Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Guud Ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Muslimiinta Itoobiya Ugu Bishaareeyay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 27ka May 2017. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimka caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya ugu bishaareeyay bisha barakaysan ee Ramadaanka oo dhamaan dalka Itoobiya iyo caalamkaba barito laga soomayo.

Madaxwaynaha ayaa faray dhamaan muslimiinta walaalaha in ay kafaaiidaystaan khayraadka iyo barkada bisha Ramadaanka isaga oo ugu dar daarmay in la iscaawiyo oo dariska iyo masaakiinta dhaqaalahoodu liito lacaawiyo, islamarkaana labadiyo Alle kacabsiga, isjeclaanshaha, iyo khayraadka badan ee bishu leedahay.

Madaxwaynaha ayaa Ilaahay uga baryay dhamaan muslimiinta in Ilaahay ka dhigo kuwa kafaaidaysata bishan barakaysan ee Ramadaanka khayrkeeda oo dhan. Sidoo kale waxaa uu Allaah uga baryay in bishan bisheeda ku gaadhsiiyo barwaaqo,  Alle kacabsi, iyo cimri suuban.


Shaqaalaha Wakaalada Jibriga Laanteeda Jigjiga Oo 139,000 Ugu Deeqay Bulshadii Abaartu Saamaysay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 27ka May 2017..Shaqaalaha wakaalada jibriga laanteeda jigjiga ayaa deeq lacageed oo dhan boqol sodon iyo sagaal kun, lix boqol iyo konton birr (139,650) birr ugu deeqay bulshadii abaartu saamaysay ee kunool qaarkamid ah gobolada deegaanka.

Hadaba, deeqdan lacageed ayaa waxaa warbaahinta deeganka uga waramay maareeye kuxigeenka wakaalada jibriyada laanteeda jigjiga mudane Dhamalaash toshome oo sheegay in deeqadan lacageed ay tahay mid ay uu talagaleen bulshadii abaartu saamaysay eek u dhaqan gobolada qaar islamarkaana ay shaqaalaha wakaaladu kazoo jareen mushaarkooda.

Dhankiisa gudoomiyaha gudiga abaaraha ee ganacsatada deegaanka mudane khadar macalin cali oo lagu wareejiyay lacagtan ayaa sheegay in lacag dhan 139650 birr ay kuwareejisay wakaalda jibriga laanteeda jigjiga islamarkaana ay ugu deeqeen bulshadii abaartu saamaysay ee deeegaanka. Wuxuna usoo jeediyay shaqaalaha iyo masuuliyiinta wakaalada mahad celin balaadhan sida wanaagsan ee wadinyada leh ee ay uga qaybqaateen taakulaynta buslhada deegaanka ee ay abaartu saamaysay.

 

Sikastaba ha ahaatee, deeqaha lagaadhsiinayo bulshada abaartu saamaysay ayaa ah kuwo isdaba joog ah iyadoo hada kahor deeqo farabadan oo kaladuwan ay dawalada iyo ganacsataduba gaadhsiiyeen bulshadaas. 

Shir Isugujira Tababar Iyo khibrad-Wadaag Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 28ka May 2017.Shir usocday mudo 3 maalmood ah oo ay kasooqaybgaleen maareeyaha dakhliga DDSI, wasiir-kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka Dhismaha iyo warshadaha DDSI, 6da maamul magaalo iyo magaalooyinka soo koraya ee deegaanka oo tiradoodu dhantahay 24 magaalo iyo waliba masuuliyiin iyo khabiiro kascoday deegaanka oromiya islamarkaana kusaabsanaa khibrad wadaag iyo tababar kuqotama dhanka horumarinta magaalooyinka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga.

Khibrad wadaagan oo ay si wada jir ah u soo agaasimeen Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI iyo xafiiska dhigiisa ah ee deegaanka oromiya ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Maareeyaha Wakaalda Dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo sheegay in 4 tii sano ee udanbaysay ay kor ukaceen horumarka magaalooyinka DDSI. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in shirkani uu ahaa shir khibrad wadaag ah oo lagu sii xoojinayo horumarinta magaalooyinka hadaythay dhismaha iyo haday tahay shuruucda u taala horumarinta magaalooyinka.

Sidookale, wasiir-kuxigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka, dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri ayaa sheegay in shirkani uu ahaa mid khibrad wadaag ah oo u dhaxeeyay deegaanka soomalida iyo deegaanka oromiya oo ku qotama dhismaha iyo kobcinta magaalooyinka. Wuxuuna xusay in khibarado muhiim ah lakala qaatay isagoo kuladardaarmay kaqaybgalayaasha in ay  dhaqangaliyaan casharadan lakala qaatay.

 

Ugudanbayna kasooqaybgalayaashii oo dareenkooda kahadlaya yaa sheegay in casharo aad faaiido ugu leh ay kaheleen tababarkan islamarkaana ay kadhaqan galinayaan magaalooyinkii ay kayimaadeen.

Sanad guurada 26jirsatay Ee 20ka Ginbood Oo Si Balaadhan Looga Xusay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 28ka May 2017.waxaa Maanta Guud ahaanba JDFI gaar ahaana DDSI si wayn looga Xusay Xuska 26aad ee 20ka Ginbood oo ay Dhamaanba Degmooyinka iyo Gobolada DeegaankaSoomaalida Itoobiya si qurux badan uga qaybqaadanayeen Dhamaanba Qaybaha Bulshada oo Farxadooda iyo Xusuusta Taariikhda Dhaxalka ah ee ay Maalintani u leedahay ku muujinayay. Haddaba, munaasabada si qurux badan loo soo asaagimay ayaa ka qabsoontay caasimada DDSI gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI,Ttaasi oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Ahmed Faarax, golaha wasiirada DDSI, shaqaalaha dawlada deegaanka,odayaasha dhaqanka deegaanka, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti shafar kale.

Waxaana ugu horayntii munaasabadan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn dhamaan shacabwaynaha JDFI gaar ahaan shacabwaynaha DDSI ugu hambalyeeyay munaasabadan qaaliga ah ee 20ka ginboot, madaxwaynaha ayaa si qoto dheer uga warbixiyay guulaha laga dhaxlay sanad guurada 20ka ginbood iyo halgankii adkaa ee loo soo maray sidii layskaga dulqaaday heeryadii guumaysiga madaxwaynaha ayaa si sharax dheer ah kabixiyay dhibaatooyinkii ka jirayay deegaanka gaar ahaan xaaladii nabadgalyada iyo maamul xumadii ragaadisay shacabka deegaanka balse markii ay xukuumada DDSI go’aansatay in aana sidan lagu soconkarayn ay dajisatay qorshayaal lagu tir tirayo nabad diidka iyo maamul xumadii ka jirasay deeganaka taasi oo guula waawayn oo lagu diirsatay laga soo hooyay madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in hadda ay xukuumada DDSI diyaar u tahay sii xoojinta qorshayaashaasi horumarka ee gashiga u noqonaya shacabwaynaha DDSI.

sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in caasimada DDSI ee jigjiga xooga la saarayo sidii kor loogu sii qaadilahaa bilicda iyo nadaafada caasimada jijiga maadaamo oo xuska todobaadka magaalooyinka dalkeena itoobiya lagu xusidoono 2 sano ka dib caasimada  jigjiga. Dhinaca kale suldaan khadar oo ku hadlay afka odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa kawarbixiyay cadaadiskii iyo cabudhiskii ka jirayay deegaanka iyo dalka wixii ka horeeyay 26sanno ka hor gaar ahaan dhibaatooyinkii uu guumaysigii boqortooyada iyo kii kalidii talisku ku hayn jireen shacabka deegaanka suldaanka ayaa ka warbixiyay guulaha la gaadhay wixii ka danbeeyay 26kii sano. Waxaana munaasabadan halku dhig looga dhigay” itoobiya waa dal ku hawlan dhismaha nidaamka fadaraaliga ah oo xaqiijinaya sinaanshaha iyo ka faa’iidaysiga cadaalad ku dhisan shucuubaha.

Sidoo kale waxa uu suldaanku sharaxay dib u dhacii ka jiray deegaanka wixii ka horeeyay 9kii sano iyo guulaha ay xukuumada DDSI gaadhay 9kii sanno ee ugu danbeeyay Intii ay munaasabadani socoday waxaa la daawadadaawaday dukumantari filim ka turjumiyay dhibaatooyinkii ka jirayay deegaanka wixii ka horeeyay 9kii sanno ee ugu danbeeyay gaar ahaan dhibaatooyinkii ka jiray dhinacyada nabadgalayda iyo maamul xumadii dukumantarigan oo ahaa mid ay ku duugan tahay warbixin qiira leh ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlayay guulaha laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban gaar ahaan horumarinta magaalooyin DDSI

 

MW CMC Oo Afur Usameeyay Maamulada Gobolada Iyo Kabineega Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 28ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka deegaanka afur sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay ugu sameeyay xaafadiisa.

Afur kadib ayaa waxaa la islasoo qaaday in lasameeyo qormo larabo in afka soomaaliga laga saaro erayga ‘NAAYAA’ oo ah kalmad tilmaamaysa yasid si xun loogu adeegsado dumarka iyadoo qormadan oo laga dooday larabo in lasoo hordhigo hay’adaha sharciga.

Hadaba waxaa dhamaan dumarka sharafta leh ee soomaalida gaar ahaan dumarka DDSI  meel kasta oo ay joogaan  la ogaysiinayaa inaysan ogolaanin in lagu yidhaahdo erayga ‘NAAYAA’ maadaama uu eraygaasi yahay mid bahdil ah oo meel wayn kaga dhacaya sharaftii dumarkeenu lahaa. Sidaadarteed  Ninka xaaskiisa kuyidhaahda erayga naayaa waxaa xaqiiqa ah inuusan jeclayn oo uu yasayo, Hadii ay xaaskiisu kayeeshana ay noqonayso bacaac aan xushmad kamudnayn.

Sidoo kale, waxaa raga xaaslayda ah lagu boorinayaa inay dumarkooda u isticmaalaan erayada naxariista leh sida: Gacaliso, Xabiibti, Hani, Macaan, Indhahaygii, Nuurkaygii IWM. Ragga aan xaaska lahayna waxaa la ogaysiinayaa inay gabdhaha soomaalida ah ee sharafta leh ay u isticmaalaan erayada macaan ee ay kamidka yihiin sida: walaal, Huuno, IWM.

Iskusoo wada duuboo dumarka sharafta leh ee soomaalida ah ayaa waxaa lagu wargalinayaa inaysan marnaba aqbalin in lagu yidhaahdo kalmada ‘NAAYAA’ maadaama hadal qoraal qabyo ah oo ay xukuumadu kasoo saartay in kalmada Naayaa laga saaro afsoomaaliga laga wada hadlayo islamarkaana uu horyaalo hay’adaha sharciga.

Ololihii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Degmada Ayshica

$
0
0

Ayshica (Cakaaranews) Axad 28ka May 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Ayshica ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba Waxaa Furitaankii adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha Kahadlay qaarkamid ah hawlwadeenada ololaha qaliinka indhaha iyo daawaynta oo sheegay in maanta uu degmada ayshica ka bilowday adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha kaas oo ay kaafaaiidaysanayaan shacabka Degmada ayshica iyo nawaaxigeeda islamarkaana uu adeegani yahay mid bulshada muhiim ah u ah, Waxayna intaa kudareen inay maanta bilaabeen jeegarayntii hore tasoo lagu ogaanayo sida uu qof walba wax uqabo. Sidoo kalena ay  umahad celiyeen xukuumada oo marwalba shacabkeeda la garabtaan siday ooga jawaabi lahaayeen baahidooda gaarka ah kana jawaabayaan baahida bulshada ee ka jirta dhanka indhaha.

Ugu danbayna waxaa iyana dhankooda kahadlay bulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu. Waxayna intaa kudareen inay aad oogu faraxsanyihiin adeegaan ay xukuumadu bilaashka kusoo gaadhsiisay.

 

Dufcadii 12Aad Oo Ka Qalin Jabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 29ka , May, 2017.Xaflad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen  dufcadii 12aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga   xirfadlayaal caafimaadka  oo dhan 438 arday  oo ay dumar yihiin 251 oo bartay  culuumta caafimaadka   ayaa waxay xafadan qalin-jabintu  ka dhacday madasha shirarka  Sayid MCX.

Xafladan  oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay   ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, maareeyaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga mudane Kaamil Cabdilaahi Haybe,  odayaasha dhaqanka deegaanka, waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay iyo martisharaf kale.

waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladan qalin-jabinta madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi  Maxamuud Cumar oo u hambalyeeyay ardaydan qalijabisay ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan ay leeyihiin   iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka, madaxwaynaha ayaa ka hadlay doorkii ay ka qaateen xirfadlayaasha caafimaadka DDSI dadaalkii ay xukuumada DDSI ugu jirtay xakamaynta iyo tir-tiritaanka cudurkii shuban biyoodka ee ka dhashay xaaladii abaart ee saamaysay qaarka mid ah gobolada deegaanka. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in loo baahayn yahay in la buuxiyo baahiya dhinaca adeega caafimaadka bulshada sidaasi darteedna  xirfadalaayshan caafimaadkana ee maanta qalinjabiyay  looga baahan yahay  in ka  soo shaqeeyaan goobkasta  iyo meelkasta oo lagu meeleeyo  bulshadana  ay siiyaan adeeg caafimaad oo ay ku dheehan tahay ka go’naansho wadaniyadeed oo leh xushmad iyo soo dhawaynta bukaanka.  Madaxwaynaha ayaa intaa ku daray in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto soo saarida cudud  xirfadlayaal caafimaad  taasi oo lasameeyay kuliyada caafimaadka ee soo saara xirfadlayaal  adeega caafimaadka ah oo ay ka mid yihiin kuliyada caafimaadka Goday iyo Qarbihadar

dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada  caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi haybe oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabisay ayaa ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan  iyo intii  kuliyada la aas aasay in ay ka qalin jabiyeen arday dhan 4,256.  Isaga oo  sheegay maareeyuhu  in ay  maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 438, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka  ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo SDG.

Garaad kulmiye garaad maxamuud garaad dool oo  ka hadlay xafladan qalin jabinta ah aoo  ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay  ku booriyay in  ay ka midho dhaliyaan cilmigan caafimaadka ee ay barteen ugu adeegaan bulshada deegaanka.

 

Gabagabadii xafladan ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Caxamuud Cumar  waxa uu gudoonsiiy abaalmarino kala duwan ardaydii ugu dhibcaha saraysay.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 13ka April 2017. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Qaar kamid golaha wasiirada, Wasiiro kuxigeenada, Odayaasha deegaanka, Culumo owdiinka ayaa maanta galinkii danbe ka qabsoomay hoolka shirarka qaaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan oo uu hogaamainayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn sheegay inuu kulankan ujeedadiisu yahay kawar bixinta socdaalkii ay madaxwaynaha iyo waftigiisu kusoo mareen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka islamarkaana uu ujeedada socdaalku ahaa ka jawaabida xaalada abaarta oo ay garabsocdaan xadhig kajarka mashruucyada horumarineed, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in mashruucyada xadhiga laga jarayay ay ubadnaayeen ceelal, iyo biyogalino laga sameeyay goobaha ay socdaalka ku marayeen islamarkaana ay bulshadu aad oogu farxeen mashaariicaha, Quudinta, Dawada dadka, Ta duunyada iyo calafka xoolaha ay madaxwaynaha iyo waftigiisu bulshada gaadhsiinayeen, Isagoo madaxwaynuhu xusay in mashruucyadii biyoxidheenada Baka, Goomaar, Wijiwaaji iyo maraacaato la dhamaystiray wakhti xaadirkana bixinayaan adeegoodii.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in xaalada adage e abaarta ay qayb ka yihiin bulshada xooladhaqatada ah ee deegaanka oon nidaamka kaydsiga aqoonin xiliga roobka, Wuxuuna madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar cadeeyay in qorshihii xukuumada ee 1 ilaa 5 ay uqaadatay biyaha ay hada fahmeen bulshada deegaanku muhiimada lagalahaa Iyagoo jawaab ka noqday xaalada abaarta, Wuxuuna madaxwaynuhu u mahadceliyay dhamaan cidwalba oo ka qaybqaadatay xalaada abaarta oo ay ugu horeeyeen dawlada federalka ah, Deegaanka tiray, iyo Deegaanka axmaarda, Isagoo madaxwaynaha, Mas’uuliyiinta iyo odayaashuba baryeen allah inuu roob khayrqaba siiyo abaartana naga dulqaado.

Dhankooda mas’uuliyiinta iyo odayaasha deegaanka ayaa sheegay inaan hadal lagusoo koobi Karin sida uu madaxwaynaha iyo mas’uuliyiinta deegaankuba uga qaybqaateen xaalada abaarta iyo inay indhahooda ku arkayeen sida hagar la aanta ah ee madaxwaynuhu usoo darsayay xaalada abaarta isagoo goob goob u istaagay dhamaan goobaha ay abaartu saamaysay iyo gooba kalaba islamarkaana kala qaybqaadanayay bulshada xaalada ay ku sugan yihii, Sidoo kale waxay u mahad celiyeen dawlada federalka, Deegaanka Tigray Iyo deegaanka axmaarada oo run ahaantii kaalin lixaad leh kaqaatay xaalada abaarta, Ugu danbayna waxay baryeen allah inuu ka dulqaado abaarta roob khayrqabana nasiiyo.   


MW CMC Oo U Duulay Xarunta Dalka Ee Addisababa

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Jumce 14ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa.

Degmada Hudhet Oo Lagusoo Gabagabeeyay Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa.

$
0
0

Hudhet(Cakaaranews) Jumce 14ka April 2017. Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay hawlihii qalniinka iyo daawaynta indhaha ee Maalmahan Kasocotay Degmada Hudhet ee gobolka Daawa halkaas oo ay dib uheleen aragoodii indhaha Bulsha dhan 1002 Waxaana daawayn lagu sameeyay Bulsho Dhan 820 Halka Qalniin Lagusameeyay Dad Dhan 182 taasoo ka dhigaysa in qorshihii loogu talagalay Degmadani Hudhet  lagu Guulaystay 100%.

Haddaba waxaa xidhitaankiisii kahadlay gudoomiyaha degmada Hudhet mudane Axmed Ibraahim Xuseen Oo tilmaamay in sidii loogu talagalay loo fuliyay adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta indhaha Ee maalmahanba kasocday Degmada Hudhet kaasoo looga faaiidaynayay Bulshada Kunool Degmada Hudhet iyo nawaaxigeeda ee Gobolka Daawa Oogana Mahadceliyay XDSHSI ee bulshadiisa Kagawarhaya Goob kasta Oo ay ku sugan yihiin lanasoo gabagabeeyay Adeegii bilaashka ahaa ee qalitaanka indhaha iyo daawaynta degmada hudhet.

Dhanka kale bulshadii looga faaiidaynayay adeegani bilaashka ah ayaa bogaadiyay waxqabadka Aan kala go’a lahayn ee ay xukuumadu lagarabtaagan tahay sidoo kalena ay kufaraxsan yihiin Aragooda indhaha ee ay dib uheleen islamarkaana ay bilaash ku heleen adeegan.

Ugudanbayn dadaaladan isdaba jooga ah ee uu XDSHSI uu kuhawlan yahay ayaa kamida mid Ay markaas ay bulshada ku gaadhsiinayso dhamaanba adeegyada ay ubaahanyihiin lagagana Jawaabayo Baahida Shacabka Deegaanka, Iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay hawlihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee maalmahanba kasocday Degmada Hudhet Ee Gobolka Daawa, Waxayna kooxdani usii kicitimi doona Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan.

 

Gobolka Siti Oo Bilaabay Goynta Calafka Xoolaha Oo Ay Ugu Deeqayaan Gobolada Ay Saamaysay Abaartu

$
0
0

Qabalaha Gabi(Cakaaranews)sabti 15ka Aprill 2017. Maamulka gobolka siti ayaa bilaabay Goynta Calafka xoolaha ee looyaqaano sudan Garass kaasoo mudayar kahor ay maamulada 8da degmo ee hoosyimaada gobolka siti ay si wada jir ah uga beereen Tuulada Gabi ee degmada hadhagaala.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Siti mudane Cabdiwali Maxamed Faarax iyo waliba madaxa arrimaha siyaasada gobolka siti mudane Maxamed Cumar oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in beertani ay tahay beer ka kooban calafka xoolaha ee looyaqaano sudan grass taasoo ah 400 oo hikter oo ay maamulada 8da degmo ee gobolka siti kabaareen qabalahan Gabi ee degmada hadhagaala iyadoo degmo kastaa oo gobolka katirsani ay beertay 50 hickter. Waxayna itaa kudareen in ujeedada beertani ay tahay in lagu caawiyo gobolada ay saamaysay isbadalka cmilada aduunka ee roobyaraanta keenay.

Ugudanbayna, Mas’uuliyiinta oo hadalkooda siiwata ayaa tilmaamay in qorshuhu siduu ahaa uu u fulay islamarkaana mashiino casri ahi ay wadaan goyntii beertan iyadoo si dhakhso ahna loogu deeqayo gobolada ay saamaysay abaartu.

Tababar Kusaabsan Wacyigalinta Guurka Degdega Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 15ka April 2017. Tababar ay kasoo qaybgaleen gabdhaha barayaasha ah iyo xubno ka socday maxkamadaha shareecada iyo golaha arrimaha islaamka ee gobolada qoraxey, Shabeele, Doolo iyo erer islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa guurka degdega ah ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay agaasinka kormeerka iyo tayada waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali ayaa sheegay inuu tababarkan idiin socday mudada 3da cisho ah uu ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa guurka degdega ah kaasoo saamayn ku keeno geedi socodka waxbarasho ee dhalinyarta deegaanka. Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in faaiidada aad ka hesheen tababarkan loosii gudbiyo lagana hirgaliyo goobaha ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay wax badan ka faaiideen mudadii uu socday tababarkan islamarkaana ay ooga faaiidayn doonaan unasii gudbin doonaan goobihii ay kala yimaadeen.

Cuspitaalka MM Godey Oo Ay Ka Qalinjabiyeen 20 Umuliso Dhaqameed

$
0
0

Godey(Cakaaranews) Axad 16ka April 2017. Waxaa cusbitaalka MM Godey ka qalinjabiyay 20 umuliso dhaqameed oo kakala yimaaday degmooyinka qalaafe iyo mustixiil islamarkaana tababar loogu hayay hospitaalka guud ee MM godey ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.

Munaasabadan qalinjabinta ah oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun, Mareeyaha hosbitaalka guud ee mm godey mudane Wali Cilmi Shariif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun, oo sheegay inay umuliso dhaqameed yadan ku xareysnaayeen mudo 20 cisho ah hospitaalka mm godey islamarkaana fahan buuxa lagasiinayay sida oogu fiican ee hooyada looga umilyo iyo waliba inay umuliso dhaqameedyadan isku xidhaan bulshada iyo hospitaalka si ayna hooyo oogu dhalin gurigeeda.

Dhanka kale waxaa isana munaasabadan ka hadlay Mareeyaha hosbitaalka guud ee mm godey mudane Wali Cilmi Shariif  oo sheegay  inay umilso dhaqameed yadani wax wayn ka badali doonaan bulshada ay ka yimaadeen islamarkaana ay  hooyooyinka ku xidhidoonaan inay ku dhalaan hospitaalada si ayna hooyo wax unoqonin ama aysan dhiigbax u dhimanin. Sidoo kale waxaa munaasabadan qalinjabinta ah shahaadooyin lagu gudoonsiiyay umuliso dhaqameedyadii tababarkan loo hayay mudada 20ka cisho ah taasoo cadayn u ah inay tababarkan qaateen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah umuliso dhaqameed yadii loo hayay tababarkan oo sheegay inay waxbadan oo aysan markii hore fahansanayn ka fahmeen tababarkan islamarkaana ay si hagar la aan ah oola shaqayn doonaan xarumaha caafimaadka iyagoo hooyooyinka kusoo xidhi doona xarumaha caafimaad xiliga ay dhalayaan.

MMJ iyo Kal-fadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 16ka April 2017. Waxaa Saaka si habsamileh uga furmay Hoolka shirarka ee Xafiiska  Arrimaha Haweenka DDSI Kalfadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada Mamulka Magaalada Jigjiga Kaasoo ay kasoo Qaybgaleen Dhamanba Xildhibaanada MMJ.

Hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada  MMJ Mudane Axmed Saalax Nur oo Halkaas Ka soojeediyay ajandayaasha kalfadhigan isagoo sheegay in kalafadhigani yahay kii 8aad islamarkaana ay ajandayaashu yihiin sidan:- 1) ansixinta hadal qoraalkii kalfadhigii 7aad, 2) ansixinta warbixinta 9ka bilood ee SM 2009T.I 3)ansixinta wakaalada UPSNP ee MMJ 4)ansixinta ULGDP ee dib loo habeeyay 5) ansixinta Gudiyada Joogtada ah ee Golaha xildhibaanada MMJ. Kadibna xildhibaanada ayaa ajandayaashan  iskuwada raacay, waxaana la guda galay kahadalkii ajandayaashan iyo ansixintoodii,

Kadibna, Kusimaha Maayorka  MMJ ahna Maareeha Guud ee MMJ Mudane Fadxi Shukri Axmed ayaa halkaas kasoojeediyay  Warbixintii 9ka Bilood ee Waxqabadka SM 2009 T.I isagoo si wayn uga hadlay dhanka waxqabadka adeegyada horumarineed ee biyaha, waxbarshada, caafimaadka iyo beeraha iyo waliba adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee uu ugu horeeyo dakhligu.

Su’aalo iyo talobixino kadib, xildhibaanada ayaa codbuuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay warbixintan uu soo bandhigay masuulku. Iyadoo dhamaanba ajandayaashan korka ku xusan ay xildhibaanada MMJ ay codbuuxa ku ansixiyeen.

Iskusoowada duuboo, kalfadhigan ayaa kusoodhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi kudheehan tahay.

Hogaaminta XDSHSI Ee Diri-dhabe Oo Lacag 800,000 ah Ugu Deeqay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 16ka april 2017. Hogaaminta XDSHSI ee ismaamulka Diridhaba ayaa bulshada deegaanka ee ay saamaysay isnbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keentay ugu deeqay deeq lacageed oo dhan 800,000 oo bir (sideed boqol oo kun oo bir) deeqdaas oo ay kasoo jareen mushaarkooda.

Hadaba, deeqdan lacageed ayaa waxaa wakiil ka ahaa madaxa arrimaha XDSHSI ee ismaamulka diridhabe mudane Suubane Cabdi Axmed ayaa uga waramay warbaahinta deegaanka isagoo sheegay in deeqdan lacageed ay kasoojaren mushaarkooda islamarkaana ay ugu deeqayaan bulshada walaalahooda ee abaartu saamaysay. Wuxuuna xusay in lacagtani ay tahay lacag 8 boqol oo kun oo birr ah islamarkaana ay balan qaadayaan inta karaankood ah in bulshadooda ay lagarab taaganyihiin hiil iyo hooba.

Sidookale, deeqdan lacageed ayaa waxaa lawareegay wasiir-kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar Maxamud oo sheegay in deeqdan lagu wareejiyay maanta ay tahay mid ay deegaanka ugu deeqeen hogaaminta Xisbiga laantiisa diridhabe. Wuxuuna xusay in deeqdan ay kasoojareen mushaarkooda islamarkaana ay ugu talagaleen bulshada ay isbadalka cimiladu saamaysay . wuxuuna usoojeediyay mahadcelin balaadhan isagoo xusay in wadaniyad iyo muwaadino ay muujiyeen hogaaminta xisbiga ee diridhabe.

Ugudanabayna, wasiir-kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in lacagtani ay waxwayn u tari bulshada kudhaqaqan gobolada ay abaartu saamaysay.

  


Filtu Oo Uu Ka Bilowday Ololaha Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Axad 16ka April 2017.  Waxaa Maanta La Daahfuray ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Oo Ka Bilaabmay Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan Kaasoo Looga Faaiidaynayo Bulshada Kunoool 7da Degmo Ee Gobolka Liibaan Iyo Nawaaxigeda, Halkaas oo ay bulshadu soo buuxdhaafiyeen Hospitalka Degmada Filtu si ay ooga faaiidaystaan Ololahani Bilaashka Ah Ee Uu XDSHSI Oogu Talagalay bulshadiisa uu waliba oogu keenay goob kasta oo ay ku sugan yihiin bulshada.

Hadaba daahfurkan Ololaha bilaashka ah oo ay ka hadleen Gudoomiyaha Gobolka Liibaan Mudane Cabdi Xuseen iyo madaxa xafiiska caafimaadka Gobolka Liibaan mudane Maxamed Dayib Oo sheegay In ay sirasmi ah udaahfureen Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ee Bilaashka ah Islamarkaana Ay ka faaiidaysan doonaan bulshada kunoool guud ahaanba Gobolka Liibaan.

Geesta Kale Bulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu.

Ugu danbayntii Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maalmaha soo socda kasii socon Doona Hospitalka wayn ee degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan.

 

 

 

 

 

 

Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 16ka April 2017. Tartan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada Maamulka magaalada Jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen ardayda dugsiyada oo laga soo kala xulay 29 dugsi oo isugujira dugsiyada hoose, dugsiyada hoose/dhexe, dugsiyada sare iyo dugsiyada preparatory ga ayaa si habsamileh uga bilowday magaalada jigjiga.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa furitaankiisii kahdlay madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay in tartankan u jeedadiisu tahay mid lagu dhiirigalinayo ardayda dugsiyada maamulka magaalada jigjiga iyadoo kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada waxbarashada ee dugsiyada. Wuxuuna xusay inutartankani uu noqon doono mid ardaydu ay kaheli doonaan faa’iido badan oo dhanka culuumta sayniska ah.

Sidookale, madaxa xafiiska waxbarashada Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays oo isna furitaankii taratankan kahadlay ayaa sheegay in tartankani uu yahay mid sanadwalba xiligan oo kale ay qabtaan islamarkaana ay kutartansiiyaan aradyda dugsiyada. Wuxuuna xusay in tartankani uu socon doono mudo bil ah.

Madax xafiiseedka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tartankani uu kusalaysan yahay dhamaan casharada dugsiyada islamarkaana ardayda koobaad, labaad iyo sadexaad kalagala la abaal marindoono. Si ardayda kale iyo iyaguba ugu sii dhiiiradaan waxbarashada natiijo waxku ool ahna u keenaan.

Ugudanbayna ardayda tartamayaasha ah ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tartankan islamarkaana ay u mahadcelinayaan xafiiska waxbarashada iyo waliba dhamaan maamulka Magaalada jigjiga.

Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Isniin 17ka April 2017. Bulshada Kunool 7da Degmo Ee Gobolkani Liibaan oo Kafaaiidaysanaya adeegani qalniinka ayaa Bogaadiyay Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa maalintii 2aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmooyinka gobolka liibaan ee ay xarunta utahay degmada filtu,iyadoo maalintii shalay ahayd laga daah furay adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba adeegani qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maraya hubsadashada sida uu qofwalba wax ooga qabo indhaha islamarkaana loo qali ama looga daawayn doono. Iyadoo adeegani Kasii Socondoono Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee xarunta Gobolka Liibaan.

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 18ka April, 2017. Tababar  uu soo diyaariyay Komishinka Anshaxa iyo La Dagaalanka Musuqa DDSI oo kaashanaya Bangiga aduunta ayaa  loo qabtay xubnaha anshaxa  oo ka kala socday 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI iyo 6 maamul magaalo ee DDSI.

Haddaba,  tababarkan  oo ah  mid la xidhiidhka nidaamka maamulka maaliyada (PFM)  ayaa waxay u  ujeedadiisu tahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa xubnahan  nidaamka shaqo  ee la xidhiidhka anshaxa iyo sidii  kor loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyada ee barnaamiyada ay fuliyaan hay'adaha dawlada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ee  dhinaca anshaxa 

Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay   Gadhwadeenka Geedi socodka ka hortaga dan-biyada ka dhanka ah musuga ee Komishinka Anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI  mudane Daahir Cilmi Goohe  oo  sheegay in ahmiyada tababarkani tahay  sidii kor loogu qaadilahaa nidaamyada maamulka maaliyada gaar ahaan ilaalinta anshaxa maaliyada lagu fulinayo  barnaamijyada horumarineed ee hirgaliyaan hay’daha  dawlada iyo deeqbixiyayaasha caalamku. wuxuna intaasi ku daray  in mudada tababarkan socdo  xubnahan loo qabtay tababarku ku qaadan-doonaan cashiro kala duwan oo ku taxa-luqa  nidaamka maamulka maaliyadaha  gaar ahaan dhinaca anshaxa.

Tababarkan oo ah markii 2aad ee noociisan oo kale la qabto  ayaa waxa uu noqonayaa mid lagu adkaynayo  hanaanka maamulka  maaliyada (PFM) gaar ahaan  xoojinta barnaamijyada horumarineed ee ay fuliyaan hay’adaha dawlada iyo deeq- bixiyayaasha caalamku. waxaana mudada uu socdo tababarkani cashiradiisa bixin-doona khabiiro ka socda komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI

Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 18ka April 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay kaso qaybgaleen boqolaal culumo owdiinka maasaajidada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xanuunka shuban biyoodka ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Haddaba kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in loo baahan yahay in bulashada lawacyi galiyo maadaama uu xanuunkani ku yimaado nadaafad daro islamarkaana ay nadaafadu tahay iimaanka badhkeed, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in loo baahanyahay sidii bulshada looga wacyi galinlahaa xanuunkan xiliyada salaada la isugu yimaado iyo inuu qof walba wacyigaliyo xaafadiisa kadibna u gudbo bulshada kale. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in mudada uu tababarku socdo fahanbuuxa la idinka siindoono sida looga hortago xanuunkan.

Dhankooda waxaa iyana ka hadlay qaar mid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay bulshada ka wacyigalin doonaan xanuunkan islamarkaana ay usheegi doonaan inay ku dadaalaan nadaafada oo ah mida kali ah ee xanuunkan lagu afjari karo.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live