Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Qalabka 'ICT'ga Oo Lagaadhsiiyay Qaarkamid Ah Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka DDSI

$
0
0

Qabridahar(cakaarnews)Arbaco, 20ka September 2017. Sida lawada ogsoon yahay shaqo abuurka bulshada loo samaynayo gaar ahaan dhalinyarada ayaa ah xeeladaha uu dalku u qaatay tirtirida saboolnimada maadaama oo cadawga koobaad ee dakeenu leeyahay ay tahay saboolnimada. si taasi loo afjaro ayaa waxaa xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI oo kaduulaya qorshayaashiisa uu dhankiisa gaadhsiiyay Qalabka ICTga  qaarkamid ah Maamul magaalooyinka iyo degmooyinka DDS.

Hadaba, Gadh-Wadeenka G/S Horumarinta Isgaadhsiinta iyo xogaha casriga ah (ICT) ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI  mudane Cabdikhadar Caaqil Oo sheegay in qalabka ICTga oo ka kooban computerada desktopka ah, photo-copy, scaneers printers, kuraastii, miisaskii iyo qalabkale ay gaadhsiiyeen magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey iyo waliba degmooyinka kal ah Shiniile, Mooyaale, Jarati, Doolo-cado iyo Wardheer. Wuxuuna intaas kudaray agaasinku in ujeedada qalabani yahay in ururada dhalinyarta ah shaqo abuur loogu samaynayo iyadoo loo samaynayo goobaha ictga ee looyaqaano (community centers) kuwaasoo ah goobo lagu barto cilmiga ICT oo ay dhalinyartu iska leedahay. Wuxuuna tilmaamay in ay faa’iido badan kahelayaan oo isugujirta cilmi iyo waxsoosaar labada. Wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarta in qalbkan ay ilaashadaan islamarkaan sida loogu talagalay u isticmaalaan.

Dhankakale, Madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka Caruurta iyo Dhalinyarada MM Qabridahar marwo Sucaad Khadar oo dhankeeda kahadashay ayaa sheegtay in qalabkani yahay mid aad faaiido ugu leh dhalinyarta magaalada qabridahar islamarkaana ay ilaashanayaan oo ay u isticamaalayaan sidii loogu talagalay.

Iskusoowada duuboo, qalabkan ICT ga ee dhalinyarta shaqo abuurka loogu samynayo ayaan ahayn markii ugu horaysay ee lagaadhsiiyo degmooyinka iyo maamul magaalooyinka iyadoo wakhtiyo kale oo kaladuwan lagaadhsiiyay qaar kamid ah degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka deegaanka.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles