Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 26ka, October, 2017. Waxaa maanta si qurux badan uga furmay madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI shirwaynihii 9aad ee wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga shacabwaynaha DDSI iyo xukuumada DDSI ee sanadka 2010TI kaasi oo ah shir sanadii laba jeer ka qabsooma deegaanka. Waxaana, ka soo qayb-galay Shirkan mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha wasiirada DDSI,hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka, ergooyinka ka kala socda dhamaan gobolada DDSI, Maamul magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka kuwaasi oo isugu jira odayaasha , haweenka, dhalinyarada iyo marti sharaf kale.
Haddaba, waxaa Shirwaynahan wadatashiga iyo xog-iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka DDSI si rasmiya saaka u furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii ugu mahad naqay ergooyinkan ka soo qaybgalay shirkan sheegayna in ujeedada shirkani tahay sidii xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabku uga tashan lahaayeen dar-dargalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban iyada oo laga waayo aragnimo qaadanayo geedi socodka qorshayaashii horumarineed ee sanadkii ugu dambeeyay islamarkaana la eegayo kaalinta xukumada iyo kaalinta shacabku leeyihiin hirgalintooda madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in mudada uu shirkani socdo lagaga tashan doono sidii loo sii xoojin lahaa hawlaha nabadgalyada islamarkaana dareen foojigan looga yeelan lahaa fikirada cidhiidhiga ah ee argagixisada iyo xagjirnimada ee gabaadka ee gabaadka looga dhiganayo diinta islaamka madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay dhibaatadii ay argagixisadu ka gaysatay dalka aan jaarka nahay ee soomaliya falkii foosha xumaa ee lagu gumaaday shacabkii ee aan waxba galabsan.
Madaxwaynaha DDSI oo sii wata hadalkiisa ayaa ka warbixiyay qorshaha, tabaha iyo xeeladaha tir tirayo saboolnimada gaar ahaan shirkada tabac iyo maal (MT) oo ah shirkad dhawaan la aas aasay hirgalinteeda taasi oo wax-wayn ka qabanaysa la dagaalanka saboolnimada iyo shaqo la aanta, madaxwaynaha ayaa sidoo sheegay in mudada uu shirkani socdo lagaga tashandoono sidii kaalin mug leh ay shacabka iyo xukuumada DDSI uga qaadan lahaayeen taakulaynta shacabka soomalida ah ee laga soo barakiciyay deegaanka oromada ee ay xukumada DDSI u samaysay dib u dajinta. Shirkan wadatashiga shacabka iyo xukuumada DDSI ayaa ka sii socondoona maalmaha soo socda hoolka shirarka ee kaalin xarunta madaxtooyada DDSI.