Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wafti Heer Caalami Ah Oo Lagusoo Dhaweeyay Magaalada Godey

$
0
0

Godey(cakaaranews)Khamiis 12ka October 2017. Wafti heer caalami ah oo ay horkacayso safiirka wadanka Airland u fadhiya dalkeenan Itoobiya ayaa si wayn loogu soodhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada godey iyadoo waftigana ay sidiiran usoodhaweeyeen masuul heer deegaan ah iyo waliba masuuliyiin heer gobol ah.

waftigan oo ay garoonka diyaaradaha ee magaalada kusoodhaweeyen wasiirkuxigeenka xafiika kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane anwar cali, wasiir kuxigeenka xafiiska khayraadka biyaha DDSI mudane cabdixaliim, gudoomiye kuxigeenka gobolka shabeele mudane nuur xayir iyo waliba qaarkamid ah masuuliyiinta maamulka magaalada godey.

Hadaba, sodhawayn kadib ayaa waxaa waftigu booqday islamarkaana ay soo kormeereen abaarti deegaanka kudhuftay iyo sidii loola tacaalay iyo waliba gargaarkii laga bixiyay gaar ahaan deeqdii ay bixiyeen wadanka Airland ee ay soomariyeen hay’adaha gargaarka, dhankakale waftiga iyo masuuliyiintii soodhawaysayba ayaa booqday goobaha adeeg bixinta ee Gobolka shabeele sida adeega caafimaadka iyagoo booqday hospitaalka magaalada godey, xarunta caafimaadka ee magaalada godey, cadaadle iyo beercaano. Kuwaasoo dhamaantood ay u kuurgalayeen nidaamka adeegbixntooda.

Dhankakale waftigan ayaa booqday mashaariicaha sanadkan ay xukuumadu qaadatay ee Biyo, baad, beer, cilmi iyo caafimaad ee loogu talagalay tirtirida saboolnimada iyagoo soo indho indheeyay xerada naaxinta xoolaha ee degmada Elele iyo waliba biyo galinta solorka kushaqaysa ee laga fuliyay qabalaha  Bacaad ee degmada godey.

Ugudanbayna, waftiga oo dareenkooda kahadlay kadib markay kormeerkoodii dhamaysteen ayaa sheegay in ay aad uguriyaaqeen dhanka soodhawaynta iyo horumarkan xawliga kusocda ee deegaanka waxayna balan qaadeen dhankooda in ay siixoojinayaan iskaashiga balaadhan ee kadhaxeeya wadanka itoobiya gaar ahaan DDSI.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>