Filtu(Cakaaranews) Talaado 29ka August 2017. Tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee hay’adaha cadaalada iyo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay degmooyinka gobolka liibaan ayaa ka qabsoomtay degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan.
Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadalay gudoomiyaha gobolka Liibaan mudane Cabdi Xuseen iyo Madaxa xafiiska maamulka garsoorka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmednuur Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku iyaga oo sheegay in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka liibaan kaasi oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu.
Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta xuquuqaha aadamaha iyada oo ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha haweenka iyo caruurta. Iyagoo tababar qaatyaasha ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.
Sikastaba ha ahaatee tababarkan ku saabsan sidii loosii xoojin lahaa ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu ayaa ah mid ka socda dhamaan gobolada deegaanku uu ka kooban yahay.