Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 28ka October 2017. Dhawaan ayay ahayd markii jaamacadaha dalka itoobiya kulan loogu qabtay magaalada assosa ee xarunta deegaanka benshaanguul iyadoo kulankaasna darajooyin iyo abaalmarin lagu bixiyay taasoo jaamacada jigjiga lagudoonsiiyay islamarkaana lasiiyay darajada 3aad. Maadaama oo ay guulo wax ku ool ah kakeentay dhanka fidinta cilmiga iyo nidaamka baris barasho ee jaamacada. Waxaana maanta jaamacada gudaheeda lagu qabtay munaasabad lagu maamusayo guusha jaamacadu ay kakeentay qorshayaashii u yiilay.
Hadaba, munaasabadan ayaa waxaa kasooqaybgalay madaxda ugu saraysa jaamacada, shaqaalaha kaladuwan ee jaamcada, macalimiinta, ardayda iyo martisharaf kale. Waxaana munaasabad lagu soo bandhigay himilooyinka iyo hadafka jaamacada. iyadoo abaalmarina lagu gudoonsiyay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim.
Dhankakale, madaxwayanaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in abaalmarin lagudoonsiiyay jaamacada jigjiga darajada 3aadna ay heshay jaamacadu jaamacadaha looyaqaano 2nd generation ee ah 13ka jaamacdood ee isku marka la aasaasay ee ay kamid tahay jaamacad jigjiga. Wuxuuna intaa kudaray in guushan ay jaamacdu heshay ay sabab u yihiin dhamaan maamulka jaamacada, shaqaalaha, macalimiinta iyo ardayda
Ugudanbayna, qaar kamid ah macalimiinta iyo shaqaalaha oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsanayihiin darjadan jaamacad lasiiyay islamarkaana dadaalkooda ay sii labo jibaarayaan.