Image may be NSFW. Clik here to view.Dhagaxbuur(cakaaranews), Axad, 16ka October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur tababar muddo shan maalmood ah u socday xubnaha iskaashatooyinka ka hawlgala MM dhagaxbuur.
Image may be NSFW. Clik here to view.Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo kaashanaya wakaalada horumarinta shirkadaha yar yare e DDSi ayaa waxaa xafladii lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Xaxane Cilmi, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.
Waxaana ugu horaynii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuna sheegay in uu ahaa tababar kor loogu qaadayay xirfada aqooneed ganacsi ee iskaashatooyinka si ay u noqdaan iskaashatooyink wax soo saarkoodu aad u taya sareeyo. Wuxuuna ku booriyay xubnaha qaatay tababarka in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan kaga faa’iidaystaan kor u qaadida xirfada ganacsigooda.
Waxaa kale oo ka hadlay xidhitaankii tababarkan gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarku iyo siyaabaha ay xubnaha iskaashatooyinku uga faa-iidaysanayaan waxayna ku booriyeen in ay faa’iidada ay tababarkan ka heleen uu noqdo mid wax soo saara oo midho dhala.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews)isniin 17ka October 2016. Dugsiga hoose- dhexe ee wiil waal ee maamulka magaalada jigjigaayaa si rasmi ah u bilaabay waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 TI iyadoo ardayda ladiwaangaliyay islamarkaana waxbarashada bilawday ay kor u dhaafyso 500 arday oo isugu jira lab iyo dhadig.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee wiilwiil mudane khadar rashiid weerar oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabeen waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 T.I. wuxuuna intaa kudaray in ardayda ladiwaangaliyay sanadkan ay gaadhay 5353 arday kadib markii dadaal wacyigalin ah oo balaadhan ay siwada jira ah usameeyeen xafiisyada heer deegaan ilaa hee qabale.
Image may be NSFW. Clik here to view.Wuxuuna tilmaamay maamuluhu in dugsigu uu bilaabay waxbarashada baahida gaarka ah ee looyaqaano (especial need) taas oo wax lagubarayo ardayda laxaadka la’a.
Ugudanbayna, waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee wiil waal oo sheegay in ay sii labo jibaarayaan dadaalkooda ku aadan tayaynta waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2009 T.I .
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews),isniin, 17ka, October, 2016. waxaa maanta si meeqaam sare ah looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya caasimadiisa jigjiga munaasabada 9,aad ee xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga faderaalka itoobiya.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI, Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ,ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaalada DDSI, shaqaalaha kaladuwan ee xafiisyada heer deegaan, odayaasha dhaqanka deegaanka, waliba qurba joogta DDSI ee ku sugan jigjiga. Iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka qaranka Madaxwaynaha DDSI mudane madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si qoto dheer ugu warbixiyay ahmiyada ay leeyahay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaana ugu horayntii u hanbalyeeyay guud ahaanba shacabka reer itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku wayn tahay quluubta iyo qalbiyada dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI. Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madaxbanaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay soolyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka dhibaatooyinkii iyo cadaadisyadii ay shacabka reer itoobiya ku soo hayn jireen talisyadii boqortooyadii iyo tii dhargiga. Wuxuuna ku booriyay shacabka DDSI in ay sii xoojiyaan hirgalinta hawlaha horumarka gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxaa sidoo kale heeso iyo gabayo soo bandhigay Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranku.
Image may be NSFW. Clik here to view.Tuliguuleed(cakaaranews)isniin 17ka October 2016.Mas’uuliyiin kasocotay xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI ayaa booqasho indho indhayn ah u tagay noocyada waxsoosaarka beeraha ee Iskaashatada tacab ay kafulisay degmada tuliguuleed.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba, Gadh/wadeenka G/Socdka Fidinta beeraha iyo farsamooyinka casriga ah ee Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiicga ah mudane Axmednuur Mahad Cali oo u waramay warbaahinta deegaank ayaa sheegay in ay lakulmeen waxsoosaar balaadhan oo dhinaca beeraha oo ay sameeyeen iskaashatada Tacab ee kadhisan degmada tuliguuleed. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in iskaashatadu dadaal balaadhan ay samaysay islamarkaana ka xafiis ahaan uu dadaal kagaystay.Wuxuuna bogaadiyay in wadooyinka horumarka ay ugu muhiimsantahay waxsoosaarka beeraha isku filaanshana lagu gaadhikaro iyadoo siyaasada dalkuna ay tahay bulshada reerguuraaga ahi in ay noqdaan bulsho xoolodhaqato beeralay ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay iskaashatada tacab oo sheegtay in wakhti xaadirkan ay goynayaan beeraha usoogoy oo ay kamid yihiin calafka xoolaha ee looyaqaano (sudan grass) waxaakale oo ay xuseen iskaashatadu in dalag yada ay beerteen ay kala yihiin galayda nooca Malkaso 1 iyo malkaaso2 iyo waliba khudaarta noocyadooda kaladuwan. Waxayna caraba kudhufteen in iskaashatado ay gaadhay isku filaansho islamarkaana ay kor usiiqaadayaan waxsoosaarkooda.
Image may be NSFW. Clik here to view.Iskusoowada duuboo wax soosaarka beeraha noocyadiisa kaladuwan ayaa ah mid Xukuumada DDSI ay xooga saartay 5tii sano ee udanabaysay iyadoo bulshadii xoolo dhaqatada ahee ee dagan4ta gobol ee wabiyadu maraan laga dhigay xoolo dhaqato beeralay si looga baxo gaajada islamarkaana looga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.
Image may be NSFW. Clik here to view.Dhagaxbuur(cakaaranews),Talaado, 18ka October, 2016. Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.
Image may be NSFW. Clik here to view.Kulankaas oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm dhagaxbuur ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hogaan ku xigeenka nabadgalayda, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.
Waxaana kulankaasi ka hadlay hogaan kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo iyo maamul wanaaga u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiila yaasha hawlaha horumarka iyo nabadgalyada, hirgaliyayaasha iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.
Waxaa kale oo ka hadlay kulankaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi kuwaasi oo ka warbixiyay guulaha ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ka soo hooyeen qorshayaasha horumarka ee u dajisanaa loona baahan yahay in la sii xoojiyo si loo loo tir tiro saboolnimada looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed.
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada.
America ( Cakaaranews ) Talaado 18ka October 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada DDSI ee ku dhaqan waqooyiga America inay kasoo qaybgalaan xaflad lagu daah furayo ururka horumarinta somaalida itoobiya laanteeda magaalada St. Cloud MN oo 23ka bishan ka dhici doona NY GYRO @ 3rd AND 33rd St NORTH St Cloud .
Wixii faahfaahin ah kalaxidhiidh; Gudoomiye kuxigeenka ururka horumarinta somaalida itoobiya ee waqooyiga America Mudne Faarax Xuseen Fure;3203105918 Iyo Gudoomiyaha haayada laanteeda St. Cloud mudane Bacalaad; 6122423453.
Image may be NSFW. Clik here to view.Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 19ka October 2016. Bulshada kudhaqan centerka buundada qoraxay oo ay waheliyaan qaar kamid ahmaamulka degmada qabridahar iyo waliba qaar kami ah saraakiisha ciidanka booliska heer gobol iyo heer degmo ayaa siwada jir ah hal si balaadhan ugubay geedka garanwaaga ah ee sida wayn uga baxay dhulka kaasoo aan wax nacfi ah ulahayn dad iyo duunyaba islamakaana dhibaato ba’an ku haya dhulka iyo waxsoosaarkiisa.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba, ol’olahan lagu gubayay geedka garanwaaga ah ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay gudoomiyaha degmada qabridahar mudane Cabdulaahi shekh Axmed oo sheegay in geedkani dhibaato kuhayo waxsoosaarka dhulka islamarkaana uu yahay geed dhulkii qaatay oo meeshuu kabaxo aan wax kale kazoo baxaynin. Wuxuuna xusay in bulshada, maamulka, iyo ciidamada booliska gobolku ay siwada jir ah ugubeen geedo farabadan oo ah geed ka garanwaaga ee sida ba’an uga baxay centerka buundada qoraxay.
Image may be NSFW. Clik here to view.Gudoomiyaha ayaana tilmaamay in kadib markay xukuumadu kudhawaaqday ay wacyigalin balaadhan kabixiyeen dabargooynta geedkan garawaaga iyagoo kamaamul ahaan iyo bulshaduba ay olole kalduwan oo kala wakhti ah ay kuqaadeen tirtirida geedkan.
Sikastaba ha ahaatee geedkan ayaa ah mid kabaxay meelo badan oo deegaanka ah islamarkaana dhibaato ku ah dadka iyo duunyada labadaba.
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba xiritaankii xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mowliid Haayir Xasan oo ugu horayn u mahad celiyay ururka ardayda midowga DDSI oo sanad walba ardayda deegaanka ku caawiya labada bilood ee fasaxa ah sidoo kalana kor uqaaday tayadii ardayda mudadii uu ururku aasaasnaa. Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray inay ururku waxqabad buuxa ka qabtay waxbarashada mudadii uu aasaasnaa. Isagoo sidoo kale xusay inay balantii ay kasoo baxeen,
Image may be NSFW. Clik here to view.Image may be NSFW. Clik here to view.
Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii kale ee kasoo qaybgalay xaflada xidhitaanka oo sheegay in uu ururuku ay ka qaybqaateen waxqabadyo kale duwan oo dhanka horumarka ah iyo ka qaybqaadashada bulshada iyagoo ururka mudadii ugu danbaysay kasoo hoyiyay dhanka waxbarashada guulo wax ka ool ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 19ka October, 2016. Wasiir ku xigeenka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay fulinta qorshihii dhinaca wax soo saarka beeraha.
Wuxuuna, sheegay wasiir ku xigeenku in isteraatijiyada iyo yoolasha horumarineed ee lagu hirgalinayo nidaamka warshadaha ay tahay mid lagu hagayo ama lagu gaadhayo kobcinta awooda dhinaca wax soo saarka beeraha.isaga oo tilmaamay wasiir ku xigeenku in deegaankeenu xaqiijiyay dhisita iyo xoojinta awooda fulineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah tubta kaliya ee lagu gaadhayo horumar waara, joogtaysan oo dhinaca kasta leh islamarkaana ay tahay nidaamka lagu tir tirayo saboolnimada.
Waxaa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI in uu dhamays tiray diyaarinta nidaamkii ay bulshada uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka dalaga kala duwan ee dhinaca beeraha gaar ahaan dhinaca qabadinka taasi oo looga faa’iidaysanayo waraabka wabiyada deegaanka, kaydinta biyaha cirka iyo soo saarista biyaha dhulka hoostooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray wasiir ku xigeenku in wax soo saarkii dhinaca calafka xoolaha ee sanadkii hore ka soo go’ay Gobolka Shabeele uu wax wayn ka qaybtay abaarihii ay keentay cimilada isbadashay ee saameeyay qaarka mid ah gobolada deegaanka iyo deegaanada dariska.
Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku sharax ka bixiyay in xudunta istaraatijiyadeed ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaaluhu tahay, fulinta kobcinta awooda wax soo saarka beeraha iyada oo looga faa’iidaysanayo tabaha casriga ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Goota-biki(cakaaranews)khamiis 20ka October 2016. Shir balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ku saabsanaa sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa kaqabsoomay degmada Gootabiki ee Gobolka Siti.
Hadaba, shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Siti mudane Cabdishakuur Aadan Faarax oo sheegay in shirkani yahay mid larabo in lagu kalaqaato jahooyin horumarineed islamarkaana ku qotama kajawaabida baahida shacabka. Wuxuuna gudoomiye kuxigeenka xusay in maanta uu gobolka siti uu maryo meel aad ufiican islamarkaana si balaadhan looga faa'iidaystay horumarka baaxada wayn ee deegaanka ka socda islamrkaana bulshada degmada biki larabo in ay sifiican uga qaybqaataan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay Gudoomiyaha Degmada Goota-Biki Axmed Maxamed Cabdulaahi oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in shirkani kaqabsoomo. Wuxuuna intaa kudaray in bulshada reer biki iyo maamulkuba ay si daacad ah uga wada shaqeeyaan horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban, ee kahanaqaaday dhamaan deegaanka, maadaamaoo siwada jir ah in looga shaqeeyo ay lagama maarmaan tahay.
Wuxuuna tilmaamay in dhankooda ka maamul ahaan ay rajaynayaan in ay doorkooda kasoobaxayaan iyagana lagarabo in ay doorkooda kaqaataan.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah bulshadii kasooqayb gashay shirka oo sheegay in ay siii xoojinayaan wada shaqaynta maamulka iyo ka shaqaynta horumarka, nabadgalyada iyo maamulkasuuban.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews)khamiis, 20ka, October, 2016. Waxaa ka socda cusbitaalka wayn ee meles memorial Referral hospital ee magaalada jigjiga ol-olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha oo ay fulinayaan xafiiska caafimadka DDSI oo kaashanaya jaamacada jigjiga iyo hay’ada DIRECT AID.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ol olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha oo ah mid si bilaa lacag ah uga faa-iidaysanayan bulsho dhan 2,800 oo qof oo ah bulshada ku dhaqan Gobolkan faafan ayaa waxaa maanta warbaahinta deegaanka ka siiyay warbixin dheeriya wasiirka xafiiska caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, wuxuuna sheegay in ol-olahan daawaynta iyo qaliinka indhuhu daba socd fulinta qorshihii xukuumda DDSI ee ahaa in laga tir tiro deegaanka cudurada cudurda keena indho la aanta iyo waliba fulinta qorshihii ay balan qaadeen hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qaybgalay shirwaynihii cudurada dayacan ee dhawaan lagu qabtay caasimada deegaanka ee jigjiga. Wuxuuna wasiirku intaas ku daray in ol olahan hada socda loogu qalayo indhaha in ka badan 800 oo qof halka daawaynta indhaha loo samaynayo 2,000 oo qof. Wuxuuna tilmaamay wasiirku in ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhuhu sii socondoona lagana fulin doono gobolada kale ee DDSI.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa’iidasanaya qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa aad u soo dhaweeyay ol-olaha qaliinka iyo daawaynta indhaha ee sida bilaa lacagta ah loogaga faa’iideeyay waxayna siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee hirglisay ol-olahan qaliinka iyo daawaynta indhaha.
Jigjiga ( Cakaaranews ) Jumce 21ka October 2016. Tababar uu soo agaasimay xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI oo ay kasoo qaybgaleen 6da ismaamul magaalo iyo haweenka federationka gobalka faafan tiradooduna dhanayd 100 xubnood islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii loola dagaalami lahaa tacadiyada ka dhanka ah ee loo gaysto haweenka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.
Image may be NSFW. Clik here to view.
Hadaba wasiir ku xigeenka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiidoo ugu horayn ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa sheegay inuu ujeedada tababarkan yahay sidiila la isaga ilaalin lahaa loolana dagaalami lahaa tacadiyada kadhanka ah ee xuquuqda aadamaha ee loogaysto haweenka oo ay kamid tahay gudniinka fircooniga ah, guurka degdega ah, Iyo dhaqmaan cadooyinka xun xunka ah ee loogaysto dumarka. Wuxuuna wasiir kuxigeenku kula dardaarmay kasoo qaygalayaasha in tababarkan laga faaiidaysto lana ilaaliyo saacda cashirka mudada uu tababarku socdo.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarkan oo sheegay inay ka faaiidaysan doonaan mudada uu tababarku socdo islamarkaana ka dhaqan galin doonaan goobiihii ay ka kala yimaadeen.
7.Xubnihii kaqaybgalay mudaaharaadyadii kor loogu qaadayay dastuurka, calanka iyo nidaamka federalismka ah islamarkaana lagaga soo horjeeday dhargigii, Onag iyo Ginboot7.
Hadaba iyadoo ay sidaas tahay ayaa wuxuu gudigu islaqaatay in qurbajoogtu ay mutaysteen inay kaqaybgalaan shirwaynaha 9, aad ee XDSHSI islamarkaana ay jaaliyad kasta usoo dirsato wakiilo. Wuxuuna gudigu maanta ukalaqeexay mas’uuliyada gudiga iyo waajibaadka xubnaha qurbajoogta ah ee kasoo qaybgalaya shirwaynahan 9, aad sidan:
Gudigu: wuxuu qaadanayaa laga bilaabo 25ka October ilaa 5ta November ee sanadkan kharashka kubaxaya xubnaha qurbajoogta ah ee kaqaybgalaya shirwaynaha sida: jiifka, cuntada iyo Ticketka Go and Back from Addisababa to Qabridahar.
Xubnaha Qurbajoogtuse: waa inay iskabixiyaan ticketka wadanka ay ka imanayaan ilaa Addisababa oo Go and Back ah.
FG: shirkada duulimaadyada hawada ee Ethiopian Airlines waxay qurbajoogta ugu deeqday 30% oo discount ah. Laakiin waa marka ticketyada laga goosto xafiisyadeeda ee ma aha marka laga goosto agencyada(not agencies). Qurbajoogtuna waxay bixin 70%.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews)sabti 22ka, October 2016. Kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga polytechnic ayaa yeeshay kulan wadatshi ah oo ku aadan sii dardargalinta iyo kamidho dhalinta qorshayaasha u yaala sanadkan 2009 T.I
Image may be NSFW. Clik here to view.Hadaba, Maareeye kuxigeenka kuliyada xirfadaha iyo farsamada gacanta ee jigjiga mudane xuseen maxamed ayaa sheegay in kulankani yahay kulan wada tashi ah oo lagu sii adkaynayo dhinacyada tababarada si looga midho dhaliyo qorshaha u yaala kuliyada islamrkaana loo soo saaro dhaliyar tayo leh oo kutababartay xirfadaha kaladuwan ee ay kuliyadu bixiso door wayna kaqaata koboca dhaqaalaha dalka. Wuxuuna intaa kudaray in geedisocodkasta lagula xisaabtami hawlihiisa shaqo.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sidookale, Gadhwadeenka G/S tababarada natiijada kusalaysan mudane Maxamed Axmed Cabdulaahi oo isna kahadlay kulankan ayaa sheegay in macalimiint ay soo diyaarsadaan jadwalkooda ku aadan casharada sanadkan 2009.T.I Wuxuuna tilmaamay in tababarada xirfaduhu ay yihiin dhiig joojinta dagdaga ah ee lagaga baxayo saboolnimada.
Image may be NSFW. Clik here to view.Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah agaasimayaasha kuliyada iyo waliba macalimiinta oo sheegay in sanadkan ay sii dardargalinayaan hawlaha shaqo ee uqorshaysan islamarkaana ay kamidho dhaliyaan si loo suura galiyo hadafka iyo himilooyinka uyaala kuliyada.
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews),Sabti, 22ka, October, 2016. Wasiir ku xigeenka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane guuleed aw cali kaahin oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa si qoto dheer uga warbixiyay waxqabadka barnaamijka shabakada badbaadada wax soo saarka.
Image may be NSFW. Clik here to view.Wuxuuna ku bilaabay wasiir ku xigeenku hadalkiisa sidan” Barmaamijka Shabakada Badbaadada waxsoosaarka (BSHBW) afka qalaadna lagu yiraahdo Productivity Safety Net Program (PSNP) ayaa yoolkiisu yahay in qoysaska cunno yaraantu haysato ee ku nool miyiga kor loo qaado hab-nololeedkooda, islamarkaana ladhiso awooda iska caabinta dhibaatooyinka isbadalka Cimilada iyo khataraha kaleba. iyadala sugaayo damaanada cuntada iyo nafaqada Qoysaska saboolka ah ayaa la suuragalinayay ka qeybgalka bulshada ee hawlaha horumarinta aasaasiga, khayraadka dabiiciga iyo Ilaalinta Deegaanka. Haddaba, waxaa mudaan gaar ah leh qaysaska cuntayararidu haysato ee ay maamulaan hooyooyinku. Guud ahaan, raashimada mashruucan ayaa waajib ka dhigaya qof kastaoo hawl kar ah in uu ka qayb qaato hawlaha wadajirka ah taas oo aad iyo aad uga duwan raashimada deeqaha ( Food Aid) oo aan lagu qaban wax shaqo ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Mar uu ka hadlayay wasiir ku xigeenku degmooyinka uu ka hawlgalo iyo tirada bulshada ka faa’iidaysata waxa uu yidhi” Barmaamijkan ayaa deegaanka ka hawgala 31 degmo islamarkaana ay ka faa'iidaystaan Bulsho dhan1.6 milyan oo qof. Guud ahaan sanadkii muddo 6 bilood ah ayaa ka faaiidaystayaasha laga taageeraa dhinaca Raashimada iyadoo ay waajib ku tahayQof kasta oo ka mid ah qoysaska loo xushay ee shaqayn kara (Public work) in uu ka qayb qaato shaqooyinka wadajirka ah ee bulshada, gaar ahaan hawlaha horumarinta aasaasiga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, khayraadka dabiiciga iyo ilaalinta deegaanka".
Image may be NSFW. Clik here to view.Dhinaca kale isaga oo ka waramaya masuulku nidaamka shaqo ee barnaamijkan waxa uu yidh” Nidaamka barmaamijkan ayaa dhigaya in ka faa'iidaystayaasha la siiyo raashin ama lacag cadiin ah, halka ay ka-faa'iidaystayaashu marwalba ay door bidaan lacagta. Hadaba, nidaamka lacag bixinta ayaa faa'iidoyiin badan u leh bulshada iyo dawalada, laga bilaabo qoyska oo xor u noqonaya in uu lacagtaas ku iibsado wixii rabitaankiisa ah,Xarakaadka suuqa oo kor u kacaya , haddaba qodobka ugu weyn ee mihiimka ahna waa waxsoosaarka beeraha oo kordha iyo qiimaha xoolaha oo kor u kaca , halka dad tiro badani ay si aan toos ahayn uga faa’idayaan dhaq-dhaqaaqa suuqa ee abuuramay”.
Image may be NSFW. Clik here to view.Nidaamka ay xukuumada DDSI u hirgalisay barmaamijkan mar uu ka hadlayay waxa uu yidhi” Haddaba, Xukuumada DDSI ee Maanta hogaaminaysa deegaanka, oo aan uga baranay in ay go,aan walba oo ay bulshadu ku horumarayso ay gaadho iyada oo u badheedhaysadhibaato walba iyo xaalad kasta oo adagsi geesinimo ayku dheehan tahay u gudanaysa waajibaadka shaqo ayaa go”aansatay in dhamaan degmooyinka Raashinka lagu siin jiray loogu badadlo lacag cadiin ah. haddaba arinta lacag bixinta ayaa taageero wayn u noqonaysa horumarinta dhaqan dhaqaale ee deegaanka ka hirgalay shantii sano ee ugu danbeeyay. Guudahaan, hawlaha lacag bixinta oo u baahan in la hirgaliyo shuruudo badan oo ay ka mid yihiin in la dhaqangeliyo kararka macaamiisha iyo nidaamka diiwaan gelinta iyo xaadirinta ka-faa'iidaystayaasha (PASS) oo lagu ogaanayo xogta Qoysaska iyado la xaadirinayo qoysaska iyo sida ay uga qaybqaateen shaqooyinka wadajirka ah, sido kale qoys kastaa wuxuu yeelanayaal lambar u gaara oo lagu xaadirinayo, kuwaas oo dhamaan xoojinaya ilaalinta xuquuqda ka faa’iidaystayaasha iyo hirgalinta shaqooyinka wada jir ka ah. Haddaba Xafiiska Horumarinta beeraha iyo Khayraadka dabiicigaayaa si ka go'naansho leh u hirgaliyey dhamaan shurudahaas.
Image may be NSFW. Clik here to view.Haddaba, iyadoo ay taageero badan ka gaysteen xafiisiyo badan ayaa waxaa si gaar ah noola hirgaliyey nidaamka lacag bixinta Xafiiska Madaxtooyada DDS iyo Xafiiska maaliyada & Horumarinta dhaqaalaha DDS. Iyaado, deegaankeenu noqdey degaankii ugu horeeyey ee dhamaan ka faaiidaystayaashabarmaamijka raashimadii ugu badalay lacag Cadaan(Cash) ah”.
Image may be NSFW. Clik here to view.Sida aan la socono Iyadoo deegaan ahaan aan noqonay deegaankii ugu horeeyay ee fuliya nidaamkan ayaaRun ahaantii waxaa isweydiin leh Maxay tahay faaiidada dal ahaan laga helayo lacagtaas cadiinka ah ee ka faaiidaystayaasha la siinayo ka sakow qodobada uu sheegay wasiir ku xigeenku waxaa dal ahaan inaga soo galaya lacag adag (Dollar $) ah. Hawshanoo waxtar weyn u leh bulshadeena ayaa waxaa kalin muhiim ah ka qatey dhamaan Xafiisyada Bahwadaagta ee Heerdeegaan, Maamulada Gobolada iyo degmooyinka. Taas oo suurogelisey in ka faaiidaystayaasha Barmaamijka sidii ugu haboonayd lagu gaadhsiiyo loona qaybiyo lacag dhan Birr 655,986,899.40 birr.
Waxqabadka ugu wayn ee barnaamijkan mar uu ka hadlayay wasiir ku xigeenku waxa uu yidhi” Barmaamijka ayaa degmooyinka ka fuliyey Mashaariici badan oo noolasha bulshada waxtar weyn u leh, islamarkana taageero u ah hawlaha horumarineed ee dawladu wado, taas oo ila hada laga fuliyey barnamujikan dhismayaal ay ka mid yihiin 49 Goobood oo xananada dadka. 85 Goobaaha xananda xoolaha, 63 Balaadhinta Qololka dugsiyada, 35 Balbalo oo Ciyaalka Lagusii hayo(Child Care Center),81 isguul oo kuwa ABE ah, 317 bakhaaro ah, 41 Ceel gameed, 62 barkada ah, 565.3Km gacamada biyaha,ama Biyo leexin, 61 xarumahatababarada beeralayda, 9 xafiiska iyo 53 guri oo shaqaalaha horumarinta beeraha ahxubinka beeraha,21 Guriga macaliminta ah 105 xarumahamaamulka qabaleeyada , 14 Goobabah xoolaha lagutalalo, 40 Goobta Dhirta lagu xanaaneeyo(Nursery Site) , 6 Sariimado, 4Goobta raashinka lagu shiito (Makiinad), 88 Musqulo, 1327km Wadooyinka heerkooda heerka koowaad”..
Ugudanbeyn, waxa uu ku soo gabagabeeyay wasiir ku xigeenku hadalkiisa sidan” dhamaan hoggaaminta DDSI gaarahaan heer Gobol iyo degmo waxaan ku dardaraya in ay ka midho dhaliyaan kana faa'iideyaan Barnamujkan.Maadaamo oo Horumarka aan Higsaneyno aan ku gaadhi karna kaliya markaan sida ugu haboon ee ugu wanagsan uga faa'iideysano dhamaan barnamujyada kala duwan islamarkana aan xaqiijino ka qeybgalka bulshadeena. biyo sacabadaada lagaga dhergaa, balanteenu waa shaqo".
Image may be NSFW. Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews), sabti, 22ka, October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga ee xarunta DDSI gaar ahaan hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar in muddo ah u socday 40 xubnood oo laga soo kala xulay ciidanka booliska gaar ah ee DDSI.
Image may be NSFW. Clik here to view.Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahan ciidanka booliska gaarka fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka barish barasho ee macalin nimada iyo manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah, ayaa waxaa xafladi lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir Xasan, hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Xasan Ismaaciil , taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudane General Cabdiraxmaan Cabdilaahi Buraale, maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen, mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) iyo masuuliyiin kale.
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxaana, ugu horayntii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, oo sheegay in tababarkan yahay mid ku salaysan nidaamka barisbarasho ee macalimiinta ciidanka booliska gaarka ah iyo barashada manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI ay si deg deg ah uga guul gaadheen xasilinta nabadgalyada guud ahaanba deegaanka. Sidoo kalena ay si deg deg ah uga guul gaadhitoonaan dhinaca tayada waxbarashada ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.
Image may be NSFW. Clik here to view.Waxaa kale oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan hogaanka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan maanta loo soo gabagabeeyay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI. isaga oo ku booriyay xubnahan qaatay tababarku in ay sidii loogu talagalay u meel mariyaan aqoontii ay ku barteen tababarkan ee dhinaca nidaamka baris barasho iyo hirgalinta manhajka cusub ee ciidanka booliska gaarka ah.
Image may be NSFW. Clik here to view.Dhankiisa waxaa kale oo ka hadlay xafladii lagu soo xidhayay tababarkan taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI general Cabdiraxmaan Cabdilaahi Buraale oo sheegay in ay ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI sanadihii hore xooga saarayeen xasilinta amaanka deegaanka taasi oo ay hada u heleen fursad waxbarasho iyo manhaj cudub oo ay leeyihiin ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI.
Maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane Maxamuud Ahmed Nuur(heeryo) ayaa sharax dheerka bixiyay cashiradii ay ku qaadanayeen xubnaha ciidanka booliska gaarka ah mudadii uu tababarku u socday wuxuuna sheegay in ay qaateen cashiro ay ka mid yihiin aqoonta maadooyinka dugsiyada hoose ilaa sare, hogaaminta waxbarashada qaybaheeda kala duwan iyo cashiro kale.
Ugu danbayntii waxaa la gudoonsiiyay xubnaha ciidanka booliska gaarka ah shahaadooyin Cadaynaya aqoontii ay barteen mudadii uu tababarku u socday.