Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 2da October. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan cid kastoo ka qaybqaadanaysa taakulaynta iyo gargaarka dadkii soomalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada in gudigii taakulaynta iyo gargaarka barakacayaasha ay xafiis ka furteen xafiiska xarunta dhexe XDSHSI.
Hadaba waxaa cid kastoo ku sugan dalka ama deegaanka gudihiisa islamarkaana lacag ku shubay accountiyada la ogaysiinayaa in ay rasiidada ay lacagaha ku shubeen keenaan xafiiska ay gudidu ka furteen xarunta dhexe XDSHSI. Sidoo kale cida wada lacag kaash ahna ay keenaan isla xafiiska xarunta dhexe ee XDSHSI.