Harta-sheekha,(cakaaranews), sabti, 14ka, October, 2017. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 1,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka maamulka gobolka faafan ayaa ka furmay madasha shirarka ee harta-sheekh ee degmad qabribayax
Shirkan qiimaytan oo diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka faafan gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaa ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamunta maamulka gobolka faafan oo uu ugu horeeyo ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane axmednuur siyaad cabdi
Furitaankii shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolka faafan mudane Axmednuur Siyaad Cabdi si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada shirkan qiimaynta ah isaga oo sheegay in qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka gobolkan faafan oo ah kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada u qorshaysnaa labadaba sida: qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casiyo oo lagu hirgalinayo qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa oo ah islamarkaana ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.
Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 1aad ee maamulada degmooyinka maamulka gobolka faafan.