Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis, 5ta April 2018. Waxaa xarunta madaxtooyada DDSI ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee golaha kaabaneega DDSI oo lagaga wada hadlayay ajandayaal ay kamid ahaayeen sii xoojinta dadargalinta shaqooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban.
Haddaba shirkan golaha kaabaneega DDSI oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wuxuu madaxwaynuhu golaha kaabaneega usoo bandhigay ajandayaasha shirkan oo ahaa sii xoojinta dadargalinta shaqooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban iyo sidii loosii xoojin lahaa qaab dhismeedka xafiisyada heer gobol horay loogu daray ee sida xafiisyada Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo xafiiska CPA Kadibna golaha ayaa falanqeeyay islamarkaana fikiradooda kaladuwan ka dhiibtay, Waxaana la islaqaatay in maadaama oo uu sanadkan 2010TI uu gaba-gabo yahay la dardargaliyo shaqooyinka si looga midho dhaliyo wakhtigoodii ka horna loo dhameeyo qorshayaashii u yiilay xafiisyada kala duwan ee deegaanka.
Ugu danbayna wuxuu golaha kaabaneegu go’aamiyay in qaab dhismeedkii hore ee lagusoo kordhiyay xafiisyada heer gobol ee sida Biyaha, , Waxbarashada IYO caafimaadka ay muhiim tahay in maaliyada iyo CPA lagu daro xafiisyada heer gobol. Waxaana falanqayn iyo fikir iswaydaarsi kadib uu goluhu cod buuxa ku ansixiyay in xafiisyada maaliyada iyo CPA lagu daro qaab dhismeedka heer gobol, si looga midha dhaliyo qorshaha kobaca dhaqaale ee wareega labaad ee u yaala dalka iyo deegaankaba islamarkaana uu dalkeenu uga mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhex-dhexaadku yahay.