Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qalabka Nidaamka Maaraynta Dugsiyada Oo Lagu Wareejiyay Dugsiga Hoyga Agoonta Ee jigjiga iyo Dugsiga Hoyga Agoonta Fiiq

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 14ka October 2017.Xafiiska adeega-shacabka iyo horumarinta cududa haqaalaha DDSI ayaa Barnaamijka nidaamka maaraynta ee looyaqaano school management system kuwareejiyaydugsiyada hoyga agoonta ee magaalada jigjiga iyo dugsiga hoyga agoonta ee fiiq. kaasoo loogu talagalay kaydinta iyo shaqada xogta ardayda, shaqaalaha iyo macalimiinta.

Hadaba, Wsiir kuxigeenka Xafiiska Adeega shacabka iyo Horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane  xasan aadan xasan oo kulankan kahadlay ayaa sheegay in softwerekan uu yahay school management system islamarkaana ay iskudubarideen shaqaalaha waaxda ICT ee xafiiska, waxaan loogu talagalay 2da dugsi ee kala ah dugsiga hoyga agoonta jigjiga iyo dugsiga hoyga agoonta ee fiiq.

Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay Gadh-wadeenka G/S Horumarinta isgaadhsiinta iyo xogaha casriga ah (ICT) mudane Cabdikhadar Caaqil Colaad oo sheegay in barnaamijkan ay horumariyeen geedisocodka ICT ee xafiiska islamarkaana uu yahay barnaamij muhiim u ah dugsiyada oo kacaawinaya dhanka shaqadooda sida kaydinta xogaha iyo dhamaan macaluumaadka laxidhidha ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha.

 

ugudanbayna, waxaa iyana kahadlay maareyayaasha 2 dugsi ee hoyga agoonta fiiq iyo jigjiga oo sheegay in qalabkan iyo barnaamijkani uu uleeyahay faa’iido badan oo waxkataraya dugsiyadooda waxayna u mahadceliyeen xafiiska adeega-shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI masuuliyiintiisa iyo shaqaalihiisaba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>