Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Tababar Lagu Xoojinayay Hirgalinta Ciidanka Horumarka Caafimaadka Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),talaado, 8da November, 2016. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay ujeedadiisu ahayd xoojinta iyo hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Tababarkan oo loo qaybtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jijiga ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska caafimadka DDSI , mudane xasan ismaaciil, wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma sudaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan ahmed maxamed.

Waxaana tababarkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudan Xasan Ismaaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani. Wuxuuna sheegay in uu tahay tababar ku salaysan xoojinta ciidanka horumarka caafimaadka kaasi oo ka qayb-qaadan doona xaqiijinta fidinta adeega caafimaadka maamulka magaalada jigjiga. Wasiirka ayaa ku buuriyay qaybaha kala duwan ee bulshada loo qaybtay tababarkan in ay cashirada ay ku qaataan tababarkan ku xoojiyaan hirgalinta ciidanka horumarka adeega caafimaadka ee maamulka magaalada jigjiga.

 

Dhankooda wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo raxma suuldaan maxamuud haybe iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudan axmed maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay cudud caafimaad oo hirgalinta ciidanka horumarka caafimaadka iyada oo xooga la saarayo hirgalinta 16 xidhmood ee adeega caafimaadka. Waxayna sheegeen in qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo qayb-gashay tababarkan marka uu dhamaado laga samayn doono gudiyo kala duwan oo hirgaliya ciidanka horumarka caafimaadka ee maamulka magaalad jigjiga.


Degmada Iimaybari Iyo Shirwaynihii Abaabulka Waxbarashada.

$
0
0

Iimaybari,(cakaaranews), Arbaca, 5ta  October, 2016.  Waxaa ka dhacay magaalada iimaybari ee xarunta degmada iimaybari ee gobolka shabeele shirwaynihii abaabulka diwaangalinta waxbarashada ee sanad dugsiyeedka 2009TI.

Waxaana shirkan  hogaaminayeen kooxda heer deegaan ee abaabulka waxbarashada gobolka shabeele iyo masuuliyiinta maamulka degmada iimaybari, taasi oo ay ka  soo qaybgaleen  dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada iimaybari  iyo santarada hoos yimaada degmada imaybari

Kooxda isku dhafka ee abaabulka waxbarashada heer deegaan gobolka shabeele oo u hogaaminayo mudane Cabdisalaan Yuusuf Ibrahim  ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada. Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan degmada imaybari  ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashada goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen

 

Dhanka kale kooxda ka isku dhafka ah ee abaabulka waxbarashada heer deegaan ee ku qoran gobola shabeele ayaa shirkan noocan oo kale ah u  qabtay qaybaha kala duwan bulshada ee ku dhaqan degmada Beercaano ee gobolka shabeele. Waxayna hore uga soo qabteen shirarkan abaabulka waxbarashada degmooyinka kale oo gobolka shabeele.

Jaaliyada DDSI Ee Australia

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 5ta October 2016. Xarunta dhexe ee XDSHSI oo bogaadisay banaanbaxa ay isu diyaarinayaan jaaliyada DDSI ee wadanka  Australia kunool ee ay kaga soo hor-jeedaan ururada nabad-diidka ah ee Onag, Ginboot7, Alqushaash, Ubbo iyo wixii lahalmaala ee raba inay wadanka dib ugu soo celiyaan nidaamyadii cabudhiska iyo cadaadiskii dhargiga islamarkaana ay jaaliyadu kutaageerayaan nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka ayaa waxaa lagu wargalinayaa cid kasta oo jaaliyadan kamid ah inay kasinaadaan hadafka iyo kaqaybgalka mudaaharaadka.

Hadaba, maadaama ay soomaalidu kamid ahayd qowmiyadihii uu cadaadiskii dhargigu dib ulahadhay balse nidaamka federalismka ah ee itoobiyada cusub kuhelay nimcada horumarineed ee aan maanta haysano islamarkaana ujeedada mudaaharaadkan looga gon-leeyahay taageerida nidaamka federalismka ah ee dalka ee uu hogaaminayo raisal wasaare Hailemariam Desalegn, laguna cambaaraynayo ururada nabad-diidka ah ee fikirada cidhiidhyan, islawaynida iyo axmuqnimada aaminsan waxaa waajib ku ah cid kasta oo itoobiyaan ah oo jecel nabad iyo horumar kuwada noolaanshaha qowmiyadaha iyo shucuubaha dalka inay si kago’naanshiiyo leh oo midaysan iyagoo gacmaha is-haysta uga qaybqaataan banaanbaxan.

Xafiiska Caafimaadka M.M Goday Oo Qabtay Shirar kaladuwan

$
0
0

Godey(cakaaranews)Arbaco 5ta, October 2016. Shir uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka M.M Goday islamarkaana kusaabsan xoojinta qaabdhismeedka cusub ee ciidanka horumarinta caafimaadka, kor u qaadista tusiyayaasha muhiimka ah (indicators) ee caafimaadka sida qorshaha qoyska(family planning), kor uqaadista nadaafada suuliyada iyo waliba in lasii adkeeyo hooyooyinku inay kudhalaan hospitaalka iyo xarumaha caafimaadka ayaa si heer sare ah uga qabsoomay maamulka magaalada Goday.

Shirkan ayaa waxaa kasooqeybgalay maamulka xaafada 4aad ee magaalada Godey gudomiyeyaasha xaafadaha, madax-kooxedyada, ciidanka-horumarinta caafimaadka, horjoogayaasha kooxaha 1-5 iyo ururada haweenka ee qaabdhismeedka cusub ee ciidanka horumarka caafimaadka ee dhawaantan lagabilaabay hirgalintiisa xaafadaha maamulka magaalada godey.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixayay Madaxa Xafiiska Caafimaadka M.M Godey mudane Xuseen Cali Warfaa oo sheegay in shirkan ujeedadisu ahayd  si guud ahaan kor loogu qaado adeega caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, kor ugaadista tusiyaasha muhiimka ah ee caafimaadka (indicators) sida  family planing, kor uqaadista nadaafada suuliyada, hooyoyinku ay kudhalaan xaruamaha caafimaadka iyo waliba kor uqaadista talaalka joogtada aha ee dhalaanka. Wuxuuna intaa kudaray in dhamaan xaafadaha ay magaaladu ka koobanatahay lagasameeyay shirar noocan ah.

Ugudanbayna madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in kaqaybgalayaasha ay isla qaateen in si wada jir ah loo hirgaliyo qorshaha caafimaadka ee 2009 T.I islamarkaana  laga midho dhaliyo  qorshaha kobaca iyo isbadalka sectorka caafimaadka ee heer dal iyo heer deegaanba.

 

 

 

Sentero Hoosyimaada Degmada Shiniile Oo Abaabulkii Waxbarashada Laga Qabtay

$
0
0

Shiniile(Cakaaranews)Arbaco 5ta, October 2016. Senterada kale ah Harawo, Gaad, Toome iyo waliba kalabaydh oo hooymada degmada shiniile ee xarunta gobolka siti ayaa laga fuliyay shirar kusaabsan Abaabulka waxbarashada ee caruurta dadoodu gaadhay waxbarashda lagu  sanaddugsiyeedkan 2009 T.I

Hadaba, Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Shiniile mudane Xuseen Cabaas Cabdulaahi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in abaabul baladhan ay kasameeyeen Senterada kale ah Harawo, Gaad, Toome iyo waliba kalabaydh oo hooymada degmada shiniile ee xarunta gobolka siti islamarkaana lagu baraarujinayay waalidiinta iyo waxgaradka ku dhaqan tulloyinkaas in caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada  lageeyo dugsiyada waxbarashada. Wuxuuna intaa kudaray in kooxda abaabulka ee kasocota xafiiska waxbarashada ay si quruxbadan u wadaan hawlihii abaabulka islamarkaana meel gabgabo ah ay marinayaan dhamaan hawlihii abaabulka eek u aadana Gobolka Siti.

Sidookale, kooxda iskudhafka ah ee abaabulka waxbarashada kawada Gobolka siti  oo uu ugu horeeyo mudane Cabdiwali Axmed Yaasiin oo ay waheliyaan Nuur Cabdi haajir, saadiq Cabdi Geedi iyo marwo Ayaanoo kahadlay dareenkooda ayaa sheegay in si heer sare ah ay u wadaan abaabulkii waxbarashada ee gobolka siti islamarkaana ay wakhti xaadirkan ku sugunyihiin degmada shiniile iyagoo sadexdii maalmood ee u danbaysay kashaqaynayay tuulooyinka kala ah harawo, Gaad, Toome iyo kalabaydh oo hoosyimaada gobolka siti

Waxayna carabka kudhufteen in abaabulkani uu kamidyahay qorshayaasha lagula dgaalamayo jahliga si loo hirgaliyo yoolka iyo himilooyinka u yaala xafiiska waxbarashada DDSI.

Ugudanbayna kooxda isku dhafka ah  ayaa umahadceliyay dhamaan bulshada kudhaqan gobolka siti sida fiican ay ugarab-taagnaayeen abaabulkooda ugana balanqaadeen in caruurta dada waxbarashada gaadhay lageeyo dugsiyada waxbarashada sanad dugsiyadeedkan 2009 T.I

Kulanka Wadatashiga Xukuumada Iyo Hormuudka Odayaasha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 5ta October 2016. Kulan ay wada yeesheen xukuumada DDSI iyo hormuudka odayaasha deegaanka ayaa galinkii danbe ee maanta kadhacay hoolka shirarka ee Kaali2.

Kulankan oo uu hogaaminayey madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliso madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa waxaa kasoo qaybgalay hormuudka odayaasha, garaadada, suldaamada iyo ugaasyada deegaanka.

Hadaba kulankan oo lagaga wadatashanayay sidii aan uga bixi lahayn saboolnimada islamarkaana diirada lagu saarayay xaalada guud ee dalka ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in si bulshada deegaanka looga saaro saboolnimada loo baahan yahay in odayaashu noqdaan kuwo shaqaysta oo aragti-shaqo leh islamarkaana jeebkooda wax kala soo baxa oo kabaxa nidaamka kutiirsanaanshaha jeebka qabiilka si qaybaha kale ee shacabku ugu daydaan. Si taa loo hiragaliyana laga rabo odayaasha deegaanka inay udiyaargaroobaan dhanka tabaca beeraha isagoo kubooriyay in odayaashu noqdaan Limaataawi suldaan, ugaas ama garaad balse aan loo baahnayn islamarkaana uusan isbadal keeni Karin oday mashaqayste ah oo si fadhiidnimada ah dadka gacanta u hoos dhigta. Wuxuuna intaa kudaray, in isbadal iman karo marka ay odayaashu yeeshaan aragti shaqo oo ay kamadhan tahay baryo iyo kago’naanshiinyo dhanka waxsoosaarka beeraha ah. Madaxwayne CMC ayaana carabka kudhuftay in jigjiga laga samayn doono beer tusaale iyo cashar wax laga barto unoqota beeraha kale iyo in nidaamka xoolo-dhaqatada si kusalaysan nidaamka casriga ah loo hagaajin doono islamarkaana odayaasha la isugu xidhayo nidaam iskaashato iyagoo laga caawin doono waxyaabo badan oo hada kadibna la iskula xisaabtami doono dhanka tabcashada beeraha.

Sidoo kale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay xaalada guud ee dalka ayaa sheegay in dhargigii iyo xayle-salaase labadaba aynaan dhib mooyee wax dheef ah kuqabin balse aan nimcada horumarineed ee maanta aan kahelay nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka isagoo ujeedada kadanbaysa rabshadaha deegaanada axmaarada iyo oromada kadhacay kutilmaamay mid larabo in wadanka lagu qaso oo ay kadanbeeyaan wuxuu kusheegay ‘barandha-adhaari’. Taas oo aan marnaba dhici Karin horayna looga gaashaantay oo uu dawo kayahay qodobka 39, aad ee dastuurka. Madaxwaynaha ayaana odayaasha iyo shacabwaynaha deegaankaba kubooriyay in hadii aan shalay ahayn meel itoobiya lagaga duulo aan maanta noqono deegaanka itoobiyaanimada isukeena.

Dhanka kalana hormuudka odayaasha deegaanka oo bogaadiyey fikirka saliimka ah ee madaxwaynaha islamarkaana kamahadceliyay ayaa sheegay inay diyaar uyihiin dhanka tabaca beeraha iyagoo cadeeyay in deegaankeena meel aan labeeran Karin aysan jirin oo hadii ay udhaqaaqaana ay waxtar badan kakeeni doonaan. Waxayna balanqaadeen inay hoos u dhaadhicin doonaan wacyigalin balaadhan oo dhanka tabaca beeraha ah iyagoo beerashada iyagu bilaabi doona. Sidoo kale, odayaasha ayaa cambaareeyay falalka ururada nabad-diidka ah ee Onag, Ginboot7, Alqushaash, Ubbo IWM ay kurabaan inay wadanka dib ugu soo celiyaan nidaamyadii cabudhiska iyo cadaadiska kudhisnaa ee dhargiga iyo xayle-salaase iyagoo kutilmaamay inay hadhkoo cad riyoonayaan oo aysan marnaba usuurtagalaynin. Waxayna kudueeyeen in ilaahay roob khayr qaba uu bulshada iyo deegaankaba siiyo, unasii adkeeyo nabadgelyada iyo horumarka jira islamarkaana uu xukuumada DDSI, XDSHSI, hogaaminta iyo nidaamka maamulka suuban uxafido. Wixii cadaw ahna uu kaqabto.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa duco balaadhan oo dhinac walba ah kusoo xidhay kulankan isagoo odayaashana usheegay in mudada lakulanka odayaasha oo ahaan jirtay 2 jeer sanadkii laga dhigay 4 jeer iyadoo 2 jeer lalakulmi doono hormuudka odayaasha, 2 jeera kulanwaynihii caadiga ahaa.

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubucii 1aad Ee Degmooyinka Maamulka Gobolka Jarar Oo Furmay.

$
0
0

Dhagaxbuur,(cakaaranews),Arbaca, 5ta, October, 2016. Shir balaadhan oo si toos ah diirada loogu saarayay warbixinta waxqabadkii rubucii 1aad u yaalay Maamulka degmooyinka hoos yimaada  Gobolka Jarar ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ayaa waxa uu si habsamiya ugu furmay madasha shirarka  ee maamulka  magaalada dh/buur waxaana ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa gobolka jarar oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo masuuliyiinta maamulka degmooyinka hoosyimaada gobolka jarar.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaa qiimaynta ah gudoomiyaha Maamulka Gobolka Jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo sheegay in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadkii rucuba 1aad sanad miisaaniyeedka 2009TI ee Maamulada iyo xafiisyada horumarka degmooyinka ee hoos yimaada gobolka Jarar. Wuxuuna u sheegay gudoomiyuhu  dhamaan masuuliyiinta degmooyinka in  looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta wax qabadkooda ku aadan waxa laga fuliyay Qorshayaashii Horumarineed, nabadgalyo iyo maamlka suuban  ee Rubaca 1aad u yiilay si loo gorfeeyo Heerka waxqabadka degmooyinka iyo waxa ka dhiman.

Waxaana khudbadii gudoomiyaha ka dib la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka  maamulada degmooyinka taasi oo diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u yaalay degmooyinka iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo soo bandhigayay warbixinada. shirkan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda.

 

 

War Deg-deg ah: Magacaabis Cusub…

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 5ta October 2016. Sida lawada ogyahay ee caadiga ah xafiiska maamulka DDSI wuxuu leeyahay 3 wasiir kuxigeen. Hadaba waxaa maanta mid kamid loo magacaabay mudane C/wali Xaaji Maxamed Dalmar oo ah muwaadin udhashay DDSI lehna karti, aqoon sare oo heer degree ah, khibrad dheer, bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba isagoo hagi doona mediaha gaar ahaan ESTV iyo SW oo uu dhismaheedu socdo islamarkaana dhawaantan lafuri doono.

Sidaas-darteed, waxaa mas’uulkan lamagacaabay loo rajaynayaa in uu si xilkasnimo leh oo daacadnimo iyo wadaniyadi ku dheehan tahay  uu uga soo baxo waajibaadka loo idmaday islamarkaana uu ugu adeego bulshada.


Tababar Kor Loogu Qaadayo Maaraynta Fasalka Oo Loo Qabtay Macalimiin

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews )Khamiis 6da Actober 2016.Tababar uu soo agaasimay xafiisaka waxbarashada DDSI Geedi - socodkiisa Horumarinta Maclimiinta Iyo Hogaaminta Waxbarashada oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah maclimiinta gobalada kala ah Faafan, Jarar, Erar iyo Sitti,ayaa si heer sare ah uga qabsoosamay hoolka shirarka ee macadka maaraynta.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn Furay Madaxwayne Ku-Xigeenka Ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane Mawliid Haayir Xassan oo sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa maaraynta fasalka ee xiliga cashirku socdo, in qorshaha bare ee maalinlaha, todobaadlaha, bilaha iyo sanadlaha ah ee loogu talagalay sanad dugsiyeedka cusub ee 2009 T.I ay barayaashu sidii loogu talagalay ugu dhaqmaan.

Waxaa uu wasiirku intaa raaciyay in xuquuqaha barayaasha kor loo qaaday, dawladuna ay ahmiyad siisay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada, loona sameeyay nidaam lagu kala saarayo tayada barayaasha oo ah shati siin (license and relicense program).

Dhanka kale waxaa isna tababarkan ka hadlay Agaasinka Horumarinta Macalimiinta Iyo Hogaaminta Waxbarashada Mudne Farxaan Cabdi Makhtal oo sheegay in mudada uu cashirku socdo ay barayaashu ka faa’iidaystaan isla markaana ay u gudbiyaan goobihii iyo dugsiyadii ay ka yimaadeen. Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah maclimiinta tababarka qaadanayay oo sheegay inay tabaabrkan muhiim uyahay islamarkaana ay hirgalin doonaan una bari doonaan ardayda sida ay ka fahmeen tababarkan.

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Xildhibaanada Degmada Bookh Oo Furmay.

$
0
0

Bookh ( Cakaaranews ) Khamiis 6da Actober 2016.Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee magaalada bookh ee xarunta degmada bookh ee gobolka Doolo  kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada degmada bookh.

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay kaabineyga degmada bookh, xubanaha golaha xildhibaanada degmada bookh iyo marti sharaf kale. Waxaana kalfadhigan furay afhayeenka ku xigeenka  golaha xildhibaanada degmada bookh mudane cabdinaasir maxamed xoosh  oo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada oo ay tiradoodu dhantahay 68 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 56 xildhibaan sidaas darteedna uu furan yahay kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadka 2008TI ee xafiiska golaha xildhibaanada degmada bookh, ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada bookh ee sanad miisaaniyeedka 2008TI iyo ansaxinta  miisaaniyada sanadka 2009TI iyo dar-dargalinta hawlaha horumarka iyo dabagalka mashaariicaha.Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI  ee maamulka degmada bookh oo uu soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka degmada bookh mudane cabdiqaadir rashiid ducaale, Warbixintaa oo ahayd mid ku sar go’an  guulaha maamulka degmadu ka soo hoyisay guud ahaanba qorshihii u yaalay degmada ee dhinacyada adeegyada horumarinta bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamulka suuban.

ka dibna waxaa la guda galay shaacinta miisaaniyada degmada oo uu soo jeediyay madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada bookh mudane maxamed muumun wacays.

Ugu danbayn markii la soo gabagabeeyay kalfadhigan waxay masuuliyiinta iyo xildhibaanadu booqdeen biyo xidheenka degmada bookh.

War Deg-deg ah: Magacaabid Cusub1….

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 6da October 2016. Waxaa maanta Komishinerka Komishinka Booliska DDSI loo magacaabay Colonel Farxaan Daahir Barkhadle oo ah muwaadin udhashay DDSI lehna karti, aqoon sare, khibrad dheer, bisayl siyaasadeed, mid ciidanimo iyo mid hogaamineedba.

Sidaas-darteed, waxaa mas’uulkan lamagacaabay loo rajaynayaa in uu si xilkasnimo leh oo daacadnimo iyo wadaniyadi ku dheehan tahay  uu uga soo baxo waajibaadka loo idmaday islamarkaana uu ugu adeego bulshada.

Shaacinta Miisaaniyada Degmada Mubarak.

$
0
0

Mubarak,(cakaaranews) khamiis, 6da, October, 2016.  Kulan lagu shaacinayay miisaaniyada maamulka degmada mubarak ee sanad miisaaniyeedka 2009TI,  ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee  magaalada mubaarak.

Kalankaasi oo ay ujeedadiisu ahayd in qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Mubarak ee gobolka Daawa  loo soo bandhigo nidaamka loo qorsheeyay miisaaniyada sanadka 2009TI ee degmada Mubarak ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka degmada mubarak iyo qaybaha kala duwan ee bulshad degmada mubarak.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha degmada Mubarak mudane Cabdiraxmaan Maxamed Daahir wuxuuna tilmaamay  in uu  kulankan  yahay mid bulshada lagu tusayo cadadka miisaaniyada loo qabtay iyo adeegyada horumarineed ee lagu fulinayo  islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshadu fahan buuxa ka qaataan si ay dhamaadka sanadkan ugu xisaabtamaan in miisaaniyada lagu fuliyay qorshihii loogu talagalay iyo in kale taasi oo ka mid ah  ayuu yidhi gudoomiyuhu, cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka. Wuxuuna intaa kudaray in miisaaniyada loo qabtay degmad Mubarak  tahay mid ku salaysan baahida bulshada.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankan madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada Mubarak marwo Ramla Sheekh Cabdiraxmaan  oo sheegtay in kulankan  yahay qayb ka mid ah tubaha lagu shaacinayo miisaaniyada islamarkaana loogu soo  bandhigayo qaybaha kala duwan ee bulshad  si ay u la socdaan bulshadu ugana warhayaan miinaayiyada loogu talagalay sanadkan 2009TI. waxayna sheegay marwadu  in si ay bulshada fahan buuxa ugu yeelato miisaaniyada in lagu shaaciyay oo lagu qoray miisaaniyada oo faah-faahsan meelaha ay bulshadu ku kulmaan sida ceelasha biyaha, iyo agabyada  kale ee ay adeegsato bulshadu.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshad degmada Mubarak  ayaa sheegay In ay aad u soo dhawaynayaan kulankan loogu shaacinayo miisaaniyada  lagu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee horumarka degmada mubarak.

Kalfadhigii 7aad Ee Golaha Xildhibaanada Degmada Hadhagaale Oo furmay.

$
0
0

Hadhagaale,(cakaaranews),jumce, 7da October, 2016. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee magaalada  hadhagaale  ee xarunta degmada  hadhagaale  ee gobolka Siti  kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada degmada hadhagaale.

Kalfadhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay kaabineega degmada hadhagaale, xubanaha golaha xildhibaanada degmada hadhagaale iyo marti sharaf kale. Waxaana kalfadhigan furay afhayeenka golaha xildhibaanada degmada hadhagaale  mudane Daahir Xuseen Waabari  oo ugu horayntii xaqiijiyay tirada kooramka xildhibaanada oo ay tiradoodu dhantahay 65 xildhibaan wuxuuna sheegay in ay kalfadhigan xaadir tahay 56 xildhibaan sidaas darteedna uu furan yahay kalfadhigan. Wuxuuna afhayeenku sharax kooban ka bixiyay waxqabadkii sanadka 2008TI ee xafiiska golaha xildhibaanada degmada hadhagaale , ka dibna waxa uu soo bandhigay ajandayaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin, dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta waxqabadka maamulka degmada hadhagaale  ee sanad miisaaniyeedka 2008TI iyo ansaxinta  miisaaniyada sanadka 2009TI iyo dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta maxkamada degmada hadhagaale ee sanadkii 2008TI.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI  ee maamulka degmada hadhagaale  oo uu soo jeediyay  ku simaha gudoomiyaha degmada hadhagaale mudane fadxi mahamed, Warbixintaa oo ahayd mid ku sar go’an  guulaha maamulka degmadu ka soo hooyay  guud ahaanba qorshihii u yaalay degmada ee dhinacyada adeegyada horumarinta bulshada sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, nabaglayada iyo maamulka suuban.

 

Ka dib markii uu golaha xildhibaanada degmada hadhagaale dhagaystay warbixinadan lagana dooday ayaa waxaa dhamaan ajandayaashan lagu ansixiyay cod-buuxa.

Degmada Dhoobawayn iyo Kalfadhigii Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Dhoobawayn(cakaaranews) Jimce 7da, October 2016. Kalfadhigii caadiga ahaa ee golaha xildhibaanada degmada dhoobawayn ee gobolka qoraxey ayaa si rasmi ah uga qabsoomay xarunta degmada ee dhoobawayn.

Kalafadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada Degmada Dhoobawayn mudane Maxamed Qamaan Shafad oo sheeagay in kalafadhigani yahay kalfadhigii caadiga aha ee golaha islamarkaana ajandayaasha shirku ay yihiin ansixinta dhagaysiga warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedkii 2008 iyo waliba dhagaysiga iyo ansixinta miisaaniyada sanadkan 2009T.I

Kadibna, Gudoomiyaha Degmada  Dhoobawayn mudane Cabdi Maxamed Nuur ayaa soo jeediyay warbixintii waxqabadkii 2008 T.I iyadoo dood balaadhan kadibna ay cod buuxa ku ansixiyeen xildhiaanada degmadu.

Dhanka kale, Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha degmada dhoobawayn marwo Jawhara Yuusuf Aamiin ayaa soojeedisay cadadka miisaaniyada sanadkan 2009 T.I eelooqoondeeyay degmada dhoobawayn iyo waliba cadadka miisaaniyada ee looqoondeeyay haayadaha dawliga ah ee degmada dhoobawayn.

Ugudanbayna golaha xildhibaanada ay dood kadib cod buuxa ku ansixiyay.

 

Kulan Lagaga Hadlayay Horumarinta Warshadaha Iyo Iskaashatooyinka DDSI oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 7da, October, 2016. Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay qaaday  dadaalo balaadhan  oo kor loogu qaadayo nidaamka shaqo abuurka iyo tir-tirida camal-la'aanta, iyada oo ay xukuumadu  dajisay siyaasado, tabooyin iyo xeelada lagaga midho dhalinayo gaadhida horumar sal balaadhan oo joogtaysan. Waxaana xusid mudan in xukumada DDSI boqolaal milyan oo lacag dayn ah  amaahisay iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira DDSI si loo tir tiro saboolnimada iyo camal-laanta.

Haddaba waxaa ka dhacay maanta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunta DDSI kulan balaadhan oo lagaga hadlayo nidaamka horumarinta warshadaha yar yar, xoojinta iskaashatooyinka  iyo ganacsiga. waxaana lagu soo bandhigayay kulankan fursahadaha uu bixinayo Bangiga Horumarinta Itoobiya.

Waxaana, ka soo qaybgalay kulankaasi madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmad faarax, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid yihiin maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe ee JDFI mudane Asaw Ababe, madaxwayne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Itoobiya mudane tashome Alamu, gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya ee  laantiida DDSI, xafiisyada heer deegaan ee ay bahwadaagta yihiin bangiga, iskaashatooyinka, shirkadaha ganacsatada ah iyo  ganacsatada DDSI.

Waxaana, furitaankii kulankaasi  ka hadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga hagista bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay dadaalka ay xukuumada DDSI iyo dalkeena itoobiya ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimda iyo camal la’aanta  taasi oo sal looga dhigayo ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku abuurida, xoojinta iyo hirgalinta nidaamka warshadaha oo lagu hagayo laguna gaadhayo  xoojinta wax soo saarka beeraha. Waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in xukuumada DDSI ahmiyada gaar ah siisay sidii looga midho dhalin lahaa nidaamka horumarinta warshadaha. Waxayna madaxwayne ku xigeenku ku boorisay qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI in ay ka faa’iidaystaan bangiga horumarinta itoobiya laantiisa DDSI oo bixinaysa dayn bilaa ribo ah aan dulsaar lahayn.

Maareeyaha guud ee wakaalada warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe mudane Asaw Ababe iyo madaxwayne ku xigeenka bandhiga horumarinta itoobiya mudane Tashome Alamu ayaa soo bandhigay nidaamka shaqo ee bangiga horumarinta itoobiya. waxayna sharax dheer ka bixiyeen daymaha uu bixinayo bangigan wuxuuna diyaar u yahay ayay yidhaahdeen bixinta daymaha  bilaa ribada ah si loo xoojiyo iskaashatooyinka iyo warshadaha waxayna sheegeen in uu bandhiga horumarinta itoobiya xarumo ka furtay magaalooyinka Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, Goday iyo magaalada  doolo-cadow.


Banaan bax Balaadhan Oo Ka Dhacay Melbourne.

$
0
0

Melbourne(cakaaranews), Sabti, 8da, October, 2016. Jaaliyadda DDSI ee ku nool wadanka Australia  ayaa soo agaasimay banaan bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Ururada  Nabad Diidka Ah Nolol Diidka Ah, maan gaabka ah Ee maskax-doodu  faaruqa tahay Ee GiNBOOt7, ONAG IYO UBBO. Ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay Ee Kiniisadaha looga talin-Jiray Islamarkaana  Diidan Nidaamka Federalismka Ah Ee wada Noolaanshaha Qoomiyadaha Daleena Itoobiya  Iyo Dastuurka Dalkaba.

Baxaan baxan oo maanta galinkii ganbe  Ka dhacay magaalada Melbourne Gaar Ahaa Goobta  Jessie St. Preston Vic Ee Ayaa Waxaa Isugu yimiday jaaliyada DDSI Ee ku dhaqan wadanka Australia oo ka kala Socay Gobolada Dalka Australia Iyo Kuwaasi Oo  Ku Dhawaaqayay ‘Ginboot7 Down, Onag Down Iyo Ubbo Down.’ taasi  Oo macnahoodu tahay ‘hadhaaga  diciifka Ah ee Ginboot7, Onag Iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan. Banaan baxayaashan ayaa dhanka kale boodhadh ku soo qoray  kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku taageerayaan Nidaamka Federalismka Ah Ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Dalkeena Itoobiya, Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Iyo Waliba Dastuurka Dalka Iyag Oo Sidoo Kale Ku Dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul Xukuumada DDSI’.

Hogaaminta jaaliyada DDSI Ee Australia oo la hadashay warbaahinta ku hadasha afka  soomaliga ayaa  Amaan, Bogaadin Iyo Taageero Balaadhan U Soo Jeediyay Xisbiga EPRDF Ee Wadanka Ku Hogaaminaya Nidaamka Federalismka Ah Ee Ku Salaysan Dimoqraadiyada, Sinaanta Iyo Cadaalada Islamarkaana Uu Dhex-Yaalo Dastuurka Loo Wada Siman Yahay.  Waxayna Taageero Buuxda U Muujiyeen Xukuumada DDSI Ee Uu Majraha U Hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka Kale Xukuumada DDSI Iyo XDSHSI Oo Ugu Horeeyo Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  Oo Bogaadiyay Banaanbaxan Ayaa Halkan Uga Hambalyaynaya Islamarkaana u Mahadcelinaya  jaaliyada DDSI  ee wadanka Australia ku nool waxayna talaabadooda ku tilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan.

 

 

MW CMC Oo U Amba Baxay Xarunta Dalka

$
0
0

Addis ababa ( Cakaaranews ) Axad 9ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa  xarunta deegaanka uga amba baxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addis ababa, Isagoo halkaa kaga qaybgali doona shir ay si wada jir ah u wada yeelanayaan golaha wakiilada shacabka  iyo golaha federationka dalka maalinka bari ah. Hadaba shirkan oo maalinka bari ka furmi doona xarunta dalka ayaa la sugayaa inay kasoo baxaan guulo wax ka ool ah

 

Qiimayntii Waxqabadka Rubucii 1aad ee Degmooyinka Gobolka Faafan Oo Furmay.

$
0
0

Awbare,(cakaaranews) isniin, 10ka, October.  Shir balaadhan oo si toos ah diirada loogu saarayay warbixinta waxqabadkii rubucii 1aad Maamulka degmooyinka hoos yimaada  Gobolka Faafan  ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ayaa waxa saaka  ka  furmay madasha shirarka ee cabdikaamil cawaale  ee magaalada Awbare ee xarunta degmada awbare.

waxaana ka soo qayb-galay shirkan qiimaynta ah masuuliyiinta ugu saraysa gobolka faafan  oo uu ka mid yahay ku simaha gudoomiyaha gobolka Faafan mudane Nuur Xayir Qaasim iyo masuuliyiinta maamulka degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka gobolka faafan.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay shirkaa qiimaynta ah ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim  oo sheegay in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadkii rucuba 1aad sanad miisaaniyeedka 2009TI ee Maamulada iyo xafiisyada horumarka degmooyinka ee hoos yimaada gobolka Faafan. Wuxuuna u sheegay ku simaha gudoomiyhu in  dhamaan masuuliyiinta degmooyinka  looga baahan yahay in ay soo bandhigaan warbixinta wax qabadkooda ku aadan waxa laga fuliyay Qorshayaashii Horumarineed, nabadgalyo, maamlka suuban arimaha xisbiga, iyo xidhiidhka dadwaynaha   ee Rubaca 1aad u yiilay si loo gorfeeyo Heerka waxqabadka degmooyinka iyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirto si loo gufeeyo rucuba xiga.

 

 

Furitaankii shirkaasi oo ay masuuliyiinta kale oo gobolka faafan ka warbixiyeen ahmiyada uu leeyahay shirkan qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanadkan 2009TI ayaa waxaa la gudagalay dhagaysiga  warbixinada waxqabadka  maamulada degmooyinka taasi oo diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u yaalay degmooyinka iyada oo si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo soo bandhigayay warbixinada. shirkan ayaa sii socondoona maalmaha soo socda

Jaaliyada DDSI Ee Australia Oo Amaan Balaadhan Loosoo jeediyay

$
0
0

Australia ( cakaaranews ) Isniin 10ka October 2016. Shacabwaynaha deegaanka, xukuumada DDSI iyo XDSHSI ayaa amaan, bogaadin, iyo mahadnaq balaadhan usoo jeediyay guud ahaanba masuuliyiinta, Gudiyada iyo xubnaha jaaliyadaha DDSI ee kunool dacalada dunida kuwaasoo wacdaro kamuujiyay banaanbaxyadii ay kagasoo horjeedeen ururada nabadiidka ah ee ONAG, Ginboot7, alqushaash, Ubbo, Iyo wixii la halmaala.

Hadaba jaaliyada DDSI ee Australia oo mudaaharaadkii udanbeeyay ee baaxada lahaa kasameeyay wadanka Australia ayaa si balaadhan loo amaanay gaar ahaan gudiyadii shaqada qabtay, mas'uuliyiintii iyo xubnihii kaladuwanaa ee kaqaybqaatay mudaaharaadka oo ay ugu horeeyaan mudane Cabdiqani Faarax Yuusuf, mudane Faysal Ibraahim, marwo Tufaax Garaad, mudane Cabdisalaan Cali Cumar, mudane Fadxudiin Xirsi, mudane Axmed Rooble, mudane Cabdisamad Sooyaan, marwo Koos Daahir, mudane Cabdiwahaab qalinle, marwo Najma Naaji, mudane Cabdulaahi Carab, mudane Cabdirisaaq Gafoofe, iyo mudane Axmed Xasan iyadoo bulsho aad utira badan oo aan magacyadooda halkan lagusoo koobi Karin ay kaqaybqaateen oo dhamaantood loo mahadcelinayo.

Iskusoo wada duuboo mudaaharaadyada ay sameeyeen jaaliyadaha DDSI ee kukala nool dacalada dunida sida: america, jarmalka, belgiumka, scandanivianka, carabaha iyo africa ayaa ah mid taariikhda baal dahab ah ka galay islamarkaana ka sheegan caalamka laguna faanayo.

MW CMC Oo Kahadlay Xaalada Deg-Dega ah Ee Wadanka

$
0
0

Addis ababa ( Cakaaranews ) Isniin, 10ka October 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kahadlay xaalada deg deg ah  (state emergency) ee uu raisal-wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn kusoo rogay wadanka isagoo sheegay inay sax tahay talaabada uu qaaday Raisal-wasaaruhu ee ay ansixiyeen golaha wasiiradu islamarkaana ay tahay wadada kali ah ee Cadawgeena isu soo gaashaan buuraystay inuu dumiyo mashruuca wayn ee Abay, dhacana hantida Shacabka iyo dhibaataynta bulshada dalka naf iyo maalba lagaga guulaysan karo.

Madaxwayne CMC ayaana intaa kudaray in xaalada deg-deg ah ee lasoo rogay ay daahday balse  wali ay tahay xili ku haboon sababtoo ah hadii xili hore lasoo rogi lahaa dadka qaar ayaan kuqanceen oo waxay Galdaloolo unoqon lahayd cadawga. Hadase waa xili sax ku ah waayo shacabka ayay katimid oo yidhi Dawladu talaabo hakaqaado ururada nabad-diidka ah ee ONAG iyo Ginboot7. kuwaas oo burburiyay Hantidanadii naf iyo maalba, rabana inay wadanka dib ugu soo celiyaan nidaamyadii cabudhiska iyo Cadaadiska kudhisnaa ee Dhargiga. Sidaadarteed ayuuna madaxwaynuhu ku amaanay go'aanka Geesinimada leh ee uu qaatay raisal-wasaaruhu xiligii kuhaboonayd.

Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa aad u amaanay wacdarihii banaan-baxyada ee dhamaan qaranjoogta Iyo  qurbajoogta DDSI ee kukala nool dacalada dunida sida qurbajoogta waqooyiga America, belgiumka, wadamada scandanivianka, Germany, Carabaha, Africa iyo wixii lamid ah oo ay kumuujiyeen Itoobiyaanimadooda islamarkaana ay kaga soo hor-jeedeen ururada nabadiidka ah ee ONAG, Ginboot7, Ubbo, Al qushaash iyo wixii lahalmaala. Madaxwaynaha ayaana xusay in talaabada qurbajoogta deegaanku qaaday ay shacabwaynaha dalka dareensiisay wadaniyada iyo nabad jacaylka dadka soomaalida ah islamarkaana ay maanta kasheegan-yihiin guud ahaan dalka iyo dunidaba iyadoo xukuumada federalka ah ee dalku kufaanayso. Wuxuuna talaabadooda kutilmaamay mid geesinimada, deeqsinimada iyo indheer-garadnimada soomaalida itoobiya xaqiijisay.

Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa xaqiijiyay in awal hore la aaminsanaa in cadawga itoobiya uu dhinaca bari jiro balse maanta dadka bariga dagan ee soomaalida itoobiya uu yahay shacab kahortagaya wax alaale iyo wixii dhibaato ku ah shucuubaha iyo qoomiyadaha dalku kakooban yahay. Wuxuuna intaa kudaray in go'aanka dadka soomaalida ah iyo xukuumada DDSI xaqiiqnimadiisa uu yahay kan dhidibada u aasay oo cid kastoo shaki ku jiray ucadeeyay go'aanka uu raisal-wasaaraha dalku kudhawaaqay. Taasoo katurjumaysa xaalada uu wadanku kusugan yahay isagoo sheegay inay maanta cadaatay in qurbajoogta deegaanku badbaadisay nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalkaba ee itoobiyada cusub ee maanta.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa amaanay mas'uuliyiinta, gudiyada iyo xubnaha qurbajoogta ee kunool caalamka oo taariikhda baal dahab ah kagalay isagoo sheegay inay halkaa kukala baxeen cida sida dhabta ah u taageersan nidaamka federalismka ah iyo cida uusan kadhaadhacsanayn federalismku ee bilaa mab’da a ah. Wuxuuna si gooni ah u amaanay qurbajoogta DDSI ee Australia gaar ahaan gudiyadii qaban-qaabada oo uu kamid yahay mudane cabdiqani faarax yuusuf iyo dhamaanba cid alaale iyo cidii gacan kagaysatay islamarkaana kaqaybqaadatay banaan-baxyadaasi dal iyo dibadba.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live