Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Ogaysiis Jaaliyada DDSI .

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 7da November. 2016. Ogaysiis muhiim ah, waxaa la ogaysiinayaa dhamaan xubnaha  jaaliyada DDSI ee ka soo qayb-galay  shirwaynihii 9aad ee X.D.SH.S.I ee wakhti xaadirkan ku sugan caasimada DDSI  magaalada jigjiga in ay barito oo ay taariikhtu tahay 8da bisha November, 2016, saacatunaha tahay 10:00 subaxnimo in ay yimaadaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoomaan ee magaalada jigjiga.

Haddaba, wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI  waxay  xubnahan qurba joogta ku wargalinaysaa  in ay ilaaliyaan wakhtiga. Wixii faah.faahin ah kala xidhiidha wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI telifoonka ah:- 0913546523.

 


Wakaalada Dakhliga MM Godey oo agabka nadaafada ugu deeqay Hospitaalka Godey

$
0
0

Godey(cakaaranews)Isniin 7da November 2016. Xubno kamid ah masuuliyiinta maamulka magaalada godey oo uu horkacayo madaxa arrimaha Xisbiga MM Godey mudane  Axmed maki cabdulaahi oo uu waheliyo maareeyaha wakaalada dakhliga Maamullka magaalada Goday mudane Cabdulaahi Yaasiin Axmed ayaa maanta agabka nadaafada saabuunta iyo oomooyinka noocyadooda kaladuwan gaadhsiiyay Hospitaalka Gopdey.

Hadaba, madaxa Arrimaha Xisbiga MM Godey mudane  Axmed Maki cabdulaahi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews in unug aasaasiga 2 aad ee maamulka magaalada goday ee wakaalada Dakhliga maamulka magaalada Godey ay si is xilqaan leh usoo uruurin agabka nadaafada ee saabuunta iyo oomooyinka noocyadooda kaladuwan islamarkaana ay maanta gudoonsiiyeen maareeyaha hospitaalka goday.

Sidookale, maareeyaha dakhliga maamulka magaalda goday mudane cabdulaahi yaasiin Maxamed oo dhinaciisa kahadalay ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay sida wadaniyada leh ee unug aasaasiga 2aad ee kadhisan wakaalada dakhliga uu usameeyay.sida kagonaanshaha leh ee marba marka kadanbaysa waxtarka usamaynayaan iyagoo hada kahore tabarucaadyo kaladuwan sameeyay.

Ugudanbayna, maareeyaha Hospitaalka mm Godey mudane wali cilmi shariif oo dareenkiisa kahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay deeqdan unug aas aasiga islamarkaana ay ka gudoomeen uguna mahad celinaayaan walaw hospitaalkuna uu siwanaagsan u gaadhsiin macaamiisha hospitaalka sida bukaan jiifka iyo shaqaalaha labadaba.

Kulan lagu Xoojinayay Xidhiidhka Qurba Joogta DDSI Oo Ka Dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) talaado, 8da November,2016. Kulan balaadhan oo uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayna ku wehelinayeen masuuliyiinta wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

 Kulankan oo loo qabtay qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgalay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI  kana kala  timiday qaaradaha  aduunka ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayo  xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya qurba joogta,  XDSHSI iyo xukuumada DDSI.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ugu horayntii u mahad naqay qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaan gaar ahan xubnahan ka soo qaybgalay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI isaga oo sheegay in qurba joogta looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga. Wasiirka ayaa tilmaamay in ka sokow hawlaha maalgashi ee ay wadaan qurba joogta DDSI haddana looga  baahan yahay talooyinka iyo tusaalooyinka ku saabsan xawaare galinta geediga horumarka. Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in XDSHSI  yahay mid mabaadidiisa siyaasadeed ku dhisan tahay la tashiga  bulshada . wuxuuna ugu danbayntii wasiirku ku amaanay  sida quruxda badan ee ay uga soo qaybgaleen xubnaha qurba joogtu  shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankiisa maareeyaha wakaalada qurba joogta DDSI mudane cabdiwahaab yuusuf ayaa sheegay in markasta ay xukuumada DDSI soo dhawaynayso qurba joogta DDSI islamarkaana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaysnaa fursahada maalgashi ee ka jira deegaanka. Sidoo kale waxa uu amaanay maareeyuhu dhamaanba qurba joogta DDSI sida meeqamka sare ee ay uga soo qaybgaleen shirwaynihii 9aad ee XDSHSI.

Dhankooda qurba joogtan ka soo qayb-gashay shirwaynaha 9aad ee XDSHSI  oo ka hadashay kulankan ayaa  siwayn ugu mahad celiyay xukuumada XDSHSI  iyo xukuumada DDSI sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo sidii loogu casuumay in ay ka soo qaybgalaan shirwaynaha 9aad ee XDSHSI waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maalgashiga DDSI

Mas’uuliyiinta Gobolka qoraxay oo kulan layeeshay ururka dhaliyarada

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Talaado 8da November 2016. Kulan balaadhan oo ay kasooqayb galeen dhalinyarada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada iyo mm qabridahar islamarkaana ujeedadiisu ahayd mahadcelin looga mahadcelinayo dhalinyarada soo dhawayntii shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacan tuulada maraacato iyo waliba dhiirigalin lagu dhiirigalinayo kaqaybqaadashada Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kadhacay xarunta Gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.

Hadaba, Kusimaha gudoomiyaha gobolka Qoraxay ahna madaxa arrimha siyaasada ee Gobolka qoraxay mudane axmed yaasiin cali oo ugu horayn kahadlay shirkan ayaa sheegay in dhalinyarta degmada iyo kuwa maamulka magaalada qabridahar ay waxqabad balaadhan ka sameeyeen soo dhawayntii iyo martigalintii kulanwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna xusay in dhalinyartu ay dadaal balaadhan sameeyeen intii lagu jiray shirka islamarkaana ay adeeg u fidiyeen martisharaftii kaladuwanayd ee Hogaaminta Xisbiga oo tiradoodu kabadnayd 1800 oo xubnood. Wuxuuna tilmaamay kusimuhu in ay mutaysteen mahadcelin balaadhan islamarkaana ka maamul ahaan ay ku dhiirigalinayaan inay kor u sii qaadaan dadaalkooda.

Sidookale, Hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxay mudane maxamuud maxamed ooisna dhankiisa kahadlay ayaa mahadcelin balaadhan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada gobolka gaara ahaan kuwii sida firfircawn ee xilkasnimada leh ee ay uga qaybqaateen dhalinyaradu soo dhawaynta martidii kazoo qaybgashay shirwaynihii 9aad ee XDSHSI ee kadhacay tuulada maraacato. Wuxuuna amaan u soojeediyay dhamaan dhalinyarada qoraxeey sida ay ugarab taaganyihiin XDSHSI ugana qayb qaadanayaan Horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Ugudanbayna dhalinyarta oo dareenkooda kahadlay in aad ugu faraxsanyihiin sidii wanaaagsanayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii XDSHSI iyo bahwadaagtaba. Waxayna tilmaameen inay dadaalkooda ku aadan taageerada XDSHSI, ay sii labo jibaarayaan islamarkaana ay kamidhodhalinayaan qorshayaasha horumarineed ee uyaala iyo waliba ilaalinta nabadgalyada deegaankooda.

Tababar Lagu Xoojinayay Hirgalinta Ciidanka Horumarka Caafimaadka Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 8da November, 2016. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay ujeedadiisu ahayd xoojinta iyo hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Tababarkan oo loo qaybtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jijiga ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimadka DDSI , mudane xasan ismaaciil, wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suldaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan Axmed maxamed.

Waxaana tababarkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudan Xasan Ismaaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani. Wuxuuna sheegay in uu tahay tababar ku salaysan xoojinta ciidanka horumarka caafimaadka kaasi oo ka qayb-qaadan doona xaqiijinta fidinta adeega caafimaadka maamulka magaalada jigjiga. Wasiirka ayaa ku buuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada loo qaybtay tababarkan in ay cashirada ay ku qaataan tababarkan ku xoojiyaan hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga.

 

Dhankooda wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suuldaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan axmed maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay cudud caafimaad oo hirgalinta ciidanka horumarka caafimaadka iyada oo xooga la saarayo hirgalinta 16 xidhmood ee adeega caafimaadka. Waxayna sheegeen in qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qayb-gashay tababarkan marka uu dhamaado laga samayn doono gudiyo kala duwan oo hirgaliya ciidanka horumarka caafimaadka ee maamulka magaalad jigjiga.

Jigjiga Iyo Warshada Saabuunta ee Tayo Oo Xadhiga Laga Jaray

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 9ka November 2016. Waxaa Deegaanka Kusoo badanaya warshadaha iyo maal gashiyada kaladuwan iyadoo maantana magaalada jigjiga si rasmi ah xadhiga looga jaray warshada saabuunta iyo shaambooda soosaarta oo lagu magaacabo warshada saabuunta ee Tayo islamrkaana 2000 oo litter soo saaraysa maalin kasta oo isugu jirta saabuunta dharka, saabuunta jidhka iyo waliba saabuunta lagu nadiifiyo suuliyada.

Hadaba, Xadhig kajarkii warshadan saabuunta oo ay kasoo qaybgaleen maareeyaha wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, maareeye kuxigeenka wakaalada micro finance mudane khaddar Axmed Cabdi, madaxa xafiiska shirkadaha yaryar ee maamulka magaalda jigjiga mudane cabdulaahi cabdi cilmi, shaqaalaha shirkada iyo waliba marti sharaf kale. Waxaana ugu horayn kahadlay Maareeyaha horumarinta shirkadaha yarayar mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo sheegay in uu aad ugu faraxsanayhay in maanta ay xadhiga kajaraan warshada saabuunta tayo oo ah warshadii 2aad ee saabuunta ee laga dhiso magaalada jigjiga. Wuxuuna  intaa kudaray in shaqo abuurka dhalinyaradu ay yihiin qorshayaasha ugu horeeya ee dalkeenu qaatay tanina ay qayb katahay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto ladagaalanka saboolnimada.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kahadlay Maareeyaha Guud ee Warshada Saabuunta Tayo mudane Xasan Axmed Macalin oo sheegay in warshadani ay tahay mid ay dadaal balaadhan ugaleen islamarkaana xukuumada iyo haayadaha ay qusayso ay la garab istaageen taageero hiil iyo hooba leh. Wuxuuna xusay masuulku in ay yihiin dhalin yaro iskaashatay oo fikir iyo hal abuur latimid dawladuna garab istaagtay iyadoo la amaahiyay lacag kor u dhaafaysa 500 000 birr. Maareeyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay ku hanwayn yihiin inay latartamaan warshadaha saabuunta ee dalka ugu waawayn islamrkaana ay gaadhayaan heer sare oo ah warshad wayn shaqo abuura ay usamayn doonaan boqolaal dhalin yara ah mustaqabalka.

Wuxuuna ugu horayn amaan iyo mahad celin usoo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, iyio waliba wakaalada Somali micro finance. Oo si balaadhan uga taageeray dhankasta.

 Ugudanbayna shaqaalaha warshada oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin warshadan.islamrkaana ay aad ugu mahadcelinayaan qofkasta oo dadaal ka gaystay hirgalka warshadan.

MW CMC Oo Tababar U Furay Hogaaminta X.D.SH.S.I

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 9ka November, 2016. Tababar ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid Isaaq ayaa ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga.

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta sare iyo hogaaminta dhexe ee XDSHSI  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan loo furay hogaaminta. Wuxuuna sheegay madaxwaynaha DDSI in uu  tababarkani ku  saabsan yahay marxaladihii iyo  isbadaladii siyaasadeed, dhaqaale iyo  arimaha bulshada  ee dalkeena iyo deegaankeenu  soo maray 15kii sano ee ugu danbeeyay. Madaxwaynaah DDSI ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada xoogan ee dalka iyo deegaanadu ugu jiraan  ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo yoolasha horumarineed gaar ahaan hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha qaybtiisa 2aad (GTP2ga) madaxwaynaha DDSI  ayaa tilmaan dheerka bixiyay  xigmada hogaamineed ee looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan hogaaminta heerarkeeda kala duwan ee XDSHSI.

 

Tababarkan oo socon doona maalmaha soo socda ayaa waxa hogaaminta XDSHSI  fahan buuxa laga siindoonaa isbadaladii siyaasadeed, dhaqaale oo uu dalkeena gaar ahaan deegaankeenu  soo maray 15kii sano ee ugu danbeeyay iyada dhinaca kale tababarkan lagu xoojindoona hirgalinta iyo ka midhi dhalinta jihooyinka iyo barmaamijyada siyaasadeed iyo  dhaqaale ee XDSHSI.  

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar Soo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis 10ka November 2016. Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar usoo xidhay xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka faafan, Islamarkaana lagu baranayay sidii looga hortagi lahaa cudurada qaaxada, Juudaanka, HIV AIDSka iyo cudurada kale ee galmada ku faafa.

Hadaba gabagabadii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay agaasinka ka hortaga cudurada mudane Cabdishakuur Cabdulaahi oo sheegay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda shaqo islamarkaana ay hirgaliyaan casharadii ay qaateen mudadii uu tababarku socday. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray inay loo baahan yahay inaad soo heshaan dadka qaba cuduradaas islamarkaan aad kusoo xidhaan xarumaha caafimaadka.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaashii tababarka oo sheegay inay wax badan ka faaiideen tababarkan mudaduu socday islamarkaana ay ugu adeegi doonaan bulshada kani hirgalin doonaan xarumaha caafimaad ee ay ka shaqeeyaan.  


Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Federalismka Oo Ka Furmay Diredhaba.

$
0
0

Diredhaba,(cakaaranews), khamiis, 10ka November, 2016. Waxaa maanta ka furmay ismaamulka magaalada deridhaba kulan balaadhan oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha federaalka iyo horumarinta xoolo dhaqatada JDFI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyii ka socay , Forum of federationka Bariga Africa, degaanada: Somalida Itoobiya, Oromia, Canfarta, Harari,  ismaamulka magaalada deridhaba iyo waliba khabiiro ka socda Jaamacada dalka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee dalka.

Kulankaa oo lagu qorfaynayay nidaamka federalismka iyo xidhiidhka u dhexeeya dawlada federaalka iyo dawlad deegaanada dalka  ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay wasiiru dawlaha Wasaarada Arimaha Federalka iyo Horumarinta xoolo-dhaqatada JDFI mudane Mulugeta Wulataw wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay kulankani isaga oo sheegay in mudada uu socdo lagu soo bandhigidoona qoraalo iyo nuqulo ku saabsan nidaamka federalismka iyo waliba xidhiidhka u dhexeeya dawlada federalka iyo dawlada deeganada dalka.

Waxaana, ka mid ah cashirada lagu qaadanayo mudada uu socdo kulankani sida ay noo sheegeen masuuliyiinta DDSI uga qayb-gashay kulankan  Federalism, managing diversity and polity building in Ethiopia. 2. Practice and challenges of Intergovernmental Relations in the Ethiopian federation 3. Intergovernmental Relation policy Study.

isku soo wada duub oo  kulankan oo qayb ka ah sii xoojinta nidaamka federalismka  dalka ayaa wuxuu ku soo hagaagay xili deegaanka soomaalida Itoobiya uu dayr adag oo aan la dhaafi karin u noqday badbaadada nidaamka federalismka ee Itoobiyada Cusub, kulankan ayaa waxa uu  socon doonaa mudo 2  cisho ah

 

 

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Ka Soo Dagay Garaad Wiil-waal Airport.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), khamiis, 10ka, November, 2016. Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ee magaalada jigjiga  si diiran  loogu soo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Amiir Amaan.

Waxaana, wasiiru dawlaaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha  masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid  yahay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan ismaaciil cali,  Soo dhawayn ka dib   waxa uu wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI kula hadlay qolka nasashada ee garaanka diyaaradaha warbaahinta deegaanka wuxuuna sheegay  in ujeedada socdaalkiisu tahay in uu kulamo la yeesho masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI iyo masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa. Wasiiru dawlaha ayaa sheegay in kula madaasi noqonayaan kuwo  loogu kuurgalayo geedi socodka   adeega caafimaadka DDSI.

 

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maaliyadeed Ee Xarumaha Caafimaadka Oo la Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,  11ka November, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga tababar mudo 4 maalmood ah u socday madax xafiiseedyada caafimaadka 19 degmo, maamulayaasha xarumaha caafimaadka, xisaabadka xarumaha caafimaadka iyo kaasheerada xarumaha caafimaadka kuwaasi oo ka socday 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Tababarkan  oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid lagu hirgalinayo dib u habaynta nidaamka  maamulka  maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka, kor u qaadida nidaamka adeeg bixinta xarumaha caafimaadka iyo guud ahaanba xoojinta geedi socodka shaqo ee xarumaha caafimaadka.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay siyaasada caafimaadka ee ku salaysan tayaynta iyo bixinta adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka. Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkan la soo gabagabeeyay isaga oo sheegay in uu yahay hirgalinta  nidaam cusub oo dib loogu habaynayo geedi socodka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka deegaanka islamarkaana ah nidaam kor u qaadaya tayada  adeega caafimaadka ee xarumaha caafimaadka DDSI. wuxuuna sheegay wasiirku in nidaamka laga hirgalinayo guud ahaan deegaanka balse lagu bilaabayo 19 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka. Wasiirka ayaa ku booriyay tababartayaashan in ay noqdaan xubnihii hirgalinlahaa nidaamka cusub ee dib u hayanta nidaamka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka DDSI.

Dhankooda tababartayaashan oo la hadlay warbaahinta DDSI  ayaa  ka warbixiyay  aqoonta iyo faa’iidooyinka ay ka barteen mudadii uu socday tababarku waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan nidaamka cusub marka ay ku noqdaan goobtoodii shaqo.    

 

 

Ogaysiis:Ogaysiis Waqooyiga America

$
0
0

North America (Cakaaranews) Jumce 11ka November 2016. Ogaysiis waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada north America inay kasoo qayb galaan xaflad lagu taageerayo Shirwaynihii 9aad X.D.SH.S I. ee ka dhacay degmada qabridahar gaar ahaan qabalaha maraacato. Goobtu waa 3316 33rd st nort magalada st cloud mn maalinta sabtida 19 november 2016 7fidnimo ilaa iyo2 habeeno kasoo qaybgal wanaagsan.

Shaqaalaha MMJ Ee Unug-aasaasiga XDSHSI Oo Yeeshay Kulan

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 12ka November 2016. Shir balaadhan oo ay soo agaasimeen hogaaminta unug aasaasiga ee shaqaalaha maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah masuuliyiinta MM Jjigjiga  ayaa si rasmi ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Madaxa Arrimaha Xisbiga Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi Muxumed Faarax oo sheegay in shaqaalaha dawlada ee unug aasaasiga XDSHSI ee magaalada jigjiga ay abaabul fiican sameeyeen islamarkaana ka hogaamin ahaan aan aad ugu mahadcelinayno shaqooyinka ay qabanayaan. Wuxuuna xusay in shirkan maanta lagu go’aamiyay in la xoojiyo kaqybgalka horumarka islamarkaana ay balan qaadeen inay sameeyaan wado cable stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1 km iyagoo kabixinaya mushaarkooda.

Ugudanbayna waxaa dareenkooda kahadlay  qaar kamid ah shaqaalaha MM Jigjiga oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan maanta iyo go’aamada kasoobaxay ee ah in iyagu iskood ay u dhisaan wado cable-stone ah oo dheerarkeedu dhanyahay 1km. waxayna tilmaameen in horumarka iyo nabadgalyada deegaanka ay garabtaagan yihiin waligoodna garabtaagnaan doonaan taageero buuxana ay u hayaan XDSHSI.

M.M Wajaale Oo Laga Hirgaliyay Mashiinka FAT Ka

$
0
0

Wajaale( Cakaaranews) Axad 13ka November 2016. Wakaalada dakhliga ee DDSI ayaa markii ugu hoaraysay ka hirgalisay mashiinka dakhliga ee FAT ka kasoo ka qaybqaadanaya dhinaca dakhli aruurinta islamarkaana ganacsatada u fududaynaya kharash bixinta dhanka xisaabaha taasoo halkaas ka saaraysa lunsiga ilaha dakhliga.

Hadaba maareeyaha wakaalada dakhliga MM wajeele mudane Khadar Cabdi Faaraxoo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay faaiidada uu mashiinka FAT ku u leeyahay. Isagoo ku tilmaamay inuu mashiinku ka caawinaya dhanka xisaab xidhka maalinlaha ah iyo waliba ka bilaha ah islamarkaana aanu ogaan karno shaqada maherada anagoo xafiiska joogna. Wuxuuna maareyuhu intaa ku daray inuu ganacsatada shacabka uu iyana faaiidooyin badan uleeyahay mashiinku.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ganacsatada mm wajeele oo sheegay inuu mashiinku faaiido uleeyahay isagoo u fududaynaya dhanka xisaabaha. Waxayna intaa ku dareen in tababar fiican lagasiiyay qaabka isticmaalka mashiinkan FAT ka.

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Xildhibaanada Degmada Hadhagaale Oo furmay.

$
0
0

Hadhagaale,(cakaaranews),jumce, 7da October, 2016. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee magaalada  hadhagaale  ee xarunta degmada  hadhagaale  ee gobolka Siti  kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada degmada hadhagaale.

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay kaabineega degmada hadhagaale, xubanaha golaha xildhibaanada degmada hadhagaale iyo marti sharaf kale. Waxaana kalfadhigan furay afhayeenka golaha xildhibaanada degmada hadhagaale  mudane Daahir Xuseen Waabari  oo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada oo ay tiradoodu dhantahay 65 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 56 xildhibaan sidaas darteedna uu furan yahay kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadka 2008TI ee xafiiska golaha xildhibaanada degmada hadhagaale , ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada hadhagaale  ee sanad miisaaniyeedka 2008TI iyo ansaxinta  miisaaniyada sanadka 2009TI iyo dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta maxkamada degmada hadhagaale ee sanadkii 2008TI.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI  ee maamulka degmada hadhagaale  oo uu soo jeediyay  ku simaha gudoomiyaha degmada hadhagaale mudane fadxi mahamed, Warbixintaa oo ahayd mid ku sar go’an  guulaha maamulka degmadu ka soo hooyay  guud ahaanba qorshihii u yaalay degmada ee dhinacyada adeegyada horumarinta bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamulka suuban.

 

Ka dib markii uu golaha xildhibaanada degmada hadhagaale dhagaystay warbixinadan lagana dooday ayaa waxaa dhamaan ajandayaashan lagu ansixiyay cod-buuxa.


Degmada Dhoobawayn iyo Kalfadhigii Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Dhoobawayn(cakaaranews) Jimce 7da, October 2016. Kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha xildhibaanada degmada dhoobawayn ee gobolka qoraxey ayaa si rasmi ah uga qabsoomay xarunta degmada ee dhoobawayn.

Kalafadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Degmada Dhoobawayn mudane Maxamed Qamaan Shafad oo sheeagay in kalafadhigani yahay kalfadhigii caadiga aha ee golaha islamarkaana ajandayaasha shirku ay yihiin ansixinta dhagaysiga warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedkii 2008 iyo waliba dhagaysiga iyo ansixinta miisaaniyada sanadkan 2009T.I

Kadibna, Gudoomiyaha Degmada  Dhoobawayn mudane Cabdi Maxamed Nuur ayaa soo jeediyay warbixintii waxqabadkii 2008 T.I iyadoo dood balaadhan kadibna ay cod buuxa ku ansixiyeen xildhiaanada degmadu.

Dhanka kale, Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha degmada dhoobawayn marwo Jawhara Yuusuf Aamiin ayaa soojeedisay cadadka miisaaniyada sanadkan 2009 T.I eelooqoondeeyay degmada dhoobawayn iyo waliba cadadka miisaaniyada ee looqoondeeyay haayadaha dawliga ah ee degmada dhoobawayn.

Ugudanbayna golaha xildhibaanada ay dood kadib cod buuxa ku ansixiyay.

 

Kulan Lagaga Hadlayay Horumarinta Warshadaha Iyo Iskaashatooyinka DDSI oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 7da, October, 2016. Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay qaaday  dadaalo balaadhan  oo kor loogu qaadayo nidaamka shaqo abuurka iyo tir-tirida camal-la'aanta, iyada oo ay xukuumadu  dajisay siyaasado, tabooyin iyo xeelada lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar sal balaadhan oo joogtaysan. Waxaana xusid mudan in xukumada DDSI boqolaal milyan oo lacag dayn ah  amaahisay iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira DDSI si loo tir tiro saboolnimada iyo camal-laanta.

Haddaba waxaa ka dhacay maanta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayo nidaamka horumarinta warshadaha yar yar, xoojinta iskaashatooyinka  iyo ganacsiga. waxaana lagu soo bandhigayay kulankan fursahadaha uu bixinayo Bangiga Horumarinta Itoobiya.

Waxaana, ka soo qaybgalay kulankaasi madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmad faarax, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid yihiin maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee JDFI mudane Asaw Ababe, madaxwayne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Itoobiya mudane tashome Alamu, gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya ee  laantiida DDSI, xafiisyada heer deegaan ee ay bahwadaagta yihiin bangiga, iskaashatooyinka, shirkadaha ganacsatada ah iyo  ganacsatada DDSI.

Waxaana, furitaankii kulankaasi  ka hadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay dadaalka ay xukuumada DDSI iyo dalkeena itoobiya ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimda iyo camal la’aanta  taasi oo sal looga dhigayo ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku abuurida, xoojinta iyo hirgalinta nidaamka warshadaha oo lagu hagayo laguna gaadhayo  xoojinta wax soo saarka beeraha. Waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in xukuumada DDSI ahmiyada gaar ah siisay sidii looga midho dhalin lahaa nidaamka horumarinta warshadaha. Waxayna madaxwayne ku xigeenku ku boorisay qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI in ay ka faa’iidaystaan bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI oo bixinaysa dayn bilaa ribo ah aan dulsaar lahayn.

Maareeyaha guud ee wakaalada warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe mudane Asaw Ababe iyo madaxwayne ku xigeenka bandhiga horumarinta itoobiya mudane Tashome Alamu ayaa soo bandhigay nidaamka shaqo ee bangiga horumarinta itoobiya. waxayna sharax dheer ka bixiyeen daymaha uu bixinayo bangigan wuxuuna diyaar u yahay ayay yidhaahdeen bixinta daymaha  bilaa ribada ah si loo xoojiyo iskaashatooyinka iyo warshadaha waxayna sheegeen in uu bandhiga horumarinta itoobiya xarumo ka furtay magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, Goday iyo magaalada  doolo-cadow.

Banaan bax Balaadhan Oo Ka Dhacay Melbourne.

$
0
0

Melbourne(cakaaranews), Sabti, 8da, October, 2016. Jaaliyadda DDSI ee ku nool wadanka Australia  ayaa soo agaasimay banaan bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Ururada  Nabad Diidka Ah Nolol Diidka Ah, maan gaabka ah Ee maskax-doodu  faaruqa tahay Ee GiNBOOt7, ONAG IYO UBBO. Ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay Ee Kiniisadaha looga talin-Jiray Islamarkaana  Diidan Nidaamka Federalismka Ah Ee wada Noolaanshaha Qoomiyadaha Daleena Itoobiya  Iyo Dastuurka Dalkaba.

Baxaan baxan oo maanta galinkii ganbe  Ka dhacay magaalada Melbourne Gaar Ahaa Goobta  Jessie St. Preston Vic Ee Ayaa Waxaa Isugu yimiday jaaliyada DDSI Ee ku dhaqan wadanka Australia oo ka kala Socay Gobolada Dalka Australia Iyo Kuwaasi Oo  Ku Dhawaaqayay ‘Ginboot7 Down, Onag Down Iyo Ubbo Down.’ taasi  Oo macnahoodu tahay ‘hadhaaga  diciifka Ah ee Ginboot7, Onag Iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan. Banaan baxayaashan ayaa dhanka kale boodhadh ku soo qoray  kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku taageerayaan Nidaamka Federalismka Ah Ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Dalkeena Itoobiya, Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Iyo Waliba Dastuurka Dalka Iyag Oo Sidoo Kale Ku Dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul Xukuumada DDSI’.

Hogaaminta jaaliyada DDSI Ee Australia oo la hadashay warbaahinta ku hadasha afka  soomaliga ayaa  Amaan, Bogaadin Iyo Taageero Balaadhan U Soo Jeediyay Xisbiga EPRDF Ee Wadanka Ku Hogaaminaya Nidaamka Federalismka Ah Ee Ku Salaysan Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Islamarkaana Uu Dhex-Yaalo Dastuurka Loo Wada Siman Yahay.  Waxayna Taageero Buuxda U Muujiyeen Xukuumada DDSI Ee Uu Majraha U Hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka Kale Xukuumada DDSI Iyo XDSHSI Oo Ugu Horeeyo Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  Oo Bogaadiyay Banaanbaxan Ayaa Halkan Uga Hambalyaynaya Islamarkaana u Mahadcelinaya  jaaliyada DDSI  ee wadanka Australia ku nool waxayna talaabadooda ku tilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan.

 

 

MW CMC Oo U Amba Baxay Xarunta Dalka

$
0
0

Addis ababa ( Cakaaranews ) Axad 9ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa  xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addis ababa, Isagoo halkaa kaga qaybgali doona shir ay si wada jir ah u wada yeelanayaan golaha wakiilada shacabka  iyo golaha federationka dalka maalinka bari ah. Hadaba shirkan oo maalinka bari ka furmi doona xarunta dalka ayaa la sugayaa inay kasoo baxaan guulo wax ka ool ah

 

Qiimayntii Waxqabadka Rubucii 1aad ee Degmooyinka Gobolka Faafan Oo Furmay.

$
0
0

Awbare,(cakaaranews) isniin, 10ka, October.  Shir balaadhan oo si toos ah diirada loogu saarayay warbixinta waxqabadkii rubucii 1aad Maamulka degmooyinka hoos yimaada  Gobolka Faafan  ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ayaa waxa saaka  ka  furmay madasha shirarka ee cabdikaamil cawaale  ee magaalada Awbare ee xarunta degmada awbare.

waxaana ka soo qayb-galay shirkan qiimaynta ah masuuliyiinta ugu saraysa gobolka faafan  oo uu ka mid yahay ku simaha gudoomiyaha gobolka Faafan mudane Nuur Xayir Qaasim iyo masuuliyiinta maamulka degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka gobolka faafan.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaa qiimaynta ah ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim  oo sheegay in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadkii rucuba 1aad sanad miisaaniyeedka 2009TI ee Maamulada iyo xafiisyada horumarka degmooyinka ee hoos yimaada gobolka Faafan. Wuxuuna u sheegay ku simaha gudoomiyhu in  dhamaan masuuliyiinta degmooyinka  looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta wax qabadkooda ku aadan waxa laga fuliyay Qorshayaashii Horumarineed, nabadgalyo, maamlka suuban arimaha xisbiga, iyo xidhiidhka dadwaynaha   ee Rubaca 1aad u yiilay si loo gorfeeyo Heerka waxqabadka degmooyinka iyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirto si loo gufeeyo rucuba xiga.

 

 

Furitaankii shirkaasi oo ay masuuliyiinta kale oo gobolka faafan ka warbixiyeen ahmiyada uu leeyahay shirkan qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanadkan 2009TI ayaa waxaa la gudagalay dhagaysiga  warbixinada waxqabadka  maamulada degmooyinka taasi oo diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u yaalay degmooyinka iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo soo bandhigayay warbixinada. shirkan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>