Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Gobolka Qoraxey iyo Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Oo Kadhacay Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 4ta October 2017.Waxaa si habsami leh uga furmay xarunta Gobolka qoraxey ee magaalada Qabridahar Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca koobaad ee qorshaha Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimad(BBC) ee sanad miisaniyadeedkan 2010 T.I islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan maamulada degmooyinka hoosyimaada gobolka qoraxay.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah oo uu shirgudoon ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf ayaa sheegay in shirkan ay kasooqaybagleen dhamaan degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka qoraxey islamarkaana la iskuqiimaynayo waxqabadka qorshaha BBC ee rubaca 1aad ee sanad miisaaniyadeedkan 2010T.I. Wuxuuna intaa kudaray in degmo kasta ay soo jeedinayso warbixinta waxqabadkeedii rubaca koobaad wixii qabsoomay iyo waliba hadii uujiro waxaan qabsoomin iyo sababta uusan uqabsoomin.

Ugudanbayna, gudoomiyaha ayaa sheegay in shirkani yahay mid xooga lagu saarayo xafiisyada horumarka ee Biyaha, beeraha, xoolaha, caafimaadka iyo Waxbarashada, lasikulana  xisaabtamayo qorshaha rubaca 1aad ee 2010T.I iyadoo degmooyinka liita  ay khibrado kaqaadanayaan degmoooyinka fiican.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>