Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Wakaalada Gudbinta WaxsooSaarka Casriga ah ee Dalka Oo Howlo Kawada Deegaanka

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews) Khamiis 13ka October 2016. Wakaalada gudbinta iyo waxsoosaarka casriga ee dalka ayaa deegaanka kawada khariirad usamaynta carada deegaanka si kor loogu qaado heerka waxsoosaarka dalaga ee deegaanka.

Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah mudane guuleed ow cali kaahin oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in qorshaha 2009TI uu qaatay xafiisku iyo deegaankuba  yahay  in kor loo qaado waxsoosaarka beeraha  iyadoo la isticmaalayo technologiyada casiraga ah wuxuuna masuulku intaa kudaray in khariirad usamaynta carada deegaanka ay kaalin mug leh ku yeelan doonto waxsoosaarka deegaanka islmarkaana  sanadan lawado dadaalo kor loogu qaadayo damaana qaadka cuntada iyo waliba dadka la baro.

Dhanka kale khabiir sare oo ka socday wakaalada isbadalka beeraha (agricultural transformation Ageny) mudane bahaylu kasaahun ayaa sheegay inay 38 degmo oo deegaanka ah usamayn doonaan khariirada lagu baadhayo laguna ogaanayo  nooca carada ay tahay waxa ay ku haboontahay in lagu beero islamarkaana loosii dhaadhicn doona tuulooyinka deegaanka . Isagoo intaa kudaray inay meelo badan oo dalka ah kasoo sameyeen khariirad usamaynta carada.


Calafka Xoolaha Oo Lagaadhsiiyay Degmada Gaashaamo

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews)khamiis 13ka October 2016.Xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah oo uu waheliyo xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraga ayaa calafka xoolaha gaadhsiiyay degmada Gaashaamo ee Gobolka jarar.

kadib markii xukuumada DDSI ay xooga saartay waxsoosaarka dalagyada kala duwan ee beeraha iyo waliba wax soosaarka calafka xoolaha noocyadiisa kaladuwan dhamaan gobolada gaar ahaan mashruuca waraabka galbeedka goday oo laga sameeyay wax soo saar balaadhan oo calafka xoolaha ah.

Hadaba, Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiicig ah oo uu waheliyo xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga ayaa si habsamileh calafka xoolaha ee kasoo go’ay gobolka shabeele u gaadhsiiyay degmada gaashaamo ee gobolka jarar si bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan degmada iyo nawaaxigeeda uga faaiidaystaan.

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in xukuumada DDSI ay hada kahor calaf xoolo oo tirobadan ugu deeqday soomaali land iyo waliba deegaanada dalka JDFI sida deegaanka canfarta.

Komishineerka Komishinka Musuqa DDSI Oo Sheegay In Ay Dhamaatay Xiligii Dulqaadka Iyo Wacyigalintu.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) khamiis, 13ka, October, 2016. Komishineerka guud ee komoshinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud  oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay istaraatajiyadaha, jihooyinka iyo qorshayaasha u dajisan komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa ee lagu tir-tirayo musuq maasuqa.

Wuxuuna komishinku sheegay in ujeedooyinkii ay xukuumada DDSI u aas aastay una hirgalisay komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa uu ahaa abuuritaanka bulsha ka madax banaan musuqa kuna baraarugsan waxyeelada iyo aafada  musuqa taasina laga guul gaadhay  iyada oo la adeegsanayo tababaro iyo wacyigalin la xidhidha siyaabaha loola dagaalamo musuqa iyo dhibaatooyinka uu u leeyahay adeegyada horumarka sida, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo guud ahaanba adeegyada horumarineed. Komishineerka ayaa sheegay in wacyigalinta iyo tababaradaasi uu komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqu  siiyay hogaminta sare hogaaminta dhexe iyo shaqaalaha dawlada  iyo waliba  qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI  taasi oo fagaarayaal kala duwan loogu qabtay kulamo iyo shirar lagu fahan siinayo waxa uu yahay musuqu iyo sida loo  xakameeyo dhibaatooyinka musuqa iyo nidaam xumada lumisa  geedi socodka shaqada.

Komoshineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane maxamuud cabdiqaadir oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay in qorshayaashii iyo ujeedooyinkii loo aas aasay komishinka uu guulo waawayn oo gashi horumarineed u noqday bulshada DDSI ka soo hooyay tan iyo intii la hirgaliyay komishinkan. Wuxuuna  tilmaamay in musuqu yahay aafooyinka ugu waawayn ee mija xaabiya nidaamka dawliga ah, dimuqoraadiyada iyo adeegyada horumarika ee bulshada, isaga oo sheegay  dhibaatooyinkii  banaa ee musuqu ku soo hayn jiray  deegaanka. Wuxuuna komoshineerku tilmaamay in ay  dhamaatay wakhtigii wacyigalinta iyo dulqaadka taasi oo uu sheegay in  shantii sano ee hore ku soo jiray komishinku wacyigalinta iyo tababarada, hadda wixii  ka danbeeyana uu diirada saarayo  sidii loo qaban lahaa sharcigana loo marin lahaa qofkii gala musuqa, qofkii iskudaya in uu difaaco ka galay musuqa iyo qofkii aan soo sheegin isaga oo og ama arkaya qofka musuqa galay ee qariya. 

Komoshineerka komishinka ayaa carabka ku adkeeyay in qorshaha sanadka 2009TI iyo waliba qorshaha shanta sano  xooga saarayaan sidii xididada  loogu saarilahaa loona tir-tirilahaa musuq maamuqa gaar ahaan musuqa  dhinacyada dhulka, dakhliga, iibka waawayn, mashaariicaha horumarineed, cadaalada, nidaamka adeeg bixinta, sharicyada iyo maamulka suuban.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay komishineerku in   haba yaraatee aan wax dulqaad ah loo muujinayn cidkasta oo gasha musuq iyo cidii ku garab siisa. isaga ioo ay taghay   in komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqu awood u leeyahay in uu  baadhitaan ku sameeyo, guryaha, dhulka, gaadiidka iyo goob kasta oo looga shikiyo dambiyada la xidhiidha musuqa.wuxuuna ku soo afmeeray komishineerku murtida ah" komishinbaa maanta jira mudida oo afaystay,  micida soo faystay oo musuqa dabar-gaynayee mareegta iyo dabinka xidhan ismoogaan ha ugu dhicin". 

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Ee Gobalka Qoraxey

$
0
0

Qabri Dahar ( Cakaaranews ) Khamiis 13ka October 2016. Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka qoraxey oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan degmooyinka gobalka qoraxey ayaa kusoo gabagaboobey magaalada qabridahar ee xarunta gobalka qoraxey.

Hadaba shirkan ayaa waxaa ugu danbayntii soo xidhay gudoomiyaha gobalka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in shirkan uu ahaa shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI kasoo xooga lagu saarayay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee horumarka sida beeraha, biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee adeeg bixinta bulshada. Wuxuuna gudoomiyuhu usoo jeediyay masuuliyiinta in waxqabadyada ay soo jeediyeen rubaca 1aad iska saxaan wixii dhaliil ah ku jira islamarkaana ay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee hakanaqaaday guud ahaan DDSI.

Dhanka kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad eegobalka qoraxey oo sheegay inay soo jeediyaan waxqabkii ay qabanteen rubac 1aad iyagoo intaa ku daray inay iska sixi doonaan wixii dhaliil ah ee loosoo jeediyay.

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Ee Gobalka Siti Oo Soo Gabagaboobey

$
0
0

Shiniile ( Cakaaranews ) Khamiis 13ka October 2016. Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka Sitti oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobalka sitti ayaa kusoo gabagaboobey magaalada shiniile ee xarunta gobalka sitti.

Hadaba shirka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka sitti oo ugu horeeyogudoomiyaha gobalka sitti mudane cabdiwali maxamed faarax ayaa sheegay in shirkan uu yahay shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI kasoo xooga lagu saarayay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee horumarka sida beeraha, biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee adeeg bixinta bulshada . Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay masuuliyiinta in waxqabadyada ay soo jeediyeen rubaca 1aad iska saxaan wixii dhaliil ah ku jira islamarkaana ay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee hakanaqaaday guud ahaan DDSI.

Dhanka kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka sitti oo sheegay inay soo jeediyaan waxqabkii ay qabanteen rubac 1aad iyagoo intaa ku daray inay iska sixi doonaan wixii dhaliil ah ee loosoo jeediyay.

Qiimayntii Waxqabadka Degmooyinka Gobolka Faafan Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Awbare,(cakaaranews) khamiis, 13ka October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay  magaalada awbare ee xaruna degmada awbare ee gobolka faafan shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee  degmooyinka gobolka faafan.

Shirkan qiimaynta oo socday muddo  shan  maalmood ah  ayaa waxaa diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u dajisanaa maamulada degmooyinka gobolka faafan ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, arimaha xisbiga, dakhliga iyo xidhiidhka dadwaynaha. Waxaana mudadii uu socday shirkan qiimayntu lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka faafan. iyada oo si  cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo gorfaynayay warbixinda ay soo dhigaan maamulada degmooyinku.

Haddaba, soo xidhitaankii shirkan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobolka faafan ayaa waxaa ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane Nuur Xayir Qaasim  wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta ah oo xooga la saarayay geedi socodka fulineed ee qorshihii u dajisnaa degmooyinka gobolka rubuca 1aad ee sanadkan ay ka soo baxeen xaqiijinta guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta  qorshihii dajisanaa rubucan. Wuxuuna sheegay ku simaha gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waaya aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo lana buuxin doono gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Ee Gobalka liibaan

$
0
0

filtu ( Cakaaranews ) jumce 14ka October 2016. Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka liibaan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobalka liibaan ayaa ka qabsoomay magaalada filtu ee xarunta gobalka liibaan.

Hadaba shirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka liibaan oo ugu horeeyo  gudoomiyaha gobalka liibaan mudane Maxamed Axmed oosheegay in shirkan uu yahay shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI kasoo xooga lagu saarayay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee horumarka sida beeraha, biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee adeeg bixinta bulshada. Wuxuuna gudoomiyuhu usoo jeediyay masuuliyiinta in waxqabadyada ay soo jeediyeen rubaca 1aad iska saxaan wixii dhaliil ah ku jira islamarkaana ay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee hakanaqaaday guud ahaan DDSI.

Dhanka kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka liibaan oo sheegay inay soo jeediyaan waxqabadkii ay qabanteen rubac 1aad iyagoo intaa ku daray inay iska sixi doonaan wixii dhaliil ah ee loosoo jeediyay.

Hantidhawraha Guud Ee DDSI Oo Tababar U Furay Xifradlayaasha Hantidhawrka DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 14ka October, 2016.  Tababar  uu soo diyaariyay xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI ayaa waxaa  loo qabtay shaqaalaha xafiiska hantidhawrka DDSI   gaar ahaan xirfadlayaasha hantidhawrka. waxayna  ujeedadiisu tahay sidii kor  loogu qaadilahaa awooda iyo garaadka xirfadeed ee hantidhawrayaasha, xoojinayo nidaamka dabagalka iibka, hantida dawlada, nidaamka baadhitaanka cashuuraha,  xaqiijinta iyo dabagalka Qulqulka Miisaaniyada,  kor u qaadida Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka.

Waxaana furitaankii tababarka  ka hadlay hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow Cali  oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuuna  sheegay in uu yahay mid kor loogu  qaadayo  Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka. Isaga oo    ka waramay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI.

Hanti’dhawraha guud isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku dheeraaday ahmiyada uu tababarkani u leeyahay xirfadlayaasha hantidhawrada taasi oo fahan buuxa laga siinayo ayuu yidhi,  nidaamka xoojina  dabagalka iibka, hantida dawlada, Nidaamka baadhida iyo dabagalka cashuuraha. Wuxuuna ku booriyay xirfadlayaasha hanti’dhawrayaasha  in ay mudada uu socto tababarkani si fir fircoon  uga qayb qaadaan.

Tababarkan oo socon doona muddo 15 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa bixinaya khabiirada xafiiska hantidhawrka oo khibrad badan iyo aqoon dheer u leh cashiradan la siinayo xifdadlayaasha hantidhawrka..


Dhagaxbuur iyo Kormeer lagu Soomaray Dhismaha Kuliyada TVET ka

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)jimce 14ka October 2016. Mas’uuliyiin uu horkacayo wasiir kuxigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta (TVET) ee DDSI ayaa kormeer indho indhayn ah kusoomaray mashruuca dhismaha kuliyada tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur.

Hadaba, kormeerkan oo uu hogaaminayay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane ayaa sheegay in kormeerkani ahaa mid lagu indho indhaynayo sida uu u socdo dhismaha kuliyada farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna xusay in dhismaha kulyadu ay usocoto sidii larabay islamarkaana ay marayso meel gabo gabo ah.

wasiirkuxigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa carabka kudhuftay in kuliyadan loogu talagalay in ay kasoo baxaan xirfadlayaal waxsoosaar leh islamarkaana qayblibaax kaqaata hormarkan xawliga ah ee deegaanka kasocda

Ugudanbayna wuxuu tilmaamay in kuliyadani ay kamid tahay 6 kuliyadood oo qorshaysnaa dawlada islamarkaana ay sifiican u hirgaleen.

Duulimaadkii Garoonka Diyaaradaha Caalimaga Ah Ee qabridahar Oo Bilowday

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Jumce 14ka Actober 2016.Waxaa maanta si rasmi ah ugu dagay garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee  xarunta gobalka qoraxey ee magaalada qabridahar diyaaradii ugu Horaysay oo wada rakaab. Oo ay saarnaayeen wafti ay hogaaminayso madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee  DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta Magaalooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal,  Madaxa xarunta dhexe ahna Wasiirka xafiiska horumarinta  khayraadka  biyaha DDSI lehna awood madaxwayne kuxigeen marwo Fartuun Cabdi Mahdi , Iyo masuuliin kale oo heer deegaan ah .

Hadaba waftigan ay horkacaysay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha Iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa bogaadiyay duulumaadkan ay  ka Dageen garoonka caalimiga ah ee magaalada qabridahar oo runtii dhismihiisu socday in muda ah Islamrkaana ay ku baxday boqolaal milyan oo birr.Waxayna madaxawyne kuxigeenku u sheegtay shacabka inuu si rasmi ah u bilowday duulimaadkii diyaarada ay ku imanayeen magaalada qabbridahar Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii kale ee waftiga lasocday sida madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska howlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha mudane cabdixakiin cigaal iyo madaxa xarunta dhaxe ahna Wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo sheegay inay aad u faraxsanyihiin duulimaadkan ay ku yimaadeen magaalada qabridahar islamarkaana ay bogaadiyeen iyagoo shacabka ogaysiiyay inuu bilowday adeegii duulimaad ee diyaaraduhu ku imanayeen magaalada qabridahar.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah  Shacabkii saarnaa diyaarada oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin duulimaadkan ku bilowday Garoonka caalimaga ah ee magaalada qabdahar taas oo ay  ugu mahad celinayaan xukuumada DDSI oo Galisay miskax maal iyo muruqba sida uu ku hirgali lahaa garoonkan .  

Maareeyaha Wakaalada Qurba Joogta DDSI Oo Amaanay Qurba joogta DDSI.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) jumce, 14ka October, 2016. Maareeyaha wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Cabdiwahaab Yuusuf Maxamuud  oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta DDSI ayaa si balaadhan u amaanay  una  mahad-celiyay  dhamaanba qurba joogta DDSI ee ku nool qaaradaha aduunka.

Maareeyaha ayaa ku amaanay qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan qaaradaha aduunka sida geesinimada iyo wadaniyada leh ee ay banaan baxyadii balaadhnaa ee ay ka sameeyeen qaaradaha aduunka in ay indhaha caalamka  ku  tuseen sida ay wadankooda itoobiya  uga difaacayaan cadawga nabaddiidka hadhaagii  ururada, Ginboot7, Onag UBBO  iyo wixii la halmaala ee isku dayay  in  ay dalkeena itoobiya dib ugu celiyeen heeryadii guumaysiga ee ay u cuntamilaadahay nidaanka faderalismka ee ah wada noolaanshaha iyo sinaanta qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyo waliba dastuurka dalka.

Maareeyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay banaan baxyadii ay sameeyeen  qurba joogta DDSI ee wadamada waqooyiga America, qurba joogta DDSI ee Australia, UK, Scandinavian, Benelux, faransiiska, Jarmalka iyo waliba qurba joogta DDSI ee ku dhaqan wadanka Keniya wuxuuna sheegay in ay dhamaanba qurba joogtani mudan yihiin amaan iyo mahadnaq gaar ah.

Dhanka kale maareeeyuhu waxa uu warbaahinta deegaanka sharax dheerka siiyay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u dajisan wakaalada xidhiidhka qurba joogta DDSI ee ku salaysan dar-dargalinta iyo sii xoojinta xidhiidhka qurba joogta DDSI. maareeyaha ayaa aad ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaytay deegaankooda. Wuxuuna sheegay in ay kaalin miisaan culus ka qaateen hirgalinta qorshayaasha horumarineed  ee ka hirgalay deegaanka. Isaga oo   sheegay in la sii xoojinayo nidaanka Maalgashiga qurba joogta.

Ugu danbayntii maareeyaha ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI ee ku nool qaaradaha aduunka in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay siina adkeeyaan ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka iyo  nabadgalayda ee deegaanka iyo dalka.

 

 

Ogeysiis.. Ogeysiis..

$
0
0

Jijiga( cakaaranews ) Sabti, 15ka October, 2016. Iyadoo qurbajoogta wadanka Australia kunool looga mahadcelinayo guushii balaadhnayd iyo abaabulkii mudaaharaadkii ay sida wanaagsan uga qaybqaateen ayaa waxaa la ogeysiinayaa jaaliyada DDSI ee kunool wadanka Australia in mudane Cabdiqani Faarax Yuusuf iyo mudane Sheekh Xasan ay yihiin gudiga soo xulitaanka xubnaha qurbajoogta Australia uga qaybgalaya shirweynaha XDSHSI.

Hadaba waxaa kale oo la ogeysiinayaa gudigan iyo dhamaan gudoomiyeyaasha qurbajoogta DDSI ee kunool dacalada duniya inay arimaha shirweynaha X.D.SH.S.I kusaabsan iyo wixii talo ahba kala soo xidhiidhaan Gudoomiyaha Gudiga Soo dhawaynta Qurbajoogta ee Shirweynaha X.D.SH.S.I  mudane Farxaan Maxamed Cali :+251928164216. 

MW CMC Oo Ku Soo Laabtay Xarunta DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 15ka, October 2016.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta kasoo dagay gagida diyaaradaha ee garaad wiil waal international airport  ee magaalada jigjiga kadib markii uu kasoo anbabaxay xarunta dalka ee magaalada adhisababa, halkaas  oo uu kaga qaybgalay shirkii ay wada yeesheen 2da gole ee golaha federationka iyo golaha wakiilada shacabka JDFI.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa wakhti xaadirkan kusugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

 

 

 

 

 

 

 

Qiimayntii Degmooyinka Gobolka Nogob Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Ceelwayn,(cakaaranews), Sabti, 15ka, October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay  magaalada ceelwayn  ee xaruna gobolka Nogob shirkii qiimaynta waxqabadka rubucii 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI ee  degmooyinka gobolka nogob.

Shirkan qiimaynta oo socday muddo afar maalmood ah  ayaa waxaa diirada lagu saarayay fulinta qorshayaashii u dajisanaa maamulada degmooyinka gobolka nogob ee dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamulka suuban, arimaha xisbiga, dakhliga iyo xidhiidhka dadwaynaha. Waxaana mudadii uu socday shirkan qiimayntu lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka maamulada degmooyinka gobolka Nogob. iyada oo si  cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh loo gorfaynayay warbixinda ay soo dhigeen maamulada degmooyinku.

Haddaba, waxaa soo xidhitaankii shirkan ka hadlay gudoomiyaha gobolka Nogob mudane Madoobe Macalin Ibraahin  wuxuuna sheegay in shirkan qiimaynta ah mudadii uu socday  xooga la saaray fulinta  qorshihii u dajisnaa degmooyinka gobolka rubuca 1aad ee sanadkan taasi oo lagu xaqiijinayay guulaha waxqabadka laga soo hooyay fulinta  qorshihii dajisanaa rubucan gaar ahaan waxqabadka dhinacyada adeegyada horumarka sida caafimaadka, waxbarashada.dhinaca biyo xidheenada, dhaadhicinta maamulka suuban, waxka qabadka xaafulinta deegaanka, arimaha xisbiga, dakhliga iyo adeegyada kale oo horumarka  Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay shirkan ka soo baxeen go’aano dhaxal gal ah oo lagu fulinayo qorshaha rubucan xiga iyada oo laga waayo aragnima qaadanayo qorshihii rubucan hadda dhamaaday lana buuxinayo gol dalooladii ka jirtay rubuca hadda dhamaaday.

 

 

Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Ardayda Dugsiga Sare Ee MM Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)axad 16ka October 2016.Tababar ujeedadiisu tahay wacyi galinta iyo kahortagida cudurka HIV AIDS ka ayaa loo qabtay qaar kamid ah ardayda dhigata dugsiga udiyaargarawga jaamacadaha dalka ee maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba, Tababarkan  ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaarananews uga warbixiyay sargaalka xakamaynta HIV AIDS ee xafiiska kahortaga iyo xakamaynta HIV AIDS mudane yaasiin subcis oo sheegay in tababarkani uu yahay mid sanadkasta oo cusub ardayda looqabto islamarkaana aradayda lagaga wacyigaliyo cudurka dilaaga ah ee aan dawada lahayn ee HIV AIDS si ardaydu uga digtoonaato.

Wuxuuna khabiirku intaa kudaray in tababrkan looqabtay ardayda dhigata preparotoy schoolka ee maamulka magaalada jigjiga oo ay waheliyaan (Anti HIV Club) kuwaasoo kadhisan dugsiga.

Ugudanbayna sargaalka ayaa xusay in tababarkan ay uqabteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 120 arday islamarkaana dhamaan dugsiyada ay kaqanban doonaan tababar noocan ah.


Munaasabada Xuska Maalinta Calanka Qaranka Oo Siwayn Loogu Diyaar Garoobay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 16ka October, 2016. Waxaa guud ahaanba maalinta Bari  laga xusayaa dalkeena itoobiya  gaar ahaan deegaanka somaalida itoobiya  munaasabada sanad guurada 9aad ee xuska maalinta calanka jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya.

Munaasabadan  xuska maalinta calanka jamuuriyada dimuqraadiga fadaraalka itoobiya oo sanadkasta dalka laga  xuso bisha Tikimti todobadeeda oo ku beegan maalinta barito ah ayaa ah maalin ay xusitaankeedu ku  wayn tahay dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaan shacabwaynaha DDSI. Waxaana magaalada jigjiga ee xarunta deegaanka soomalida itoobiya iyo guud ahaan deegaan  maalmihii ugu danbeeyay siwayn looga   dareemayaa  diyaar garowga   balaadhan ee  loogu jiraa soo dhawaynta iyo xusitaanka munaasabadan.

Xukuumada DDSI XDSHSI iyo shacabka DDSI ayaa si meeqaam sare ah ugu diyaar garoobay musaanadadan sanad guurada 9aad ee xuska maalinta calanka Qaranka.

 

 

Tababar Lagu Soo Gabagabeeyay MM Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews), Axad, 16ka October, 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur tababar muddo shan  maalmood ah u socday xubnaha iskaashatooyinka ka hawlgala MM dhagaxbuur.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo kaashanaya wakaalada horumarinta shirkadaha yar yare e DDSi ayaa waxaa xafladii lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Xaxane Cilmi, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.

Waxaana ugu horaynii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuna sheegay in uu ahaa tababar kor loogu qaadayay xirfada aqooneed ganacsi ee iskaashatooyinka si ay u noqdaan iskaashatooyink wax soo saarkoodu aad u taya sareeyo. Wuxuuna ku booriyay xubnaha qaatay tababarka in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan kaga faa’iidaystaan  kor u qaadida xirfada ganacsigooda.

Waxaa kale oo ka hadlay xidhitaankii tababarkan gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarku iyo siyaabaha ay xubnaha iskaashatooyinku uga faa-iidaysanayaan waxayna ku booriyeen in ay faa’iidada ay tababarkan ka heleen uu noqdo mid wax soo saara oo midho dhala.

Dugsiga Hoose/dhexe Ee wiil waal Oo Waxbarashadii Si Rasmi ah U bilaabay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)isniin 17ka October 2016. Dugsiga hoose- dhexe ee wiil waal ee maamulka magaalada jigjiga  ayaa si rasmi ah u bilaabay waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 TI iyadoo ardayda ladiwaangaliyay islamarkaana waxbarashada bilawday ay kor u dhaafyso 500 arday oo isugu jira lab iyo dhadig.

Hadaba Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee wiilwiil mudane khadar rashiid weerar  oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilaabeen waxbarashadii sanad dugsiyeedka 2009 T.I. wuxuuna intaa kudaray in ardayda ladiwaangaliyay sanadkan ay gaadhay 5353 arday kadib markii dadaal wacyigalin ah oo balaadhan ay siwada jira ah usameeyeen xafiisyada heer deegaan ilaa hee qabale.

Wuxuuna tilmaamay maamuluhu in dugsigu uu bilaabay waxbarashada baahida gaarka ah ee looyaqaano  (especial need) taas oo wax lagubarayo ardayda laxaadka la’a.

Ugudanbayna, waxaa iyana dhankooda kahadlay qaarkamid ah macalimiinta dugsiga hoose dhexe ee wiil waal oo sheegay in ay sii labo jibaarayaan dadaalkooda ku aadan tayaynta waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2009 T.I .

Munaasabada 9aad Ee Xuska Maalinta Calanka Qaranka Oo Si Balaadhan Looga Xusay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews),isniin, 17ka, October, 2016.  waxaa maanta si meeqaam sare ah  looga xusay guud ahaan dalka gaar ahaana deegaanka soomaalida itoobiya  caasimadiisa jigjiga munaasabada  9,aad ee  xuska maalinta calanka jamhuuriyada dimoqraadiga faderaalka itoobiya.

Hadaba, munaasabadan xuska oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI, Waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ,ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, maareeyayaasha wakaalada DDSI, shaqaalaha kaladuwan ee xafiisyada heer deegaan, odayaasha dhaqanka deegaanka, waliba qurba joogta DDSI ee ku sugan jigjiga. Iyo waliba kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI.

Waxaana ugu horaynii ka hadlay munaasabadan xuska maalinka calanka qaranka Madaxwaynaha DDSI mudane madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo si qoto dheer ugu warbixiyay ahmiyada ay leeyahay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaana  ugu horayntii u hanbalyeeyay guud ahaanba shacabka reer itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan  munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka. Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay tahay maalin ay xusitaankeedu ku  wayn tahay  quluubta iyo qalbiyada  dhamaan Qowmiyadaha iyo shucuubta reer itoobiya gaar ahaana shacabka DDSI. Wuxuuna madaxwaynahu intaa kudaray in  calanku uu yahay astaanta kaliya ee muujinaysa qaranimada, madaxbanaanida, midnimada wada noolaanshaha iyo is-jacaylka shucuubta kala duwan ee dalkeena itoobiya. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay soolyaalka taariikheed ee dalka iyo deegaanka dhibaatooyinkii iyo cadaadisyadii ay shacabka reer itoobiya ku soo hayn jireen talisyadii boqortooyadii iyo tii dhargiga. Wuxuuna ku booriyay shacabka DDSI in ay sii xoojiyaan hirgalinta hawlaha horumarka gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha.

 

Waxaa sidoo kale heeso iyo gabayo soo bandhigay  Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI oo ku soo bandhigay munaasabadan xuska maalinta calanka qaranka heeso iyo dhaantooyin si wayn loogu kacay oo ka turjimaya ahmiyada uu leeyahay calanka qaranku.  

Iskaashatada Beeraha Ee Tacab Oo Samaysay Waxsoosaar Heer sare ah

$
0
0

Tuliguuleed(cakaaranews)isniin 17ka October 2016.Mas’uuliyiin kasocotay xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI ayaa booqasho indho indhayn ah u tagay noocyada waxsoosaarka beeraha ee Iskaashatada tacab ay kafulisay degmada tuliguuleed.

Hadaba, Gadh/wadeenka G/Socdka Fidinta beeraha iyo farsamooyinka casriga ah ee Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiicga ah mudane Axmednuur Mahad Cali oo u waramay warbaahinta deegaank ayaa sheegay in ay lakulmeen waxsoosaar balaadhan oo dhinaca beeraha oo ay sameeyeen iskaashatada Tacab ee kadhisan degmada tuliguuleed. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in iskaashatadu dadaal balaadhan ay samaysay islamarkaana ka xafiis ahaan uu dadaal kagaystay.  Wuxuuna bogaadiyay in wadooyinka horumarka ay ugu muhiimsantahay waxsoosaarka beeraha isku filaanshana lagu gaadhikaro iyadoo siyaasada dalkuna ay tahay bulshada reerguuraaga ahi in ay noqdaan bulsho xoolodhaqato beeralay ah.

Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay iskaashatada tacab oo sheegtay in wakhti xaadirkan ay goynayaan beeraha usoogoy oo ay kamid yihiin calafka xoolaha ee looyaqaano (sudan grass) waxaakale oo ay xuseen iskaashatadu in dalag yada ay beerteen ay kala yihiin galayda nooca Malkaso 1 iyo malkaaso2  iyo waliba khudaarta noocyadooda kaladuwan. Waxayna caraba kudhufteen in iskaashatado ay gaadhay isku filaansho islamarkaana ay kor usiiqaadayaan waxsoosaarkooda.

Iskusoowada duuboo wax soosaarka beeraha noocyadiisa kaladuwan ayaa ah mid Xukuumada DDSI ay xooga saartay 5tii sano ee udanabaysay iyadoo bulshadii xoolo dhaqatada ahee ee dagan  4ta gobol ee wabiyadu maraan laga dhigay xoolo dhaqato beeralay si looga baxo gaajada islamarkaana looga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhaxaadka yahay.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>