Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 5ta October 2017.Tababar kusaabsan shaqo abuurka dhalinyarada iyo waliba kamid noqonshaha shirkada Tacab iyo Maal islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhalinyar kakalayimid degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa si habsamileh uga qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Hadaba, tababarkan ayaa waxaa kahadlay Wasiirka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdi-mahad Maxamed Cabaase oo sheegay in tababarkan dhalinyarada lagu bari doono xirfado kaladuwan sida cunto-karinta, qurxinta-dumarka (beauty salon), noocyada kaladuwan ee dhismaha, electrics, darawalnimada, furnitureska iyo waliba xirfado kale oo muhiim ah. Wuxuuna wasiirku kuladardaarmay in kaqaybaglayaashu inta uu tababarku socdo sifiican ubartaan casharada si tababarku markuu u dhamaado ay u noqdaan kuwonatiijo kakeena shaqadooda iyo waliba shirkada Tacab iyo Maal.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Sidookale, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo isna dhankiisa kahadlay ayaa soojeediyay hadalo muhiim ah isagoo sheegay in xukuumada deegaanku ay qaadatay qorshayaal badan oo kaladuwan kuwaasoo lagu tirtirayo saboolnimada. Iyadoo shikada Tacab iyo maal ay midkatahay qorshayaashan lagulahalgamayo saboolnimada.. Wuxuuna xusay in dhalinyartani ay yihiin dhalinyartii nasibka u yeelatay kamid noqonshaha shirkada Tacab iyo Maal kuwaasoo kakalyimid dhamaan deegaanka qaybihiisa kaladuwan. Wuxuuna tilmaamay in tababarkan dhalinyarta lagusiin doono casharo laxidhiidha xeerhoosaadka iyo shuruucda shirkada tacab iyo maal iyo waliba casharo laxidhiidha dhamaan xirfadaha kaladuwan ee muhiimka ah. Wuxuuna carbka kudhuftay in ay aad muhiim u tahay in sifiican ay dhalinyartu uga faa’iidaystaan tababarka
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhankakale, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax warmooge oo isna tababarkan kahadlay ayaa sheegay in tababarkani kamid yahay qorshayaasha xukuumadu u qaadatay tirtirida shaqo la,aanta islamarkaana deegaanku kagabaxayo saboolnimada. Wuxuuna xusay in saboolnimada oo laga baxao ay tahay in shaqo iyo waxsoosaar laga helo qofkasta oo deegaanka udhashay.
Ugudanbayna, dhalinyartii kasooqaybgashay tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan loo qabtay iyo waliba aasaasida shirkadan tacab iyo maal (TM) oo ah shirkad aad muhiim u ah, taasoo ay rajaynayaan in sal unoqoo tirtirida saboolnimada.