Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubicii 1Aad Ee Degmooyinka Gobolka Jarar oo Furmay

$
0
0

dhagaxbuur(cakaaranews) axad, 1da  October 2017, Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 1,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka gobolka jarar ayaa ka furmay  madasha  shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.

Shirkan  qiimaytan   diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka iyo maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamunta maamulka gobolka jarar oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan  iyo masuuliyiinta maamulada dhamaanta degmooyinka hoos yimaada gobolka jarar,

Furitaankii shirkan  qiimaynta ah  ayuu gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali mataan   si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada kulanka qiimaynta ah isaga oo sheegay  qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka  oo ah kuwii heer deegaan lagasoo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada u qorshaysnaa labadaba sida:  qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casiyo oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cadcadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 1aad ee maamulada degmooyinka maamulka gobolka jarar

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>