Dhagaxbuur,(cakaaranews), khamiis, 2da November, 2017. Masuuliyiin isugu jira maamulka gobolka jarar iyo maamulka magaalada dhagaxbuur oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi ayaa soo kormeeray geedi socodka shaqo ee iskaashatooyinka dhalinyaradii maamulka magaalada dhagax buur ee dhawaan shaqo abuurka ay u samaysay xukuumada DDSI.
Masuuliintan ayaa si wada jir ah u soo kormeeray xarumaha ay iskaashatooyinku ka wadaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo wax soo saarka beeraha sida xarumaha naaxinta xoolaha, xarunta wax soo saarka digaaga iyo waliba iskaashatooyinka ku hawlan wax soo saarka beeraha. Iskaashatooyinkaasi oo goobo ka haboon naaxinta xoolaha iyo wax soo saarka beeraha looga sameeyay.
Waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo sheegay in ujeedada booqashadan masuuliyiintu tahay sidii ay u soo indha indhayn lahaayeen geedi socodka ganacsiga iyo wax soo saarka iskaashatooyinka dhawaan xukuumada DDSI u samaysay shaqo abuurka si loo tir tiro saboolinada loona gaadha wadama shaqaalahoodu meel dhexaadka yahay iyo isku filnaansho dhinac kasta leh gudoomiyaha ayaa tilmaamay in uu meel fiican marayo ganacsiga iskaashatooyinka dhalinyarada ah iyo wax soo saarka beerahoodu iyada oo si casriga looga faa’iidaysanayo ganacsiga xoolaha iyo wax soo saarka beeraha oo ah nidaam casriya
Dhankiisa maayirka maamulka dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan suufi oo ka hadlay kor-meerkaasi ayaa sheegay in iskaashatooyinka dhalinyarada ee dhawaan loo sameeyay shaqo abuurku ka mid yihiin qorshayaasha, istaraatajiyadaha iyo jihooyinka lagu tir tirayo saboolnimada qaybna ka yihiin xirfadaha dhiig joojinta saboolnimada iyo hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa maayirka ayaa sheegay in ay dhalinyaradan iskaashatooyinku durba muujiyeen natiijooyinka wax soo saarka ganacsigooda wuxuuna ku booriyay in ay halkaasi ka sii wadaan dadaalkooda si looga midho dhaliyo ujeedooyinkii loogu talagalay.