Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 11ka, August, 2017. Kulan looga hadlayay sidii bangiyada ka hawlgala deegaanka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen horumarinta nidaamka warshadaha islamarkaana kaalin uga gaysan lahaayeen hirgalinta qorshayaasha kala duwan ee lagu horumarinayo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka iyo sidii ay bangiyadu uga qayb qaadan lahaayeen hirgalinta barmaamijka guriyaynta macalimiinta deegaanka ayaa ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga.
Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka ganacsiga gaadidka iyo warshadaha DDSI mudane Ahmed Shugri, iyo wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur iyada oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday bangiyada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawlgala xarunta deegaanka ee jigjiga.
Kulankan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri Cabdi oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin-lahaa hirgalinta nidaamka warshadaynta DDSI loona xalin lahaa carqaladaha ku iman kara nidaamka maaliyadeed ee lagu hirgalinayo warshadaha iyada oo la soo bandhigayo dasaaraad la sameeyay loo lagu xalinayo carqaladaha jiray taasi oo loo baahan yahay in ay bangiyadu dar dargaliyaan ka faa’iidaysiga lacagaha loogu talagalay in ay uga qayb-qaataan dhinaca horumarinta warshadaha nidamkaasi oo suurta galinaya in ay hantiilayaashu iyo ganacsatadu ka qaybka qaataan hirgalinta nidaamka warshadaha wasiir ku xigeenka ayaa sheegay si loogu guulaysto nidaamka warshadaha oo ah qorshaha deegaanka iyo dalku ku rabo in wax soo saarka beeraha lagu-hago warshadaha taasina lagama maarmaan u tahay iskaashiga hay’adaha dawliga, hantiilayaasha, iyo bangiyada. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi u daray in kulankan looga hadli doono sidii ay bandhiyadu doorkooda uga qaadan lahaayeen hirgalinta guryaha loo dhisayo macalimiinta deegaanka.
Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankan wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska waxbarashada DDSI ugu jiro taaba galinta tayada waxbarashada iyo guulaha laga soo hooyay kor u qaaditaanka tayada waxbarashada heerarkeeda kala duwan wasir ku xigeenka ayaa sheegay in sanadkan xooga 2010TI xooga la saarayo sidii loo daboolilahaa baahida macalimiinta deegaanka islamarkaana ay xukuumada DDSI qorshe ahaan u qaataday in macalimiinta deegaanka guryo loo dhiso wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in si loo suurta galiyo qorshahaasi loo baahan yahay in ay bangiyada deegaanka ka hawlgaleen ay ka qayb-qaataan hirgalinta qorshahaasi islamarkaana bixiyaan lacag dayn bilaa ribo ah.
Dhankooda masuuliyiin ka socday bangiyada kala duwan ee ka hawlgala deegaanla ayaa soo dhaweeyay qorshahan loo soo bandhigay iyaga oo sheegay in ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan islamarkaana kala shaqayndoonaan xukuuamda DDSI hirgalinta nidaamka warshadaha iyo horumarinta adeegyada bulshada deegaanka.