Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MMQ Iyo Bulshada Kunool Oo Soo Dhawaysay Ardayda Cusub Ee Lagu Soo Qoray Jaamacada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco, 3da January 2018. Waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxay ardaydii ugu horaysay ee nasiibka uyeelatay jaamacada qabridahar islamarkaana ay qaabishay jaamacadu kuwaasoo isugujira qoomiyadaha kaladuwan ee dalkeena kana ka kala yimid 9ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul ee uu dalku koobanyahay.

Hadaba, ardaydan cusub ayaa waxaa duleedka magaalada kusoodhaweeyay shacabka qaybihiisa kaladuwan ee ku nool magalaada qabridahar kuwaasoo ay wahelinayaan masuuliyiin isugijirta heer gobol heer maamul magaalo, heer degmo iyo waliba qaarkamid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha jaamacada Qabridahar.

Dhanka kale, qaarkamid ah bulshada ree qabridahar ee soo dhawaynaysay ardaydan cusub ee jaamacada qabridahar lagu soo qoray oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida diiran ee qalbiga furan ee ay usoo dhawaynayaan ardaydan cusub ee isugujirta dhamaan qoomiyadaha dalka ee kakala yimid dhamaan dalka oo dhan. Waxayna tilmaameen in ay taageero dhankasta ah lagarbtaagnaanayaan ilaa inta ay waxbarashada wataan.

Sidookale, qaarkamid ah ardayada lasoodhaweeyay ee kakalatimid deegaanada dalka iyo 2da ismaamul ayaa sheegay in maanta aysan dareenkooda qiyaasikarin islamarkaana aysan filanaynin in soodhawayn noocan ah waxayna u mahadceliyeen dhamaan bulshadii soodhawaysay.

 

Iskusoowada duuboo, jaamacada qabridahar ayaa kamid ah 11 jaamacadood oo cusub kuwaasoo laga kaladhisay qaarkamid ah deegaanada dalka. Iyado jaamacadanina ay tahay jaamacada 2aad ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Waxayna sanadkan 1aad ee ugu horeeya qaabishay 1200 oo arday islamarkaana ay u diyaarisay adeegyadii jiifka cuntada iyo waliba waxabarshadii iyo agabkeedii.


Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay

$
0
0

Addis Ababa, (cakaaranews) Arbaco, 3da January 2018 shirkada isgaadhsiinta  tareenada ayaa sheegatay in uu si rasmi ah tareenku u bilaabay adeegii safarka ee Ethio-Djibouti iyadoo shirkaduna ay shaacisay qiimaha ama sicirka rakaabka goobaha oo sii maro ilaa jabuuti iyo waliba qiimaha  rarka xamuulka.

Hadaba, agaasimaha Guud ee Shirkada Isgaadhsiinta Tareenka ee Ethio-Djibouti mudane Tilahun Sarka,ayaa sheegay in uu tareenku shaqadiisii si rasmi ah u bilaabay maanta oo arabaco ah qiimaha rakaabka waa 0.68 sentir halkii kilomitirba.Sidaa daraadeed, qiimaha adeegga ah ee halka kursi ee AddisAbaba ilaa Adama uu yahay 68birr. Dadka safarka ku jira qololka jiifka ah waxay bixin doonaan 91 birr sariirta sare, 125birr sariirta dhexe iyo waliba 137birr oo ah sariirta hoose.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qiimaha Safarka ka yimaada Addis Ababa ilaa Jabuuti ee kursiga caadiga ahi uu yahay 503birr, halka kuwa safarka ku jira ee qololka jiifka ah ee korka sare ay bixin doonaan 671 birr ,qaybta dhexda ahna ay tahay 922 birr, meesha qaybta hoose ay qiimaheedu tahay 1,006 birr.

Sidookale, Eng tlahun ayaa wuxuu tilmaamay in qiimaha noolka ee kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Dire Dawa uu yahay 308 birr oo ah kuwa kursiga caadiga ah, iyadoo qiimaha sariirta sare uu yahay 410birr, qiimaha sariiraha dhexena ay yihiin 564 birr meesha qiimaha sariirta oo sariirta hoose uu yahay 618birr.Iyadoo qiimaha noolka ee Kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Jabuuti ee isticmaalaya qolol gaar ah laga filayo inay bixiyaan 1,258 birr sariirta sare iyo 1, 341 oo sariiraha hoose ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya, mudane Axmed Shide oo isna warbaahinta u waramay ayaa shegay in mashruucan dhamaaday ee wadada tareenka ee Etio-Djabuti uu yahay mid adeegii safarkiisa si rasmi ah ubilaabay islamarkaana uu yahay guul weyn oo usoo hooyotay wadankeenan Itoobiya. Iyadoo adeegbixinta uu tareenkanina wax wayn kusoo kordhin doono dhaqaalaha dalka. Wuxuuna qayblibaax kaqaadan dhanka ganacsiga iyo iskuxidhka dalkeena iyo wadanka jabuuti.

Waxaa kale oo iyana kahadlay mashruucan Danjiraha Shiinaha U Fadhiya Ethiopia, Tan Jian, Iyo Waliba Dr Berhanu Bashah oo ah Madaxa Sare Ee Shirkadda Tareenka Ee Itoobiya,kaasoo sheegay in waddada tareenka, ama guud ahaanba mashruucani uu yahay mid kor uqaaday sumcadda qaranka ee Itoobiya, iyadoo mashruucanina uu waxkabadali doono bulsho badan oo ku kala nool dalkeena iyo dalka jabuuti labadaba haday tahay shaqo abuur iyo haday tahay kafaaiidaysiga ganacsiga. Wuxayna xuseen in adeega tareenkan casriga ahi uu dalka ka caawin doono dadaallada loo samaynayo islamarkaana si fudud ay uga soo qaadaan qalabka kala duwan ee dekedaha, kuwaas oo loo isticmaali karo gashiga xarumaha waawayn  ee warshadaha ee Itoobiya.

Iskusoowada duuboo, Mashruucan cusub ee casriga ah ayaa ahaa mid xadhiga looga jaray bishii October 2016waxaana si wadajir ah u leh wadamada Itoobiya iyo Jabuuti waxaana dhisey shirkada Shiinaha china Railway Group iyo China Engineering Corporation (CCECC).

 

 

Gudoomiyeyaasha xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF ayaa sheegay in midnimada iyo fikirka midaysan ee xisbiga ugu shaqaynayaan shacabka dalka.

$
0
0

Addis ababa (cakaaranews) Khamiis 4ta,January  2018. Afarta gudoomiye ee xisbiyada kubahoobay xisbiga EPRDF ayaa cadeeyey inay shacabka ugu shaqaynayaan fikirka midaysan ee ay urarada xisbigu hada gaadheen.

Afarta gudoomiye ee ururada xisbiga EPRDF ayaa maanta shir saxaafadeed ay ku qabteen xafiiska R/wasaaraha kucadeeyey natiijada kasoobaxday shirkii qiimaynta qotadheer ee gudiga fulinta xisbiga EPRDF kujireen mudada 17ka cisho ah.

Hadaba gudiga fulinta oo shir saxaafadeedkan Kubilaabay Hal kudhag odhanaya “wax cirka kahooseeya oo qiimaynta looga tagay majirin” ayaa sheegay inay shirkii qiimaynta EPRDF ee 17ka cisho socday uu dhaliyey Fikir midaysan oo waara, islamarkaana laga soosaaray jihooyinka kakooban  Sideed qodab oo mustaqbalka dhow lahirgelinayo.

Sidoo kale Gudigaayaa cadeeyyey in qiimaynta loogu talagay inay  “noqoto mid taar iikhi ah” xisbiyada oo dhanina ay si waxku oola iskuxil qaamaan, dhibaatooyinkii wakhtiyadan dambe wadanka kadhacay oo urur walba oo xisbiga kamid ah si adag iskugu qiimeeyey masuuliyadeedina si wada jir ah u qaadateen .

Dhanka kale Gudiga ayaa xaqiijiyey in dhibaatadii wadanka ka dhacday iyo carqaladaha yar-yar ee  kasiimuuqda ay gudiga fulintu mas’uuliyadeeda qaadeen islamarkaana ay dhibaatooyinkii dhacay kagaadheen xal waara.

Sidookale gudiga fulinta ayaa cadeeyey in iyadoo laga duulayo nidaamka fikirka iyo ficilka midaysan ee qiimayntii Hadda kasoobaxday ay xubnaha gudiga fulintu si dhakhsa ah ubilaabayaan kalasaarida dhibaatooyinka iyo xalinta dhibaatooyinkaba.

Gudiga ayaa shaaca kaqaaday in kalashakigii iyo is aaminaad la’aantii kadhex dhelatay xaliyadan dambe oo ahayd mid isasootaraysay,ururada xisbiga,in kadib markii si qotadheer looqiimayey laga gaadhay aragtidii midaysnayd ee xisbiga lagu yaqaanay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga EPRDF ahna gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfureed mudane Hailemaryam Deselagn ayaa sheegay inay gudiga fulintu isku qiimeeyeen oo ay qiimaynta uga gayb qaateen qaab ay xoriyad iyo cadcadaan kudheehan tahay islamarkaana la abuuray fikir iyo aragti midaysan.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka xisbiga EPRDF ahna Gudoomiyaha xisbiga dhaqdhaqqaqa dimuqraadiyadeed ee qoomiyada amxaarada mudane Dembeke Mokanin Xuseen ayaa cadeeyyey inaysan dhibaatooyinku kukoobnayn oo kaliya Hal urur siyaasadeed lakiin ay ururada oo dhani ay dhibaatooyinka ka sinaayeen.islamarkaana qiimaynta lagu keenay fikir midaysan si dag dag ahna ficil loogu badalayo.

Waxaa isaguna dhankiisa kahadlay gudoomiyahaya ururka dimuqraadiga shacabka oramada lemma megarsa ayaa dhankiisa sheegay inay guul tahay in laxaliyo caqabadihii jiray,islamarkaana ladhigo jihooyin abuura  geedisocodka siyaasadeeed ee caafimaadka qaaba.

Dhanka kale Gudoomiyaha ururka TPLF Dr debretsion G/Michael ayaa isna dhankiisa Tilmaamay in qiimayntii hada si xeel dheer loogu qiimeeyey xaalada iyo arrimo aan Hadda kahor lagu qiimayn jirin kulamada xisbiga,wuxuuna intaa kudaray in gaar gaar iyo gooni gooniba si cad oo qoto dheer loo qiimeeyey dhibaatooyinkii dalka suaasha geliyey ee ururada.in waxaana meesha laga saaray ayuu yidhi dhibaatadii dimuqraadi la’aaneed ururada xisbiga kadhex abuurmay,oo xisbiga iyo wadankaba khatar ku ahaa,iyadoo ladejiyey jihooyinka xal waara unoqda dalka iyo dalkaba.

Wuxuuna gudoomiyaha ururka TPLF carabka kudhuftay in dhibaatooyinkii jiray ay ahaayeen kuwo albaabada ufuraya kooxaysi iyo kalafaa’iidaysi aan barnaamijyada iyo xidhiidhka wanaagsan ee xisbiga kusalaysnayn.

Waxayna gudumiyeyaashu cadeeyeen inay xisbiga kadhexjireen aragtiyo odhanaya  "anaa saxan iyo anaa saxan."waxayna arrintani abuurtay  qaladaad kusalaysan dareen shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.Taasoo iyaduna horseeday cillado kadhashay nidaamka dimuqraadiyadeed eetastuuriga ah iyo balaadhinta siyaasadaba.

Iskusoo wada duuboo guddoomiyaha EPRDF mudane Hailemariam Desaleyn, ayaa cadeeyey in ka qayb gelinta siyaasada ee  xisbiyada mucaaradku ay muhiimadwayn uleedahay xaqiijinta midnimada nidaamka xisbiyada badan(multi party system).wuxuuna gudoomiyuhu carabka ku adkeeyay in lasii xoojiyo nidaamyada balaadhinta siyaasada iyo nidaamka xisbiyada badan.waxayna gudigu dajiyeenjihooyin xaqiijinaya islamarkaana sugaya mawqifka siyaasadeed ee saraynta sharciga kusalaysan.

 

Shirkii Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF Iyo Xisbiyada Bahwadaagta la ah Oo Kafurmay Xarunta Dalka

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews), khamiis, 4ta January,, 2018, Kulan ay yeesheen 4ta xisbi ee kubahoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF ee soomaalida, canfarta, benishangul, gambella iyo hararida ayaa kaqabsoomay xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Kulankan ayaa xisbiyada bahwadaagta la ah xisbiga EPDRF waxaa loogu soo bandhigay warbixintii qiimayntii qotoda dheerayd ee 18ka maalmood usocotay ururada kubahoobay xisbiga EPRDF si kafaah-faahsan siday warbaahintu usoo dhigtay gaar ahaan geedi-socodkii qiimaynta, dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii la isugu qiimeeyay iyo waliba natiijadii kasoo baxday. Kadibna xisbiyada ayaa si qotodheer uga dooday. Waxaana la islaqaatay dood dheer kadib in qiimayntan hoos loo dhaadhiciyo inkastoo ay XDSHSI iyo xukuumada DDSI ay shirkan kahorba sii bilaabeen islamarkaana dhaadhiciyeen qiimayntan.

Hadaba, Xisbiga EPRDF ayaa waxaa kamid ahaa khaladaadka uu hoosta kaxariiqay fikir aad loo buunbuuniyay oo ahaa inay jirto sarayn ah qawmiyada tigray arinkaas oo in badan dhex socday xisbiga EPRDF ilaa iyo labadii sano ee udanbaysay balse bayaan ay shirkii qiimaynta EPRDF kasoo saareen ayay kusheegeen in arinkaasi uu ahaa been iyo barobagando aan sal iyo raad lahayn wax cadayn ahna loo waayay.

Sidoo kale, hogaaminta XDSHSI ayaa soo dhigay in arinkaas ay iyagu horayba ugu arkeen inuu yahay been iyo barobagando larabay in lagu dumiyo nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka laguna xasuusto inay shacabka soomaalidu ay si cad uga soo horjeedsadeen beentaas iyo barobagandadaas larabay in lagu dumiyo dastuurka iyo federalismkaba.

  Dhanka kale, XDSHSI ayaa kutilmaamay qiimayntii iyo islahalgankii shirkii 18ka cisho magaalada adhisababa uga socday xisbiga EPRDF talaabo sax ah oo ay EPRDF qaaday.

Ugudanbayna, kulankan ayaa waxaa kasoo baxay go'aamo muhiim ah oo waxtar uleh guud ahaanba shacabwaynaha dalka oo udhignaa sidan:

1.  Waxay qiimayntu dusha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay gudiga fulinta gaar ahaan hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF maadaama oo xiligii dhibaatooyinku dhacayeen aysan daraasaad kusamaynin markay dhacdayna aysan xal kakeenin.

 2.  Wuxuu xisbigu sidoo kale cadeeyay inay xisbiga EPRDF kadhex dhalatay koox bilaa hogaamin ah oo kumidawday danaysi iyo aragti xumo kadhan ah jihooyinka ay EPRDF kumidawday

 3.   Waxay hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF gaar ahaan gudiga fulintu ay qaadatay dhaliisha dhamaan dhibaatooyinkii dhacay islamarkaana ay raalin galin kawaydiisteen guud ahaan shacabwaynaha dalka, xubnaha EPRDF iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF

4.   Wuxuu xisbiga EPRDF balanqaaday in dhamaan khaladaadkii dhacay ay saxayaan oo ay sugayaan saraynta sharciga, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

5. Waxaa kale oo uu xisbigu go'aamiyay in ururada katirsan xisbiga EPRDF ay si gooni ah isugu qiimeeyaan dhibaatooyinka maamul xumo ee laqiimeeyay cidii kulug-lahaydna talaabo laga qaado

 6.  Wuxuu xisbigu ku amaanay ciidamada difaaca qaranka shaqooyinka muhiimka ah ee ay kaqabteen dhibaatooyinkii dhacay isagoo bogaadin usoo jeediyay

 7.  In dhibaatooyinkii kajiray dhanka xadka ee gaar ahaan soomaalida iyo oromada oo qayb ka ahaa xumadii siyaasadeed ee guud ahaan kajirtay dalka xal waara laga gaadho.

 8.       In laceliyo dib udajina loo sameeyo barakacayaashii labada dhinac

Shirwaynaha Wadatashiga XDSHSI Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lagu Qaban Doono Magaalada Raaso.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis , 4ta, January, 2018. Waxaa magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee gobolka afdheer lagu qabandoonaa todobaadka soo socda haddii alleh-idmo shirwayne balaadhan oo ay yeelan doonaan XDSHSI iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo lagaga hadli doona dhibaatooyinkii la soo maray, waxqabadkii 7dii sano ee la soo dhaafay  xukuumada DDSI  iyo jihooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban mustaqbalka soo socdo.

Haddaba, degmada Raaso oo sanado ka hor uun ahayd tuulo ayaa wakhti xaadirkan qaabilaysa kumanaan qof oo ka qaybgalaya shirwaynahan taasi oo tusaale cad u ah horumarka deegaanka ka hanan qaaday iyo in ay tuuladii hore loo odhan jiray Raaso ay maalinba maalinta ka dambaysa sii balaadhanayso iyada oo ugu dambayn maanta gaadhay heer ay marti galinayso shirwaynaha XDSHSI  iyo shacabwaynaha DDSI taasi oo ah wax illahay lagu mahad celiyo.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 4ta December 2018. Waxaa si rasmi ah ooga furmay cusbitaalka wayn Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referal hospital ol-olihii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan boqolaal shacabka maamulka magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Hadaba madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo kawarbixiyay ol-olahan adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaashka ah ayaa sheegay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah  ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan MMJ iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaana uu socon doono muda 7 cisho ah. Wuxuuna intaa ku daray in markii uu 7aadkan dhamaado ol-olaha adeega qaliinka iyo daawaynta bilaashka ah uu Hospitaalku si rasmi ah usii wadi doono bixinta adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha maadaama oo aysan waaxdani horay uga shaqayn jirin hospitaalka.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga  iyo naawaaxigeeda oo  sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርት በራሶ ከተማ ከህዝቡ ጋር ሰፊ የጋራ መግባባት መድረክ የአካሄዳል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)hሀመሙስ ታህሳስ 26/2010ዓ.ም.በቀጣዩ ሳሚንት በአፍዴር ዞን በራሶ ወረዳ መቀመጪያ በራሶ ከተማ የክልሉ መሪ ድርጅት ኢ.ሶ.ህ.ዴፓ. ከክልሉ ህዝብ ጋር ክልሉ ባለፈው 7አመታት ባሳለፈው የልማት፤የመልካም አስተዳደርና የዴሞክራሲ እንድሁም የታዩ ተግዳሮትና በቀጣይ የልማት፤የጸጥታና የመልካም አስተዳዳር ትክረት አቅጣጫዎችን የሚወያይበት ሰፊ መድረክ ያካሄዳል።

በሌላ በኩል እንደሚታወቀው ከቅርብ አመታት በፊት ራሶ መንደር እንደነበረች ይታወቃል ይህ ደግሞ በክልሉ መንግስት ቁርጠኝነት የትላንትናው ራሶ ቀበሌ ወረዳ በማድረጉና ከተሟ ከእለት እለት እደገች በመምጣቷ ዛሬ በሺዎች የሚቆጠሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርትና ህዝብ በሚወያይበት መድረክ ለሚካፈሉ ታሳታፊዎች ለሚያስፈልገው ጉዳዮች ሁሉ አሟልታ እንድታስተናግድ ምክንያት ሆኗል።

War Deg-deg Ah

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Khamiis 4ta January 2018. Xisbiga EPRDF ayaa maanta shaaca ka qaaday markii ugu horaysay taariikhda abid inay ka doodeen sidii ay ururad bah-wadaagta ah ee sida XDSHSI ay EPRDF uga mid noqon lahaayeen. Waxayna sheegeen inay ku jiraan daraasaadkii ay kaga midnoqon lahaayeen EPRDF. Iyadoo ugu danbayn shirwaynaha EPRDF ee dhici doona bisha Hamle 2010TI lasoo hor dhigi doono daraasaadka.

Sidoo kale shirkii maanta ay yeesheen xisbiga EPRDF iyo ururada bah-wadaata ah ayaa waxay ku sheegeen in ay wakhti xaadirkan ay jiraan qaar kamid ah  ururada bah-wadaagta ah oo aad ugu talaabsaday isbadal dhan walba ah sida XDSHSI oo kale. Iyadoo Qodobadii shirkii EPRDF kasoo baxay ay kamid ahaayeen sida ururada bah-wadaata ah loogu darilahaa xisbiga EPRDF.

Ugu danbayn xisbiga EPRDF ayaa sheegay inay ururada bah-wadaagta ah sida XDSHSI uu ku biiradoona xisbiga EPRDF ilaa bisha hamle 2010TI


ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews) አርቢ ታህሳስ 27/2010.በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቢው የሚገኙና የተለያዩ የአይን በሽታ ችግር ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት የሚያገኙበት ፖሮግራም በዛሬ እለት በጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ የመለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ተጀመረ

የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር አብዱልአዚዝ ኢብራህም  ይህ ነፃ የአይን ህኪምና አገልግሎት ለአንድ ሳሚንት ያህል የሚሰጥ ፖሮግራም ሲሆን በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቧ ለሚኖሩና በሺዎች የሚቆጠሩ የተለያዩ የማየትና የአይን ብርሃን በሽታ ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት ተጠቃሚ የሚሆኑበት ፖሮግራም ነው ብሏል።በተጨማሪም የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ መለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ከአሁን በፊት ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎች የሚሰጥ ዲፓርትመንት ስላልነበረ ከወዲሁ ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት በቋሚነት እንደሚሰጥ ዲፓርትመንት ማቋቋምም ዶር አብዱልአዚዝ ገልጿል።

በመጨረሻም ከጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና ከጅግጅጋ አከባቢ መጥቶ ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና ተደርጎለት የአይነ-ብርሃናቸው የተመለሰላቸው ዜጎች በበኩላቸው ባገኙት የአይን ህኪም አገልግሎቱን እጅግ ደስተኛ መሆናቸውን ገልጿል።በተጨማሪም የክልሉ መንግስት ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና አገልግሎትን ለማብቃትና የአይነ-ብርሃናችን ለማስመለስ ባደረገው ጥረት አበረታች ነው ብሏል።

Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Shacabka DDSI Oo Kormeer Qiimayn Iyo Dabagalka Ah Ku Soo Maray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Gobolada Jarar iyo Qoraxey

$
0
0

Qabridahar (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada shacabka DDSI ee qaabilsan dhanka qiimaynta iyo dabagalka mashaariicaha ayaa kormeer qiimayn iyo dabagal ah ku soomaray  mashaariicaha horumaineed ee laga hirgaliyay gobolada jarar iyo qoraxey.

Hadaba, gudigan ayaa kormeerkoodii dabagalka ahaa ka bilaabay mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur iyadoo kormerkana ay kuwahelinayeen gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo waliba masuuliyiinta magaalada dhagaxbuur waxayna ugu horeen booqdeen mashruuca dhimaha ee Kuliyada xirfadaha farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur, mashruuca xarunta quwada korontada ee magaalada dhagaxbuur, dhismaha dugsi sare oolaga fuliyay, fulinta qorshaha BBC, heerka iyo nidaamka shaqo ee dhalinyartii shaqo abuurka loo sameeyay, iyo waliba mashaariicaha kale ee magalada dhagaxbuur laga fuliyay sida wadooyinka.

Sidookale, gudiga oo kormeerkooda sii wata ayaa gaadhay mashaariicaha waawayn ee magalaada qabridahar sida jaamacada qabridahar, adeegyada kaabayasha dhaqaale ee magaalada qabridahar, qaab socodka shaqo ee dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyay ee magaalada qabridahar iyo waliba adeegyada horumarka ee magaalada qabridahare.

 

Ugudanbayna, gudigan ayaa waxay kormeerkooda ku mareen dhamaan mashaariicaha laga hirgaliyay goboladaas iygoo soo taabtay mashaaricaha waraabka ee baka, goomaar- wijiwaaji, iyo maraacato.

Shirkada Maalgashiga Wayn Ee Dangote Group Ayaa Sheegtay In Ay Sii Laban Laabayso Maalgashiga Dalka Ethhiopia

$
0
0

Adhisababa (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Dangote Group oo ah shirkadaha Afrika ee hogaaminaya shirkadaha iyo warshadaha qaarada ayaa ku dhawaaqday in qorshayaal lagu kordhinayo maal-gashigooda ku aadan dalkeenan Itoobiya. iyadoo Shaacinta labajibaarka maalgalintooda ay timid ka dib wadahadaladii dhaxmaray Raisal Wsaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn iyo milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote islamarkaasna ay xafiiska Raisal wasaaraha kuwada hadleen.

Hadaba, Raisal wasaaraha iyo Dangote ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa maalgashiga kooxda ee Itoobiya. Iyadoo Ra'isal Wasaaruhu sheegay in dawladda Ethiopia ay ka go'an tahay sidii ay u bixin laheyd taageerada ay u baahan yihiin ee dhanka maalgashiga, wuxuuna intaa kudaray in wixii dhibaato ah ee ka jiray dalka xalkeeda lagu gudajiro, xalbadana ay gaadheen islamarkaana wadanka oo dhan lagu soo dabaalay nabadgalyo. Hada wixii kadanbeeyana la adkayn doono nabadgalyada dalka. Isagoo tilmamay Raisal-wasaaruhu in kooxdu ay leedahay qorshe lagu dhisayo warshad samaysa kaydka waxsoosaarka sibidhka taasoo ah warshad awood uleh islamarkaana ay ku garab taaganyihiin.

Sidookale, Milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote ayaa u mahadceliyay raisal wasaarha kadibna sheegay in uu doonayo in uu laba jibaaro maalgashigiisa mustaqbalka qaybta warshadaha sibidhka. Wuxuuna farta kufiiqay in maalgashigoodani uusan ahayn maalgalin hal mar ah "Ma ahan maal-gashi hal-mar ah,", isaga oo intaa ku daray in ay xaqiijinayaan in labada dhinacba ay ka wada faa'iideysan doonaan. isagoo carabka kuddhuftay in si wadajir  loola dagaallamo wixii caqabad ah ee soo food saarta."

Dhanka kale, Sida laga soo xigtay ENA, ayaa sheegaya in maal-gashiga Dangote ee Itoobiya wakhti xaadirkan uu galiyay dhanyahay 600 milyan oo Dollar. Isaga oo furay warshad sibidhka ah oo ku taala Itoobiya sannadkii 2015-ka oo lagu qiimeeyay 480 milyan oo doolarka Mareykanka ah warshadaasoo  85km u jirta Addis Ababa. Iyadoo Warshadaasina ay  awood uleedahay inay soosaarto 2.5 milyan tan oo ah sibidhka sanadkiiba.

Iskusoowada duuboo,  Mulkiilaha shirkadan dangote group  ayaa ah ninka  ugu taajirsan Africa iyo ganacsatada Nigeria. Waxaana laxaqiijiyay in Itoobiya ay tahay suuqa ugu faa'iidada badan ee sibidhka Dangote kahesho, Waxayna iibisay 1.7 malyan sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2017’’.

 

 

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Xafiiska 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 6da January, 2018 Wasiirka ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa warbixiyay guulaha laga soo hooyay  waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay gaar ahaan taaba galinta qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSi ay qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha  si looga jawaabo baahida bulshada deegaanka ee dhinaca helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana xooga la saaray ka faa’iidaysiga  biyaha bulka hoostooda, kaydinta biyaha cirka iyo ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada deegaanka sidoo kalena ay xukuumada DDSI suurta galisay mashaariicaha biyo galinta masaafada fog oo la gaadhsiiyay dhulkii hore u ahaan jiray oomahana dhinaca kalena ay xukuumada DDSI soo  iibisya bilihii ugu dambeeyay 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska  iyo biyo dhaamiska  iyada oo dhinaca kale meelaha laga sameeyo biyo dhaanka la garab wado qoditaanka ceelasha biyaha dhaadheer. si guud ahaanba deegaanka xawlaara looga gaadho helitaanka biyaha,

Wasiir kuxigeenka mar uu ka waramayay guulaha laga gaadhay qorshihii xafiiska biyaha ee 6dii bilood ee ugu dambeeyay  ayaa  waxa uu sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii biloog ee ugu dambeeyay  66.7%  lana gaadhsiiyay  73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday   64.5% lana gaadhsiiyay  70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday  66.7% lana gaadhsiiyay   73.6%,  wasiir ku xigeenka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay in la dhamays tiray 25 ceelalka dhaadheer  (riig ah) halka ay socdaan 12 ceel oo ah kuwa dhaadheer, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqooyinka ku dayashada mudane ee laga hirgaliyay deegaanka ay tahay  xal u helida ceelasha dhaadheer ee marka laga soo saaro biyaha ay qadhaadh noqdaan taasi oo ay xukuumada DDSI oo iibisay 11 mishiinada ah kuwa biyaha macaaneeya taasi oo lagu guulaystay lana macaaneeyay meelihii laga qotay ceelasha biyaha qadhaadh.

Ugu dambayntii waxa uu  sheegay wasiir ku xigeenku  in xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu isaga oo ka duulaya taaba galinta geediga horumarka xukuumada DDSI ee ku salaysan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha uu dadaal xoogan ugu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.

 

 

   

M.M Qabridahar Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Beerashada Casriga Ah Oo Loo Qabtay Khabiirada Fidinta Beeraha Ee Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Iyo Jarar

$
0
0

Qabridahar(cakaranews)Sabti, 6da January 2017.Waxaa Magaalada qabaridahar ee xarunta gobolka qoraxey lagu soo gabagabaeeyay Tababar uu soo agaasimay xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana loo hayay khabiirada fidinta beeraha ee dhamaan degmooyinka Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Afdheer Iyo Jarar. Tababarkaasoo kusaabsanaa nidaamka beerashada casriga ah.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro sare oo kasocday xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana aqoon durugsan uleh casharada ay bixinayaan. Iyadoo intii uu socday tababarkanina kaqaybgalayaasha si practical ah loo geeyay beeraha waawayn ee sida casriga ah looga beeray mashruuca waraabka ee maraacato kaasoo si ficil loohu tusay beeraha sida casriga ah loo beeray.

Hadaba, tababarkan ayaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Qabridahar Mudane Cabdulaahi Shekh Axmed Iyo Waliba  Agaasinka Waaxda Fidinta Beeraha Ee Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Mudane Axmednuur oo sheegay in tababarkani kusaabsanaa nidaamka beerista casriga ah iyo waliba waxsoosaarka tayada leh. Wuxayna tilmaameen in khabiiradan lakeenay beeraha sida casriga ah loo beeray si ay ficil ahaan ugu arkaan oo ay ugu daydaan. Waxayna xuseen in tababarkan ay kafilayan in horumar badani kayimaado kadib markii khabiiradani ay ku laabtaan goobohoodii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna, dhankooda khabiiradii tababarka qaatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaa’iideen cilmi badan oo kuwajahan xirfadooda. Waxayna xuseen in ay uga sii faaiidaynayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Maalintii 3aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Waxaa maalintii 3aad galay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo ka socda cusbitaalka wayn  Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referral hospital. kaas oo ay ka faaiidaysanayaan dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan shacabka gobolka faafan.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga ayaa waxaa kawarbixiyay Mudane Cabdulaahi Xambali oo ah hogaamiyahan kooxda wareegta ee qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee waaxda ka hortaga iyo xakamayta cudurada indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI oo sheegay in qalintaanka iyo daawayntu si fiican usocoto islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla cusbitaalka iyadoo looga faaiidaynayo guud ahaanba shacabka deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay shacbkii looga faaiidaynayay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo si farxadi ku dheehantahay usheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay aragoodii indhaha ee sanado ka maqnaa loogu soo celiyay. Waxayna umahad celiyeen xukuumada hirgalisay adeegan.

Gudiga Qabanqaabada Ee Shirwaynaha Raaso

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Shirwaynaha wadatashiga XDSHSI iyo shacabwaynaha deegaanka oo ay kasoo qaybgalayaan in kabadan 2,500 oo shaqsi oo isugu jira ergooyinka xisbiga, qaybaha kaladuwan ee  bulshada, Odayaal dhaqameedka iyo heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta deegaanka ee ka dhicidoona xarunta degmada raaso ee gobolka af dheer ayaa loo dhisay gudigii qabanqaabada iyo abaabulka shirwaynaha oo ubaxaya degmada raaso iyo gudashada shaqooyinkii loo xilsaaray.

Hadaba Waa kuwan magacyadii gudiga qabanqaabada shirwaynaha Raaso.

1.       Mudane Axmed Maxamed Koore wasiirka Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI-Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada

2.       Mudane Cabdulaahi Maxamuud Cabdi (Garbo) wasiir kuxigeenka  xafiiska jidadka ee  DDSI-Xubin

3.       Mudane Cabdrashiid Sheekh Cumar Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI-Xubin

4.       Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed maareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka ee DDSI-Xubin


Kulanka Wadatashiga Xukuumada DDSI iyo Beesha Gabooye

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 7da January, 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhici doona kulan wadatashi iyo wacyigalin isugu jira oo ay xukuumada deegaanku la yeelanayso beesha sharafta leh ee gabooye oo ah beel isku kalsoon sharaf iyo sumcad aad ubalaadhana leh islamarkaana ixtiraamka ka mudan soomaalida geeska africa si meesha looga saaro nidaamka dhaqan gumaysiga dhaqamada qaarkood loogana tanaasulo yasida iyo takoorka kadhex jira beelaha bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya heerarka kaladuwan ee mas'uuliyiinta deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha gabooye ee magaalada jigjiga iyo ergooyin kasocda beesha gabooye ee gobolada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka.

Haddaba, kulankan ayaa kadhacaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga 7aadka fooda inagu soo haya ka hor shirwaynaha wadatashiga xisbiga iyo shacabka deegaanka ee kadhacaya xarunta degmada raaso.

La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da, January, 2018. La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee Dhinaca Xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay kaalinta balaadhan ee qurba joogta DDSI ee ku nool  dacalada aduunku  ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka taaba galay deegaanka.

wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay isbadalka horumarineed nabadgalyo, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurba joogta DDSI wakhtiyadii hore sida uu ahaan jiray iyo heerka uu taagan yahay eega  isaga oo sheegay wasiirku in sanadihii in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay xooga saareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo wanaajinta  xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ku nool dacalada aduunka .wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta DDSI ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin higalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka taamyeelay deegaanka.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

War Naxdin Leh Oo Ka Imanaya Soomaalida Dagan Galbeedka Harargee.

$
0
0

Balbalayti(Cakaaranews) Isniin 8da January 2018. War xaqiiq ah oo naga soo gaadhaya galbeedka harargee ee deegaanka oromada ayaa waxaa dhacday in Dadkii soomaalida ahaa ee daganaa galbeedka harargee ka dib markii iyaga iyo xoolahoodiiba ay xero oo teen xoogaga ciidanka oromadu islamarkaana u diideen inaysan meelna u dhaqaaqin oo ay raashin biyo yo baadba midna helin mudadaas ay xero oodnaayeen ayaa waxaa maalintii shalay ahayd bilaabmay inay macaluul u dhinteen ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay in kabadan 20 caruurta ay da.doodu ka yartahay 10 sano ayaa macaluul u dhimatay iyadoo tirada dhimashadu ay wali kor usii socoto.

Dhinaca kale ururka argagixisada ah ee qeerroo ayaa tuulada Hoyadeey ee degmada hawii gudiinaa ilaa hadda ku dilay ku dhawaad afar ruux oo shacab ah oo ay bilaa sabab ku dileen waxaana bilaabmay xasuuq ay marlabaad u gaysanayaan dadka soomalida ah ee la dagan taasi oo ay kaga soo horjeedaan islamarkaana ay ku xumaynayaan war murtiyeedkii ka soo baxay qiimayntii qotoda dheerayd ee uu xisbiga EPRDF mudada 17 moolmod ahayd u socoday ee ay ku meel mariyeen sugida amniga, saraynta sharciga, xalinta khilaafaadka xadka iyo balanqaadkii nabad kuwa noolaanshaha qoomiyadaha dalka.

 

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Soo Gabagabeeyay Shaqaalaha Xafiiska.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da January, 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) u soo gabagabeeyay shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa tababarkan oo ah shaqaalaha lagu tababaro sidii ay fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran, xoojinta maamulka suuban, axdiga muwaadiniinta iyo ciidanka horumarka . wasiiirka oo sii wada hadalkiia ayaa ka warbixiyay jihooyinka uu xooga saaraya barnaamijkan waxqabadka isku dheeli tiran oo ah qancinta macaamiisha, adeegsiga miisaaniyada iyo hantida, geedi socodka shaqada xafiiska iyo kobcinta awooda shaqaalaha xafiiska wasiirka ayaa sheegay in fulintiisu tahay barnaamij lagaga midho dhalinayo geediga shaqooyinka lagaga midho dhalinayo horumarka  si gaar ahna u tilmaamayo  tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  qorshaha GTP2ga wasiirka ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan si loo gaadho natiijada

 

Dhankooda qaarka mid ah shaqaalaha xafiiska ee loo soo gabagabeeyay tababarkan  oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinka ay ka heleen mudadii uu socday tababarku waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u taabagalinayaan islamarkaana guulo waawayn ka soo hoynayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan. 

አስደንጋጭ ዜና፤ በምዕራብ ሐረርጌ ዞን በሚገኙ የኢትዮ-ሶማሌ ንጹሃን ዜጎች ላይ በተደረገው የምግብ ማቀቡ ለዜጎች ሞትና እልቅት አዳረገ

$
0
0

ከምዕራብ ሐረርጌ(cakaaranews)ሰኞ፤ታህሳስ 30 ቀን/2010..አሁንየደረሰንመረጃ እንደሚያረጋገጠው፤በኦሮሚያክልልምዕራብሐረርጌዞን በዳሩለቡና በሀዊ ጉዲና ወረዳዎች የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ንጹሃን ዜጎች በኦሮሚያ ክልል ውስጥ የሚገኙና እራሳቸው ቄሮ ብሎ የሚጠሩ አሸባሪ ቡዱን በሶማሌ ንጹሃን ተወላጆች ከነ እንስሳት ሀብታቸው ለበርካታ ቀናት በተወሰኑ አከባቢዎች አሰባስቦ፤ በንጹሃን ዜጎችሁ ላይ የጣሉበት የምግብ፤የዉሃ፤የመድሃኒትና ለሰው ልጅ አስፈላጊ ነገሮች ሁሉ ባደረጉት እገዳና ማቀቡ ባስከተለው ችግር ውስጥ ለረጅም ቀናት በመቆየታቸው ከትላንትና ጀምሮ እድሜያቸው ከ10 አመት በታች ለሆኑት 20 የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ህጻናት በተደረገባቸው በኢ-ሰብኣዊ ድርጊት በመሞታቸውና አሁንም አሸባሪ ቄሮ ቡዱኑ በንጹሃን ዜጎቹ ላይ እየፈጸሙባቸው ባለው የምግብ፤የመድሃኒትና አስፈላጊ እርዳታን ማቀብ በመጣሉ ምክንያት በዜጎችሁ ላይ ለከፋ ርሃብና ሞት እያጋለጠ መሆኑን የአከባቢው ምንጮች አረጋግጧል።

በሌላ በኩል አሸባሪው ቄሮ ቡዱን እስካሁን 4 ንጹሃን የሶማሌ ተወላጅ ዜጎች በሀዊጉዲና ወረዳ በሆየዴ ቀበሌ መግደላቸው ተሰምቷል።ይህ ችግር ደግሞ በቅርቡ የኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ለ17ቀናት ያህል የካሄዱት ጥልቅ ግምገማ ላይ በሰለም፤በህግ የበላይነትና በህዝቦች አብሮ የመኖር እሴቶች ለማረጋገጥ  ሲባል መሪ ድርጅቱና የኢህአዴግ አባል የሆኑት ቤሔራዊ ድርጅቶቹ በጋራና በተናጠል ባወጡት መመሪያ ነጥቦች፤በኢ.ፈ.ዴ.ሪ. ቤሔራዊ የጸጥታ ም/ቤቱና በፈዴራል ፖሊስ ኮሚሽን የወጣ መመሪያዎችሁ እንዳይሳካ ጸረ-ሰላሙ ቄሮ  የሚያደርጉት መሰናከልና እንቅፋት መሆኑን በግልጽ ያሳያል።

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>