Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga,(cakaaranews), Sabti, 30ka September, 2017. Kulan balaadhan oo deeqo iyo taakulayn loogu uririnayay dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u dajinta ugu samaysay tuulada qoloji ayaa ka qaybsoomay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka ee jigjiga.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Kulankaasi oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta reer guuraga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamed, iyo gudoomiyaha gudiga abaaraha iyo soo barakacayaasha mudane Khadar Macalin cali ayaa waxaa ka soo qaybgalay, golaha wasiirada DDSI,masuuliyiinta wakaaladaha iyo shirkadaha DDSI, ganacsatada kala duwan ee heer deegaan iyo hantiiyalaasha deegaanka.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Waxaana, ugu horayntii ka hadashay kulankaasi madaxwayne ku xigeen ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Sucaad Axmed faarax oo ka warbixisay ahmiyada kulankan iyada oo sheegay in ay tahay sidii deeqo, taakulayn iyo gar-gaar loo gaadhsiin lahaa dadkii soomalida ahaa ee ka soo baracakay gudaha deegaanka oromiya kuwaasi oo ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo taakulayn lahaa bulshadan soo barakacday islamarkaana hab nololeed-kooda looga dhigilahaa mid tagan madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay ganacsatada, hantiilayaasha shirkadaha kala duwan ee deegaanka, ha’yadaha dawlada iyo shaqaalaha dawlada looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka gaystaan gargaarka iyo taakulanta la gaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromada.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankan madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamuud iyo gudoomiyaha gudiga abaaraha iyo soo barakacayaasha mudane khadar macalin cali ayaa ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay kulankani waxayna sheegaan in loo baahan yahay in siwada jir ah layskaga kaashado gar-gaarka iyo taakulaynta la gaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromada.
Kulankan ayaa intii uu socday waxay masuuliyiinta ka socotay laamaha dawliga ah, wakaaladaha, shirkadaha, ganacsatada iyo hantiilayaasha DDSI ugu deeqaan dadkan soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada islamarkaana ku uririyeen intii uu kulankani socday in ka badan aduun lacageed oo dhan 40 millyan oo birr.