Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo U Soo Noqday Masiibadii Dabiiciga ahayd Darteed

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) Talaado, 5tii April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka ka soo duulay xarunta dalka ee adhisababa isagoo badhtamaha kaga yimid shirarkii uga socday xarunta dalka si uu shacabwaynaha deegaanka ugala qaybqaato masiibadii dabiiciga ahayd darteed ee daadkii soo rogmaday ee kayimid dhinaca jinacsanay ee keenay khasaare naf iyo maalba ah.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaadii uu usoo gaadhay xarunta deegaanka toos u abaaray goobihii ay masiibada dabiiciga ah ee daadku saamaysay isagoo kadibna soo indha-indheeyay meelihii ay biyaha-daadku kayimaadeen si xal waara looga gaadhana qorsheeyay in  biyo xidheeno laga sameeyo korka goobta ay iskaga daraan laagaha biyaha ee kakala yimaada degmada tuliguuleed ee deegaanka soomaalida itoobiya iyo degmada jinacsanay.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa sheegay in hoos loo qodi doono togga dhex-mara magaalada jigjiga si looga gaashaanto halista masiibada dabiiciga ah ee daadadka.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabwaynaha deegaanka khaasatan eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay dadkoodu ku waxyeeloobeen masiibadii dabiiciga ahayd. Wuxuuna madaxwaynuhu u mahad-celiyay gurmadkii deg-dega ahaa ee ay xukuumadu ka gaysatay masiibadan dabiiciga ah gaar ahaan ciidamada kaladuwan ee deegaanka siiba ciidanka gaarka ah ee Liyuu booliska.


Dardar Galinta Shaqooyinka Dakhliga Ee M.M Qabridahar

$
0
0

Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 5ta April 2016, Shir-wayne  ay kasooqayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, Dhalinyarada iyo cuqaasha islamarkaana lagaga wada hadlayay dardar-galinta iyo wacyi-galinta hawlaha dakhli-uruurinta iyo waliba dakhli-xaraynta ayaa kadhacay Hoolka shirarka ee Maamulka Magaalada Qabridahar.

Hadaba Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Badri Khaalid Nuur oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in bulshada qaybaheeda kaladuwan ay fahan buuxa kaqaataan hawlaha dakhliga iyo waliba in bulshadu si qodo dheer u ogaato faaiidooyinka Dakhliga. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in shirkani uu yahay mid lagaga war bixinayo adeegyada horumarineed ee kajira maamulka magaalada qabridahar isagoo sheegay in horumarka balaadhan ee ka hirgalay deegaanka uu ku yimid dakhliga iyo waliba taageerada bulshada.

dhinaca kale, qaarkamida bulshadii kasooqaybgashay shirka ayaa sheegay in ay aad usoo dhawaynayaan islamarkaana ay taagersanyihiin xoojinta iyo tayaynta dakhliga.

Ugu danabayna wuxuu maareeyuhu u mahadceliyay dhamaan bulshadii ka sooqaybgashay isagoo xusay in bulshada kudhaqan magaalada ay fahan balaadhan kahaystaan kadib markuu arkay fikiradoodii ku aadana hawlaha dakhliga

 

 

 

Gud-Gobolka Jarar Oo Xadhiga Kajaray 17 Mashruuc

$
0
0

Dhagaxbuur( cakaaranews ) Talaado 5ta April 2016, Wafti balaadhan oo  uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa maanta xadhiga kajaray 17 mashruuc oo isugu jira Rugo-Caafimaad, Iskuulo, Ceel Gacmeedyo iyo waliba bakhaaro kuwaasoo laga kala dhisay sentarada iyo tuulooyinka hoosyimaada Degmada Dhagaxbuur.

Hadaba, waftigan ayaa waxaa gudoomiyaha Gobalka socdaalkiisa kuwahelinayay masuuliyiin heer-gobola iyo  kuwo heer degmo ah oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur mudane  Axmed nuur Jaamac Cige iyo Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Degmada dhagaxbuur mudane Cabdulaahi Yaasiin

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Gobalka Mudane Cabdi Cali Mataan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in saaka ay xadhiga ka jareen 17 masruuc oo isugujira dugsiyo, Rugo-Caafimaad, Bakhaaro, Xarumaha Tababarka Beeralayda (FTC) iyo waliba Ceel gacmeedyo.

Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu intaa kudaray in mashaariicdan ay xadhiga kajareen laga kala dhisay Qabaleeyada kala ah Falfal,  geedi aar,  Higlalay, Galiil, Dhuumoodka, Garawo, Labiga Bulaale iyo Hoodaale.

Ugu danabayna wuxuu xusay gudoomiyuhu in mashaariicdan ay aad ugu baahnaayeen bulshada dagan qabaleeyada iyo tuulooyinka islamarkaana mahadclin balaadhan iyo soodhawayn aad usaraysa ay u sameeyeen markii ay xadhiga kajarayeen.

Kulankii Golaha Kabineega DDSI Ee Saaka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Arbaco, 6da April 2016. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo furay kulankii saaka ayaa soo hordhigay golaha kabineega ajandaha kulanka oo ahaa: waxkaqabadka masiibadii dabiiciga ahayd ee daadkii iyo waliba xalka dhibaatadan si aysan mar danbe usoo noqonin.

Hadaba gudiyadii kaladuwanaa ee gurmadka deg-dega ah ee waxkaqabadka masiibooyinka dabiiciga ah ee heer deegaan ayaa soo jeediyay warbixintii waxkaqabadka masiibadii dabiiciga ahayd ee daadka iyo xalkoodii oo ay usameeyeen qorshe kumeel-gaadh ah, mid dhexe iyo mid fog iyagoo sheegay in wajigii koobaad ee gurmadka ay badbaado adag oo isugu jirta naf, maal iyo raridba ay ka gaysteen meesha qorshaha wajiga labaad ee gurmadka ay warbixinta oo dhamaystiran ay ugudbiyeen dawlada federalka ah iyo hay’adaha ay khusayso. Halkaas oo in kabadan 600 oo qoys raashinkoodii iyo agabkiiba durba laga jawaabay meesha 900 oo qoysna uu agabkoodii iyo raashinkoodiiba dhexda kusoo jiro.

Iskusoo wadaduuboo, madaxawaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo kahadlay sidii xal-waara looga gaadhi lahaa masiibadan dabiiciga ah ayaa sheegay in indha-indhayntii iyo daraasaadkii shalay lagu ogaaday in ugu horayn ay dhibaatada keentay buundo la’aan iyo togga oo meelaha qaar kafidsan. Sidaadarteedna ay xukuumadu qorshe uqaadatay ugu yaraan 5 buundo in laga sameeyo togga, in dhooba-qaad iyo dhismo wada socdo lagu sameeyo togga, biyo-xidheeno iyo moosas laga bilaabo qabalaha qoor-dheere ilaa xabaalaha Sheekh Cali Guure.

Deeqda Ganacsatada Deegaanka Oo Maraysa 13 Milyan

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews )Arbaco, 6dii April 2016. Kulanwayne ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka oo ujeedadiisu ahayd xageen kaga hadhaynaa ugurmashada masiibadii dabiiciga ahayd ee daadkii naf iyo maalba waxyeeleyay walaalahanagii danyarta ahaa ee deganaa agagaarka togga dhexmara magaalada jigjiga ayay deeqdoodu maraysaa 13 milyan iyadoo wali sii socota.

Kulankan ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay kulanka ganacsatada ayaa ugu horayn ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka kadamqashada dhibaatada masiibadii dabiiciga ahayd ee ay kuwaxyeeloobeen walaalahood isagoo xusay in shacabka deegaanku uu ku amaanan yahay is-caawinta xili walba. Tanina ay kamid tahay dabeecada diinteena islaamka iyo dhaqanka shacabkeena lagu yaqiinay iyadoo xukuumada deegaanka iyo ta federaalkuba ay kasoo baxeen kaalintoodii gurmadka deg-dega ah qorshaystayna xal-waara si aysan dhibaatadani mar danbe usoo noqonin oo ah in tog caadi ah laga sameeyo qabalaha qoor-dheere ilaa xabaalaha sheekh cali guure, buundooyin, biyo-xidheeno iyo moosas. Wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in gudi iskudhaf ah oo kakooban xubno ganacsatada kamid ah iyo xubno  dabagal ah oo maamula deeqda ganacsatada lasameeyo iyadoo account lagu ururinayo lacagta deeqda ah.

Kadibna mayorka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed oo kawarbixiyay waxyeelada masiibadaas ayaa sheegay in daadku saameeyay 9 xaafadood oo kamid ah magaalada isagoo dumiyay guryo, qaadayna hanti gaadiid iyo agab isugu jirtay keenayna dhaawac, dhimasho iyo barakac intaba. Wuxuuna mayorku xusay in ciidanka gaarka ah ee DDSI ay noqdeen xalkii masiibada dabiiciga ah xiligay dhacday. Wuxuuna ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka dadaalka deeqda ay ufidinayeen walaalahooda kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, dhimashada ay masiibadaasi keentay oo ahayd 23 xubnood oo 7 kamid ah lala’yahay ayaa waxaa ugu darnaa inta lahayo qoys kakoobnaa 9 xubnood: 6 caruur ah iyo 2 ehelka ah oo ay kajoogaan waalidkii oo kali ah, qoys kakoobnaa 4 xubnood oo aabihii oo kali ah kabadbaaday iyo qaar kale. Waxayna ganacsatadu go’aansatay in qoyska ugu daran lagu caawiyo 4.5 milyan birr oo kamid ah deeqda 13ka milyan ee wali socota meesha qoysaska kale ee soo raaca gudigu uqoondayn doonto.

Dhanka kalana, qaar kamid ah ganacsatada deegaanka oo kahadashay maadasha kulankaasi ayaa sheegay inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin eheladii iyo qaraabadii ay dadkooda waxyeelaysay masiibadii dabiiciga ahayd iyagoo waliba tacsi tiiraanyo leh udiray.

Dayactir Lagu Sameeyay Qaar kamida Ceelasha Dhaadheer Ee Degmada Dhanaan

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )Arbaco 6dii April 2016, Koox uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Degmada Dhanaan mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal ayaa dayactir ku soo sameeyay ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Qabaleeyada kala ah Burqayar,  Bacaad, iyo Higlaale-biir

Hadaba, Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay dayactir ku sameeyeen ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Santerada kala ah Burqayar, Bacaad,  iyo Higlaale-biir. Wuxuuna intaa ku daray masuulku in maadaama xili jiilaal ah lagu jiro ay mudnaanta siiyeen dayac tirka ceelashaas islamarkaana ay wakhtiyar gudihii kusoo dhamaystiren shaqadii dayac tirka ahayd.

Dhinaca kale wuxuu xusay in kormeer ay ku sameeyeen mashaariicda lasoo gaba-gabeeyay Sandakan ee isugu jira Ceelasha biyaha ah, Baraagaha biyaha,  iyo waliba Biyo-xidheenada  kuwaas oo ay wada fuliyeen xafiiska biyaha Degmada Dhaanaan iyo hay’adaha ay bah- waadaagta yihiin.

Sikastaba ha ahaatee, madax-xafiiseedka ayaa tilmaamay in dhanka dayactirka ceelashan ay aad ugu riyaaqeen bulshadii kafaa iidaysanaysay maadaama oo ay aad ugubaahnaayeen. Wuxuuna  carabka kudhaftay in mashaariicdan kala duwan ee biyaha ah ee laga fulinayo degmadan Dhanaan ay waxtar balaadhan u soo kordhin doonaan bulshada kadib markay adeega bilaabaan.

Ugudanabayna madax-xafiiseedka ayaa u mahadceliyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay inay xilwayn iskasaaraan islamarkaana ay taageero balaadhan kagaysteen dayactirka iyo waliba kawarhaynta hawlaha biyaha Degmada Dhanaan.

MW CMC Oo Booqday Togga Magaalada

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) khamiis, 7dii April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka booqday togga  dhexmara  xaafada 17,aad  ee magaalada jigjiga oo shaqadii moosida dhinacyada iyo isu keenida meelaha uu toggu kafidsan yahay xukuumadu si habsami leh uga bilawday. Halkaas oo uu madaxwaynuhu kulan wacyigalin ah kulayeeshay dadkii daganaa agagaarka togga isagoo ukuuragalayay xaaladooda nololeed.

 

 

 Waxaana halkaa dadkii kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd loogu qaybiyay agabkii guriga oo dhamaystiran oo isugu jira: bustayaal, sijaayado, koobab, digsi, jeergaamo, suxuun, teendhooyin i.w.m meesha dhamaan 9ka xaafadoodba dadkii kuwaxyeeloobay in kabadan 900oo qoys loo qaybiyay agabkan iyadoo qaybinta raashin nooc walba kakoobana loo bilaabay.

Dhanka kalana, dadkii agabkan loo qaybiyay ayaa si niyad-sami ah ugu mahadceliyay xukuumada waxqabadka deg-dega ah ee kajawaabida saamaynta masiibadan ee ay had iyo jeer xukuumadu deegaanka iyo ta federalkuba lagarab taagan yihiin shacabkooda tabaaloobay iyo sida ay heeganka ugu yihiin mar walba.

Tababar Ay Qabteen Shabakada Badbaadada Waxsoosaarka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Tababar uu soo agaasimay waaxda  damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada bahwadaagata la ah barnaamijka hab naloleedka bulshada sida micro finance ga, shirkadaha yaryar,tvet,bolsa iskaashatooyinka,xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta,qaybta dalaga,qaybta xoolaha ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirirka ee xfiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.

Tababarkan oo socday muda laba maalmood ah ayaa waxaa soo xidhay agaasinka damaanad qaadka cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye iyo cordinatorka waaxda damaanad qaadka cuntada mudane Axmednuur Cabdi,iyagoo sheegay in tababarkan ujeedadiisu yahay hab nololeedka bulshada kasoo hada ka hor ahaan jiray barnaamij ka baxsan shabakada wuxuuna ahaa mid garabsocda oo aan deegaanka horay uga jirin balse hada dhamaan dalka oo dhan  wajiga cusub ee (psnp4)la mideeyay (HABP) oo ah dhisida hantida qoyska.

Sidoo kale waxa uu agaasinku intaa ku daray in tababarkan ay ka fa iideen kasoo qaybgala yaashu iyagoo fahan buuxda ka helay habnololeedka bulshada waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha iyagoo sheegay inay tababarkan intuu socday wax badan ka faa ideen kana barteen xeelado badan oo ku saabsan hab nololeedka bulshada.   

 

 

 


Koxihii iyo Ciyaartoydii Ugu Fiicnaa Champions Ka Iyo Siday U Kala Badiyeen

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com ayaa soo saartay kooxdii ugu fiicnaa kulamadii xalay iyo habeen hore ee tartanka Champions league oo la ciyaaray lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka.

Kooxaha Man City iyo PSG ayaana wax xidigo ah ku yeelan kooxdaan inkastoo ay ciyaareen kulan madadaalo ah oo aad cajiib ah sidoo kalena ay kasoo baxda natiijo layaab leh oo aan la fileyn iyadoo Man City ay barbaro 2-2 ah kala soo laabtay Parc Des Princess.bDhanka kale Wolfsburg oo ceebeysay Madrid ayaa ku leh xidigaha ugu badan halka Bayern ay kaliya Vidal ku leedahay sidoo kale Barca ayaa sadex xidig ku leh. Halkaan ka arag kooxaha oo dhan:

Goolhaye:Diego Benaglio Wolfsburg 2-0 Real Madrid 

Daafac Midig:Dani Alves Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Daafac Dhexe:Jardel | Bayern Munich 1-0 Benfica

Daafac Dhexe:Naldo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Daafac Bidix:Ricardo Rodriguez | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Khadka Dhexe:Andres Iniesta | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Khadka Dhexe:Arturo Vidal | Bayern Munich 1-0 Benfica

Khadka Dhexe:Luiz Gustavo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Garabka Midig:Bruno Henrique | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Weerarka Dhexe:Luis Suarez | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Garabka Bidix:Julian Draxler | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

 

Daah-furkii Degmada Cusub Ee Boodaleey

$
0
0

Boodaleey (cakaaranews ) Khamiis 7dii April 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Degmada cusub ee Boodaleey ee katirsan degmooyinkii cusbaa ee lagudaray Gobalka Qoraxay ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf AadanYuusuf.

Hadaba xafladan daah-furka ah oo ay kasooqaybgaleen dad aad u farabadan oo isugujrta bulshada qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada, cuqaasha, hooyooyinka, odayaasha, iyo culimo awdiinka ayaa waxaa ugu horayn furitaankeedii kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kasooqaybgalka iyo furitaanka xafladan lagu daahfurayo degmada cusub ee boodaleey oo katirsan Gobalka qoraxay. Wuxuuna gudoomiyhuhu u mahadceliyay dhamaan bulshadii kasooqaybgashay xafladan degmada cusub ee boodaleey.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in degmadani ay kutaala meel staratigi ah oo aad ugu baahnayd in degmo laga dhigo waa hore. Wuxuuna carabka kudhuftay in xaruntan boodaleey ee deegaanka dulqabaw ay tahay meelihii nabadiidka UBBO ay ku dhuumaalaysan jireen.

Wuxuuna Gudoomiyuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay hadalo baraarujin ah isagoo ku booriyay bulshada ree-dulqabaw inay soo maal gashadaan degmada cusub ee boodaleey islamarkaana ay soo magaaleeyaan, nabad-galyadeedana ay ka shaqeeyaan.

Dhanka kale, waxaa iyana kahadlay qaar kamida odayaashii kasooqaybgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin daahfurka degmada cusub. Waxayna sheegeen inay soo dagayaan islamarkaana ay maal gashanayaan nabad galyadeedana ay ka shaqaynayaan.

Ugu danabayna gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf Aadan Yuusuf ayaa dhagax dhigay mashaariico Horumarineed oo isugujira iskuulo, iyo Caafimaad.

Sikastaba ha ahaatee, degmadan cusub ee deegaanka dulqabaw ayaa xarunteedu tahay Boodaleey waxayna xad laleedahay degmooyinka kala ah shaykoosh, Qabridahar, Garbo, Dhanaan iyo Burqod

 

 

 

Tababar Kusaabsan Maaraynta, Hogaaminta Iyo Maamulka-Suuban

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamis 7dii April 2016, Waxaa maanta ka bilowday hoolka shirarka ee hotel Hamda ee magaalada Jigjiga wareegii 3aad ee tababarkii soo Socon jiray mudada ee maaraynta, hogaaminta iyo maamulka suuban ee la siinayay hogaamibta sare ee wasaarada caafimaadka iyo xafiisyada ay bah-wadaagta yihiin.

Hadaba,Tababarkan ayaa waxaa saaka furitaankiisii hadalo muhiim ah ka soo jeediyay Kusimaha Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, oo si fiican u qeexay ahmiyada tababarkan. Isagoo sheegay in ujeedada tababarkani ay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka aqoomeed ama awoodooda hogaamineed ee dhanka maamulka suuban iyo ka midha dhalinta qorshaha caafimaadka ee shantan sano dhamaan hogaaminta sare ee sector ka caafimaadka.

Ugu danabayna wuxuu masuulku tilmaamay in tababarkani uu socon doono mudo sadex maalmooda. Wuxuuna kula dar'daarmay ka soo qayb galayaashi in ay sifiican uga faa iidaystaan casharada islamarkaana ay ilaliyaan saacadaha uu casharku socdo.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen 50 xobnood oo ka kala yimid xafiisyada kala ah xafiiska caafimaadka DDSI, xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ka, wakaalada dabagalka cuntada iyo daawooyinka ee DDSI, iyo zonal health focal persons ayaa waxa larajaynayaa in ay kubaran doonaan cahshro wax wayn katari doona ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala caafimaadka.

 

 

MW CMC Oo Kadagay Xarunta Wadanka

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) jamce, 8da April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo masiibadii dabiiciga ahayd ee dhawaan kadhacday magaalada jigjiga darteed ugu laabtay xarunta deegaanka isagoo shirarkii xarunta dalka uga socday badhtanka kaga tagay ayaa kadib markuu kala soo qayb-qaatay shacabka deegaanka dhibaatadii masiibada maanta dib ugu soo laabtay xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyadoo shirarkii halkaa uga sii socon doonaan.

Madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kadagay gagida diyaaradaha ee addisababa bole international airport.

Deeq Raashin Iyo Agab ah Oo La Gaadhsiiyay Qoysaskii Ay Saamaysay Masiibadii Daadku

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Jumce 8dii Aprill 2016, Sidii caadada ahayd ee looga bartay xukuumada DDSI ee ahayd kajawaabida dagdaga ah ee baahida shacabkeeda ayaa Waxaa si habsamileh loogu wadaa taageero is daba joog ah qoysaskii daganaa Dhamaan 9kii xaafadood ee M.M Jigjiga ee masiibadii rabaaniga ahayd ay saamaysay. Waxaana loo qaybiyay raashinka noocyadiisa kala duwan iyo agabka guryaha oo dhamaystiran.

Hadaba sida ay u sheegeen shabakada wararka ee cakaaranews gudiyadii kala duwanaa ee loo xilsaaray arimahan deeqda oo halkaas kusugnaa iyo waliba xubno muhiima oo kamida xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka ayaa sheegay in qoysaskii ay saamaysay masiibadii biyihii daadka ahaa ee kusoo rogmaday 9 xafadood oo kamida magaalada jijiga loo qaybiyay noocyada raashinka ee kala ah Digir, Bariis, sareen, Saliid iyo waliba agabka guryaha oo dhamaystiran,

Si kastaba ha ahaatee,Taageeradan isdabajooga ah ayaa waxaa siwada jir ah u wada Xukuumada  DDSI, Xafiisyadeeda kala duwan iyo waliba hay’adaha ay qusayso.

Ugudanbayna qaarkamida qoysaskii ay saamaysay masiibadu oo u waramay shabakada cakaaranews ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqdan ay soo gaadhsiiysay xukuumadu. Waxayna u mahad celiyeen una duceeyeen dhamaan xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waliba dhamaan hay’adiihii taageerada ka gaystay oo dhan.

Wafti Kasocday Midawga Yurub Oo Booqday Sitti

$
0
0

Diridhaba ( Cakaaranews ) Jamce, 8da April 2016. Wafti balaadhan oo dhinaca dalka uu hogaaminayo wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka  ee JDFI mudane Mitiku, dhanka deegaankana Mw kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, dhanka midawga yurubna komishineerka xaaladaha bini’aadamtinimo ee midawga yurub oo ay weheliyaan hay'adaha deeq bixiyeyaasha yurub ugu sareeya ayaa booqday xaalada abaarihii ay keentay isbadalka cimilada ee gobolka sitti iyagoo gaar ahaana soo indha-indheeyay Shiniile iyo qabalaha Gaad.

Hadaba Mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar ayaa sheegay in booqashadan oo qaadatay mudo 2 maalmood ah ay maanta soo gabagabawday iyadoo waftiga midawga yurub ay xaqiiqsadeen saamaynta dhibaatada ay abaartani u gaysatay dad iyo duunyaba iyo sida adag ee ay xukuumada federaalka iyo ta deegaankuba ula tacaaleen nolosha bulshada iyo xoolahoodiiba. Halkaas oo ay mahad balaadhan uga soo jeediyeen xukuumada dalka iyo deegaankaba.

Booqashadii kadib, ayaa waxay waftiga midawga yurub kasocday ugu deeqeen si wax looga qabto xaalada abaaraha miisaaniyad dhan 139.3 milyan oo doolar.

Waxaana mahad balaadhan halkaa uga soo jeediyay waftigii kasocday dhinaca dalka oo uu ugu horeeyo wasiirka xafiiska kahortaga iyo udiyaargaarawga masiibooyinka JDFI oo uu weheliyo Mw kuxigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal.

Ugudanbayna, waftigii midawga yurub ayaa waxaa loo sii dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee diridhaba si ay uga socdaalaan.

Arsenal Oo Marti Ku Ah Garoonka Barcelona

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) arbaco 16 march 2016 Kooxda arsenal  oo kamid ah kooxaha horyaalka England ayaa caawa la ciyaari doonta  naadiga halista ah ee Barcelona.gunners ayaa kulanka caawa ciyaaraysa lugta labaad ee wareega 16ka champions league iyagoo ku marti ah camp nou islamarkaana u baahan inay dhaliyaan laba gool si ay u helaan fursad ay dhanka kale ugu rogaan guuldaradii 2-0 ee kusoo gaartay Emirates stadium lugtii hore.

 

 


Agab loogu Deeqay Dugsiga-Hoose Dhexe Ee Centerka Dhagaxle

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews ) Khamiis 17 March 2016, Xafiiska waxbarashada DDSI oo agab isugujira kuraas iyo miisas oogu deeqay Dugsiga Hoose Dhexe ee Centerka Dhagaxle ee hoosyimaada Degmada Gursum.

Hadaba Gadh/G/S/ T Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha mudane Faysal Cabdinuur Maxamed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dugsiyadan agabka loogu deeqay ay yihiin iskuulaadka modelka ah ee  kajira dagmada Gursum,wuxuuna agaasinku intaa kudaray in agabkan loogu talagalay iskuulaadka leh quudinta (school feeding) taasoo dhiiri galin u samaysa ardayda dugsiga wax kabarata khaasatan gabdhaha.

Ugu danbayna  waxa uu  masuulku hadalkiisii ku gabagabeeayay in agabkani uu san ahayn kii ugu horeey ee uu xafiisku gaadhsiiyo degmadaas. Waxa uuna gaadhsiiyay agabyo hore sidooklae waxa uu xafiisku gaadhsiiyay dugsiyada sanadkan bilawgiisii iyo waliba dugsiyada cusub ee deegaanka.

Wacdarihii Champions Bayern Munich iyo kooxihii ugudbey wareega 8aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) khamiis 17 march 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa xalay garoonka Allainz Arena kadhigtay guul isbadal taariikheed ka abuurtay horyaalka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga kadib markii ay soo laabasho cajiib ah ugu soo baxday wareega sideedaad ee Champions Leaque-ga. Kooxda uu macalinka u yahay Pep Guardiola ayaa u muuqatay in ay ka hadhay Champions Leaque-ga lakiin intii lagu jiray daqiiqo kooban oo ciyaarta lagu daray ayaa Thomas Muller soo nooleeyay rajada Bayern Munich ee Champions Leaque-ga.

Kooxda Juventus ayaa 2:0 ciyaarta ku hogaaminaysay qaybtii hore iyo in badan oo qaybtii ka mid ahayd iyada oo ay Paul Pogba iyo Juan Cuadradoay goolasha hore dhaliyeen. Laakiin RobertLewandowski iyo Thomas Muller ayaa bixiyay jawaabta ay Bayern Munich ku soo laabtaywaxaana amaan wayn barbaraha ku lahaa Muller oo gool qurux badan oo madax ahaa dhaliyaydaqiiqadii 91 aad ee dhamaadkii kulankan taas ookeentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqo oo dheeri

ah.

Hadaba waqtigii dheeriga ahaa Thiago oo ciyaarta badalku soo galay iyo Kingsley Coman ayaa Bayern Munich u dhaliyay laba gool oo deg deg ah taas oociyaarta ka dhigtay 4:2 ay Bayern Munich kaga guulaysatey Juventus oo u muuqatay inay ugudubto wareega Sideeda ee Champions Leaque-ga

 Sidoo kale waxaa xalay la soo gabagabeeyay wareega 16 kakooxood ee Champions Leaque-ga waxaana kooxihii hore u soo baxay xalay ku soo biiray kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich oo ka soo talaabsaday kooxaha Arsenal iyo Juventus sida ayu kala horeyaan. Hadda waxaa la og yahaydhamaan sideeda kooxood ee Chapions Leaque-ga ku tartami doona waxaana isku soo hadhaykooxaha kala ah Atlentico Madrid, Bayern Munchen, Barcelona, Benfica, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Wolfsburg.

 

 

Xadhig-Kajarka Mashaariicdii Degmada Fiiq

$
0
0

Fiiq( cakaaranews )Khamiis 17ka March 2016, Maamulka Degmada Fiiq oo uu horkacayo Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqadir Xasan Maxamed ayaa xadhiga kajaray qaar kamida mashaariicdii kasocotay degmada oo ay kamid yihiin 2 iskuul iyo 1 (hal) Rug-Caafimaad oo lagadhisay tuulooyinka ama qabaleeyada kala ah Aloosane iyo Tukaale.

Hadaba xadhig kajarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews ugwaramay Gudoomiyaha Degmada Fiiq mudane Cabdiqadir Xasan Maxamed oo sheegay in  dhamaan mashaariicdii dhismayaasha ee sanad miisaaniyeedka 2008 T.I ay soo gabagabeeyeen iyadoo biyo xidheenadiina ay maraayaan meel gabo gabo ah. Sidookale wuxuu xusay in mashaariicahan ay u dhamaadeen sidii uu qorshuhu ahaa.

Ugu danbayna Gudoomiyaha ayaa shaqooyinka qabsoomay uga mahadceliayay shacabka degmada oo runtii kaalin laxaad leh kaqaatay dhamanba mashaariicahaas dhamaaday.

 

MW CMC Oo Diridhaba Kadagay

$
0
0

Diridhaba( Cakaaranews ) Khamiis, 17ka march 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galabta ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada diridhaba.

Hadaba madaxwaynaha ayaa halkaa kaga qaybgali doona shir heer qaran ah oo kusaabsan ladagaalanka argagixisada iyo sii xoojinta nabadgelyo kuwada noolaanshaha diimaha shucuubaha kaladuwan ee dalka oo loo qabanayo dawlad deegaanada soomaalida, canfarta, hararida, ismaamulka diridhaba iyo gobolada bariga hararge ee oromiya oo kadhici doona magaalada diridhaba.

 

Beesha Gurre Oo Canbaaraysay Horumar-Diidka Korodhka Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jumce 18ka March 2016, Kulan ay yeesheen beel-waynta Gurre oo uu hogaaminayo ugaaska beesha gurre islamarkaana ujeedadiisu ahayd canbaaraynta horumar-diidka korodhka deegaanka iyo waliba taageeraha go’aankii baarlamaanka DDSI ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan beesha oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiinta, Odayaasha, Aqoonyahanada beesha ayaa waxaa ugu horayn kahadlay ugaaska beesha Gurre Ugaas Maxamed Ugaas-Guure ugaas-Guuleed kana mid ah salaadiinta DDSI oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga hadlayo danaha iyo aayaha beesha Gurre ee dagta sadexda degmo ee kala ah Guro-boqosa, Guro-dhaamoole, iyo Qarsaadhuule,oo awal hore kamid ahaan jiray Gobolka Afdheer balse hada kalafadhigii baarlaamka DDSI lagu ansixay inay kamid noqdaan Gobolka Liibaan iyadoo xukumada iyo XDSHSI ay isla qaateen xalna u arkeen in sadexdaa degmo aysan kamid ahaan karin gobolka afdheer sababtuna tahay fogaanshaha xarunta gobalka, dhanka jidadka iyo gaadhsiinta adeegyada horumarineed.

Sidookale waxa uu ugaasku hadalkiisa kusii daray in ay beesha-Gurre ay kamid tahay beelaha dega degaanka somaalida itoobiya. Goobaha ay daganyihiina ay yihiin kuwo nabagalyadoodu taamtahay horumarkuna uu ka hanqaaday islamrkaana ay ka jiraan adeegyadii aas asiga ahaa iyo waliba adeegyadii kaabayaasha dhaqaale isagoo ugaasku uga mahdceliyay xukumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar balanqaadka iyo dadaalka uu ugu jiro horumarka gaar ahaan jidka laamiga ah ee dhawaan lagasamayndoono wadada isku xidha Goro-dhaamoole ilaa jarati. Sidookale wuxuu uguuska carabka ku adkeeyay aadna u canbaareeyay isagoo ku hadlaya codka beesha Gurre dadka hadalada borobogaandada ah ay kasoo yeedhay ee jooga Kenya inaysan matalin beesha gurre islamrkaana  aysan aqoonin meel ay sedaxda degmo ay ku yaalaan danta beesha gurana aysan ku xidhnayn qurbo-joog balse ay ku xidhantahay qaran-joogta.  Waxaana  si buuxda u tageeraynaa go’aanka ay xukuumada iyo baarlamaanka DDSI ku ansixiyeen in sadexda degmo ay kamid noqdaan Gobalka liibaan. Maadaama oo ay dan utahay shacabwaynaha ku dhaqan sadexdaas degmo.

Wuxuuna ugaasku isagoo hadalkiisii siiwata yidhi in ay dadkaas la sheegay ee meelahaa kahadlay ay yihiin fadhi kudirir aan deegaanka waligood arag, islamarkaana dadkii sumcada lahaa ee wadanka kiinya joogay ee beesha Gurre matali kara ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada. Waxa uuna uguusku hadaladiisii kudaray in dadka wanaagsan ee taageerada iyo hormarka deegaanka ka qaybqaata ee kiinya jooga ay yihiin dad aad ufarabadan oo beesha ah tusaale ahaana loo soo qaadan karo  Xaaji Ismaaciil iyo sheikh Nuux  oo ah dadkii kaqayqaatay dhisida masaajidada iyo dugsiyada degmooyinkaas beeshu degaan.

Ugudanbayna wuxuu ugaasku carbka ku adkeeyay in odayga lagu magaacbo Khaliif Cadaawe, uu yahay oday da’ah oo wax uu ka ogyahayna jirin xaalada deegaanka islamrkaana ku tilmaamay propogaandiste warbaahinta dhaxmarinaya wax aan sal iyo raadlahayn, waxbana aysan ka ogayn dadkii matalayay beesha Gurre ee daganaa wadanka kiinya oo uu soo kaxaystay caruur yarayar oo aan matalikarin beesha.

Dhanka kale waxaa isna Madashan kahadlay Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo kamid ah aqoonyahanada beesha Gurre isagoo sheegay inay jiraan dad meelaha qurbaha hadal maalayacni ah oo aan waxba kajirin lataagan, islamrkaana dano gaar ah leh oo aan deegaanka waligood imanin gurina kulahayn aqoonina dagmooyinkaas meel ay kuyaalaan ,namana matalaan dadka beesha matala waa kuwo danta beesha yaqaana. Sidookale waxa uu xusay in ka aqoonyahano ahaan  ay aad u taageersanyihiin go’aankii uu ansixiayay baarlamaanka DDSI. Dhankakale wuxuu canbaarayn kulul usoojeediyay isagoo kuhadlaya magaca beesha-Gurre  dadka fadhi kudirika ah ee la sheegay inay melahaas ka hadleen. Isagoo waliba diiday in uu magac dhabo ninkaas kuna tlmaamay hadaladiisa kuwo qof waalani yidhi.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Maxamed Shaqlane Jaamac oo ku hadalaya magaca dhalinyarada sedexda degmo ee ay dagaan beesha gurre isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda beesha gure ee isugu jira ganacsatada odayaasha iyo dhaliyarata jooga Kenya ay yihiin kuwa ka dharagsan horumarka deegaanka islamarkaana tageersan go’aankii barlamaanku ansixiyay iyada oo uu goaankaasii uu dan u ahaa bulshada dagan sadexda degmo. Wuxuuna  intaa kusii daray in ninka la sheegayo uusan jiko xitaa ku lahayn sadexda degmo islamarkaana uu soo aruursaday ciyaal yaryar oo aan beesha matali Karin.

Sikasataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in  kulankii maanta  beesha gurre ay siwada jir ah uga soo horjeedsadeen islamarkaana canbaarayn kulul u soo jeediyeen nin lasheegay inuu soo galiyay warbaahinta  hadalo xaqiiqda ka fog oo propogaando ah, isagoo iska dhigayay in uu matalayo beesha Gurre. 

 

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>