Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Soo Xidhay Shir-waynihii Waxbarashada Heer Deegaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Jamce, 9ka September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiis waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan ayaa galabta soo xidhay shir-waynihii 7, aad ee waxbarashada heer deegaan oo socday mudo 2 bari ah islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan hogaaminta degmooyinka, gobolada, maamul magaalooyinka, gadhwadeenada xafiiska waxbarashada heer deegaan, madax xafiiseedyada waxbarashada deegaanka, hay’adaha bahwadaagta ah iyo marti sharaf kale.

Hadaba madaxwaynaha oo kulan waynahan kulahadlay dhamaan heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tirada iyo tayada nidaamka baris barasho ee dhamaan dugsiyada deegaanku ay sare ukacday sanadihii udanbeeyay marka loo eego sanadihii hore maadaama ay xukuumadu xooga saartay islamarkaana wacyigalin balaadhan usamaysay qaybaha kaladuwan ee bulshada yar iyo wayn sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen waxbarashada una keeni lahaayeen dugsiyada dhamaan ardayda heerka waxbarashada gaadhay iyadoo xukuumaduna qaadatay daboolida baahida nidaamka baris-barasho. Wuxuuna kuladardaarmay inay sii xoojiyaan dabagalka iyo kormeerka dugsiyada si loo gaadho yoolka iyo hadafka xukuumada iyo xafiiskaba. Madaxwaynaha ayaana mas’uuliyiinta kubooriyay inay kawarhayaan shaqada plasmada, isticmaalka miisaaniyada shool grantga(deeqda dugsiyada) islamarkaana ay ardayda kajoojiyaan kaqaybqaadashada soo dhawaynta iwm isagoo xafiiskana ku amaanay isbadalka wayn ee uu keenay sanadkan.

Dhankoodana heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiintan oo qaaatay dardaaranka madaxwaynaha ayaa balanqaaday inay sii dardargalinayaan sanadkan hawlaha waxbarashada iyagoo wacyigalin balaadhan kasamayn doona dhamaan degmooyinka, gobolada, maamul magaalooyinka iyo tuulooyinkaba islamarkaan kudhiirin doona sidii ay waxbarashada uga qayb qaadan lahaayeen. Waxayna madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka xafiiska waxbarashadaba uga mahadceliyeen qabsoomida shirwaynahan iyo jihooyinka lasiiyayba.


Komishinka Anshaxa Iyo Kahortaga Musuqa DDSI Oo Galka Seefta Kalabaxay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 11ka September 2016. Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay hirgalisay istaraatijiyado iyo qorshayaal cilmiyaysan oo ku salaysan tir tirida saboolnimada iyo hirgalinta horumar deg deg ah oo waara. Waxaana  qorshayashaa  sal looga dhigay kahortaga, ladagaalanka iyo tir-tirida musuqa iyo waliba  ladagaalanka aragtida dulsaarnimada iyo hirgalinta aragti horumarineed oo caafimaad qabta.

Hadaba si loo suuro-galiyo qorshayaashaasi waxaa lasameeyay  Komishinka Anshaxa iyo Kahortaga Musuqa  DDSI oo u taagan in uu ladagaalamo hagar-daamo kasta oo kutimaada adeeg-bixinta kulana dagaalamo tababaro lasiinayo bulshada oo lagu korinayo garaadkooda, loo adeegaha iyo adeeg-bixiyahaba iyo waliba taabogalinta  qorshaha  kuwajahan adeecida iyo kajawaabista baahida iyo doonista shacabka deegaanka

komishineerka Komishinka Anshaxa iyo Kahortaga Musuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir oo xafiiskiisa ugu waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa kawarbixiyay waxqabadkii ugu danbeeyay ee komishinka iyo qorshaha uu fulinayo sanadka 2009TI. Wuxuuna sheegay mas’uulku  in  komishinka Anshaxa iyo kahortaga musuqa DDSI  tan iyo intii la aas aasay guulo balaadhan ka soo hooyiyay  Hirgalinta la dagaalanka musuqa iyo adkaynta aragtida horumarineed, kaasi oo   talaabooyinkiisii ugu horeeyayna ka  bilaabay wacyigalinta Qaabdhismeedyada Dawlada iyo bulshada DDSI sidii looga fogaan lahaa xilgudasho la’aanta,eexda,musuqa,laaluushka,wajigarashada,Lugooyada Hirgalinta Qorshaha iyo ku tagrifalida hantida Umada, islamarkaana tababaro badan oo kor loogu qaadayo Garaadka adeegbixiyayaasha Xilgudashadooda, Xeerarka ladagaalanka Musuqa, ilaalinta hantida Dawlada iyo ka feejignaanta musuqa loona adkeeyo cadaalada iyo saraynta Sharciga.

Komishineerka ayaa sheegay in sanadihii ugu danbeeyay lagu jiray wacyigalinta iyo fidinta tababarada ku salaysan Tilmaamaha Digtoonida, ka feejignaanta marin-hababinta Qorshayaasha iyo Qulqulka Miisaaniyada si loo taabagaliyo Qorshayaasha lagu tir tirayo saboolnimada. Komishineerka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in si loo taabagaliyo qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaaha wajigiisa 2aad (GTP2) laga bilaabo hirgalinta iyo fulinta qorshaha sanadka 2009TI uu komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqu  seefta galka ka saaray islamarkaana Tooshka-Wareega ee Komishinka Anshaxa iyo Kahortaga Musuqa DDSI shaqsiyaadka ama  kooxda isku dayda in ay gasho musuq in si deg deg ah looga qaadi talaabo sharciga waafaqsan. Komishinka oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu yidhi”shaqsiga ama kooxda   loo idmaday xilalka heerarkooda kala duwan ee gala musuq islamarkaana ay ku dhamaato wadiiqada/ wadada musuqu ee dhanka dakhliga, dhulka, iibka yar yar kuwa waawayn, mashaariicaha horumarka, adeeg bixinta xagal daacinta miisaaniyadaha horumarineed waxaa la marin talaabo sharciga waafaqsan taasi oo ah in uu mutaysto 15 ilaa 25  sano oo xadhig ah ganaax lacageed oo dhan 60,000 oo birr soo celinta hantida  musuqii uu galay.

Ugudabayna, wuxuu carabka kudhuftay masuulku in shaqsigii lagu helo musuq ciqaaabtiisu ay adagtahay islamarkaana ciqaabtiisa ay kamid noqon doonto in laga fashiliyo lagana baahiyo warbaahinta deegaanka iyo ta dalkaba ceebahiisa/heeda ku’aadan musiqii uu umada kagalay.

 

MW CMC Oo U Hambalyaynaya Dhamaan Muslimiinta Iyo Sanadka Cusub Ee 2009TI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 11ka September 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka ugu hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidul-adxa isagoo ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn.

Wuxuuna madaxwaynuhu kubooriyay dadka wax haysta inay caawiyaan walaalahooda aan waxba haysanin islamarkaana ay udhuun duleelaan gaar ahaan walaalahooda tabaalaysan ee aan baahidooda sheegan Karin.

Sidoo kale, madaxwayne CMC ayaa hambalyo diiran oo farxada sanadka cusub ee 2009TI udiray dhamaan shacabwaynaha dalka itoobiya meel kasta oo ay caalamka kajoogaan gaar ahaan kuwa samaha iyo nabada dalka jecel khaasatan shacabwaynaha DDSI. Wuxuuna ilaahay uga rajaynayaa inuu siiyo khayrka iyo barwaaqada sanadka cusub islamarkaana uu nabad iyo horumar kugaadhsiiyo sanadka xiga.

Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa xusay in carqaladaha ay wadaan onag iyo ginboot7 ay ujeedadeedu tahay sidii ay ubadali lahaayeen nidaamka federalismka ah ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada ee uu mideeyay dastuur kali ah islamarkaana raba inay kubadalaan nidaamkii cadaadiska iyo dhiigmiiradka kudhisnaa ee kiniisadaha looga talin jiray. Kaas oo uu gabalkiisu waa hore dhacay. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurka. Madaxwaynaha ayaana uga digay cid alaale iyo cidii  iskudayda inay meel uga dhacdo sharafta iyo sumcada wadanka ama rabta inay soo celiso nidaamyadii cadaadiska iyo shuuciga ahaa inaan laga ogolaanaynin habayaraatee oo aan kaxigno dhimasho. Wuxuuna fariinta udiray qurbajoogta udhalatay deegaanka ee dunida dacaladeeda kunool iyo qaranjoogtaba inay af ama qoraal kuladagaalamaan dadka kaxun nidaamka federalismka ah ee caadada kadhigtay qorida propagandada aan sal iyo raad toona lahayn. 

Arooska Qarniga Qaybtiisa 1, aad Oo Lagu soo Bandhigi doono Arooskii Qarniga Qaybtiisa 2, aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 12ka September 2016.  Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka sayidka kadhici doona maqribnimada maalinta Talaadada ah ee inagu soo aadan aroos  lamagac-baxay arooska qarniga qaybtiisa 1,aad oo ay kulamaanoobeen lamaanaha is-doortay ee sharafta leh oo kala ah: mudane Fatxi Cali Shariif(shariifka)iyo marwo Istaahil Maxamed Khaliif(prince istaahil), kaas oo ay kasoo qaybgali doonaan ugu yaraan 2kun oo shaqsi oo isugu jira mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu horkacayo madaxwayne CMC, agaasino, shaqaalaha xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan iyo shacab intaba.

Arooskan oo noqonaya mid mataaneeya hab-dhaqankii hore ee aroosyada iyo nidaamka danbe ee casriga ah oo yeelan doona booliskii iyo maxkamadii qaabilsanaa soo kicinta dadka iyo kuxukunka-qaadida heesaha, geeraarada, gabayada, dhaantooyinka, waydiinta hal-xidhaalaha oo ay weheliso cayaaraha qoob-kacayaarka ah ayaa waxaa kharashkiisa damaanad-qaaday Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya.

Kadibna, waxay lamaanahan arooskoodu lamagac-baxay arooska qarniga qaybtiisa 1, aad uhoyan doonaan  dhul ay xukuumadu siisay islamarkaana uu XDSHSI uga dhisay guri villa ah oo si casri ah loo qalabeeyay.

Hadaba, waxaa iswaydiin leh arooska qarniga qaybtiisa 1, aad garanay oo waa mudane fatxi iyo marwo istaahil, ee muxuu yahay arooska qarniga qaybtiisa 2, aad??

Waa arin farxad ah oo aan horay loo arag loona maqal islamarkaana layaab leh oo iskadaa gayiga ay soomaalidu dagtee aan geeska Africa horay uga dhicin. Taas oo farxad galin doonta khaasatan dhalinyaro badan oo deegaanka ah. Arintan ugubka ah oo dhakafaarin doonta dad badan islamarkaana loogu talagalay farxadaha isgalay ee ciida iyo sanadka cusub ee 2009TI ayaa waxaa halkaa inoogu soo bandhigi doona caruuska iyo caruusada waa mudane fatxi iyo marwo istaahile.

Saaka iyo Salaadii Ciidul Adxaha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 12ka September 2016. Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi kudheehan tahay looga ciiday guud ahaanba deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul Adxa iyadoo boqolaal kun oo kunool caasimada jigjiga ay si wadjir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas  oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Afhayeenka golaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin tiro badanay kulatagadeen shacabwaynaha magaalada jigjiga.

Hadaba, kahor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar halkaa kasoo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidul-adxa islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Wuxuuna goobta kashaaciyay inuu jiri doono cafiskii maxaabiista waantawday. Madaxwaynaha ayaana bulshada wax haysata ugu baaqay inay caawiyaan walaalahooda kale ee aan waxba haysanin khaasatan kuwa dharka cad ee aan cidna wax waydiisanin.

Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in la iska ilaaliyo ururada xagjirka ah ee diinta islaamka huwan sida takfiir, shiico, al-itaxaad, khawaariij iyo wixii lahalmaala.

Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa xusay in carqaladaha ay wadaan onag iyo ginboot7 ay ujeedadeedu tahay sidii ay ubadali lahaayeen nidaamka federalismka ah ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada ee uu mideeyay dastuur kali ah islamarkaana raba inay kubadalaan nidaamkii cadaadiska iyo dhiigmiiradka kudhisnaa ee kiniisadaha looga talin jiray. Kaas oo uu gabalkiisu waa hore dhacay. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurka. Madaxwaynaha ayaana uga digay cid alaale iyo cidii  iskudayda inay meel uga dhacdo sharafta iyo sumcada wadanka ama rabta inay soo celiso nidaamyadii cadaadiska iyo shuuciga ahaa inaan laga ogolaanaynin habayaraatee oo aan kaxigno dhimasho. 

Waxaa iyana kahadlay munaasbadii salaada ciida mas’uuliyiinta golaha arimaha islaamka iyo masjidul aclaha oo kawarbixiyey xujaajtii deegaanka katagtay islamarkaana canbaareeyay ururada argagixisada ah ee gabbaadka kadhiganaya diinteena islaamka sida al-itaxaad, daacish, alqushaash, buku-xaaraam, shiico, khawaarij, takfiir, ubbo iwm

Ugudanbayna farxadii salaadii ciidul adxaha ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo  farxad iyo raynrayni ku dheehantahay .

Hargeele Iyo Munaasabada Ciidul Adxa.

$
0
0

Hargeele(cakaaranews) Isniin 12ka,  September, 2016.  Waxaa saaka si balaadhan  looga  tukaday munaasabada salaada ciidul adxa xarunta gobolka afdheer ee magaalada hargeele. Taasi oo ay dad-wayne aad u tiro badan oo ku nool  caasimada gobolka afdheer ee  hargeele ku wada tukadeen  barxada wayne ee magaalada hargeele. Waxaana kula tukaday shacabka salaada ciidal adxa  masuuliyiinta gobolka afdheer iyo masuuliyiinta maamulka degmada hargeele.

Culimo aw-diinka ku dhaqan caasimada gobolka ee magaalada hargeele  ayaa ka warbixiyeen fadaa isha  iyo farxada munaasabadan ciidul adxa ay  leedahay.  Waxaa kale oo kula hadlay munaasabadan ciidal axda  shacabka,   gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Axmed Shuun Sugule. Wuxuna ugu horayntii hambalyo u diray dhamaanba umada islaamka kuwa itoobiya gaar ahaan kuwa deegaanka. Wuxuuna ilahay uga baryay in sanadka sanadkiisa horumar iyo saxilooni buuxda ku gaadhsiiyo.  Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedhaay nabadgalyadu iyo in ay diinta islaamku tahay diin nabadgalyo islamarkaana tilmaamay in ay jiraan kooxo  gabaad ka dhiganaya diinta islaamka  balse aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta islaamka. Gudoomiyaha ayaa bulshada ku booriyay in ay  sii adkeeyaan xasiloonida balaadhan iyo horumarka ka hirgalay deegaanka iyo gobolka.

Qaybaha kala duwane ee bulshada ayaa si farxad leh iskugu  hambalyeynayay munaasabada ciidal adxa 

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Kulan La Yeeshay Kooxo Loo Diray Gobolada Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) talaado, 13ka, September, Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan  ayaa xafiiskiisa  maanta kulan dar-daaran ah, kula  yeeshay 11 kooxood oo loo kala diray 11ka Gobol ee DDSI.

Waxayna, ahayd ujeedada ay kooxahan loo diray  abaabulka waxbarashada  sanad Dugsiyeedka 2009ka kuwaasi oo ahaa kooxo isku dhaf ah oo ka kala socda xafiiska waxbarashada DDSI, xafiiska golaha xildhibaanada DDSI, xafiiska haweenka iyo caruurta DDSI iyo xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI.

haddaba Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir ayaa sheegay  in dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto hirgalinta qorshaha koboca iyo  isbadalka  dhaqaalaha wajigiisa labaad ay laf dhabar u tahay xoojinta iyo kor u qaadita  tayada waxbarashada. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ayaa tibaaxay   in lagu jiro wakhtigii loo diyaar garoobayay bilowga sanad dugsiyeedka 2009TI  taasi oo loo baahay yahay ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenku in  bulshada  lagu abaabulo sidii  dhamaan caruurta gaadhay dada waxbarashada loo gayn lahaa goobaha waxbarashada,sidii dugsiga loogu soo celin lahaa haddii ay jiraan arday loox tuurtay iyo  in bulshada lagu wacyigaliyo muhiimda ay leedahay waxbarashada dadka waawayn. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku booriyay kooxahan in ay guul ka soo hooyaan abaabulka iyo wacyigalinta bulshada, gaadhaana dhamaan degmooyinka deegaanka, tuulooyinka iyo tuulo hoosaadka deegaanka.

Kulan Wacyigalin Ah Oo Ka Dhacay MM Qabridahar.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews) talaado, 13ka September, 2016. Waxaa ka dhacay madasha  shirarka ee  maamulka magaalada qabridahar kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay  sidii dhalinyarada looga wacyigalin lahaa fikirada xun xun ee ay ka midka tahay ma shaqaystenimada.

Kulankaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka qoraxay oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka mudane Yuusuf Aadan Yuusuf, masuuliyiinta M.M qabridahar, iyo Ururada dhalinyarada mm qabridahar.

Kulankaasi  waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay Gudoomiyaha Qobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo si qoto dheer uga warbixiyay fikirada ma shaqaynte nimada  iyo fursadaha shaqo abuurka ah ee ka jira deegaanka. Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in ay xukuumada DDSI xooga saartay shaqo abuurka dhalinyarada iyo  hirgalinta  xidhmaha horumarinta dhalinyarada DDSI. wuxuuna gudoomiyuhu ku booriyay dhalinyaradan in ay ka faa’iidaystaan fursahada ku salaysan shaqa abuurka ay hirgalisay xukuumada DDSI islamarkaana  noqdaana xoog horumarineed oo garab taagan xukuumda DDSI.

Masuuliyiintii kale ee ka hadashay kulankaasi ayaa dhamaantood sharax dheer ka bixiyay fikirada mashaqayste nimada iyo shaxaadka waxayna sheegeen in ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta bulshada loona baahan yahay in ay dhalinyaradu sii xoojiyaan doorka ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka nabadglayada iyo maamulka suuban.

Ugu danbayntii waxaa laysla qaatay in meel looga soo wad jeedsado fikirada xun xun ee ay ugu horayso mashaqayste nimadu islamarkaana ay dhalinyaradu noqdaan xooga fulinaya qorshayaasha horumarka ee lagu tir tirayo saboolnimada.


Arooskii Qarniga Qaybtiisa 1, aad Oo Lagu Soo Bandhigay Arooskii Qarniga Qaybtiisa 2, aad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 14ka September 2016.  Waxaa caawa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka sayidka kadhacay aroos cajiib ah oo lamagac-baxay arooska qarniga qaybtiisa 1, aad oo ay kulamaanoobeen lamaanaha is-doortay ee sharafta leh oo kala ah: mudane Fatxi Cali Shariif(shariifka) iyo marwo Istaahil Maxamed Khaliif(princess istaahil) kaas oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2kun oo shaqsi oo isugu jira mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu horkacayo madaxwayne CMC, agaasino, shaqaalaha xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan iyo shacab intaba. Waxaana arooskan lagu soo bandhigay arooska qarniga qaybtiisa 2, aad.

Hadaba, Wajigii hore ee arooskan qarniga qaybtiisa 1, aad ayaa lagu soo bandhigay  hab-dhaqankii hore ee aroosyadii qadiimiga ahaa khaasatan dhanka labiska hidaha iyo dhaqanka iyo booliskii iyo maxkamadii oo soo kicinayay dadka islamarkaana kuxukumayay qaadida heesaha, geeraarada, gabayada, dhaantooyinka, furitaanka xeedhada iyo waydiinta hal-xidhaalaha iyadoo ay laxidhiidhay faraanti-galiskii, labiskii casriga ahaa, jaridii keega iyo waliba cayaaraha qoob-kacayaarka.

Kadibna, waxaa arooskan qarniga qaybtiisa 1, aad lagu soo bandhigay arooskii qarniga qaybtiisa 2, aad oo ahayd arin aad u farxad badan oo layaab leh balse aan geeska Africa horay uga dhicin iskadaa gayiga ay soomaalidu dagtee.

Arooska qarniga qaybtiisa 2, aad oo ah arin ugub ah oo lagu maamuusay gacantaada isku-aroos ayaa ah 25 aroos(qoys) oo kani ugu horeeyo oo uu Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya bixinayo kharashka arooskooda islamarkaana uu todobo-baxoodu(honeymoon) kadhici doono wadamada kala ah: Turkey, Thailand, Singapore, Addisababa, Awasa, Malaysia iyo Maqale iyadoo ay gaar ahaan lamaanahan caawa uu todoba-baxoodu kadhici doono Singapore. Waxaana 24ka aroos ee hadhay laga soo kala xuli doonaa caasimadaha 11ka gobol, 6da maamul-magaalo iyo caasimada DDSI ee magaalada jigjiga iyagoo musharixiintu bakhtiyaa nasiib uqaadan doona. Waana bishuruud inuusan ninku horay uguursanin oo ay yihiin lamaane isqaba balse aan haysanin kharashkii arooska.

Kadibna, waxaa fursad lasiiyay lamaanaha isqaba ee aan haysanin kharashka arooska ee raba inay utartamaan 7 qoys(aroos) oo ay caasimada DDSI ee magaalada jigjiga qayb uheshay iyadoo 25 qoys oo isasoo sharaxday ay halkaa si cadaalad ah uga qaateen bakhtiyaa-nasiibkii oo ay heleen 7 aroos oo kamid ah 25kan qoys.

Qoysaskan kuguulaystay qaybtii caasimada deegaanka oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay inaysan marnaba filanaynin caawa inay nasiib uhelayaan in laga bixiyo kharashka arooskooda islamarkaana ay utartami doonaan meelihii ay kutodoba-bixi lahaayeen kadib marka lasoo xulo gobolada iyo maamul-magaalooyinka oo ay bakhtiyaa-nasiibka laqaadan doonaan.

Iskusoo wada duuboo, arintan ayaa ah arin ugub ah oo aan horay loo arag loona maqal balse looga gon leeyahay dhiiri-galinta dhalinyarada deegaanka.

Fanaanka Nuur Caraale Iyo Xafladii Loogu Dabaal Dagayay Sanadka Cusub ee Ka Dhacay Sweden.

$
0
0

Stockholm,(cakaaranews), Arbaca, 14ka September, 2016. Waxaa wadanka  Sweden caasimadiisa  Stockholm ka dhacay Xaflad balaadhan oo  Loogu Dabaal Dagayo Sanadka cusub ee  2009 ee tirsiga taariikhda dalkeena itoobiya  Xafladda ayaa  ka dhacay  Hoolka Safaarada Itoobiya ay  ku Leeyahay Dalka Sweden Ee Magaalada Stockholm.

Xafladan oo ay soo diyaarisay safaarada dalka itoobiya ee wadanka Sweden ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta safaarada, jaaliyada wadanka itoobiya ee ku dhaqan wadanka Sweden, waxaana xafalada xiise gaar ah u yeelay oo kala qaybgalay jaaliyada itoobiya dabaal dagan sanadka cusub, fanaanka wayn ee aad ka looga dabadhacay al fanaan Nuur Caraale kaasi oo habeenkii xaflada ka dhigay wacdaro islamarkaana ay jaaliyada itoobiya guud ahaanba isla helaan jaanta iyo jiibta dhaantada isaga oo qaadayay dhaantooyin cusub oo uu ugu talagalay xaflada sanadka cusub ee 2009ka iyo waliba dhaantooyinkiisa uu fanaanku caanka ku yahay.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadashay xafladaasi waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta dhinaca jaaliyada DDSI ee  ka hadashay xafladaasi   Gudoomiyaha Scandinavian Mudane Abdiaziz Serar Hashi Oo Uga Mahad Celiyay Dhamaan Jaaliyadda DDSI Sida Sharafta Leh Ay Xaflada Ay U Soo Buux Dhaafiyeen Waxey Sharaf U Tahay Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Iyo Qurbajoogta DDSI Oo Markasta U Taagan Munaasabad Kasta Loo Dabaaldagayo Ay Jaaliyadda DDSI Ay Diyaar U Tahay In Naf Iyo Maalba U Huraan.

Dhamaan Ka Soo Qeybgalayaasha Xafladda Ayaa Aad Ugu Faraxsnaa Sanadka Cusub Ee 2009 Sifa Quruxda Badan Ay Ugu Dabaal Dageen Xafladda Ayaa Waxey Ku Soo Gabagabooday Guud Iyo Farxad.

 

Dhanka kale fanaanka wayn ee nuur caraale oo siwayn loogu soo dhaweeyay wadanka islamarkaana ay siwayn u soo dhaweeyeen masuuliyiinta safaarada itoobiya ee swedan,  jaaliyada dalkeena itoobiya gaar ahaan kuwa DDSI ayaa waxaa xaflada casho sharaf ah u samaysay  fanaanka nuur caraale. masuuliyiinta safaarada dalkeena itoobiya ay ku leedahay wadanka Sweden.

Kalfadhigii 7aad Golaha Xildhibaanada M.M Qabridahar Oo furmay.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews) Arbaca, 14ka, September, 2016. Waxaa ka furmay magaalada qabridahar kalfadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada qabridahar.

Waxaana ugu horayntii furay kalfadhigan afhayeenka golaha xildhibaanada M.M qabridahar  mundane Maxamed Faarax Cali oo ugu horayntii u mahad celiyay xubnaha golaha xildhibaanada. Wuxuuna sharax kooban ka bixiyay waxqabadka sanadkan ugu danbeeyay ee  xafiiska golaha xildhibaanada ee M.M qabridahar afhayeenka ayaa sheegay in golaha xildhibaanada mm qabridahar ka kooban yahay 60 xildhibaan islamarkaana ay kalfadhigan ka soo qaybgaleen 50 xubnood sidaasi darteedna uu kooramka kalfadhigan 7aad ee golaha xildhibaanada M.M qabridahar buuxo sidaasina  ku furan yahay afhayeenka ayaa soo bandhigay ajadanyaasha kalfadhigan oo ay ka mid yihiin dhagaysiga iyo ansaxinta warbixinta  sanad miisaaniyeedka 2008TI ee waxqabadka maamulka magaalada qabridahar, ansaxinta miisaaniyada sanadka 2009TI ee maamulka magaalada qabridahar iyo qorshaha waxqabadka sanadka 2009TI ee maamulka magaalada qabridahar.

 

Warbixinta waxqabadka maamulka magaalada qabridahar ee sanadka 2008TI  iyo warbixinta miisaaniyada sanadka 2009TI ee maamulka magaalada qabridahar oo ay soo jeediyeen masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar ayaa ka dib markii ay dhagaysteen golaha xildhibaanada M.M qabridahar waxay ku ansaxiyeen cob buuxa.

Tababar Loo Furay Xirfadlayaasha Hay’adaha Cadaalada.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), Arbaca, 14ka, September, 2016. Tababar ay soo diyaarisay xarunta tababarada xirfadlayaasha hay’adaha cadaalada DDSI oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa garaadka aqooneed ee xirfadlayaasha hay’adaha cadaalada ayaa ka furmay jigjiga.

Waxaana furitaankii tababarka ka hadlay hogaan ku xigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak. Wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay xirfadlayaasha hay’adaha cadaalada. Masuulka ayaa sheegay in tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee xirfadlayaasha hay’adaha cadaalada DDSI loona baahan yahay in ay xirfadlayaashan fahan buuxa ka qaataan nuruucaha kala duwan ee dalka iyo deegaanka gaar ahaan dastuurka JDFI iyo kan DDSI si ay bulshada u siiyaan adeeg hufan oo cadaaladeed.

Waxaa kale oo ka hadashay furitaankii tababarkaasi gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI gaar ahaan waaxda arimaha madaniga ah marwo Samsam Xaaji Maxamed oo ka warbixisay faa’iidooyinka uu leeyahay tababarkan. Waxayna sheegtay in  nidaamyada shaqo ee hanaanka caddaalada ee dalka iyo deegaanka  laga dhigay  mid firfircoon oo  natiijo leh. Waxayna ku boorisay xirfadlayaashan qaadanaya  tababarka in ay mudada uu socdo si fir-fircoon uga qayb-qaataan si marka ay gootii shaqada ku noqdaan u keenaan natiijo balaadhan.

                                                                                                                                                 

 

 

Kulan wacyigalin Ah Oo Kaqabsoomay Santarka Labiile Ee degmada Qooxle

$
0
0

Qooxle( Cakaaranews ) Khamiis 15ka September 2016.Kulan balaadhan oo wacyigalin ah oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyinta degmada qooxle ee gobolka afdheer, dhaamaan  qaybaha kaladuwan ee bulshada sida odayaasha,dhalinyarata, iyo haweenka, ku dhaqan santarka labiile ee degmada Qooxle , Ayaa ka qab soomay santarka labiile ee degmada qooxle gobolka afdheer.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maareeyaha wakaalada dakhliga ahna kusimaha gudoomiyaha degmada qooxle mudane Cabdikaafi dhoof Faarax oo sheegay in kulankan ujeedadiisu yahay sidii looga qayb qaadan lahaa horumarka nabadgalyada iyo maamulak suuban ee ka hanaqaaday deegaanka iyo waliba sidii loo xoojin lahaa arimaha dakhliga. Wuxuuna masuulku intaa kudaray in dakhligu kamidyahay  ilaha lagu horumarinayo degmada qooxle oo bulshda  wax loogu qabanayo,Sida jidadka, Biyaha, Caafimaadka beeraha iyo baahida aasaasiga ah ee bulshada.

Dhanka kale waxaa iyana xagooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada santarka labiile ee degmada qooxle oo sheegay inay mar walba garab taagnaanayaan horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka hanqaaday deegaanka, waxayna intaa ku dareen inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan xoojinta arimaha dakhliga iyo waliba inaan buuxin doono kaalinta shacabku ku leeyahay horumarka.

    

Shir Balaadhan Oo Kadhacay Degmada Laasdhankayre

$
0
0

Laasdhankayre(cakaaranews)khamiis 15ka September 2016. Mas’uuliyiinta ugu saraysa  maamulka Gobolka Qoraxay oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo ay wahelyaan qaarkamid ah mas’uuliyiinta cusub ee maamulka degmada cusub ee laas dhankayre ayaa maanta shir isbarasho ah layeeshay bulshada kudhaqan xarunta degmada cusub ee laasdhankayre.

Shirkan oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane yuusuf aadan yuusuf ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay isbarasho islamarkaana la isku barayo bulshada laasdhankayre iyo maamulkooda cusub.  Wuxuuna intaa kudaray gudoomiyuhu in maamulka cusub ee degmada ay yihiin gudoomiyiihi degmada laas dhankayre, Maareeyihii dakhliga degmada laasdhankayre, Madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada laasdhankayre, Madaxa xafiiska  kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka (DPPB) degmada laas dhankayre yo waliba taliyaha boooliska degmada

Dhankakale Gudoomiyaha cusub ee Degmada laasdhankayre mudane Axmed Cabdi Xuseen oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in xilkan loo idmaday ay si daacad ah ugu adeegayaan bulshadooda islamarkaana ay si cadaalad ah oo wadaniyadi kudheehantahay ugu shaqaynayaan bulshada degmada laasdhankayre. Wuxuuna xusay in bulshada iyana dhankooda ay si fiican oo wadaniyad iyo lahaanshaba leh ay ulashaqeeyaan maamulka cusub ee degmada.

Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay bulshadii kasooqaybgashay shirkan isbarashada ah oo sheegay inay aad ugu faraxsanyhihiin islamarkaana ay soo dhawaynayaan maamulkoodan cusub kalana shaqaynayaan horumarka, nabadgalyada iyo maamuka suuban.

Kulankii Golaha Kabineega DDSI Oo Furmay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)khamiis 15ka september 2016.  Waxaa galinkii danbe ee maanta ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska madaxtwaynaha kulankii caadiga ahaa ee golaha kabineega oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar soona hordhigay golaha ajandayaasha kulanka oo ahaa:- sii xoojinta iyo dardargalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada, iyo maamulka suuban ee sanadka 2009TI.

Kadibna golaha kabineega DDSI ayaa falanqeeyay islamarkaana kadooday sidii loo sii xoojin lahaa shaqooyinka horumarka ee 2009 T.I islamarkaana loo sii adkayn lahaa hawlaha nabadgalyada gaar ahaan dhanka xuduudaha  iyo waliba sii adkaynta nidaamka dib-u curashada ee maamulka suuban iyadoo halkaa lagu qiimeeyay dhinacyadii adkaa iyo galdalooladii jiray sanadkii hore. Golaha ayaana cod buuxa iskulaqaatay in lasii adkeeyo geediga horumarka iyo nabadgelyada DDSI si looga midho-dhaiyo qorshaha sanadka iyo waliba qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa 2, aad.

Ugudanbayna, Kulankan ayaa kusoo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan sidii shacabka deegaanka horumar waara oo aan dib unoqosho lahayn loo gaadhsiin lahaa.


Hogaaminta Jaaliyada DDSI Ee Wadanka UK Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Itoobiya U Fadhiya Ingariiska.

$
0
0

London,(cakaaranews), khamiis, 15ka, September, 2016. Kulan ay yeesheen hogaaminta jaliyada DDSI ee wadanka UK  iyo safiirka itoobiya u fadhiya wadanka UK ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee safaarada dalka itoobiya ku leedahay wadanka Ingiriiska. Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay  jaaliyadu u sii xoojin lahayd ka qayb qaadashada hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban ee ka hanan qaaday dalka iyo  DDSI  gaar ahaan sidii ay jaaliyada u sii xoojin lahayd hawlaha maalgashiga.

Kulan kaasi ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Ingariiska Ambassador Hailemichael Aberra Afework iyo Qunsulka ahna Madax Arrimaha Qurbajoogta itoobiya ee wadanka UK Mudane Fekadu Beyene waxaana ka soo qaybgalay  Mas'uuliinta Jaaliyadda DDSI Ee UK uu kamid yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi UK Mudane Cali Taqal iyo Gudoomiyha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Ee UK Marwo Sacdiya Cabaas,  Gudoomiyha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Uk iyo Ugaas Xasan Maxamed oo ka mid ah aqoon yahanka jaaliyada DDSI ee wadanka Uk.

Safiirka ayaa ugu horayntii ugu mahad naqay jaaliyada DDSI ee wadanka UK sida balaadhan ee ay uga qayb qaataan hirgalinta hawlaha horumarka iyo nabadgalayda,  Sida markasta ay uga Qeybqaataan Howlaha lagu hormarinayo dalka iyo gaar ahaan Deegaanka Somalida itoobiya ka qurbjoog ahaan sida weyn ay u maalgashteen deegaanka. Safiirka ayaa sharax dheerka bixiyay jihooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee u dajisan dalka. safiirka ayaa u sheegay jaaliyada in loo diyaariyay qorshaha ah  nidaamka  hagaha habraacyada shaqada ay jaaliyadu u shaqayn lahayd kaasi oo ka qaybqaadanaya isku xidhka jaaliyada iyo sii xoojinta hawlaha horumarka iyo maalgashiga dalka. sidoo kale waxa uu safiirka tilmaamay guulaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay dalku gaadhay sida kor u qaadida koboca dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, hirgalinta adeegyada horumarinta bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha jidadk isgaadhsiinta iyo guud ahaanba adeegyada bulshada.

Dhankooda hogaaminta jaaliyada DDSI ee wadanka UK  ayaa ka warbixiyay sida ay jaaliyadu uga go’antahay ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga, waxayna safiirka u sheegeen in ay jaaliyada DDSI meel uga soo wada jeedo sidii loo tir tirilahaa aragtida  dherginimada, dulsaarnimada  loona xoojin lahaa  higalin  aragtida horumarineed.

 

Ugu danbayntii kulankaasi ayaa lagu soo gabagabeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa geedi socodka shaqada jaaliyada DDSI ee wadanka UK , hawlaaha maalgashiga dalka iyo deegaanka iyo sii xoojinta hirgalinta horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. 

Shirka Ol olaha diwaangalinta Waxbarashada Oo Ka Furmay Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur,(cakaaranews),jumce, 16ka September, 2016. waxaa ka furmay madasha  shirarka ee M.M dhagaxbuur shirka  waxbarashada iyo ol-olaha diwaangalinta waxbarashada ee sanad dugsiyeedka 2009TI.

Shirkan  waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka jarar oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan, maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur, mudane Maxamed Xasan Suufi, kooxda isku dhafka ahayd ee ka socoday heer deegaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan M.M dhagaxbuur.

Waxana ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo ka warbixiyey ahmiyada ay leedahay waxbarashada iyo sidii loo diwaan galin lahaa dhamaanba caruurta da’doodu gaadhay goobaha waxbarashada.

Waxaa kale  oo ka  hadlay shirkan masuuliyiin ay ka mid yihiin  maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi iyo masuuliyiinta hogaaminaysay kooxda ka socoday heer deegaan ee u socoday abaabulka waxbarashada kuwaasi oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyad ay leedahay waxbarashadu iyo dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir-tirilahaa jahliga.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku shaqan mm dhagaxbuur ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ay caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada.

Magacaabis Cusub: Qaab-dhismeedkii Xisbiga Oo La adkeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jamce, 16ka September 2016. Waxaa la adkeeyay qaab-dhismeedkii  xisbiga iyadoo marwo Fartuun Cabdi Mahdi loo magacaabay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awood madaxwayne kuxigeen islamarkaana hagi doonta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha, macdanta iyo tamarta DDSI kadib markii ay isbadal balaadhan iyo natiijo wax ku ool ah kakeentay dhibaatooyin adag oo dhanka biyaha kajiray.

Dhanka kale, mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa loo magacaabay madaxa arimaha xisbiga ee xarunta dhexe maadaama uu guulo waa wayn kasoo hoyiyay dhinacyada ladagaalanka kontarabanka, hirgalinta ganacsiga xorta ah iyo xidhiidhka dibada isagoo hagi doona xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI.

Sidaadarteed, waxaa hogaamin doona shaqooyinka xarunta dhexe ee XDSHSI marwo fartuun cabdi mahdi oo ah madaxa xarunta dhexe, mudane Cumar Maxamuud Cabdi oo ah madaxa siyaasada  oo runtii shaqooyin adag oo lagu amaanay qabtay, halkiisiina ah iyo mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa arimaha xisbiga ama gadhwadeenka arimaha xisbiga.

Qooxle Iyo Ol-olaha Diwaangalinta Waxbarashada

$
0
0

Qooxle(Cakaaranews) Jamce, 16ka September 2016. Waxaa maanta xarunta degmada qooxle ee gobolka afdheer kadhacay kulankii abaabulka iyo ol-olaha diwaangalinta waxbarashada oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin, kusimaha gudoomiyaha ahna maareeyaha wakaalada dakhliga degmada mudane Cabdikaafi Dhoof, kooxda abaabulka ol-olaha waxbarashada heer deegaan oo uu hogaaminayo mudane Axmed Yaasiin iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Kulankan balaadhan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin oo bulshada reer qooxle kalahadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay islamarkaana kubooriyay bulshada inay keenaan carruurtooda gaadhay da’da waxbarashada iyo inay isu diwaangaliyaan waxbarashada dadka waa wayn.

Sidoo kale kusimaha gudoomiyaha degmada mudane Cabdikaafi ahna maareeyaha wakaalada dakhliga iyo teamka abuubulka oo iyana goobta kahadlay ayaa bulshada kuwacyigaliyay diwaangalinta waxbarashada iyo inay waalidiintu mas’uul kayihiin hadii la arko ilmo da’da waxbarashada gaadhay oo aan lakeenin goobta ugu dhaw dugsi waxbarasho. Waxayna intaa kudareen, in dadka waa wayn laftigiisu uu isu diwaangaliyo waxbarashada dadka waa wayn.

Ugudanbayna, bulshada ayaa balanqaaday inay caruurtooda iyo kuwa kaleba keenayaan islamarkaan soo diwaangalinayaan dugsiyada waxbarashada iyagoo laf ahaantoodu kaqaybqaadan doona waxbarashada dadka waa wayn.

Ogaysiis: Jaaliyada North America

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Jamce, 16ka September 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada DDSI ee waqooyiga America inay bari sadexda galabnimo oo kubeegan 17ka September isugu yimaadaan 12 iyo park minneapoli. Halkaas oo lagu qaban doono banaan-bax kadhan ah falalka argagixisada ah ee ay ururada nabadiidka ah ee ONAG iyo Ginboot7 kawadaan dalkeena itoobiya. Kuwaas oo ay kurabaan inay soo celiyaan nidaamkii cadaadiska iyo dhiig-miiradkii dhargiga ee kiniisadaha looga talin jiray islamarkaana ay kudiidan yihiin nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada.

FG: waxaa dhamaan xubnaha jaaliyada la ogaysiinayaa in cidii kasoo qaybgali wayda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan islamarkaana fiiro-gaar ah loo yeelan doono.

FG: wixii faah-faahin ah kala xidhiidh:

ü  Gudoomiye kuxigeenka ururka horumarinta soomaalida itoobiya ahna gudoomiyaha gudiga fulinta XDSHSI ee north America-mudane faarax xuseen fure 3203105918

ü  Gudoomiyaha XDSHSI ee north America-mudane maxamed suldaan bade 61277227388

ü  Gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ee north America- mudane maxamuud ugaas 6518081887

ü  Iyo mudane axmed oo ah xubin gudi fulin ah 6124837208

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>