Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gobolka Liibaan Iyo Shirkii Qiimaynta Rubaca 1aad Ee SM 2010

$
0
0

Doolo-Cado(cakaaranews)Axad, 29ka October 2017. Shirkii qiimaynta waxqabadka Rubaca koobaad ee SM 2010 T.I oo ay kasooqaybgaleen dhamaan maamulada 7 Degmo ee gobolka  Liibaan ka kooban yahay ayaa si habsamileh uga bilawday  hoolka shirarka ee degmada doolo-cado ee gobolka liibaan.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Liibaan mudane Cabdi Xusseen Cali oo sheegay in shirkani yahay shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca koobaad ee Sanad miisaaniyadeeka 2010.TI . wuxuuna intaa kudaray in shirkan si qoto dheer loogu eegayo Hirgalinta qorshaha 2010T.I ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad (BBC) kaasoo u yiilay degmooyinka. Wuxuuna xusay in shirkan lagu eegayo islamarkaana lagu soo bandhigayo warbixinta waxqabadka ee dhamaan degmooyina xafiisyadooda gaar ahaan xafiisyada horumarka ee Biyaha, Beeraha, Xoolaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Dhankakale, degmooyinka ayaa warbixintooda kusoobandhigayay qorshaha iyo miisanaiyad looqabtay iyo waliba waxii u qabsoomay iyo haday jiraan wax aan qabsoomin iyo sababta aysan u qabsomin.

 

Iskusoowada duuboo, qaar kamid ah amaamulada degmooyinka oo dareenkoda kahadlay ayaa sheegay in shirkani uu si habsamileh ugu siii socdo iyadoo degmooyinkuna ay khibrad kalaqaadanayaan dhankooda adag.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>