Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 1da October 2016. Maareeyaha wakaalada biyaha ee maamulka magaalada jigjiga mudane Kaafi Muxumed Cumar ayaa mar ay saaka shabakada wararka ee Cakaaranews kubooqatay xafiiskiisa uga warbixiyay qaab-shaqeedka wakaalada iyo waxqabadka balaadhan ee ay sanadihii udanbeeyay kasoo hoyisay dhanka biyo-galinta magaalada jigjiga isagoo kafaalooday qorshaha wakaalada sanadka cusub ee 2009TI udajisan.
Maareeyaha oo ugu horayn kawarbixiyay qaab-shaqeedka wakaalada ayaa sheegay in wakaaladu ay kakooban tahay 4 waaxood oo waa wayn oo si toos ah ushaqeeya islamarkaana leh cudud shaqaale oo dhamaystiran oo gaadhaysa 177 xubnood. Kuwaas oo si dhaga-nugul ugu adeega bulshada islamarkaana kukala madhaban xaafadaha ay magaaladu kakooban tahay, heegana u ah saacad kasta fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha wakaalada uyaala iyo waliba u adeegida shacabka magaalada isagoo tirada guud ee ceelasha magaalada kusheegay inay yihiin 32 ceel. Kuwaas oo 22 kamid ah ay magaalada gudaheeda kuyaalaan meesha 3 kamid ah 10ka kalana ay kuyaalaan tuulada feedha-cad, 7da hadhayna laga qoday qabalaha waaji. Wuxuuna intaa kudaray, in biyo-qaybinta magaaladu ay yihiin labada kayd ee waa wayn ee kala ah kaydka biyaha garab-case oo qaada 3,000 m3 iyo kaydka biyaha dudahido oo qaada 1,000m3.
Hadaba mar aan wax kawaydiinay dhinaca waxqabadka wakaalada ee ku aadan biyo-galinta magaalada iyo qorshaha uyaala sanadkan cusub ayuu maareeyuhu kujawaabay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2008TI ay wakaaladu biyo-galisay xaafadaha magaalada ee 1,aad, 2,aad, 4,aad, 8,aad, 9,aad, 6,aad, 10,aad, 12,aad, 15,aad iyo 16,aad oo ahaa meelaha ay dhibaatada ba’an ee biyo la’aantu kajirtay. Taasoo kadhigan in 60% baahida biyaha ee magaalada ladaboolay meesha sanadkan cusub ee 2009TI ay qorshaysan tahay in loo biyo-galiyo in kabadan 3,000 kun oo qoys oo kunool xaafadaha 7,aad iyo 18,aad. Maareeyaha ayaana kunuux-nuuxsaday in wakaaladu ay haysato dhamaan qalabka biyo-galinta iyo waliba laboratoryga biyaha lagu baadho oo casri ah sida: Photo-meter, Conductivity, PH meter, Turbudity, Incubator, Inergaser iyo Test tube oo si loo helo biyo-nadiif ah intay meel saartay nidaamka baadhista biyaha ee magaalada jigjiga ay hay’adaha dawliga ah, kuwa aan dawliga ahayn iyo qandaraaslayaashaba kacaawiso testgaraynta biyaha. Taas oo uu kutilmaamay mid lagaga dayan karo.
Iskusoo wada duuboo, maareeyaha ayaa qeexay in dakhliga kasoo xarooda saacadaha isticmaalka biyaha ee qoysaska magaalada jigjiga ay wakaaladu si sharciga waafaqsan ugu isticmaasho mushaarka iyo habeen-dhaxa shaqaalaha, shidaalka gaadiidka iyo ka matoorada ceelasha, dayactirka matoorada, ceelasha, gaadiidka, soo iibinta qalabyada kaladuwan ee biyaha iyo xafiiskaba, guryaha waardiga iyo waliba agabka waardiyeyaasha oo dhamaystiran.
Ugudanbayna, maareeyaha ayaa umahadceliyey hogaaminta xukuumada DDSI, XDSHSI iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah oo dadaal balaadhan ugalay sidii ay gaar ahaan bulshada magaalada jigjiga uheli lahayd biyo-nadiif ah oo kufilan islamarkaana kuguulaystay isagoo khaasatan mahad iyo amaan balaadhan usoo jeediyay xafiiska horumarinta biyaha, macdanta iyo tamarta DDSI.