Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan kusaabsan Xalinta Khilaafkii Kadhashay Xuduudka Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada Oo Kadhacay Caasimada Adhisababa

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews) Isniin 18ka September 2017. Kulan kusaabsan xalinta Khilaafkii kadhashay xuduuda ay wadaagaan 2da deegaan ee soomalida iyo oromada oo uu shirgudoon ka ahaa Raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn oo uu waheliyo wasiirka wasaarada arrimaha federaalka iyo hor-bulshada xooladhaqatada mudane Kabade Jaana islamarkaana ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwaynaha oromada iyo waliba odayaal dhaqameedka 2da deegaan ayaa kaqabsoomay xarunta dalka ee magaalada Adhisababa.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Raisal wasaaraha JDFI mudane Haila-mariam deselign oo ugu horayn sheegay in uu aad uga tiiraanyaysan yahay qalbijabka dhacadadii foosha xumayd ee sababatay naf iyo maalba islamarkaana tacsi tiiraanyo leh udirayo bulshadii ay soogaadhay dhibaatadaas fooshaxun ee kadhacday magaalada awaday iyo hareeraheeda.wuxuuna intaa kudaray Raisal-wasaaruhu in uu aad iyo aad u canbaaraynayo dadkii sida foosha xun ugu laayay dadka  magaalada awaday. Raisal-wasaaraha oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in dawladu sharciga kusoodabaali islamarkaana ay nabad buuxda kadhalin doonto goobihii ay rabsahaduhu kadheceen, iyadoo ay dawalada federaalku si qoto dheer ugu kuurgali sababta arrintan fooshaxun dhalisay iyo dadkii kadanbeeyay sharcigana la horkeeni. Wuuuna carabka ku adkeeyay in sabab kasta oo ay kadhalataba dhacadadan foosha xumi ay sharci daro tahay in dad la laayo oo waliba si axmuqnimo ah loolaayo sida ugu dhakhsaha badana sharciga loo horkeeni cidkasta oo ku lug lahayd masiibadan. Wuxuuna hadalkiisii kugabagabeeyay in warbaahinada 2da dawlad deegaan ay joojiyaan waxyaanbaha kicinaya bulshada.

Ugudanbyna,  odayaal dhaqameedkii kasocotay deegaanka soomalida iyo deegaanka oromada ayaa iyana dhankooda kahadlay kulankan oo sheegay in deegaanka soomaalaida iyo deegaanka oromadu ay yihiin 2 deegaan oo daris ah oo wadaaga dhaqan, dhalasho iyo diin intaba islamarkaana ay muhiim tahay nabada iyo wada noolaanshaha 2da deegaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>