Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Real Madrid Oo Barcelona Gurigeeda Ku Garaacday

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)Axad 3da April 2016 Barcelona ayaa sidii caadada u ahayd ciyaarta ku bilowday kubad hayn iyada oo real Madrid taxadar badan ka muujisay inay si degdeg ah kubada u doonato, Barcelona ayaa si samir badan kubada u wareejinaysay waxayna raadinaysay in ay Madrid qaladaad samayso balse difaaca Madrid ayaa ahaa mid aad iskugu xidhan.

Ciyaarta ayaa qaybteeda hore inta badan ahayd mid aan si dhab ah logu dhiiran Karin in la qaado weeraro joogta ah waxayna labada koxood ay taxadar ka muujiyeen in ay wax qaldaad ah sameeyaan.in kasta oo ay Barcelona ahayd kooxda kubada ugu badan haysatay isla markaana raadinaysay sidii ay fursad u abuuri lahayd hadana fursadaha halista ah ayaa iska yaraa.

Hadaba farsamada labada koxood ee taxadarka badnayd ayaa keentay in qaybtii hore ciyaartu noqota mid aan goolal la iska dhalin,waxayna qaybtii horee labada koxood  ku kala baxeen bar baro gool la’aan ah .markii lays iskugu soo laabtay qayta danbe ciyaarta ayaa noqotay mid ay xamaasadeedu ay aad u kacday waxayna labada koxoodba bilaabeen in ay raadiyaan goolka furitaanka.

Sikastaba ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa DAQIIQADII 56 soo afjartay ismarin waagii labada koxood ee wakhtiga dheer soo taagnaa kadib markii uu gool quruxbadan oo madax ah dhaliyay  pique waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay,lakiin DAQIIQADII 62 aad waxaa hogaankii Barcelona markiiba soo gabagabeeyay karim benzema kaas oo dhaliyay gool layaab leh oo qaab laba lugoodlay ah u dhaliyay ,wuxuuna kooxdiisa Madrid ka dulqaaday culayskii kasoo gaadhay goolka looga hormaray wuxuuna ciyaarta kusoo celiyay barbaro 1-1 ah.

Ugu danbayna labada koxood ayaa markan bilaabay in ay raadiyaan goolka labaad lakiin markan real Madrid ayaa wacdaro cusub lasoo baxday waxayna bilowday inay si cajaa ib ah ku raadiso goolka labaad,daqiiqadii 83 aad Sergio ramos ayaa galay qalad isaga oo haystay kaadhka digniinta ayaa loo taagay kaadhka labaad ee digniinta ah iyada oo loo raaciyay kaarka cas,Real Madrid ayaana 7 daqiiqo u danbaysay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

DAQIIQADII; 85 aad Cristiano Ronaldo ayaa dhliyay goolka labaad ee Real Madrid guusha dahabiga ah u horseeday isaga oo waliba si dagan oo qurux badan ku dhamays tiray kubada uu soo karoosay Gareth bale wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Madrid.


MW CMC Oo Xarunta Dalka Kadagay

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Axad, 3da April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa maanta ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee xarunta dalka-Addisababa Bole International Airport.

Hadaba madaxwayne CMC iyo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid isaaq ayaa kaqaybgali doona shirar ay kamid yihiin shirka xuquuqul insaanka oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska cadaalada ee JDFI iyadoo ay kasoo qaybgali doonaan mas'uuliyiin kassocota 12 xafiis.

Faah-faahinta shirarkaasna kalasoco shabakada wararka ee www.cakaaranews.com

Makiinada Shiida Sinsinta Oo maanta Lagu Wareejiayay Iskaashatada Far-yixasleey

$
0
0

Mustaxiil( cakaaranews )Axad 3da April 2016, Gudiga Mashaariicda Degmada Mustaxiil Oo ah Gudi iskudhaf ah ayaa maanta Makiinada shiida sinsinta ku wareejiyay Iskaashatada Far-yixasley oo ah iskaashato danyar ah oo u dhashay degmada mustaxiil islamarkaana waxsoosaarleh.

Hadaba Gudoomiyaha Gudiga Mashaariicda ahna madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarnta Dhaqaalaha Degmada Mustaxiil Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in makiinadan ay tahay makiinada lagu shiido sinsinta islamarkana soosaarta saliida loo yaqaano macsarta. Waxuuna xusay masuulku in makiinadan ay soo gaday degmadu islamarkaana si sharci ah loogu wareejiayay iskaashatada faryixasley oo ah iskaashato danyar ah waxsoosaara leh una dhashay degmada mustaxiil.

Sidookale madax xafiiseedka oo hadalkiisii siiwata ayaa wuxuu sharaxaad kabixiyay in gudiga mashaariicdu uu yahay gudi iskudhaf ah islamarkaana kormeer iyo dabgal kusameeya dhamaan mashaariicaha bilow ilaa dhamaad isagoo tilmaamay in shalaynimo uu gudigu kormeer kusoo sameeyay dhamaan mashaariicaha degmada kasocda kuwaasoo laga kala wado Centarada iyo Tulooyinka hoosyimaada Degmada. Wuxuuna xusay in mashaariicaha intoodii badnayd ay dhamaystirmeen islamarkaana ay adeegii loogu talagalay bixinayaan.

Sikastaba ha ahaatee Wuxuu hadalkiisii ku gabagabeeyay in hadafka iyo himilada siyaasadeed ee wadanka u yaala uu yahay sidii looga bixi lahaa saboolnimda taasina ay udub-dhaxaad u tahay shaqo abuurka bulshada danyarta ah, waxaana lagama maarmaan ah in ka maamul ahaan ay doorkooda kasoobaxayaan kana soo bixi doonaan islamrkaana larabo in iskaashatooyinkuna ay kaalintooda kasoobaxaan.

Ugudanabayna xubnihii iskaashatada ahaa ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin makiinadan ay maanta ku wareejiyeen gudiga mashaariicda degmadu waxayna tillmaameen in wax-soo-saarkooda ay qayb laxaadleh kaqaadanayso. Waxayna u mahadceliyeen dhamaan maamulka degmada iyagoo carabka ku dhuftay in ay lagarab taaganyihiin hiil iyo hooba.

Mashaariicaha Degmada Dhagaxmadow Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

dhagaxmadow (Cakaaranews) Isniin 4ta  april 2016 Mashaariicaha biyo xidheenada lagawado santarada gujufka iyo dhaamka laagta sibidhka ee hoos yimaada degmada dhagaxmadow ee gobolka jarar  ayaa dhamaaday qaarna gabogabo marayaan .

Hadaba kusiisimaha gudoomiyaha degmada dhagaxmadow ahana madaxa xeer ilaalinta iyo  cadaalada degmada dhagaxmadow   mudane cabdifataax sheikh cali oo u waramay warbaahinta Degaanka ayaa sheegay  in dhamaan mashaariicihii 2008 TI loo qabtay degmada dhagaxmadow ay hirgaliyeen Iyadoo badankood dhamaaday qaarna ay gaba gabo ku dhawyihiin wuxuuna gudoomiyuhu intaa Kudaray in hafardhaamka santarka gujufka uu dhamaaday halka hafardaamka kale ee lagawado laagta sibidhka  uu marayo  60% .

Wuxuuna  gudoomiyuhu hadalkiisi kusoo gaba gabeeyay in dhamaan mashaaricuhu ay meel fiican marayaan inta dhimana ladhamayn doona.

Daadkii Roobkii Xalay Oo saamayn Naf iyo Maalba leh Gaystay

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Isniin 4ta April 2016, Roobab kada’ay caasimada jigjiga iyo nawaaxigeeda ayaa gaystay khasaare dhimasho Naf iyo Maalba leh kadib markii  Xalay saqdii dhexe uu kusoo rogmaday togu, islamarkaana xaafadihii kuyaalay agagaarka toga kuyeeshay khasaare balaadhan.

Hadaba Wasiirka Xafiiska Kahortaga Masiibooyinka mudane Maxamed Daahir oo kahadlay saamayntii biyaha toga ayaa sheegay in dad tiradoodu dhan tahay  23 qof ay dhimatay islamarkaana 15 kamid ah maydkooda lahayo meesha 8 kamida laraadinayo maydkooda wuxuuna tacsi tiiraanyo leh udiray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen.

Sidoo kale, wuxuu xusay wasiirku in 84 qof ay dhaawac yihiin islamarkaana lagu baxnaaniyo hospitaalka karamardha. wuxuuna  intaa kudaray in biyuhu ay qaadeen 262 qoys, 5gaadhi, iyo waliba dhibaato ay ugaysteen Dugsiga sare ee sheikh cabdi salaam iyo dusiga hoose dhaxe ee xuseen giire.

Dhinaca kale, wuxuu masuulku sheegay in ciidamada gaarka ah ee liyuu boolis ay badbaadiyeen 1,226 qoys islamarkaana ay kudhaawacmeen 14 kamida saraakiisha ciidanka kuwaasoo kamid ahaa ciidamadii gurmadka ahaa  ee badbaadinayay shacabka.

Sikastaba ha ahaatee wasiirka ayaa xusay in masiibadan loo xilsaaray gudi sare oo latacaalaya dadkii uu saamayeey. waxaa kale  oo ay xukuumadu qorshynaysaa sidii xal loogu heli lahaa togan magaalada dhaxmara si uunan mardanbe khasaare ugaysanin.

 

MW CMC Oo U Soo Noqday Masiibadii Dabiiciga ahayd Darteed

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) Talaado, 5tii April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka ka soo duulay xarunta dalka ee adhisababa isagoo badhtamaha kaga yimid shirarkii uga socday xarunta dalka si uu shacabwaynaha deegaanka ugala qaybqaato masiibadii dabiiciga ahayd darteed ee daadkii soo rogmaday ee kayimid dhinaca jinacsanay ee keenay khasaare naf iyo maalba ah.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaadii uu usoo gaadhay xarunta deegaanka toos u abaaray goobihii ay masiibada dabiiciga ah ee daadku saamaysay isagoo kadibna soo indha-indheeyay meelihii ay biyaha-daadku kayimaadeen si xal waara looga gaadhana qorsheeyay in  biyo xidheeno laga sameeyo korka goobta ay iskaga daraan laagaha biyaha ee kakala yimaada degmada tuliguuleed ee deegaanka soomaalida itoobiya iyo degmada jinacsanay.

Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa sheegay in hoos loo qodi doono togga dhex-mara magaalada jigjiga si looga gaashaanto halista masiibada dabiiciga ah ee daadadka.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabwaynaha deegaanka khaasatan eheladii, qaraabadii iyo qoysaskii ay dadkoodu ku waxyeeloobeen masiibadii dabiiciga ahayd. Wuxuuna madaxwaynuhu u mahad-celiyay gurmadkii deg-dega ahaa ee ay xukuumadu ka gaysatay masiibadan dabiiciga ah gaar ahaan ciidamada kaladuwan ee deegaanka siiba ciidanka gaarka ah ee Liyuu booliska.

Dardar Galinta Shaqooyinka Dakhliga Ee M.M Qabridahar

$
0
0

Qabridahar( cakaaranews ) Talaado 5ta April 2016, Shir-wayne  ay kasooqayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, Dhalinyarada iyo cuqaasha islamarkaana lagaga wada hadlayay dardar-galinta iyo wacyi-galinta hawlaha dakhli-uruurinta iyo waliba dakhli-xaraynta ayaa kadhacay Hoolka shirarka ee Maamulka Magaalada Qabridahar.

Hadaba Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Maamulka Magaalada Qabridahar mudane Badri Khaalid Nuur oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in bulshada qaybaheeda kaladuwan ay fahan buuxa kaqaataan hawlaha dakhliga iyo waliba in bulshadu si qodo dheer u ogaato faaiidooyinka Dakhliga. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in shirkani uu yahay mid lagaga war bixinayo adeegyada horumarineed ee kajira maamulka magaalada qabridahar isagoo sheegay in horumarka balaadhan ee ka hirgalay deegaanka uu ku yimid dakhliga iyo waliba taageerada bulshada.

dhinaca kale, qaarkamida bulshadii kasooqaybgashay shirka ayaa sheegay in ay aad usoo dhawaynayaan islamarkaana ay taagersanyihiin xoojinta iyo tayaynta dakhliga.

Ugu danabayna wuxuu maareeyuhu u mahadceliyay dhamaan bulshadii ka sooqaybgashay isagoo xusay in bulshada kudhaqan magaalada ay fahan balaadhan kahaystaan kadib markuu arkay fikiradoodii ku aadana hawlaha dakhliga

 

 

 

Gud-Gobolka Jarar Oo Xadhiga Kajaray 17 Mashruuc

$
0
0

Dhagaxbuur( cakaaranews ) Talaado 5ta April 2016, Wafti balaadhan oo  uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa maanta xadhiga kajaray 17 mashruuc oo isugu jira Rugo-Caafimaad, Iskuulo, Ceel Gacmeedyo iyo waliba bakhaaro kuwaasoo laga kala dhisay sentarada iyo tuulooyinka hoosyimaada Degmada Dhagaxbuur.

Hadaba, waftigan ayaa waxaa gudoomiyaha Gobalka socdaalkiisa kuwahelinayay masuuliyiin heer-gobola iyo  kuwo heer degmo ah oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur mudane  Axmed nuur Jaamac Cige iyo Maareeyaha Wakaalada Dakhliga Degmada dhagaxbuur mudane Cabdulaahi Yaasiin

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Gobalka Mudane Cabdi Cali Mataan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in saaka ay xadhiga ka jareen 17 masruuc oo isugujira dugsiyo, Rugo-Caafimaad, Bakhaaro, Xarumaha Tababarka Beeralayda (FTC) iyo waliba Ceel gacmeedyo.

Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu intaa kudaray in mashaariicdan ay xadhiga kajareen laga kala dhisay Qabaleeyada kala ah Falfal,  geedi aar,  Higlalay, Galiil, Dhuumoodka, Garawo, Labiga Bulaale iyo Hoodaale.

Ugu danabayna wuxuu xusay gudoomiyuhu in mashaariicdan ay aad ugu baahnaayeen bulshada dagan qabaleeyada iyo tuulooyinka islamarkaana mahadclin balaadhan iyo soodhawayn aad usaraysa ay u sameeyeen markii ay xadhiga kajarayeen.


Kulankii Golaha Kabineega DDSI Ee Saaka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Arbaco, 6da April 2016. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo furay kulankii saaka ayaa soo hordhigay golaha kabineega ajandaha kulanka oo ahaa: waxkaqabadka masiibadii dabiiciga ahayd ee daadkii iyo waliba xalka dhibaatadan si aysan mar danbe usoo noqonin.

Hadaba gudiyadii kaladuwanaa ee gurmadka deg-dega ah ee waxkaqabadka masiibooyinka dabiiciga ah ee heer deegaan ayaa soo jeediyay warbixintii waxkaqabadka masiibadii dabiiciga ahayd ee daadka iyo xalkoodii oo ay usameeyeen qorshe kumeel-gaadh ah, mid dhexe iyo mid fog iyagoo sheegay in wajigii koobaad ee gurmadka ay badbaado adag oo isugu jirta naf, maal iyo raridba ay ka gaysteen meesha qorshaha wajiga labaad ee gurmadka ay warbixinta oo dhamaystiran ay ugudbiyeen dawlada federalka ah iyo hay’adaha ay khusayso. Halkaas oo in kabadan 600 oo qoys raashinkoodii iyo agabkiiba durba laga jawaabay meesha 900 oo qoysna uu agabkoodii iyo raashinkoodiiba dhexda kusoo jiro.

Iskusoo wadaduuboo, madaxawaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo kahadlay sidii xal-waara looga gaadhi lahaa masiibadan dabiiciga ah ayaa sheegay in indha-indhayntii iyo daraasaadkii shalay lagu ogaaday in ugu horayn ay dhibaatada keentay buundo la’aan iyo togga oo meelaha qaar kafidsan. Sidaadarteedna ay xukuumadu qorshe uqaadatay ugu yaraan 5 buundo in laga sameeyo togga, in dhooba-qaad iyo dhismo wada socdo lagu sameeyo togga, biyo-xidheeno iyo moosas laga bilaabo qabalaha qoor-dheere ilaa xabaalaha Sheekh Cali Guure.

Deeqda Ganacsatada Deegaanka Oo Maraysa 13 Milyan

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews )Arbaco, 6dii April 2016. Kulanwayne ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka oo ujeedadiisu ahayd xageen kaga hadhaynaa ugurmashada masiibadii dabiiciga ahayd ee daadkii naf iyo maalba waxyeeleyay walaalahanagii danyarta ahaa ee deganaa agagaarka togga dhexmara magaalada jigjiga ayay deeqdoodu maraysaa 13 milyan iyadoo wali sii socota.

Kulankan ay isugu yimaadeen heerarka kaladuwan ee ganacsatada deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay kulanka ganacsatada ayaa ugu horayn ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka kadamqashada dhibaatada masiibadii dabiiciga ahayd ee ay kuwaxyeeloobeen walaalahood isagoo xusay in shacabka deegaanku uu ku amaanan yahay is-caawinta xili walba. Tanina ay kamid tahay dabeecada diinteena islaamka iyo dhaqanka shacabkeena lagu yaqiinay iyadoo xukuumada deegaanka iyo ta federaalkuba ay kasoo baxeen kaalintoodii gurmadka deg-dega ah qorshaystayna xal-waara si aysan dhibaatadani mar danbe usoo noqonin oo ah in tog caadi ah laga sameeyo qabalaha qoor-dheere ilaa xabaalaha sheekh cali guure, buundooyin, biyo-xidheeno iyo moosas. Wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in gudi iskudhaf ah oo kakooban xubno ganacsatada kamid ah iyo xubno  dabagal ah oo maamula deeqda ganacsatada lasameeyo iyadoo account lagu ururinayo lacagta deeqda ah.

Kadibna mayorka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed oo kawarbixiyay waxyeelada masiibadaas ayaa sheegay in daadku saameeyay 9 xaafadood oo kamid ah magaalada isagoo dumiyay guryo, qaadayna hanti gaadiid iyo agab isugu jirtay keenayna dhaawac, dhimasho iyo barakac intaba. Wuxuuna mayorku xusay in ciidanka gaarka ah ee DDSI ay noqdeen xalkii masiibada dabiiciga ah xiligay dhacday. Wuxuuna ugu mahadceliyay ganacsatada deegaanka dadaalka deeqda ay ufidinayeen walaalahooda kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, dhimashada ay masiibadaasi keentay oo ahayd 23 xubnood oo 7 kamid ah lala’yahay ayaa waxaa ugu darnaa inta lahayo qoys kakoobnaa 9 xubnood: 6 caruur ah iyo 2 ehelka ah oo ay kajoogaan waalidkii oo kali ah, qoys kakoobnaa 4 xubnood oo aabihii oo kali ah kabadbaaday iyo qaar kale. Waxayna ganacsatadu go’aansatay in qoyska ugu daran lagu caawiyo 4.5 milyan birr oo kamid ah deeqda 13ka milyan ee wali socota meesha qoysaska kale ee soo raaca gudigu uqoondayn doonto.

Dhanka kalana, qaar kamid ah ganacsatada deegaanka oo kahadashay maadasha kulankaasi ayaa sheegay inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin eheladii iyo qaraabadii ay dadkooda waxyeelaysay masiibadii dabiiciga ahayd iyagoo waliba tacsi tiiraanyo leh udiray.

Dayactir Lagu Sameeyay Qaar kamida Ceelasha Dhaadheer Ee Degmada Dhanaan

$
0
0

Dhanaan( cakaaranews )Arbaco 6dii April 2016, Koox uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Degmada Dhanaan mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal ayaa dayactir ku soo sameeyay ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Qabaleeyada kala ah Burqayar,  Bacaad, iyo Higlaale-biir

Hadaba, Madaxa Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha mudane Cabdirisaaq Maxamed Mursal oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay dayactir ku sameeyeen ceelasha dhaadheer ee ku kala yaala Santerada kala ah Burqayar, Bacaad,  iyo Higlaale-biir. Wuxuuna intaa ku daray masuulku in maadaama xili jiilaal ah lagu jiro ay mudnaanta siiyeen dayac tirka ceelashaas islamarkaana ay wakhtiyar gudihii kusoo dhamaystiren shaqadii dayac tirka ahayd.

Dhinaca kale wuxuu xusay in kormeer ay ku sameeyeen mashaariicda lasoo gaba-gabeeyay Sandakan ee isugu jira Ceelasha biyaha ah, Baraagaha biyaha,  iyo waliba Biyo-xidheenada  kuwaas oo ay wada fuliyeen xafiiska biyaha Degmada Dhaanaan iyo hay’adaha ay bah- waadaagta yihiin.

Sikastaba ha ahaatee, madax-xafiiseedka ayaa tilmaamay in dhanka dayactirka ceelashan ay aad ugu riyaaqeen bulshadii kafaa iidaysanaysay maadaama oo ay aad ugubaahnaayeen. Wuxuuna  carabka kudhaftay in mashaariicdan kala duwan ee biyaha ah ee laga fulinayo degmadan Dhanaan ay waxtar balaadhan u soo kordhin doonaan bulshada kadib markay adeega bilaabaan.

Ugudanabayna madax-xafiiseedka ayaa u mahadceliyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo sheegay inay xilwayn iskasaaraan islamarkaana ay taageero balaadhan kagaysteen dayactirka iyo waliba kawarhaynta hawlaha biyaha Degmada Dhanaan.

MW CMC Oo Booqday Togga Magaalada

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews) khamiis, 7dii April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka booqday togga  dhexmara  xaafada 17,aad  ee magaalada jigjiga oo shaqadii moosida dhinacyada iyo isu keenida meelaha uu toggu kafidsan yahay xukuumadu si habsami leh uga bilawday. Halkaas oo uu madaxwaynuhu kulan wacyigalin ah kulayeeshay dadkii daganaa agagaarka togga isagoo ukuuragalayay xaaladooda nololeed.

 

 

 Waxaana halkaa dadkii kuwaxyeeloobay masiibadii dabiiciga ahayd loogu qaybiyay agabkii guriga oo dhamaystiran oo isugu jira: bustayaal, sijaayado, koobab, digsi, jeergaamo, suxuun, teendhooyin i.w.m meesha dhamaan 9ka xaafadoodba dadkii kuwaxyeeloobay in kabadan 900oo qoys loo qaybiyay agabkan iyadoo qaybinta raashin nooc walba kakoobana loo bilaabay.

Dhanka kalana, dadkii agabkan loo qaybiyay ayaa si niyad-sami ah ugu mahadceliyay xukuumada waxqabadka deg-dega ah ee kajawaabida saamaynta masiibadan ee ay had iyo jeer xukuumadu deegaanka iyo ta federalkuba lagarab taagan yihiin shacabkooda tabaaloobay iyo sida ay heeganka ugu yihiin mar walba.

Tababar Ay Qabteen Shabakada Badbaadada Waxsoosaarka

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Tababar uu soo agaasimay waaxda  damaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada bahwadaagata la ah barnaamijka hab naloleedka bulshada sida micro finance ga, shirkadaha yaryar,tvet,bolsa iskaashatooyinka,xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta,qaybta dalaga,qaybta xoolaha ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirirka ee xfiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.

Tababarkan oo socday muda laba maalmood ah ayaa waxaa hayay agaasinka damaanad qaadka cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye iyo cordinatorka waaxda damaanad qaadka cuntada mudane Axmednuur Cabdi,iyagoo sheegay in tababarkan ujeedadiisu yahay hab nololeedka bulshada kasoo hada ka hor ahaan jiray barnaamij ka baxsan shabakada wuxuuna ahaa mid garabsocda oo aan deegaanka horay uga jirin balse hada dhamaan dalka oo dhan  wajiga cusub ee (psnp4)la mideeyay (HABP) oo ah dhisida hantida qoyska.

Sidoo kale waxa uu agaasinku intaa ku daray in tababarkan ay ka fa iideen kasoo qaybgala yaashu iyagoo fahan buuxda ka helay habnololeedka bulshada waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha iyagoo sheegay inay tababarkan intuu socday wax badan ka faa ideen kana barteen xeelado badan oo ku saabsan hab nololeedka bulshada.   

 

 

 

Koxihii iyo Ciyaartoydii Ugu Fiicnaa Champions Ka Iyo Siday U Kala Badiyeen

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 7da April 2016 Shabakada ciyaaraha caalamiga ah ee Goal.com ayaa soo saartay kooxdii ugu fiicnaa kulamadii xalay iyo habeen hore ee tartanka Champions league oo la ciyaaray lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka.

Kooxaha Man City iyo PSG ayaana wax xidigo ah ku yeelan kooxdaan inkastoo ay ciyaareen kulan madadaalo ah oo aad cajiib ah sidoo kalena ay kasoo baxda natiijo layaab leh oo aan la fileyn iyadoo Man City ay barbaro 2-2 ah kala soo laabtay Parc Des Princess.bDhanka kale Wolfsburg oo ceebeysay Madrid ayaa ku leh xidigaha ugu badan halka Bayern ay kaliya Vidal ku leedahay sidoo kale Barca ayaa sadex xidig ku leh. Halkaan ka arag kooxaha oo dhan:

Goolhaye:Diego Benaglio Wolfsburg 2-0 Real Madrid 

Daafac Midig:Dani Alves Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Daafac Dhexe:Jardel | Bayern Munich 1-0 Benfica

Daafac Dhexe:Naldo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Daafac Bidix:Ricardo Rodriguez | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Khadka Dhexe:Andres Iniesta | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Khadka Dhexe:Arturo Vidal | Bayern Munich 1-0 Benfica

Khadka Dhexe:Luiz Gustavo | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Garabka Midig:Bruno Henrique | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

Weerarka Dhexe:Luis Suarez | Barcelona 2-1 Atletico Madrid

Garabka Bidix:Julian Draxler | Wolfsburg 2-0 Real Madrid

 

Daah-furkii Degmada Cusub Ee Boodaleey

$
0
0

Boodaleey (cakaaranews ) Khamiis 7dii April 2016, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Degmada cusub ee Boodaleey ee katirsan degmooyinkii cusbaa ee lagudaray Gobalka Qoraxay ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf AadanYuusuf.

Hadaba xafladan daah-furka ah oo ay kasooqaybgaleen dad aad u farabadan oo isugujrta bulshada qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada, cuqaasha, hooyooyinka, odayaasha, iyo culimo awdiinka ayaa waxaa ugu horayn furitaankeedii kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kasooqaybgalka iyo furitaanka xafladan lagu daahfurayo degmada cusub ee boodaleey oo katirsan Gobalka qoraxay. Wuxuuna gudoomiyhuhu u mahadceliyay dhamaan bulshadii kasooqaybgashay xafladan degmada cusub ee boodaleey.

Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in degmadani ay kutaala meel staratigi ah oo aad ugu baahnayd in degmo laga dhigo waa hore. Wuxuuna carabka kudhuftay in xaruntan boodaleey ee deegaanka dulqabaw ay tahay meelihii nabadiidka UBBO ay ku dhuumaalaysan jireen.

Wuxuuna Gudoomiyuhu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay hadalo baraarujin ah isagoo ku booriyay bulshada ree-dulqabaw inay soo maal gashadaan degmada cusub ee boodaleey islamarkaana ay soo magaaleeyaan, nabad-galyadeedana ay ka shaqeeyaan.

Dhanka kale, waxaa iyana kahadlay qaar kamida odayaashii kasooqaybgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin daahfurka degmada cusub. Waxayna sheegeen inay soo dagayaan islamarkaana ay maal gashanayaan nabad galyadeedana ay ka shaqaynayaan.

Ugu danabayna gudoomiyaha Gobolka Qoraxay Mudane Yuusuf Aadan Yuusuf ayaa dhagax dhigay mashaariico Horumarineed oo isugujira iskuulo, iyo Caafimaad.

Sikastaba ha ahaatee, degmadan cusub ee deegaanka dulqabaw ayaa xarunteedu tahay Boodaleey waxayna xad laleedahay degmooyinka kala ah shaykoosh, Qabridahar, Garbo, Dhanaan iyo Burqod

 

 

 


Tababar Kusaabsan Maaraynta, Hogaaminta Iyo Maamulka-Suuban

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Khamis 7dii April 2016, Waxaa maanta ka bilowday hoolka shirarka ee hotel Hamda ee magaalada Jigjiga wareegii 3aad ee tababarkii soo Socon jiray mudada ee maaraynta, hogaaminta iyo maamulka suuban ee la siinayay hogaamibta sare ee wasaarada caafimaadka iyo xafiisyada ay bah-wadaagta yihiin.

Hadaba,Tababarkan ayaa waxaa saaka furitaankiisii hadalo muhiim ah ka soo jeediyay Kusimaha Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, oo si fiican u qeexay ahmiyada tababarkan. Isagoo sheegay in ujeedada tababarkani ay tahay sidii loo kobcin lahaa garaadka aqoomeed ama awoodooda hogaamineed ee dhanka maamulka suuban iyo ka midha dhalinta qorshaha caafimaadka ee shantan sano dhamaan hogaaminta sare ee sector ka caafimaadka.

Ugu danabayna wuxuu masuulku tilmaamay in tababarkani uu socon doono mudo sadex maalmooda. Wuxuuna kula dar'daarmay ka soo qayb galayaashi in ay sifiican uga faa iidaystaan casharada islamarkaana ay ilaliyaan saacadaha uu casharku socdo.

Sikastaba ha ahaatee, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen 50 xobnood oo ka kala yimid xafiisyada kala ah xafiiska caafimaadka DDSI, xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ka, wakaalada dabagalka cuntada iyo daawooyinka ee DDSI, iyo zonal health focal persons ayaa waxa larajaynayaa in ay kubaran doonaan cahshro wax wayn katari doona ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala caafimaadka.

 

 

Kulan Lagaga Hadlayay Waxqabadka Mashruuca Wash-Program

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 16ka March 2016, Kulan lagaga wada hadlayay waxqabadkii mashruuca wash-Program islamarkaana ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta Xafiisyada  ay bahwadaagta yihiin Xafiiska Biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI iyo waliba xubno kasocday Deeq-bixiyayaasha oo ah Bangiga aduunka laantiisa Adhisababa ayaa ka dhacay isla xafiiska Byaha.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta Xafiiska Waxbarashada, Xafiiska Caafimaadka, Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqalaha DDSI iyo Deeq bixiyayasha bangiga aduunka iyada oo lagaga wadahadlayo bilihii ugu danbeeyay ee waxqabadka mashruuca Wash-Program.

Hadaba Kulankan ayaa waxaa ugu hoarayn kahadlay wasiiirka Xafiiska Biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegtay in kulankan uu yahay mid uu soo qabanqaabiayay xafiiska biyaha Macdanta iyo Tamarta DDSI islamarkaana ay isagu wada yimaadeen xafiisyada fuliya iyo deeqbixiyayaasha bangiga aduunka iyadoo lagagawada arrinsanayo waxqabadkii masruuca sadexdii bilood ee ugu danbaysay, islamarkaana lagu eegayo waxqabadka mashruca dhankiisii fiicnaa iyo dhankiisi liitay labadaba. Ugudanabayna jahooyin horumarineed la islaqaadanayo laguna saxayo hadii dhaliilo jiraan.

Sidookale waxaa kulankan kahadlay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxabarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo sheegay in kulankani uu yahay mid caadi ah islamarkaana lagu eegayo adeegyada lagu fuliyo mashruucan Wash-Progam  ee ay ugu horeeyaan adeega helida Biyo Nadiif ah, Faayo-dhawrka IWM sidookale waxa uu madaxwayne kuxigeenku tilmaamay in ka xafiiska waxbarasho ahaan ay ka soo galayaan helida biyihi iyo faayo dhawrkii goobaha waxabarashada sida iskuulada.

Mm Dhagaxbuur Oo Qaybiyey Makiinadaha Raashinka

$
0
0

Dhagaxbuur ( Cakaaranews ) Arbaco, 16ka march 2016. mayorka magaalada dhagaxbuur mudane muxumed xasan suufi oo uu weheliyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa maanta makiinadaha badarka shiida u qaybiyey 2 iskaashato oo kala ah: iskaashatada halgan iyo iskaashatada wadani oo ah agoontii ay waalidiintood ubbodu laysay iyadoo iskaashata walba la amaahiyey lacag dhan 30kun oo bir si ay ugu bilaabaan shaqada. Waxayna iskaashata walba kakooban tahay 5 xubnood.

Sidoo kale, maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa 7 harqaan u qaybin doona dadka danyarta ah si shaqo abuur loogu sameeyo iyadoo la isugu xidhayo iskaashatooyin.

Dhanka kale, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa shabakada Cakaara usheegay inay yaalaan 18 makiinadaha raashinka shiida ah iyo 90 harqaan oo maalmaha fooda inagu soo haya loo qaybin doono dadka danyarta ah ee kunool degmooyinka gobolka.

Arintan ayaana waxay qayb katahay qorshayaasha ay xukuumadu uqaadatay  hiigsada ladagaalanka saboolnimada iyo kamid noqoshada wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Arsenal Oo Marti Ku Ah Garoonka Barcelona

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) arbaco 16 march 2016 Kooxda arsenal  oo kamid ah kooxaha horyaalka England ayaa caawa la ciyaari doonta  naadiga halista ah ee Barcelona.gunners ayaa kulanka caawa ciyaaraysa lugta labaad ee wareega 16ka champions league iyagoo ku marti ah camp nou islamarkaana u baahan inay dhaliyaan laba gool si ay u helaan fursad ay dhanka kale ugu rogaan guuldaradii 2-0 ee kusoo gaartay Emirates stadium lugtii hore.

 

 

Agab loogu Deeqay Dugsiga-Hoose Dhexe Ee Centerka Dhagaxle

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews ) Khamiis 17 March 2016, Xafiiska waxbarashada DDSI oo agab isugujira kuraas iyo miisas oogu deeqay Dugsiga Hoose Dhexe ee Centerka Dhagaxle ee hoosyimaada Degmada Gursum.

Hadaba Gadh/G/S/ T Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha mudane Faysal Cabdinuur Maxamed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in dugsiyadan agabka loogu deeqay ay yihiin iskuulaadka modelka ah ee  kajira dagmada Gursum,wuxuuna agaasinku intaa kudaray in agabkan loogu talagalay iskuulaadka leh quudinta (school feeding) taasoo dhiiri galin u samaysa ardayda dugsiga wax kabarata khaasatan gabdhaha.

Ugu danbayna  waxa uu  masuulku hadalkiisii ku gabagabeeayay in agabkani uu san ahayn kii ugu horeey ee uu xafiisku gaadhsiiyo degmadaas. Waxa uuna gaadhsiiyay agabyo hore sidooklae waxa uu xafiisku gaadhsiiyay dugsiyada sanadkan bilawgiisii iyo waliba dugsiyada cusub ee deegaanka.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>