Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Soo Dhawayn Balaadhan Oo Loo Sameeyay Ardaydii Waxka Baran Jirtay Jaamacada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 10ka, October, 2017. Waxaa caasimada deegaanka ee jigjiga siwayn loogu soo dhaweeyay ardaydii waxka baran jirtay jaamacada jigjiga ka dib markii ay soo dhamaysteen  fasaxii lixiga  waxbarashada kuwaasi oo ka kala socday dhamaanba deegaanada dalka  iyo  2da ismaamu magaalo ee dalkeena itoobiya.

Waxaana si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay ardaydan duleedka caasimada deegaanka ee jigjiga masuuliyiinta iyo shaqaalaha  jaamacada jigjiga oo ay ugu horeeyaan labada madaxwayne ku xigeen ee jaamacada jigjiga, masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga, culimo awdiin diimaha kala duwan, odayaal dhamameedka deegaanka iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga .

Waxaana soo dhawayntii ka dib la hadlay ardaydan madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga  mudane Ilyaas Cumar oo sheegay in ay maanta tahay maalin farxad leh oo ay ku soo noqdeen jaamacada jigjiga ardaydii mudada labada bilood fasaxa  ku maqnaa  madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga ayaa sheegay in guud ahaanba jaamacadaha dalku hadda bilaabayaan waxbarashadii sanadka 2010TI wuxuuna kula dar-daarmay in ay dadaal xoogan saaraan waxbarashahooda maadaama oo ay yihiin mustaqbalka dalka iyo cududa aqooneed ee hirgalinaysa qorshayaasha horumarineed ee uu dalka u dajisan.

Dhankooda culimada diimaha kala duwan  ee soo dhaweeyay ardaydan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin soo dhawaynta ardaydan waxayna ku booriyeen in ardaydan looga baahan yahay in ay ka midho dhaliyaan aqoonta ay baranayaan si ay kaalin mug leh uga qaataan taaba galinta qorshayaasha horumarka dalka.

Sidoo kale qaarka mid ah ardaydan lagu soo dhaweeyay jaamacada jigjiga ayaa sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxan yihiin soo dhawaynta balaadhan ee loo sameeyay waxayna sheegaan in soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee loo sameeyay ay ku dhiira galinayso ka midho dhalinta waxbarashadooda.

Ugu dambayntii waxaa la filayaa in ay ku soo xeroodaan hadda jaamacada jigjia arday ka badan 8kun oo arday kuwaasi oo ka kala iman doona dhamaanba deegaanada dalka iyo ismaamulada magaalooyinka dalkeena itoobiya 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>