaadheer Ee Degmada Dhanaan

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )Arbaco 6dii April 2016, Koox uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Degmada Dhanaan mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal ayaa dayactir ku soo sameeyay ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Qabaleeyada kala ah Burqayar,  Bacaad, iyo Higlaale-biir

Hadaba, Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay dayactir ku sameeyeen ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Santerada kala ah Burqayar, Bacaad,  iyo Higlaale-biir. Wuxuuna intaa ku daray masuulku in maadaama xili jiilaal ah lagu jiro ay mudnaanta siiyeen dayac tirka ceelashaas islamarkaana ay wakhtiyar gudihii kusoo dhamaystiren shaqadii dayac tirka ahayd.

Dhinaca kale wuxuu xusay in kormeer ay ku sameeyeen mashaariicda lasoo gaba-gabeeyay Sandakan ee isugu jira Ceelasha biyaha ah, Baraagaha biyaha,  iyo waliba Biyo-xidheenada  kuwaas oo ay wada fuliyeen xafiiska biyaha Degmada Dhaanaan iyo hay’adaha ay bah- waadaagta yihiin.

Sikastaba ha ahaatee, madax-xafiiseedka ayaa tilmaamay in dhanka dayactirka ceelashan ay aad ugu riyaaqeen bulshadii kafaa iidaysanaysay maadaama oo ay aad ugubaahnaayeen. Wuxuuna  carabka kudhaftay in mashaariicdan kala duwan ee biyaha ah ee laga fulinayo degmadan Dhanaan ay waxtar balaadhan u soo kordhin doonaan bulshada kadib markay adeega bilaabaan.

Ugudanabayna madax-xafiiseedka ayaa u mahadceliyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay inay xilwayn iskasaaraan islamarkaana ay taageero balaadhan kagaysteen dayactirka iyo waliba kawarhaynta hawlaha biyaha Degmada Dhanaan.

MW CMC Oo Booqday Togga Magaalada

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) khamiis, 7dii April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka booqday togga  dhexmara  xaafada 17,aad  ee magaalada jigjiga oo shaqadii moosida dhinacyada iyo isu keenida meelaha uu toggu kafidsan yahay xukuumadu si habsami leh uga bilawday. Halkaas oo uu madaxwaynuhu kulan wacyigalin ah kulayeeshay dadkii daganaa agagaarka togga isagoo ukuuragalayay xaaladooda nololeed.

 

 

 Waxaana halkaa dadkii kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd loogu qaybiyay agabkii guriga oo dhamaystiran oo isugu jira: bustayaal, sijaayado, koobab, digsi, jeergaamo, suxuun, teendhooyin i.w.m meesha dhamaan 9ka xaafadoodba dadkii kuwaxyeeloobay in kabadan 900oo qoys loo qaybiyay agabkan iyadoo qaybinta raashin nooc walba kakoobana loo bilaabay.

Dhanka kalana, dadkii agabkan loo qaybiyay ayaa si niyad-sami ah ugu mahadceliyay xukuumada waxqabadka deg-dega ah ee kajawaabida saamaynta masiibadan ee ay had iyo jeer xukuumadu deegaanka iyo ta federalkuba lagarab taagan yihiin shacabkooda tabaaloobay iyo sida ay heeganka ugu yihiin mar walba.

Tababar Ay Qabteen Shabakada Badbaadada Waxsoosaarka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Tababar uu soo agaasimay waaxda  damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada bahwadaagata la ah barnaamijka hab naloleedka bulshada sida micro finance ga, shirkadaha yaryar,tvet,bolsa iskaashatooyinka,xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta,qaybta dalaga,qaybta xoolaha ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirirka ee xfiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.

Tababarkan oo socday muda laba maalmood ah ayaa waxaa soo xidhay agaasinka damaanad qaadka cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye iyo cordinatorka waaxda damaanad qaadka cuntada mudane Axmednuur Cabdi,iyagoo sheegay in tababarkan ujeedadiisu yahay hab nololeedka bulshada kasoo hada ka hor ahaan jiray barnaamij ka baxsan shabakada wuxuuna ahaa mid garabsocda oo aan deegaanka horay uga jirin balse hada dhamaan dalka oo dhan  wajiga cusub ee (psnp4)la mideeyay (HABP) oo ah dhisida hantida qoyska.

Sidoo kale waxa uu agaasinku intaa ku daray in tababarkan ay ka fa iideen kasoo qaybgala yaashu iyagoo fahan buuxda ka helay habnololeedka bulshada waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha iyagoo sheegay inay tababarkan intuu socday wax badan ka faa ideen kana barteen xeelado badan oo ku saabsan hab nololeedka bulshada.   

 

 

 

Koxihii iyo Ciyaartoydii Ugu Fiicnaa Champions Ka Iyo Siday U Kala Badiyeen

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com ayaa soo saartay kooxdii ugu fiicnaa kulamadii xalay iyo habeen hore ee tartanka Champions league oo la ciyaaray lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka.

Kooxaha Man City iyo PSG ayaana wax xidigo ah ku yeelan kooxdaan inkastoo ay ciyaareen kulan madadaalo ah oo aad cajiib ah sidoo kalena ay kasoo baxda natiijo layaab leh oo aan la fileyn iyadoo Man City ay barbaro 2-2 ah kala soo laabtay Parc Des Princess.bDhanka kale Wolfsburg oo ceebeysay Madrid ayaa ku leh xidigaha ugu badan halka Bayern ay kaliya Vidal ku leedahay sidoo kale Barca ayaa sadex xidig ku leh. Halkaan ka arag kooxaha oo dhan:

Goolhaye:Diego Benaglio Wolfsburg 2-0 Real Madrid 

Daafac Midig:Dani Alves Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Daafac Dhexe:Jardel | Bayern Munich 1-0 Benfica

Daafac Dhexe:Naldo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Daafac Bidix:Ricardo Rodriguez | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Khadka Dhexe:Andres Iniesta | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Khadka Dhexe:Arturo Vidal | Bayern Munich 1-0 Benfica

Khadka Dhexe:Luiz Gustavo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Garabka Midig:Bruno Henrique | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Weerarka Dhexe:Luis Suarez | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Garabka Bidix:Julian Draxler | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

 

Daah-furkii Degmada Cusub Ee Boodaleey

$
0
0

Boodaleey (cakaaranews ) Khamiis 7dii April 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Degmada cusub ee Boodaleey ee katirsan degmooyinkii cusbaa ee lagudaray Gobalka Qoraxay ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf AadanYuusuf.

Hadaba xafladan daah-furka ah oo ay kasooqaybgaleen dad aad u farabadan oo isugujrta bulshada qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada, cuqaasha, hooyooyinka, odayaasha, iyo culimo awdiinka ayaa waxaa ugu horayn furitaankeedii kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kasooqaybgalka iyo furitaanka xafladan lagu daahfurayo degmada cusub ee boodaleey oo katirsan Gobalka qoraxay. Wuxuuna gudoomiyhuhu u mahadceliyay dhamaan bulshadii kasooqaybgashay xafladan degmada cusub ee boodaleey.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in degmadani ay kutaala meel staratigi ah oo aad ugu baahnayd in degmo laga dhigo waa hore. Wuxuuna carabka kudhuftay in xaruntan boodaleey ee deegaanka dulqabaw ay tahay meelihii nabadiidka UBBO ay ku dhuumaalaysan jireen.

Wuxuuna Gudoomiyuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay hadalo baraarujin ah isagoo ku booriyay bulshada ree-dulqabaw inay soo maal gashadaan degmada cusub ee boodaleey islamarkaana ay soo magaaleeyaan, nabad-galyadeedana ay ka shaqeeyaan.

Dhanka kale, waxaa iyana kahadlay qaar kamida odayaashii kasooqaybgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin daahfurka degmada cusub. Waxayna sheegeen inay soo dagayaan islamarkaana ay maal gashanayaan nabad galyadeedana ay ka shaqaynayaan.

Ugu danabayna gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf Aadan Yuusuf ayaa dhagax dhigay mashaariico Horumarineed oo isugujira iskuulo, iyo Caafimaad.

Sikastaba ha ahaatee, degmadan cusub ee deegaanka dulqabaw ayaa xarunteedu tahay Boodaleey waxayna xad laleedahay degmooyinka kala ah shaykoosh, Qabridahar, Garbo, Dhanaan iyo Burqod

 

 

 

Tababar Kusaabsan Maaraynta, Hogaaminta Iyo Maamulka-Suuban

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamis 7dii April 2016, Waxaa maanta ka bilowday hoolka shirarka ee hotel Hamda ee magaalada Jigjiga wareegii 3aad ee tababarkii soo Socon jiray mudada ee maaraynta, hogaaminta iyo maamulka suuban ee la siinayay hogaamibta sare ee wasaarada caafimaadka iyo xafiisyada ay bah-wadaagta yihiin.

Hadaba,Tababarkan ayaa waxaa saaka furitaankiisii hadalo muhiim ah ka soo jeediyay Kusimaha Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, oo si fiican u qeexay ahmiyada tababarkan. Isagoo sheegay in ujeedada tababarkani ay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka aqoomeed ama awoodooda hogaamineed ee dhanka maamulka suuban iyo ka midha dhalinta qorshaha caafimaadka ee shantan sano dhamaan hogaaminta sare ee sector ka caafimaadka.

Ugu danabayna wuxuu masuulku tilmaamay in tababarkani uu socon doono mudo sadex maalmooda. Wuxuuna kula dar'daarmay ka soo qayb galayaashi in ay sifiican uga faa iidaystaan casharada islamarkaana ay ilaliyaan saacadaha uu casharku socdo.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen 50 xobnood oo ka kala yimid xafiisyada kala ah xafiiska caafimaadka DDSI, xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ka, wakaalada dabagalka cuntada iyo daawooyinka ee DDSI, iyo zonal health focal persons ayaa waxa larajaynayaa in ay kubaran doonaan cahshro wax wayn katari doona ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala caafimaadka.

 

 

MW CMC Oo Kadagay Xarunta Wadanka

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) jamce, 8da April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo masiibadii dabiiciga ahayd ee dhawaan kadhacday magaalada jigjiga darteed ugu laabtay xarunta deegaanka isagoo shirarkii xarunta dalka uga socday badhtanka kaga tagay ayaa kadib markuu kala soo qayb-qaatay shacabka deegaanka dhibaatadii masiibada maanta dib ugu soo laabtay xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyadoo shirarkii halkaa uga sii socon doonaan.

Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kadagay gagida diyaaradaha ee addisababa bole international airport.


Deeq Raashin Iyo Agab ah Oo La Gaadhsiiyay Qoysaskii Ay Saamaysay Masiibadii Daadku

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Jumce 8dii Aprill 2016, Sidii caadada ahayd ee looga bartay xukuumada DDSI ee ahayd kajawaabida dagdaga ah ee baahida shacabkeeda ayaa Waxaa si habsamileh loogu wadaa taageero is daba joog ah qoysaskii daganaa Dhamaan 9kii xaafadood ee M.M Jigjiga ee masiibadii rabaaniga ahayd ay saamaysay. Waxaana loo qaybiyay raashinka noocyadiisa kala duwan iyo agabka guryaha oo dhamaystiran.

Hadaba sida ay u sheegeen shabakada wararka ee cakaaranews gudiyadii kala duwanaa ee loo xilsaaray arimahan deeqda oo halkaas kusugnaa iyo waliba xubno muhiima oo kamida xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka ayaa sheegay in qoysaskii ay saamaysay masiibadii biyihii daadka ahaa ee kusoo rogmaday 9 xafadood oo kamida magaalada jijiga loo qaybiyay noocyada raashinka ee kala ah Digir, Bariis, sareen, Saliid iyo waliba agabka guryaha oo dhamaystiran,

Si kastaba ha ahaatee,Taageeradan isdabajooga ah ayaa waxaa siwada jir ah u wada Xukuumada  DDSI, Xafiisyadeeda kala duwan iyo waliba hay’adaha ay qusayso.

Ugudanbayna qaarkamida qoysaskii ay saamaysay masiibadu oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqdan ay soo gaadhsiiysay xukuumadu. Waxayna u mahad celiyeen una duceeyeen dhamaan xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba dhamaan hay’adiihii taageerada ka gaystay oo dhan.

Wafti Kasocday Midawga Yurub Oo Booqday Sitti

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) Jamce, 8da April 2016. Wafti balaadhan oo dhinaca dalka uu hogaaminayo wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka  ee JDFI mudane Mitiku, dhanka deegaankana Mw kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, dhanka midawga yurubna komishineerka xaaladaha bini’aadamtinimo ee midawga yurub oo ay weheliyaan hay'adaha deeq bixiyeyaasha yurub ugu sareeya ayaa booqday xaalada abaarihii ay keentay isbadalka cimilada ee gobolka sitti iyagoo gaar ahaana soo indha-indheeyay Shiniile iyo qabalaha Gaad.

Hadaba Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa sheegay in booqashadan oo qaadatay mudo 2 maalmood ah ay maanta soo gabagabawday iyadoo waftiga midawga yurub ay xaqiiqsadeen saamaynta dhibaatada ay abaartani u gaysatay dad iyo duunyaba iyo sida adag ee ay xukuumada federaalka iyo ta deegaankuba ula tacaaleen nolosha bulshada iyo xoolahoodiiba. Halkaas oo ay mahad balaadhan uga soo jeediyeen xukuumada dalka iyo deegaankaba.

Booqashadii kadib, ayaa waxay waftiga midawga yurub kasocday ugu deeqeen si wax looga qabto xaalada abaaraha miisaaniyad dhan 139.3 milyan oo doolar.

Waxaana mahad balaadhan halkaa uga soo jeediyay waftigii kasocday dhinaca dalka oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaargaarawga masiibooyinka JDFI oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal.

Ugudanbayna, waftigii midawga yurub ayaa waxaa loo sii dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee diridhaba si ay uga socdaalaan.

M.M Qabridahar Oo Kulan Qiimayn Ah Yeeshay

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Sabti 9ka April 2016, Kulan lagu qiimanayay waxqabadkii 9kii bilood ee Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa ka dhacay qolka shirarka ee xafiiska maayorka M.M Qabridahar, waxaana kulankaasi hogaaminayay ku simaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabridahar ahna Maareeyaha M.M Qabridahar mudane  Maxamed Abiib.

Hadaba kulankan qiimaynta ah ayaaWaxaa kasooqaybgalay dhamaan masuuliyiinta xafiisyada kajira M.M Qabridahar. waxaana diirada lagu saarayay hirgalinta  qorshayaashii qorshaysnaa sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay sanad miisaaniyeedkan 2008 T.I gaar ahaan dhinacyada adeeg  bixinta, biyaha,caafimaadka, waxbarashada  iyo abuuritaanka illaha shaqada.

Sikastaba ha ahaatee  kusimaha maayorka ahna maareeyaha M.M Qabridahar mudane Maxamed Abiib oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in qiimayntan lagu lafa guray qorshayaasha hirgalay iyo gol-dalooladii jiray intii ay socdeen hirgalinta qorshaayshu iyo waliba dhamaan dhaliilihii jiray iyo sidii loo sixi lahaa waayo-aragnimana looga qaadan lahaa.

Hawlaha Dakhliga Iyo Deg-Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur( cakaaranews )Sabti 9ka April 2016, Sida lawada og soonyahay wadan kasta Horumarkiisa iyo dhaqaalihiisuba waxuu ku tiirsanyahay dakliga u soo xarooda iyo wax soo saarka uu sameeyo wadanku. Sidaas darteed,  shantii sano ee u danabaysay ayaa waxaa kor u kacday dakhliga u sooxarooda DDSI kadib markii laxoojiyay ilihii dakhliga, wacyigalintii bulshada, waxoosaarka beerha iyo waliba shaqo abuur loo sameeyay bulsho farabadan oo danyar ah. Degmada Dhagaxbuur oo kamida 68 dii degmo ee hore ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaranews uga waramay hawalaha dakhliga ee degmada Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Degmada Dhagaxbuur Mudane Cabdulaahi Yaasiin Maxamed.

Hadaba maareeyaha ayaa si qodo dheer uga hadlay qorshayaashii u yiilay wakaalda sagaalkii  Bilood ee u danbeeyay. wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah ay kasooo hooyiyeen islaarkaana ay gaadhsiiyeen inay soo saaraan  87%  qorshihii uyiilay.

Sidookale maareeyaha ayaa carabka ku dhuftay in hawlaha dakhliga ee u qorshaysan  ay soo saarayaan 100%  isagoo tilmaamay in iyana ay u qorshaysantahay in la’abuuro ilo dakhli oo cusub si uu kor ugu kaco dakhligii ay soo xarayso wakaaldu.

Dhinaca kale, wuxuu masuulku sheegay in ay wakaaladu qaadatay qorshe dheeri ah oo ku aadan dhinaca dakhli dhalinta islamarkaana ay ku rajawayn yihiin inay ku guulasan doonaan 100%.

Ugudanabayna wuxuu maareeyuhu u mahadceliyay Maamulka Gobalka Jarar, Maamulka degmada Dhagaxbuur iyo waliba dhamaan bulshada ku dhaqan degmada dhagaxbuur oo sifiican uga qayb qaatay Guulaha ay wakaalada Dakhligu soo hooyisay.

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Dollo Oo Xadhiga Ka Jaray Xarumo Caafimaad

$
0
0

 Daratoole(cakaaranews) Sabti 9ka April 2016 Wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka dollo mudane maxamuud cali axmed ayaa xadhiga ka jiray laba xarumo caafimaad oo laga fuliyay degmada daratoole ee gobolka doollo.

Hadaba gudoomiya gobolka dollo oo u waramay shabakada wararka cakaaranews ayaa sheegay inay labadan xarumood ay kala yihiin xarun caafimaad oo dadka ah iyo mid xoolaha ah,wuxuuna gudoomiyuhu intaa kudaray inay labadan xarumood ay fuliyeen mashruuca PCDP.

Ugu danbayna wuxuu gudoomiyuhu sheegay in mashaariicahani ay yihiin mashaariicihii qorshaysnaa  in la fuliyo sanadkan 2008 TI.wuxuuna gudoomiyuhu shacabka u sheegay inay mashaaricahani ay kamid yihiin horumarka balaadhan ay xukumadu ugu jirto sidii ay dadkeenu uga bixi lahaayeen saboolnimadka .

Tababarkii Xisaabaadada Iyo Hanti-dhawrka Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Sabti 9ka April 2016, Waxaa maanta si habsi leh loo soo gunaanaday tababar loo hayay xisaabaadada iyo hantidhawrka islamarkaana kasocday kuliyda maaraynta iyo adeega shacbka DDSI. Kaasoo 16 kii cisho ee u danbaysay lagu barayay casharada kala ah qorshaynta miisaaniyada, cadcadaanta iyo isla-xisaabtanka (FTA), maamulka hantida iyo iibka, iyo waliba habka warbixinta nidaamka xisaabaadka.

Hadaba tababarkan xidhitaankiisii ayaa saaka waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo  kasoo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa isagoo hadalkiisii ku bilaabay amaan u aamanay dhalinyartii tababarka qaadanayay islamarkaana isbabardhigay maanta sida uu deegaanku uu horumar uga gaadhay dhinac kasta tusaalana u sooqaatay in maanta deegaanka degmooyinkiisa ay dhaliyar wax-baratay oo master ah kashaqaynayaan. Sidookale wasiirka ayaa sheegay in tababarkan ay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii adkaynlahaa nidaamka maaliyadeed ee deegaanka maadaama oo ay deegaanada dalkeena JDFI ay kajirto taratan dhanka maaliyadaha islamarkaana dhawr jeer oo hore uu deegaanku abaal-marino kuhelay kudhaqanka shuruucda nidaamka maaliyadeed.

Dhinaca kale,  wasiirka ayaa ku booriyay dhalinyartii tababarka qaadanaysay in cilmigii ay barteen ay ficl ku muujiyaan islamarkaana ay saxaan wixii dhaliil ah ee dhanka shuruucda iyo nidaamka maaliayadeed kajiray. Wuxuuna wasiirku carabka ku adkeeyay in ay tababartayaashani ay yihiin kuwii nidaamka maaliyadeed horumarin lahaa iyo sidookale inay iyagu yihiin kuwii dib u dhigilahaa nidaamka.

Sidookale wasiirka ayaa xusay in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee la qabto isalamarkaana uusan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee laqabto loona baahanayahay qofkasta xafiiskiisii inuu siiwado shuruucdii saxsanayd, kana saxo wixii dhaliil ahaa ee jiray

Wuxuuna hadalkiisii ku gabagabeeyay inay noqdaan kuwa dareen wadaniyadeed leh, mid daacadnimo oo lahaansho ku dheehantahay. Isagoo tilmaamay in ay dhamaantood yihiin kuwo deegaanka iyo dalkaba wax kubaratay galaaska 1aad ilaa heer jamacadeed si bilaash ah oo billaa lacag ah. Islamarkaana Dalka iyo Deegaankuba uu xaq ugu leeyahay inay uga faa iideeyaan cilmigii ay barteen si daacadnimo ah.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa isna dhankiisa kahadlay Gadh/W Geedi-socodka Horumarinta iyo Maaraynta ee kuliyada Maaraynta iyo Adaaga Shacabka mudane Faarax Cabdulaahi Abshir oo sheegay in kuliyadu muhiimada ugu wayn ay u samaysan tahay ay tahay kobcinta aqoonta garaadka siyaasadeed ee cududa shaqaalaha iyo waliba ardayda. Wuxuuna intaa kudaray in tababarkani intii uu socday ay casharada bixinayeen macalimiin aqoon dheer u leh nidaamka xisaabaadka iyo hanti-dhawrka iyo waliba siyaasada guud ee ku aadan xisaabaadka.

Ugu danbayna tababartayaashii oo kahadlay dareenkooda ayaa sheegay inay kamidho dhlinayaan casharadii ay barteen uguna adeegayaan bulshda deegaanka si lahaansho leh oo daacadnimo ku dheehaantahay.

Swansea Oo Chelsea Tuntay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 9ka April 2016 Kooxda Swansea city ayaa guuldaro dhabarka usoo saartay kooxda chelsea oo uu shaxdeeda guus hiddink isbadal wayn ku sameeyay,chalsea ayaa 32 kulan oo premier league ah xili ciyaareedkan ka heshay 44 dhibcood oo kali ah iyada oo kaalinta 7aad kaga jirta miiska kala saraynta horyaalka ingiriiska.

Hadaba iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxoodba heleen fursado fiican oo ay goolal dhawr ah   lagu dhalin karayay laakiin kooxdii martida loo ahaa ee Swansea city ayaa qaybta hore awooday inay mid kamid ah fursadihii ay abuurtay ay gool ubadashay,halaka blues ay fursado dhawr ah oo ay ku barbarayn kartay ciyaarta ay heshay.

DAQIIQADII 25 aad ayay kooxda Swansea city heshay goolkeeda furitaanka ee ay hogaanka ciyaarta kula wareegtay kadib markii uu gylfi por Sigurdsson uu kooxdiisa u sixiixay goolka furitaanka waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Swansea hogaanka ciyaarta ku qabatay,inkastoo ay  kooxda Chelsea ay iskudayday inay hesho gool barbaro ah balse kooxda Swansea ayay mariwayday waxayna qaybtii hore ciyaarta ku dhamaatay 1-0 ay Swansea hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ciyaarta ayay Chelsea bilowday raadiso gool barbaro kadib markii uu Alex pato uu shabaqa kasoo taabtay Swansea city laakiin calanwadaha ayaa sheegay in pato uu kubada gacanta ku taabtay tasoo keentay in aan Chelsea goolkan loo xisaabinin,ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay iyada oo waliba kaarka digniinta ahi ay tiro bateen waxayna blues dadaal badan ku bixisay sidii ay ugu yaraan ula iman lahayd goolka barbarada ah lakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 ay Swansea city guul ku gaadhay.


Maamulka Degmooyinka Gobolka Jarar Oo Shirkii Qiimaynta Ahaa U Soo Gabagaboobay

$
0
0

Dhagaxbuur (cakaaranews ) Axad 10kii Aprill 2016, shir qiimayn ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan degmooyinka Gobolka Jarar islamarkaana lagu qiimaynayay hirgalinta qorshayaashii 9kii billood ee ugu danabaysay ee adeegyada horumarineed iyo waliba nidaamka adeeg-bixinta ee maamulka suuban ayaa kadhacay xarunta Gobolka Jarar ee degmada Dhagaxbuur.

Hadaba shirkan ayaa waxaa hogaaminayay shirgudoona ka ahaa gudoomiyaha Gobalka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan  oo sheegay in shirkani uu yahay shirkii caadiga ahaa ee ay wada yeelan jireen maamulada degmooyinku. Wuxuuna intaa kudaray in shirkan lagu qiimaynayay qorshayaashii u yiilay degmo kasta wixii hirgalay iyo waxa aan hirgalin iyo sababta ayna u hirgalin. Sidookale wuxuu xusay masuuku in qorshahan si gaara loogu eegayay adeegyada horumarineed ee ay ugu horeeyaan Biyaha, iyada oo siqodo dheer loo lafaguray meelaha ay kala marayaan biyo-xidheenadii kasocday dhamaan degmooyinka.

Sidookale waxay tilmaameen in iyana siwayn looga hadlay hawlaha dakhliga ee degmo kasta. Waxaa kale oo aan iyana meesha kamaqanayn in si adag looga wadahadlay waxbarashada caafimaad iyo beeraha.

Ugudanbayna waxay sheegeen masuuliyiintu in shirku uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyagoo xusay in maamulka degmooyinku ay kala qaadanayaan khibrad kudayasho leh oo dagmooyinka liita ay kudayanayaan degmooyinkii fiicnaa qiimayntan. Waxayna carabka kudhufteen in iyana la islameeldhigay sixida wixii dhaliil ahaa ee qiimayntaas lagu soosaaray.

 

 

 

Minneapolis iyo Xafladii Jaaliyaadka W.America Ay Ku Taageerayeen Wax-Qabadka XDSHSI

$
0
0

Minneapolis ( cakaaranews )Axad 10kii Aprill 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen qurbajoogta u dhalatay DDSI islamarkaana lagu taageerayay guulihii is dabajooga ahaa ee uu Xisbigu 8 dii Sano ee u danbeysey kasoohooyiyay Horumarka, Nabadgalyada iyo Maamulka suuban ayaa lagu qabtey Magaalada Minneapolis ee Cariga Mareykanka.

Xafladan oo aan ahayn midi ugu horaysay ee ay sameeyaan qurba joogta DDSI ayaa waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan gobolada kaladuwan ee wadanka maraykanka iyagoo taageerahoodana ku miijinayay boodhadh ay ku qoranyihiin hal-kudhagyo kuwaasoo ay kamid ahaayeen waan garab taaganahay waxqabadka XDSHSI islamarkaana sita Astaanta Xisbiga iyo waliba calanka dalka iyo ka deegaanka. Sidookale goobtaas xaflada lagu sameeyay ayaa waxaa laga soojeediyay khudbado ka hadlaya sooyaalkii taariikheed ee uu soo maray XDSHSI.

Hadaba xafldan taageeraha ah ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya ee Jaaliyaadka Waqooyiga Ameerica mudane Ibraahim carab khuuriye oo sheegay inay ujeedada xafladani tahay in si buuxda looga warbixiyo waxqabadkii iyo guulihii uu soohiyay XDSHSI iyo waliba in ay muujiyaan taageeraha ay u hayaan xisbiga.

Dhinaca kale waxuu sheegay gudoomiyuhu in si qodo dheer looga hadlay horumarka balaadhan ee uu soo hooyiyay XDSHSI iyo waliba heerar kii  kala duwanaa ee uu u soo maray Taabogalinta Isbedel-horumarineed oo Damaanad u Noqda Shacabka iyo maamul-suuban oo hanta Qaab-dhismeedyada Dawlada kana go'an tahay ka midho-dhalinta Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale taasoo maanta Guud ahaanba laamaha Dawladu kusaleysanyihiin.

Sidookale waxuu tilmaamay masuulku in xaflada lagusoobandhigay muuqaalo muujinaya waxqabadkii Xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI madaxwaynahana uu u yahay mudane  Abdi Mohamud Omar islamarkaana uu Deegaanka Gaarsiiyey Meel aan soo noqosho laheyn Oo isbadal baaxad weyn kusameyey Degaankii,iyo shacabkii kunoolaa oo aynu wada xasuusano sidii uu shaley ahaa iyo maanta Halka lamarayo.

Wuxuuna intaa kudaray in talaabbo kasta oo deegaanka kadhacda ay si wanaagsan uga warhayaan haday tahay Nabagalyada iyo Kaabayaasha Horumarinta Magaalooyinka iyo xoolo-dhaqatada oo meel aad u wanaagsan lagaadhsiiyay oo ah isbedel la taaban karo oo muuqda.

Sikastaba ha ahaatee wuxuu sheegay in jaaliyadu ay si wayn u soo dhaweeyeen Go'aankii geesinimada lahaa ee kalafadhigii ugu danbeeyay ee Golaha Baarlamaanku ku ansixiyeen 25 kii degmo, 2 dii maamul magaallo, iyo 2da gobol ee ay kusoo kordhiyeen Deegaanka somalida itoobiya midaasina ay keeni doonto horumar balaadhan oo si xawli ah ku dhaqaaqa.

Dhinaca kale waxay tilmeemeen anay salaan iyo mahadcelin kal iyo laab ah u diyaraan dhamaan xubnaha XDSHSI iyo sadexda laamaood ee dawalada Deegaanka Soomaalida ee kala ah  laanta fulinta, laanta dajinta iyo waliba laanta garsoorka. Waxaa kale oo ay salaan kal iyo laab ah u soodireen dhamaan shacabwaynaha DDSI meelkasta oo uu ku suganyahay.

Ugudanbayna jaaliyada ayaa sheegtay in ay si buuxda u taageer-san yihiin una-garab-taagan yihiin waxqabadka muuqda ee XDSHSI. Waxayna xuseen in ay kaalintooda ka qaadanayaan dhisida iyo hirgalinta schoolada iyo dhismayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka cusub oo ah kuwo ay kubaxeyso lacag dhan 7 milyan oo bir oo u dhiganta 280,000 00 dollar degmo walba. Midaasina  ay noqotey mid ay soo dhawaynayaan jaaliyadaha kunool wadamada reer Galbeedka oo ay jaaliyad walba guda-gashey abaabulka iyo sidii ay degmada ay kasoo jeedaan u soo gaarsiin lahaayeen qeybtooda kaga aadan.

 

 

 

MW CMC Oo Sheraton Huteel KuLa-kulmay Mas’uuliyiinta Xarunta Dhexe

$
0
0

Adhisababa ( Cakaaranews ) Isniin, 11ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta mas’uuliyiinta xarunta dhexe ee XDSHSI laanta adhisababa kulakulmay Sheraton Huteel isagoo kala hadlay sidii shaqada xisbiga ee adhisababa loo sii dar-dargalin lahaa iyagoo ku salaynaya qorshayaasha guud ee u dhigan XDSHSI iyo kuwa gaarka ah ee xafiiska laanta adhisababa.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana mas’uuliyiinta xafiiska xarunta dhexe ee XDSHSI laantiisa adhisababa kuwareejiyay 4 gaadhi oo loogu talagalay inay kufuliyaan shaqooyinka xafiiska.

Dhankoodana, mas’uuliyiinta xafiiska xarunta dhexe ee XDSHSI laantiisa adhisababa ayaa balan qaaday inay sii adkayn doonaan shaqooyinka xafiiska iyagoo hadh iyo habeenba utaagnaan doona kamidho-dhalinta qorshayaasha horumarineed ee xisbiga guud ahaan.

Shirkii Qiimaynta 9ka Bilood Ee Gobolka Qoraxey

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Isniin 11ka April 2016 Shirkii qiimaynta 9ka bilood ee degmooyinka gobolka qoraxey oo ay kasoo qayb galeen dhamaan Degmooyinka uu gobolku ka koobanyahay ayaa si rasmi ah uga socda xarunta gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.

Hadaba shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf aadan yuusuf iyo madaxa arimaha siyaasada ahna kusiisimaha gudoomiyaha xisbiga gobolka Mudane Axmed Yasiin ayaa sheegay in shirkan yahay qiimaytii sagaalka bilood ay yeelan jireen Maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka koobanyahay gobolku kaasoo lasoo bandhgayo waxqabadkii Degmo walba ay qabatay mashariicihii loogu talagalay in la fuliyo 2008 TI sida loo fuliyay iyo hadii ay jirto degmooyin aan fulinin sababta ay ufulin waayeen.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu intaa ku daray in shirkan qiimaynta ah xooga lagu saarayay sida wax Looga qabtay adeegyada aas aasiga ah sida biyaha, beeraha, waxbarashada,caafimaadka,waxuuna Gudoomiyuhu si gaar ah u waydiinayay degmooyinka  sida ay u fuliyeen biya xidheenadii laga waday dhamaan degmooyinka.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii ka socday degmooyinka uu gobolku ka Koobanyahay iyagoo sheegay inay hirgaliyee dhamaan mashaaricihii loo qabtay 2008 TI gaar ahaan biya Xidheenadii  waxa kale oy xuseen in waxa dhimana ay dhamaystiri doonaan iyagoo sidoo kale gudbiyay waxa caqabad ku ah ee ka dhiman in losoo dhamaystiro.

 

 

 

 

 

 

Tababar ku Saabsan Ka Hortaga Cudurka HIV/AIDS

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Isniin 11kii Aprill 2016, Tababar uu soo diyaariyay xafiiska kahortaga iyo xakamaynta Cudurka HIV-AIDS islamarkaana kusaabsan ladagaalanka iyo kahortaga cudarka dilaaga ah ee aan dawada lahayn ee HIV-AIDS ayaa maanta kafurmay guriga shirarka ee  Kuliyada Maaraynta iyo Adeega Shacabka DDSI.

Hadaba tababarkan oo ay kasoo qaybgaleen 50 xubnood oo kakala yimid xaafadaha magaalada jijiga iyo qaar kamida ardayda dugsiyada sare ee magaalada jigjiga ayaa waxaa shabakada wararka cakaaranews uga waramay iskuduwaha Geedi-socodka tababarada ee Xafiiska kohortaga iyo xakamaynta HIV-AIDS  mudane Cabdiwali Samriye Cabaas oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay in fahan buuxa laga siiyo cudurkan HIV-AIDS xubnaha kasooqaybgalay iyadoo larabo in xubnaha fursada u helay tababarkana ay sii gaadhsiiyaan wacyi-galintiisa xaafadihii iyo dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

Sidookale wuxuu iskuduwuhu xusay in tababarkani uusan ahayn kii ugu horeeyay ee uu qabto xafiisku, oo uu qabtay tababaro hore oo kan lamid ah.

Dhinaca kale waxaa iyana dareenkooda kahadlay tababartayaashii oo sheegay in casharo faa’iido uleh ay barteen islamarkaana ay sii gaadhsiinayaan xaafadihii iyo dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>