Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Nidaamka Rimay Gacmeedka Oo Tababar Lagu Siiyay Macalimiinta Kuliyada TVET ka Ee MM Godey

$
0
0

Godey(cakaaranews)Sabti 11ka March 2017. Tababar kusaabsan nidaamka rimay gacmeedka ee afka qalaad lagudhaho (artificial assimilation) islamarkaana  ay ka soo qaybgaleen macalimiinta kuliyada farsamada iyo xirfadaha kala gadisan, casharadana ay bixinayeen xubno kasocday heer federal ayaa si habsami leh uga dhacay MM Godey.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta mudane Naasir Xasan Cabdi oo shegay in macalimiinta kuliyadu ay si fiican ooga faaiidaystaan tababarkani maadaama oo deegaankeenu yahay 85% xoolo dhaqato islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in nidaamka rimay gacmeedka labaro ardayda kuliyada iyo bulshadaba.  Wuxuuna ku booriyay kaqaybgalayaasha in la ilaaliyo saacadaha casharka iyo nidaamka tababarkaba oo ay fahan buuxa kaqaataan casharada lasiinayo kadibna ay usii gudbiyaan ardayda kuliyada.

Sidookale, maareeye kuxigeenka kuliyada farsamada iyo xirfadaha kaladisan ee Maamulka magaalada Godey mudane  c/qaadir maxamed cali oo sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ay tahay in macalimiinta looga faaiideeyo nidaamka rimay gacmeedka iyo dhmaanba kor uqaadida wax soosaarka xoolaheena Islamarkaana la helo cad iyo caano kabadan ku wii hore.

Ugudanbayna dhankoda Macalimiintii looqabtay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana ay balan qaadayaan in casharada ay bartaan ay usii gudbinayaan ardaydooda.


Deeqaha Xukuumada DDSI Gaadhsiinayso Shacabka Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Hargeele(Cakaaranews) Sabti 11ka March 2017. Sida aan ku sheegnay wararkaanagii  hore  qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa ayaa socdaalo dhaadheer ku maraya gobolada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo shacabka gaadhsiinayo deeqo isugu jira raashin, dawooyin  iyo calafka xoolaha.

Haddaba waftigii ay hogaaminasay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin uu ka mid yahay hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow Cali oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay socdaalkooda ku marayay degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka qoraxay islamarkaana gaadhsiinayay bulshada abaaruhu saameeyeen deeqaha ay xukuumada DDSI  ugu talagashay in bulshada lagaga samata bixiya abaaraha ayaa waxay maanta u anbabaxeen gobolada nogob iyo shabeele.

Masuuliyiintan oo diirada saarayay goobaha ay ku sugan yihiin bulshad abaaruhu saameeyeen islamarkaana u kuurgalayay hab-nololeedka bulshad abaaruhu saameeyeen ayaa waxay sii mareen tuulooyinka hoosyimaada demgada dhamaan, tuulooyinka hoosyimaada degmad Goday  gobol  ee gobolka shabeele,iyo tuulooyinka hoosyimaada degmada Xaraaray ee gobolka nogob kuwaasi oo goobkasta oo ay gaadhaan gaadhsiinayay bulshada deeqo aad u badan oo isugu jirta raashin ka noocyadiisa kala duwan dawooyinka dadka iyo tuunyada  iyo  waliba calafka xoolaha.

Masuuliyiintan ayaa galabta ugu anbaxabay gobolka shabeele dhinaca gobolka afdheer iyaga oo caaw ku dheelmaday xarunta gobolka afdheer ee hargeele,waxayna  inta ay ku sugan yihiin gobolka afdheer booqan doona degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka ee ay abaaruhu saameeyeen islamarkaana gaadhsiin doona deeqaha raashinka iyo calafka xoolaha.

 

 

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaankka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 12ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib markuu usoo dhamaaday howlihii shaqo iyo shirarkii uu utagay xarunta dalka ee magaalada addis ababa. Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan kusugan yahay xarunta deegaanka ee maagaalada jigjiga.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiin Kasocday Qaramada Midoobay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 12ka March 2017. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaaduu socdaalka ugasoo galayba wuxuu xafiiskiisa kulan kulaqaatay mas’uuliyiin sare oo kasocday qaramada midoobay(UN) oo ay hogaaminayeen Dr. AKPAKA KALU oo ah wakiilka hay’ada caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay uqaabilsan dalkeena itoobiya iyo Miriam Maluwa oo ah UNAIDS Ethiopia Country Director. Waxaana madaxwaynaha kulankan kuwehelinayay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba madaxwaynaha iyo mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xaalada abaaraha ee deegaanka isagoo madaxwaynuhu uga warbixiyay jawaabihii deg-dega ahaa ee ay dawlada federalka ah iyo xukuumada deegaankuba kabixiyeen bilaw ilaa wakhti xaadirkan iyagoo xooga saaray inuusan shaqsina udhimanin biyo, baad iyo dawo la’aan islamarkaana diirada saaray in dhamaan ceelasha deegaanka ee kuyaala goobaha la isugu yimaado ee caanka ah ay functional ahaadeen hadh iyo habeenba loona dhamaystiray shidaal kufilan, cudud shaqaale iyo dayactirkoodiiba iyo in 57 goobood loo doortay  bixinta adeeg hufan, lana dhigay calafkii xoolaha islamarkaana biyihii, cuntadii iyo dawadiiba loogu diyaariyay dad iyo duunyaba. Taas oo dawo kanoqotay xaalada abaarta ee bulshada xoolo-dhaqatada ah oo awal uhayaami jiray deegaano kale inay goobahaas modelka loo doortay isugu yimaadaan. Wuxuuna intaa kudaray madaxwaynuhu in kooxaha caafimaadka ee wareega toos looga hawlgaliyay goob kasta laguna xoojiyay kooxaha taageerada gaarka ah ee dhinacyada caafimaadka dadka iyo kuwa duunyada. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray kaalintii ay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo ganacsatada deegaankuba kaqaateen xaalada abaaraha. Wuxuuna xusay in wakhti xaadirkan ay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumadu kusugan yihiin goobaha abaaraha iyagoo kaqaybinaya deeqo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, calafka xoolaha, dawada dadka iyo duunyada, dawada biyaha IWM.

Dhankooda mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay xukuumada dalka, tan deegaanka, shacabka iyo hay’aduhuba ugu gurmadeen shacabka ay abaartu saamaysay ee deegaanka iyagoo tilmaamay in qorshe cilmiyaysan oo maskax caafimaad qabta dajisay lagaga jawaabay abaartan islamarkaana xukuumada dalka iyo tan deegaankaba uga mahadceliyay iyagoo waliba kamarkhaati kacay horumarka baaxada leh ee kahanaqaaday deegaanka kadib booqasho ay kutageen goobo kamid ah deegaanka. Mas’uuliyiintan ayaana dhankooda kunuux-nuuxsaday inay sii laba-jibaarayaan dadaalkooda ku aadan gurmadka abaaraha iyagoo tilmaamay inay xooga saarayaan dhanka caafimaadka dadka. Waxayna intaa raaciyeen in xataa shirarkooda waa wayn iyo munaasabadahooda daraasaadyada iyo dood-cilmiyeedkaba ay usoo dhaadhicin doonaan xarunta deegaanka.

MM Qabridahar Iyo 526 Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Axad 12ka March 2017. Xaflad ay si wada jira ah usoo agaasimeen kuliyada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta iyo kuliyada caafimaadka MM Q/dahar islamarkaana ay ku qalinjabinayeen 526 arday oo bartay xirfadaha kaladuwan ee sida furnitureska birta iyo alwaaxa, cunto karinta iyo laxamaadaha kaladuwan ayaa si rasmi ah uga dhacday MM Qabridahar.

Hadaba, xafladan qalinjabinta ah ayaa waxaa furitaankeedii khudbad kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Tababarda, Xirfadaha  iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI mudane Naasir Xasan Cabdi oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo waliba maamulka iyo macalimiintiii ardaydan waxsoobaray. Wuxuuna xusay in ardaydan qalinjabisay ay mid katahay tubaha lagaga baxayo saboolnimda islamarkaana larabo in dalku kaga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kubuuriyay qalin jabiyayaasha in ay noqdaan kuwo ficil kumuujiya cilmigii aybarteen islamarkaana ugu shaqaysta si daacad ah kadib markii ay ku noqdaan degmooyinkii ay kakale yimaadeen.  

Sidookale, waxaa isna xafladan kahadlay Maareeyaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadaha kaladuwan (COC) ee DDSI mudane Mubaarak Axmed Maxmed oo isna dhankiisa u diray hanbalyo dhamaan qalinjabiyaaasha. Wuxxuna xusay maareeyuhu in ardaydani tahay arday si fiican lo xaqijayay tayadooda islamarkaana ay yihiin arday competence ah. Wuxuuna ku booriyiyay in ay barashada xirfaduhu ay yihiin dhiigjooojin islamarkaana qof aan xirfad aqoonin uusan waxba ahayn.

Dhankakale masuuliyiintii kuliyadaha caafimaadka iyo kuliyada xirfadaha ayaa iyana dhankooda khudbado kaladuwan kasoojeediyay oo taabanaya dhinacyo kaladuwan.

Ugudanbayna qalinjabiyaashii oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadhan kaladuwan ee ay barteen kuna barteen wakhtiga gaaban ee 45 ta maalmood ah. Waxayna balan qaadeen inay si daacada ugushaqaynayaan degmooyinkii ay kakala yimaadeen.

MM Godey Iyo 600 oo Arday Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta

$
0
0

Godey(cakaaranews)Axad 12ka March 2017. Xaflad qalinjabin ah oo ay ku qalinjabinayeen 600 oo arday oo waxkabaranaysay kuliyada xirfadaha iyo farsamooyinka kaladuwan islamarkaana bartay xirfadaha kaladuwan ee sida Furnitureska Birta iyo Alwaaxa, Cunto karinta iyo laxaamadaha kaladuwan ayaa si rasmi ah uga dhacday MM Godey.

Hadaba, xafladan oo ay kasooqaybgaleen maamulka Gobolka, Maamuka magaalada Godey Hooyooyinka iyo martisharafkale ayaa waxaa furitaankeedii khudbad kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Tababarda, Xirfadaha  iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI mudane Naasir Xasan Cabdi oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan qalinjabiyayaasha iyo waliba maamulka iyo macalimiintiii ardaydan waxsoobaray. Wuxuuna xusay in ardaydan qalinjabisay ay mid katahay tubaha lagaga baxayo saboolnimda islamarkaana larabo in dalku kaga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa kubuuriyay qalin jabiyayaasha in ay noqdaan kuwo ficil kumuujiya cilmigii aybarteen islamarkaana ugu shaqaysta si daacad ah kadib markii ay ku noqdaan degmooyinkii ay kakale yimaadeen.  Wuxuuna carabka udhuftay in sanadsanadka kadanbeeya lasii xoojin kor uqaadista ardayda barata xirfadaha iyo farsamooyinka kaladuwan.

Sidookale, waxaa isna xafladan kahadlay Maareeyaha Xarunta Xaqiijinta Tayada Xirfadaha kaladuwan (COC) ee DDSI mudane Mubaarak Axmed Maxmed oo isna dhankiisa u diray hanbalyo dhamaan qalinjabiyaaasha. Wuxxuna xusay maareeyuhu in ardaydani tahay arday si fiican lo xaqijayay tayadooda islamarkaana ay yihiin arday competence ah. Wuxuuna ku booriyiyay in ay barashada xirfaduhu ay yihiin dhiigjooojin islamarkaana qof aan xirfad aqoonin uusan waxba ahayn.

Dhankakale, masuuliyiintii kuliyadaha caafimaadka iyo kuliyada xirfadaha ayaa iyana dhankooda khudbado kaladuwan kasoojeediyay oo taabanaya dhinacyo kaladuwan.

Ugudanbayna qalinjabiyaashii oo dareenooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin xirfadhan kaladuwan ee ay barteen kuna barteen wakhtiga gaaban ee 45 ta maalmood ah. Waxayna balan qaadeen inay si daacada ugushaqaynayaan degmooyinkii ay kakala yimaadeen.

Kulan Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 7aadka Maagaalooyinka Dalka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 13ka March 2017. Kulan balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska 7aadka magaalooyinka ee dalkeena itoobiya islamarkaana ay kasoo qaybgaleen kabaneega 6da maamul magaalo ee deegaanak , Injineero, iyo agaasimayaal ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba kulankan oo uu soo agaasimay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta, magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay mid loogu diyaar garoobayo xuska 7aadka magaalooyinka dalkeena itobiya oo goordhow lagu qaban doono magaalada Gondor ee deegaanka axmaarada, Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray in xuskan lagusoo bandhigi doono horumarada kaladuwan ee magaalo walba ka samaysay deegaankeeda, Sida dhismaha mashaariicaha kala duwan ee ay magaalo walba fulisay.

Ugu danbayna madaxwayne kuxigeenka ayaa xusay in mudada uu cashirku socdo iyo maalmaha ka hadhan xuskaba laga wada hadli doono sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska 7aadka maagaalooyinka ee maalmaha fooda inagusoo haya ka qabsoomi doona deegaanka axmaarada. Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa socon doona mudo labo maalmood ah.

Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Guryaha DDSI Oo Ka Warbixisay Waxqabadkii 6dii Bilood Ee Lasoo Dhafaay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 17ka January 2017. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo  shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aasaastay wakaalada horumarinta guriyaynta ddsi oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha.

Hadaba maareeyaha wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI marwo Ayaan Maxamed Sheekh Aadan oo shabakada wararka ee cakaaranews ooga warbixisay waxqabadkii 6dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegtay in wakaaluda 6dii bilood ee udanbaysay dhamaystirtay mashaariico kala duwan oo guryo ah islamarkaana ay wadaan kuwo kale, Waxaana  kamid ah mashaariicaha dhamayska tirmay ee ay fulisay wakaaladu, guryaha Real State ka xaafada dul qabow oodhan 78 gibi islamarkaana si casri ah loo dhisay, Guryaha jidka wajaalee oo dhan 30 gibi, guryaha real state ka loo dhisay fanaaniinta deegaanka oodhan 64 gibi, mashaariicda guryiha ay xukuumada DDSI u dhistay dadkii ay guryahooda gaadhay wadooyinka laga hirgaliyay caasiamda DDSI ee jigjiga.

Ugu danbayna waxay marwadu xustay inay wakaaladu wado mashaariico kala duwan oo guriyayn ah oo ay kamid yahay mashruuca wayn ee goor dhawayd la dhagaxdhigay ee Kaali Mall, Islamarkaana ay kawado xarunta deegaanka iyo qaar kamid ah maamul magaalooyinka deegaanka mashaariico guriyayn ah, Iyadoo marwadu sheegtay inay wakaaladu sii kordhin doonto dadaalka loogu jiro sidii bulshada deegaanka looga dabooli lahaa baahida dhanka guryaha ah.


120 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Xukuumada DDSI ayaa Lagu Soo Dhaweeyay MM Wajaale.

$
0
0

Tog-wajaale(cakaaranews),talaado, 17ka January, 2017. Xukuumada DDSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay deeq waxbarasho ku taageerta  dawladaha aan dariska nahay ee Somaliland, Putland iyo somaliya, waxaana maanta lagu soo dhaweeyay maamulka magaalada  tog-wajaale ee xuduuda wadamada itoobiya iyo soomaliland  120 arday oo ka socday soomaliland kuwaasi oo ay xukuumada DDSI u fidisay deeq waxbarasho.

Waxaana, soo dhaweeyay ardaydan masuuliyiin heer deegaaan ah oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Ahmed Nuur (heeryo) iyo wasiir ku xigeenka xafiiska  tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi kuwaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay 120 kan arday yihiin arday ka soo jeeda  somaliland oo ay  deeq waxbarasho  ku deeqday  xukuumada DDSI  waxayna shegeen in ay waxka baran doonaan kuliyadaha kala duwan ee ka jira deegaanka iyo jaamacada jigjiga.

Maaha markii ugu horaysay ee ay xukuumada DDSI deeq waxbarasho u fidiso  ardayda ka soo jeeda wadamada aan dariska nahay.    

Kulan Lagu Qiimaynayay Shaqaalaha Xafiiska Ka Hortaga iyo u Diyaar Garowga Masiibooyinka DDSI Oo furmay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce,  20ka, January, 2017.  Si loo dar dargaliyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI loona awood siiyo cududa shaqaalaha DDSI gaar ahaan  xafiisyada heer deegaan  ee hirgaliyana hadafka,  himilada,  jihooyinka, qorshayaasha iyo barnaamijyada u dajisan xukuumada DDSI  ayaa waxaa  guud ahaanba xafiisyada heer deegaan ka socda qiimayn diirada shaybaadka lagu saarayo  shaqaalaha kala duwan ee xafiisyada heer deegaan.

Haddaba, kulan lagu qiimaynayo   shaqaalaha xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa ka furmay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI. kulankaasi waxa hogaaminayay wasiirka Xafiiska  ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan  oo sharax dheerka bixiyay jihooyinka  siyaasadeed iyo  dhaqaale ee ay hiigsanayso xukuumada DDSI iyo tabaha  xeeladaha lagu hirgalinayo, wasiirka ayaa sheegay in ay shaqaalaha dawladu yihiin cududa ka midho dhalinaysa qorshayaasha u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna soo hordhigay shaqaalaha ajandayaasha lagu qiimayna oo ay ka mid ahaayeen tayada adeeg bixinta uu shaqsi kasta   leeyahay, qancinta macaamiisha, ka go’naanshaha shaqada, shaqsiga, ilaalinta saacadaha shaqada iyo qodobo kale oo lagu dar-dargalinayo fulinta waxqabadka shaqooyinka. 

Isku soo wada doob oo qiimaynta ka socota xafiisyada heer deegaan ayaa ah mid lagu dar-dar galinayo geedi socodka shaqo iyo awooda fulineed ee cududa  shaqaalaha iyo  ku shaqaynta cadcaddaan,la-xisaabtan iyo isla-xisaabtan taas oo ah in  hawlaha loo hayo  bulshada in ay noqdaan  kuwa aan mad-madaw kujirin isla markaana horseeda habdhaqan wanaagsan oo ka dhex abuurma shaqaalaha taas oo horseedaysa  in lagaadho ujeedooyinka iyo yoolasha ladhigtey.

 

   

 

 

Raysal-wasaaraha Dalka Oo Lagusoo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalimiga ah Ee Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Talaado 24ka January 2017. Rayisalwasaaraha dalka mudane Hialemaryam Deselain ayaa waxaa si heer sare ah ugusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada qabridahar masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Odayaasha magaalada qabridahar, Iyo masuuliyiin kale.

Hadaba rayisal wasaaraha dalka mudane  Hialemaryam Deselain iyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markay kulan la qaateen shacabka iyo waxgaradka magaalada qabridahar kana wada hadleen xaalada guud ee ay bulshadu ku sugantahay  ugu amba baxay magaalada qabri dahar dhinaca gaashaamo bari  isagoo rayisalwasaaraha oo uu wehelinayo madaxwayne CMC ay tahay markii ugu horaysay ee taariikhda abid uu rayisalwasaaruha dalku ku tago socdaal, Iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada gaashaamo islamarkaana ay rayisalwasaaraha dalka iyo madaxwaynuhuba kulan balaadhan la yeesheen qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan degmada gaashaamo, Sheegeyna inay diyaar uyihiin inay kala qaybqaataan xaalada ay ku suganyihiin bulshadu, Wuxuuna intaa ku daray in lala garab taaganyahay taageero hiil iyo hooba leh  islamarkaana dowlada federalka iyo deegaankuba dajiyeen qorshyaal badan oo ku salaysan sidi ugu u haboon ee lagu badbaadinayo dadka iyo xoolaha ay saamaysay abaarta ay keentay isbadalka cimiladu,

Ugu danbayna waxay rayisalwasaaraha dalka iyo maxadwaynaha DDSI ay ugasoo dhaqaaqeen dhinaca xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo sii heer sare ah loogusoo dhaweeyay , Islamarkaana rayisalwasaaraha dalka iyo waftigu ay kormeer indha indhayn ah ku tageen maxjarka wayn ee xoolaha ee hare iyo guryaha real stateka ee dulqabow, Waxayna waftigan balaadhan ee ay hogaaminayaan rayisalwasaaraha dalka iyo maxadwaynaha DDSI ay wakhti xaadirkan ku sugam yihiin xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyagoo maalinta bari ah halkaas kaga qayb gali doona maalinta xooladhaqatada dalka oo sanadkan lagu qabtay deegaankeena.

 

 

Tababar Loo Qabtay Tababarayaasha Macalimiinta Deegaanka Ee Afka-hooyo.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Arbaco 25ka January 2017. Tababar ay iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo hay’ada USAID islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadida luuqada afka soomaaliga kana soo qaybgaleen 28 xubnood oo loogu tagalay in ay tababaraan macaliminta luuqada afka soomaaliga ee deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay xarunta Gobolka jarar ee magaalada dhagaxbuur.

Hadaba, tababarkan oo ay wada fulinayeen hay’ada SCI mashruuceeda READ TA iyo Xafiiska Waxbarshada DDSI ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews  uga warbixiyay macalinkii casharada bixinayay(master trainer) ahna xubin katirsan shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamuud Daahir ayaa sheegay in tababarkani yahay tababar loogu talagalay tababarayaasha macalimiinta luuqada afkahooyo islamarkaana lagu bixinayay casharo laxidhiidha habka baris barasho ee luuqada afka hooyo.Wuxuuna intaa kudaray in tababarkan lagu fulinayo Mashruuca (READ TA) oo ay iska kaashadeen hay’adaha USAID, SCI iyo waliba wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiiska waxbarashada DDSI. Islamarkaana larabo in luuqada afkahooyo kor loogu qaado dhanka qorista iyo akhriska ee caruuta wax ka barata dugsiyada hoose ee Deegaanka.

Sidookale, khabiir kasocday hay’ada SCI mudane Axmed Xaashi baari ayaa sheegay in tababarkani yahay tababar kor loogu qaadayo aqoonta tababarayaasha ee luuqada afka soomaaliga kaasoo ay iska kaashadeen hayada USAID, RTI, SCI iyo waliba xafiiska waxbarashada. Isagoo tilmaamay in macalimiintan tababarka lasiinayo larabo in ay tababar siiyaan maalmo yar kadib macalimiin tiradoodu kor u dhaafayso  800 oo macalin oo ah barayaasha luuqada afka soomaliga ee dugsiyada hoose. Isagoo carabka kudhuftay in tababarkan iyo tababarka ay sii bixinayaanba uu yahay mid faaiido badan u ah deegaanka gaar ahaan dhanka barashada iyo kor uqaadida luuqada  afka hooyo.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo lasiinayay 28 xubnood oo isugujira macalimiin iyo xirfadlayaal ayaa ah mid lagu xoojinayo luuqada afka hooyo islamarkaana maalmo yar kadib ay bilaabi doonaan tababarkii caadiga ahaa ee ay siinayeen macalimiinta dugsiyada hoose gaar ahaan macalimiinta luuqada afka hooyo.

 

Munaasabada 16 jirsatay ee xuska maalinta xoolo dhaqatada JDFI oo si meeqaam sare ah loogu dabaaldagay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 25ka January 2017. Munaasabada 16 jirsatay ee xuska maalinta xoolo dhaqatada jamuuriyda diquqoraadiga faderaalka itoobiya (JDFI) oon Loo kala hadhin ayaa  maanta si qurux badan loogu dabaal dagay garoonka kubada cagta caasimada DDSI ee magaalada jigjig.

Hadba munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen  masuuliyiinta ugu saraysa JFDI oo uu ka mid yahay Raysal wasaaraha JDFI mudane Hailemariam deselen, golaha wasiirada JDFI, masuuliyiinta ugu saraysa  dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiin urur goboleedka IGAD qaybaha kala duwan ee bulshada ka socotay deegaanada xoolo dhaqatada, kooxaha dhaqanda fanka iyo suugaanta dalka iyo deegaanada dalka, qaybaha warbaahinta dalka iyo deegaanada dalka kuwa heer caalam ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadan.

Waxaana ugu horayntii ka hadaly munaasabadan khudbad dhaxal gal ahna ka soo jeediyay raysil wasaaraha JFDI mudane Hailemariam Deselan  oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay bulshada xoolo dhaqatada ah munaasabadan 16 jirsaday ee xuska maalinta xoolo dhaqatada. Raysal- wasaaraha ayaa shacabka  iyo xukuumada DDSI ugu mahad celiyay sida quruxda badan ee loo  diyaariyay munaasabadan qaaliga ah iyo soo dhawaynta wanaagan, wuxuuna sheegay raysil-wasaaruhu in ay munaasabadani tahay mid rumaysaysa hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan dalka. dhinaca kale raysal- wasaaraha ayaa deegaanka ku amaanay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee maalgashiga u ah horumarinta bulshada DDSI islamarkaana madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar gudoonsiiyay shahaado sharaf khaas ah oo ka turjumaysay waxqabadka marag madoonta ah ee madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. Sidoo kale raysal wasaaraha dalka ayaa abaal marin dhanka horumarinta biyaha ah gudoonsiiyay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ahna madaxa xarunta dhexe marwo Fartuun Cabdi Mahdi.

Sidoo kale munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si kooban u soo dhigay guulaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay laga gaadhay dhinaca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada loona dajiyay bulshada xoolo dhaqatada ah istaraatajiyada kor loogu qaadayo tayada xoolaha iyo suuqgayntooda, madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay xaalada abaaraha ee hada ka taagan qaarka mid ah gobolada DDSI, wuxuuna madaxwaynuhu uga mahad celiyay raysil wasaaraha dalka booqashadii uu ku dagay gobolada iyo degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen ee uu ugu kuur galayay xaalada noloshada bulshad ay abaaruhu saameeyeen. Sidoo kale madaxwaynaha DDSI ayaa u mahad celiyay dawlad deegaanka Tigree oo deeqo miisaan culus ku soo deeqay bulshada DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen. Wuxuuna madaxwaynuhu gudoonsiiyay madaxwaynaha deegaanka shucuubta koonfureed oo lagu qaban doono xuska 17aad Ee maalinta xoola dhaqatada JDFI, Isagoo madaxwaynaha deegaanka shucuubta koonfureedna uu kula wareegay halkaas.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan wasiirka wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase tegle burhan oo ka warbixiyay dhibaatooyinkii  soo haysan jiray bulshada xoolo dhaqatada dalkeena itoobiya balse markii  ay  itoobiyada cusub dajisay qorsheyaal iyo istaraatajiyada cilmiyaysan  oo kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ayaa guulo waawayn laga soo hooyay dhinaca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada waxaana la dajiyay ayuu yidhi wasiirku jihooyinkii ay bulshada xoolo dhaqatada ah kaga faa’iidasan lahaayeen wax soo saarka xoolahooga wasiirka ayaa intaasi ku daray in dawlada faderaalku sii xoojinayso talaabooyinka kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo tayada xoolaha dalka.

waxaana lagu bixiyay munaasabadan abaalmarino kala duwan iyada oo xubnaha horumuudka ah ee bulshada xoolo dhaqatada dalka uu raysilwasaaraha dalku gudoonsiiya abaalmarino kala duwan.

Iskusoo wada duuboo munaasabadan oo ay ardayda maamulka magaalada jigjiga iyo kooxaha fanka iyo kooxda baanbayda ay ciyaaro quruxbadan oo calaamado ka turjumaya  munaasabada kusoo bandhigay ayaa ku dhamaaday jawi aad uquruxbadan.

Raisal Wasaaraha JDFI Oo Shahaado Sharafta Ugu Saraysa Bixiyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 25ka January 2017. Raisal wasaaraha JDFI mudane Haile-mariam Desalegn ayaa shahaado sharafta ugu saraysa oo khaas ah kugudoonsiiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Xuskii 16,aad ee maalinta xoolo-dhaqatada dalkeena oo kadhacday garoonka wayn ee sida casrig ah loo dhisay ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan boqolaal kun oo qof.

Hadaba, shahaado sharaftan khaaska ah oo ahayd mid katurjumaysa waxqabadyada marag-madoonta ah ee Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa gudaheeda kuqoraa in shahaado sharaftani tahay mid uu madaxwaynuhu kumutaystay waxqabadyada aan qoraal iyo akhris’toona lagu soo koobi karin ee uu kahirgaliyay deegaanka tusaale ahaan dhinaca nabadgalyada ee gaar ahaan gudaha deegaanka, arrimaha xuduudaha iyo dibadaba iyo dhinaca horumarka khaasatan waxqabadyada laxidhiidha horumarinta biyaha, dhisida buundoonyinka iyo jidadka, waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadida waxsoosaarka deegaanka, hirgalinta mashaariicaha waawayn ee waraabka, kaqaybgalinta haweenka dhinaca siyaasada, abaabulka iyo iskuxidhka dhalinyarada, mashaariicaha guryaynta, kor uqaadida dadka ay hayntoodu yar tahay sida yagleelida microfinancega, hindisaha qorshayaasha layaabka leh sida dhakhaatiirta dawaynta iyo qaliinka indhaha, socdaalada uu shacabka kula wadaagayo noloshooda dhabta ah kuna darsayo baahidooda, kajawaabida degdega ah ee baahida bulshada haba ugu danbayso xaalada abaaraha ee saamaysay gobolada qaar gaar ahaan degmada gaashaamo iyo isbadalka guud ee dhawaan deegaanka kahanaqaaday oo ah mid makhraati-madoon ah iyadoo oo ay waliba madaxwaynaha u dheertay waxqabadyada uu kasoo hoyiyay dhinaca xidhiidhka dadwaynha dal iyo dibadba oo dhamaantood ah mid ay madaxwaynaha,  xukuumada iyo XDSHSI ku amaanan yihiin islamarkaana ay ku keeneen kago’naanshiiyo dhab ah, xilkasnimo, wadaniyad, karti, dulqaad, aqoon iyo daacadnimo ay saldhig u tahay lahaanshiyaha aragti shacab iyo maskax caafimaad qabta.

Ugu danbayna madaxwaynaha DDSI mudane CMC ayaa si diiran oo kal iyo laab ah uga gudoomay Raisal wasaaraha JDFI mudane Haile-mariam Desalegn shahaado sharaftan qaaliga ah isagoo bogaadiyay islamarkaana uga mahadceliyay raisal wasaaraha iyo xukuumada federalka ahba.

Raisal wasaaraha Hailemariam Desalegn Oo Kaduulay Garaad Wiil-waal International Airport

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 26ka January 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane hailemariam Desalegn ayaa saaka kaduulay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil waal  international airport isagoo mudo 3 maalmood iyo 2 habeen ah kusugnaa deegaanka islamarkaana kulamo wadatashi ah layeeshay waxgaradka, odayaasha iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan magaalada qabridahar, kadibna si toos ah uga cagadhigtay degmada gaashaamo bari si uu udarso xaalada nololeed ee bulshada ay abaaruhu saameeyeen, Iyada oo uu halkaasna kulan wadatashi ah kulayaashey qaybaha kaladuwan ee bulshada kadibna ugasii gudbay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay soona indha indheeyay mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay meelo kamid ah agagaarka magaalada iyo gudahaba Sida mashruuca balaadhan ee maxjarka camadhle, guryo-wadareedka sida casriga ah loo dhisay ee real stateka xaafada dulqabow iyo xarunta madaxtooyada ee cusub islamarkaana habeenkii 1,aad casho-sharaf nasasho iyo soo dhawayn ah loogu sameeyay xarunta madaxtooyada ee DDSI.

Hadaba raisal wasaaraha oo kaqaybgalay xuskii 16,aad ee maalinta xoolo-dhaqatada dalka oo lagu qabtay xarunta deegaankeena ee magaalada jigjiga islamarkaana habeenimadii xalay ahayd uhoyday caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa saaka uga duulay deegaanka dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa isagoo halkaa kaga qaybgali doona shirka midawga Africa.

 


Iskaashatada Wadajir Oo Calafka Xoolaha Ugu Deeqday Bulshada Xoola Dhaqatada Ah Ee Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Jigjiga(Cakaranews) Khamiis 26ka January 2017. Iskaashatada wadajir ee xaawo Aadan ayaa calafka xoolaha oo uga go’ay laba beerood oo kuyaala degmada beercaano oo kakooban 63 higtar iyo 42 higtar oo wadartoodu noqonayso 105 higtar ugu deeqday bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ay saamaysay abaarta ay keentay isbadalka cimilada ee deegaanka.

Hadaba marwo Xaawo Aadan oo ah maalqabeen udhalatay deegaanka islamarkaana kuhawlan kaganacsiga waxsoosaarada kaladuwan ee uu deegaanku hodanka kuyahay ahna gudoomiyaha iskaashatada wadajir ayaa deeqdan calafka xoolaha ah soo gaadhsiisay xukuumada iyadoo iskaashatadu kaga qaybqaadanaysa saamaynta ay abaaruhu kuyeelan karaan nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah.

Ugu danbayna xukuumada DDSI iyo XDSHSI ayaa iskaashatadan kadamqatay saamaynta abaartu kuyeelan karto bulshadooda si diiran uga gudoomay islamarkaana bogaadiyay deeqdan si wayna uga mahadceliyay.

Qiimayn Lagu Sameeyay Shaqaalaha Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews) khamiis, 26ka January, 2017. kulan lagu qiimanayay shaqaalaha komishinka anshaxa iyo hortaga  DDSI ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla   komishirka anshaxa ka hortaga  musuqa DDSI. waxaana  Kulankan qiimaynta  loo qabtay dhamaan  shaqaalaha komishinka anshaxa iyo  ka hortaga  musuqa DDSI.

 

kulankaa waxaa hogaaminayay komoshineerka komishinka anshaxa iyo hortaga musuqa DDSI mudane Maxamuud  Cabdiqaadir Isaga oo sheegay in ujeedada qiimayntani tahay  sidii looga midho dhalin lahaa jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI iyada oo laga duulayo  sidii loo hirgelin lahaa nidaam shaqeed hufan taya leh  oo lagu dabagalo, laguna qiimayo natiijada waxqabdka shaqo ee xafiisyada dawliga ah, geedi socodyada shaqo, koox-hawleedyada (case team), fuliyaasha iyo shakhsiyaad kasta oo ka  tirsan qaabdhismeedyada dawlada deegaanka heerarkooda kala duwan, islamarkaana lagu abaal mariyo kuwa iyagu natiijooyinka fiic-fiican ka keena ka midho-dhalinta istaraatiijiyadaha iyo yoolalkii u degsanaa ee loo xilsaaray fulintoodada. komoshineerka ayaa ku booriyay shaqaalaha komishinka ka hortaga musuqa DDSI in ay noqdaan kuwa ka midho dhaliya qorshayaasha horumarineed ee u dajisan komishinka islamarkaana noqdaan kuwa sii xoojiya tilmaamaha iyo hab raacyada anshax ee mas’uulinta iyo shaqaalaha dawlada looga baahan yahay in ay raacaan islamarkaana dabagal lagu sameeyo dhaqan galintooda iyo sidoo kale in gacan laga siiyo diyaarinta hab raacyada lagaga hortagayo musuqa  marka la soo codsado.

Shir Qiimayn ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxbarashada DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 26ka January 2017. Shir qiimayn ah oo ay kasooqaybgaleen dhamaan shaqaalaha geedisocodyada kaladuwan ee xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana uu shirgudoon ka ahaa Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadam Mahad ayaa si habsami leh uga qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, shirkan ayaa waaxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadam Mahad oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay qiimayn la iskula xisaabtamayo waxqabadka shaqsi kasta oo xafiiska kamid ah iyadoo shaqaalaha kale ee xafiiskuna ay u soo dhigayaan dhaliilaha uu leeyahay. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in la isku qiimaynayo dhinaca waxqabadka, shaqowanaaga, ilaalinta saacadaha shaqada, kamidho dhalinta qorshayaasha gaagaaban iyo qorshayaasha dhaadheer ee xafiiska uyaala, hirgainta siyaasada waxabarashada ee dalka iyo deegaankaba.

Sidookale, dhankood qaarkamid ah shaqaalihii kasooqaybgalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin shirkan qiimaynta ah ee laisku qiimaynayo iyagoo sheegay in qiimayntu ay tahay mid aad muhiim u ah.

Iskusoo wada duuboo, waxaa xusid mudan in kahor qiimaynta intaan labilaabin shaqaalaha loo soo bandhigay casharo muhiim ah oo kahadlaya nidaamka dawladnimo ee dalka ee ah developemental government, dastuurka dalka, nidaamka-federalismka iyo waliba shuruucaha kala duwan ee u yaala shaqaalaha dawlada kaasoo ah mid ifinaya qiimaynta.

Xarunta Caafimaadka Degmada Garbo Oo Sheegtay In ay Kor Uqadeen Dhanka Adeeg Bixinta Xarunta.

$
0
0

Garbo(cakaaranews) Sabti 28ka January 2017. Xarunta cafimaadka degmada Garbo ee Gobolka Nogob ayaa sheegtay in adeeg bixinta xarunta cafimaadka kor loo qaaday kadib markii maamulka xarunta iyo maamulka degmadu ay iskaashi buuxa kasameyeen dhanka wacyigalinta bulshada

Hadaba, Medical-Directorka  Xarunta Caafimadka Degmada Garbo mudane Cabdi Muxumed Yuusuf oo u waramay shabakada wararka ee cakaranews ayaa sheegay in xarunta cafimaadka degmada garbo uu meel mariyay siyaasada iyo qorshayasha cafimaadka ee u yala dalka kadib markii uu xooga saaray tayaynta nidaamka adeeg bixinta ee xarunta isagoo guulo kakeenay dabargoynta in hooyadu kudhasho gurigeeda islamarkaana hooyooyinka u mulaya ay ku u mulaan xarunta caafimaadka. Wuxuuna intaa kudaray in sidookale xaruntu ay leedahay xirfadlayaal aqoon uleh walaw ay jiraan qaar nagadhiman oo hada aan sugayno in naloo soo meeleeyo.

Medical directorka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in xaruntu ay si caadi ah uga midho dhalisay adeega EPI ee ah talaalka lasiiyo dhalaanka iyo hooyada. Iyo waliba dhamaan adeegyada loogu talagalay in xarunto u fidiso bulshada degmada Garbo. Wuxuuna carabka kudhuftay in xarunta caafimaadka ee Degmada garbo ay hoostimaado 5 Goob caafimaad oo ku kala taala qabaleyada kale ah Mugwayn,Karin- cagag, Gurumo, Ulaag iyo Xidhyare.

Ugudanbayna maareeyaha xarunta ayaa u mahadcelyay dhamaan masuuliyiinta deeganka  iyo kuwa heer degmo. Iyo waliba dhamaan bulshada degmada garbo eek u xidhan xarunta.

 

Wafti Heer Caalami ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Wardheer.

$
0
0

Wardheer,(cakaaranews), sabti, 28ka January, 2017. Masuuliyiin isugu  jira heer Deegaan, heer Gobol iyo heer Degmo oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed, wasiirka xidhiidhka arimaha  dawlada DDSI mudane Idiris Ismaaciil Cabdi, wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdiraxmaan Curaagte,  la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhanka arimaha Bani'aadminida ahna wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, gudoomiyaha gobolka Doolo mudane Maxamad Cabdi Bare iyo masuuliyiinta degmada wardheer ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada wardheer si diiran ugu soo dhaweeyay wafdi heer caalami ah  oo ay  hogaaminayeen  ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha guud ee gar-gaarka bani aadminimada mudane  Stephen O'Brien iyo  komishineerka komishinka  maareynta qatarta masiibooyinka JDFI mudane  Mitiku Kassa.

Ujeedada booqashada wafdigan heer caalami ayaa ahayd in ay soo arkaan xaaladaha bulshada ay saamaysay abaaraha ay keentay cimilada isbadashay, soo dhawayn ka dib waftigan ayaa kulan  ku la yeeshay madasha shirarka ee maamulka gobolka Doolo masuuliyiintii heer deegaan, heer gobol iyo maamulka degmada  wardheer. Kulankaasi oo la iska xogwaraystay xaalada abaaraha ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaalada abaaraha iyo dadaalada ay xukuumada DDSI  ugu jirto sidii looga samata bixin lahaa bulshada  ay abaaruhu sameeyeen soo jeediyay la taliyaha madaxwaynaha DDSI ee dhanka arimaha Bani'aadminida mudane Anwar Cali

Kulanakaas kadib, ayaa waxay booqdeen waftigan isku dhafka ah tuulada Garloogubay oo ka mid ah goobaha ay abaaruhu saameeyeen waxayna ugu tageen tuuladaasi kooxo ka socda xafiiskyada heer deegaan oo u qaybinaya  bulshada ay abaaruhu saameeyeen  Raashinka iyo cafalka xoolaha taasi oo ay  ay xukuumada DDSI  gaadhsiisay guud ahaanba degmooyinka ay abaaruhu saameeyeen  iyada oo dhinaca kale ay garab socdeen  daawaynta iyo talaalka dadka iyo duunyada, qaybinta agabka hoyga iyo maacuunta cuntada.

Wafdiga heer caalami ee ka socday qaramada midoobay ayaa aad u bogaadiyay dadaalada xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada looga samata bixin lahaa xaalada abaaraha  waxayna sheegeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan ka jawaabida baahida bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>