Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 17ka, July, 2017. Wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo warbaahinta deegaanka xafiiskiisa ugu waramayay ayaa sheegay in isbadalka horumarineed ee ka taaba galay deegaanka sanadihii ugu dambeeyay ee dhinaca maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta nidaamka maamulka maaliyadeed (PFM) lagaga midho dhaliyay ay yihiin ka go’aanshaha hogaaminta ugu saraysa xukuumada DDSI ka arimisa Eega, xasiloonida amniga, taageerada heer federaal, hogaaminta iyo shaqaalaha xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI, kaalinta shacabka DDSI iyo hirgalinta ilaalinta shuruucaha maaliyadeed ee dalka iyo tan deegaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo taaba galinta hanaanka isbadalka dhaqaalaha DDSI uu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI diyaariyay qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaan qaadkiisa labaad (GPT2ga) ee 2008 ilaa 2012TI ee DDSI kaasi oo suurta galinaya in si deg deg ah loo gaadho natiijooyinka qorshayaasha horumarineed iyada oo la diyaariyay jihooyinka, istaraatajiyada iyo yoolasha horumarineed ee qayb kasta gaadhsiinaya nadiijada waxqabadka yoolka, qorshayaashaasina yihiin kuwa ay ka duulaan dhamaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn marka ay diyaarinayaan qorshe sanadeedka lagu gaadhayo natiijada.
Wasiirka ayaa tilmaamay in markii ugu horaysay ay xukuumada DDSI ku guulaysta in la soo saaro cabirka dhaqaale iyo wax soo saarka khayraadka deegaanka (Regional GDP) taasi oo lagu ogaanayo heerka koboca dhaqaalaha deegaan islamarkaana ay lagama maarmaan tahay siyaasadaha iyo qorshaha ku haboon horumarinta dhaqaalaha Deegaanka sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in lagu guulaystay soo ururinta xogaha juquraafi ahaaneed (GIS data) ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka iyada oo la adeegsanayo aalada GPS .
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI ku guulaysatay in deegaanku noqdo deegaanka ugu horeeya deegaanada dalka dhinaca gudbinta warbixinta maaliyadeed oo tayo leh wakhtigeedana ah, iyada oo ay garab socoto dadaalka hor u qaaditaanka dakhliga deegaanka oo si xawliya u koraya sanadihii ugu danbeeyay , wasiirka oo sii wada hadalkiisa ayaa cadeeyay in la qabtay tababarada ku taxa luqa kobcinta awooda iyo wacyigalinada ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha heerarkooda kala duwan ee deegaankaanka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay wasiirku in iyada oo laga duulayo isbadalka horumarka dalkeena islamarkaana lala jaan qaadayo aaladaha technology casriga ah uu xafiiska sameeyay nidaamyada ay ka mid yihiin nidaamka isku dhafka miisaaniyada iyo kharashka (IBEX), hirgalinta xarunta kaydinta xogaha ( data center) iyo waliba isku xidhka xogaha maaliyadeed iyada oo la adeegsanayo nidaamka (online)ka islamarkaana wakhtixaadirkan la wado hirgalinta nidaamka (woreda net ) sidoo kalena xafiisyada heer deegaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka si joogta ah loogu soo daabaco dukumentiyada muhiimka u ah habsani u shaqaynta hanaanka maaliyada ee kale ah RV, PV, models iyo 64ka
Wasiirka maaliyada ayaa intaasi ku daray in guulahani nidaamka maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha deegaan ku talaabsatay ay lafdhabar u ahaayeen go’aanadii kala ahaa in xukuumada DDSI ay xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI u qaataday qorshe ah in loo magacaabo gabdho taasi oo nidaamka maamulka maaliyada ee (PFM) dhaxalsiisay guulo wax ku ool ah yaraysayna musuqii iyo shaqo xumadii iyo waliba go’aankii qiimaynta waxqabadka iyo darajaynta nidaamka maamulka maaliyadeed oo ahaa mid gashi u noqday taaba galinta nidaamka maaliyadeed.
Wasiirka ayaa gabagabadii ka warbixiyay in xukuumada DDSI guulo ka soo hoysay nidaaka cusub e qaaciidada ee qaybinta miisaaniyada kabista ah ee dalka ( new block grant formula,) taasi oo aan korodh sare oo ah dhinaca saamiga miisaaniyada ah ka helnay heer fadaraal arintaasina ku timiday gashiyadii kala duwanaa iyo xogihii ay ururiyeen golaha fadereeshinka dalka islamarkaana ay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI iyo xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ku soo kordhiyeen in lagu daro halbeega baaxada dhulka deegaanada taasina ay suurta galisay in laga bilaabo sanad miisaaniyeedka 2010TI ay korodho saamiga miisaaniyada deegaanku ka helo heer faderaal maadaamo oo aan nahay deegaanku ugu dhulka wayn deegaanada dalka. Wasiirka ayaa sido kale sheegay in xafiiska maaliyada iyo horumarinta DDSI kaalin mug leh ka qaadan doono taaba galinta qorshaha heer deegaan ee ah waan soo celinkarnaa isku filnaanshaheenii oo sal looga dhigay beer, baad, biyo, caafimaad iyo cilmi (BBC) si loo tir tiro cadawga 1aad ee saboolnimada.