Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ceelwayne iyo Dhalinyarta Iskaashatooyinka La isuguxidhay Oo la Gudoonsiiyay Lacagihii Daynta Ahaa

$
0
0

Ceelwayne (cakaaranews)Jumce, 27ka October 2017. Shir balaadhan oo ay kasooqaybgaleen dhamaan dhalinyarta shaqo abuurka loosameeyay ee degmada ceelwayne ee gobolka nogob islamarkaana ujeedadiisu tahay sidii iskaashatooyinka dhalinyarada ah loo gudoonsiin lahaa lacagihii daynta ee ay xukuumadu ugu talagshay ayaa  kadhacay degmada ceelwayne.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Aadan Axmed  oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay mid dhainyarta iskaashatooyinka ah ee xarunta gobolka nogob ee degmada ceelwayne  lagu gudoonsiinayo lacagahii daynta ah ee xukuumadu shaqo abuurka ugu samaysay. Wuxuuna intaa kudaray in ujeedooyinka laga rabo dhalinyartan ay tahay in iyagu ay noqdaan ku iskufilan oo noloshooda iyo nolosha gobolkaba wax kaga badala.

Sidookale Kusimaha gudoomiyaha degmada ceelwayne mudane khaliif baytufure iyo Maareeyaha microfinancega degmada garbo mudane cabdiqaadir khadar ismaaciil oo dhankooda kahadlay ayaa sheegay in maanta in dhalinyartani ay heshay nasiib badan oo aysan helin dhalinyartii kahoraysay islamarkaana looga baahan yahay in doorkooda ay kasobaxaan oo ay kamidho dhaliyaan shaqooyinkoda.

Iskusoowada duuboo, shaqo abuurka dhalinyarta deegaanka ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ayaa ah kuwo isugu xidhan iskaashatooyin islamarkaana isugu jira noocyada beeraha naaxinta-xoolaha, digaaga, warshadaha yaryar, cunto karinta iyo waliba dhismaha.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>