Dhagaxmadaw(Cakaaranews)Sabti 30ka September 2017.Shirar kaladuwan oo kusaabsan abaabulka waxbarashada iyo sidii loodiwaangalin lahaa ardayda da’da waxbarashada gaadhay ayaa kaqasoomay degmada dhagaxmadaw iyo waliba qaar kamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada iyadoo abaabulkana ay fulinayeen Koox kasocotay xafiiska waxbarashada DDSI.
Hadaba, shirarkan abaabulka ah ayaa waxaa kawarbixiyay marwo Maryan Cabdulaahi Warsame oo ah madax kooxdka kooxda fulinaysay shirarkan abaabulka ah ee kasoctay xafiiska waxbarashada DDSI ayaa sheegtay in sifiican ugu qabsoomeen shirarka kusaabsan abaabulka waxabarashada islamarkaana ay isugu yimaadeen dhamaan waalidiinta iyo maamulka degmada dhagaxmadaw iyo waliba qaarkamid ah tuulooyinka hoosyimaada oo kasoo sameeyeen shirar kaladuwan. Waxayna xustay in shirarkan si wayn loogaga hadlayay dhanka diwaangalinta waxbarashada ardayda dadoodu gaadhay, diwaangalinta waxbarashad dadka waawayn, iyo waliba diwaangalinta ardayda baahida gaarka ah qabta.
Sidookale, mudane Cabdulaahi Muxumed Cabdi oo isna kahadlay kulamadan ayaa sheegay in kooxdani ay kasocoto xafiiska waxabarashada DDSI islamarkaana ujeedadoodu tahay in dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar ay kasmeeyaan abaabul balaadhan oo ah dhanka waxbarahsda ee sanad dugsiyeedkan 2010. wuxuuna intaa kudaray in kooxdu ay tababar uqabatay macalimiinta degmada dhagax madaw kaasoo kusaabsan tayaynta waxbarashad iyo diwaangalinta ardayda.
Iskusoowada duuboo, waxaa dhamaan gobolada kasocda shirar kaladuwan oo ah abaabulka waxbarashada sanad dugsiyeedkan 2010.