Jigjiga(Cakaaranews) Axad 6da August 2017. tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen kooxaha kawada tirsan group B ee Gobolka Qoraxey iyo MM Qabridahar iyo waliba kooxaha kubadada cagta ee Gobolka faafan iyo gobolka Afdheer. Sidookalana, galinkii danbe ee maanta ayaa iyana waxaa wada ciyaaray kooxaha kawada tiran Group B ee kala ah xulka kubada cagta ee GobolkaErer iyo Maamulka Magaalada Jigjiga.
Hadaba, ciyaartan dhexmartay 2dan kooxood oo ay dhexmartay ciyaar aad uqurbadan ayaa waxaa maanta galinkii hore wada ciyaaray xulka kubada cagta ee gobolka Qoraxey iyo mm Qabridahar oo ay halkaas ku dhaxmartay ciyaar aad u quruxbadan islamarkaana ay guushu kuraacday gobolka Qoraxey kadib markii ay kaga adkaadeen 4 gool iyo 2 islamarkaana ay ciyaartu ku dhamaatay sidaas.
Dhanka kale, waxaa iyana wada ciyaaray kooxaha kubada cagta ee gobolka Faafan iyo gobolka Afdheer halkaas oo labada kooxoodba ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag aad u quruxbadan oo soo jiidatay taageerayaasha labada kooxood, waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kudhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday gobolka Faafan. Iyadoo gobolka faafan sidaas oogu gudbay wareega 8da.
Sidookale waxaa iyana maanta galinkii danbe ay ciyaar aad u xiiso badani dhexmartay labada kooxood waa xulka kubada cagta ee Gobolka Doolo iyo Maamuka Magaalada Qabribayax. Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo ay koox waliba ku doonaysay inay oogu gudubta wareega 8da ayaa waxay ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay barbaro min3-3 ah. Waxaana wareega sideeda iska xaadiriyay gobolka doolo.
Iskusoo wada duuboo, ciyaarahan maanta socday ayaa u muuqday ciyaaro aad u xiiso badan kadib markii ay taageerayaasha kooxuhu soo buux dhaafiyeen garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga